Madaxweynaha Kongo oo magacaabay Raโ€™iisul Wasaare

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqaraadiga ee Kongo, Joseph Kabila, ayaa u magacaabay Bruno Tshibala inuu noqdo raโ€™iisul wasaaraha cusub ee dawladda awood wadaagga ah.

Mr Tshibala ayaa dalka hogaamin doona ilaa iyo inta laga qabanayo doorashada madaxweynaha, dabayaaqada sannadkan.

Waxaa bishii hore laga eryey xisbiga mucaaradka ee dalka ugu weyn, UDPS, ka dib markii uu u tartamay inuu noqdo qofki beddeli lahaa hogaamiyihii ruugcadaaga ahaa, Etienne Tshisekedi, oo dhintay bishii Febraayo.

Wariyeyaashu waxay sheegayaan in magacaabista Mr Tshibala ay sii fogeynayso kala qaybsanaanta mucaaradka Mr Kabila, ka dib markii uu burburay wadaxaajood ku saabsanaa sidii uu awoodda u wareejin lahaa todobaadkii hore.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hayโ€™adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay xubno ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka...

Duqa Muqdisho oo Degamda Kaaraan maanta ka qaatay kaarka diiwaangelinta doorashada qof iyo codka ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen...