Wasirka Amniga Qaranka Oo Shaqada Ka Hakiyey Taliyaha Saldhigga Xamarweyne

Date:

Muqdisho, (SONNA):-Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo muddooyinkan kormeerayey howlaha Saldhigyada Booliska ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan xilliyada habeenkii ayaa xalay wuxuu kormeer ku tegay dhowr Saldhig halkaasoo uu ku soo arkay Ciidan iyo Sarakiil heegan u ah gudashada Waajibkooda Qaran iyo qaar yar oo dayacaad howl gudasho la’aan ah ay ka muuqatay.

Taliyaha Saldhigga degmada C/casiis Dhamme Axmed Cabdullaahi Baashane  ayaa si weyn loogu ammaanay howshiisa kaasoo uu Wasiirku sheegay inuu si fiican uga soo dhalaalay, halka Taliyaha Saldhigga Xamar-weyne G/dhexe Cabdulqaadir Axmed Shire oo lagu helay howl-gudasho la’aan uu Wasiirka shaqada ka fadhiisayay, waxaana si ku meel gaar ah loogu dhiibay G/le Siidow Macallin Isaaq.

Wasiirka Amniga Qaranka ayaa sheegay in uu billowday isla xisaabtan dhab ah hay’adaha ammaankuna ay diyaar u yihiin Sugidda nabad galayada guud ee dalka taas oo ah shaqada qaranku u idmaday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...