R/Wasaare Ku xigeenka XFS oo xilka kala wareegay R/Wasaare ku-xigeenkii Hore.

Date:

Muqdisho, April 08, 2017—–Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Faderaalka ah ee Soomaaliya Mudane Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta xilkii kala wareegay Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii hore Mudane Maxamed Cumar Carteh Qaalib, kadib munaasabad ka dhacday xarunta Madaxtooyada.

Mudane Carteh ayaa u mahadceliyey dhammaan madaxdii dawladdii hore iyo Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, wuxuna sidoo kale tilmaamay in mudadii labada sano ahayd ee shaqada uu qaranka u hayay qabsoomeen howlo aad u badan isla markaana loo baahan yahay in horey loo sii ambaqaado.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii hore ayaa Intaa Kadib ku wareejiyey Ra’iisal wasaare ku xigeenka cusub Xilkii isagoona u rajeeyey inuu ku guulaysan doono howlaha horyaala maadaama uu yahay nin khibrad iyo aqoon dheeraad ah u leh arimaha Soomaaliya ka Jira.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Cusub Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xil wareejinta kadib, u mahadceliyey masuulkii xilka uga horeeyey, wuxuna kula dar-daarmay shacabka Soomaaliya iyo guud ahaan hay’addaha dawladdu in gacan buuxda lagu siiyo sidii uu waajibaadkiisa shaqo u gudan lahaa.

” Anigoo kalsooni buuxda ku qaba Mudane Maxamed Cumar waan ku faraxsanahay in wixii la soo qabtay wax ka fiican uu Ilaahay ka rajaynayo inuu dalka ka qabto iyadoo taasna noo suurta galin doono waqtiga anagoo kaashanayna Dawladeena iyo shacabka Soomaaliyee” Abukate Mahdi”

—-DHAMMAAD—

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Boliiska oo xariga ka jaray Dhismaha Dugsiga Qur’aanka Kariimka ee Gabdhaha Agoonta Boliiska

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada oo kormeer ku tagay goobaha laga qaadanayo kaarka codbixinta

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Hey’adda UNDP kala wareegay gaadiid loogu talagalay hay’adaha amniga

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shacabka Caasimadda ugu baaqay inay qaataan kaarka codbixinta

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan...