Dowladda Maraykanka oo mar kale muwaaddiniintiisa uga digay Dalka Kenya

Date:

Dowladda Maraykanka ayaa muwaaddiniinteeda ku sugan Dalka Kenya iyo kuwa u safrayaba uga digtay rabshado laga yaabo iney halkaasi ka dhacaan Bisha Augost oo ah xilliga loo madlan yahayay doorashooyinka Dalkaasi.

Hadalkan oo ka soo baxay Xafiiska arrimaha dibedda Dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in ay dhici karaan dibed baxyo nabadeed iyo mudaharaadyo,kuwaasoo isu beddeli kara rabshado ay wax kasoo gaaraan Dad u dhashay Maraykanka.

Waxaa sidoo kale digniintan lagu sheegay in sida aalaaba dhacda ay fursad u noqon karto canaasiirta dambiilayaasha ah ama argagixisada,kuwaasoo laga yaabo iney beegsadaan ka qaybgalayaasha iyo martida kale ee doorashooyinka.

Dowladda Maraykanka ayaa dhowr goor oo hore soo saartay digniino caynkan oo kale ah, iyadoo muwaadiniinteeda jooga Kenya ku war gelineysa inay ka feejignaadaan degaannada ay rabshadaha ka dhacaan.

Daily Nation

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya.

Muqdisho, Arbaco, 31 Diseembar 2025: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta Israa’11l oo ka dhacay Baladweyne.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta martigelisay...

Madaxweynaha JFS oo shaaciyay in guul laga gaaray sahminta kheyraadka shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israel oo ka dhacay degmada Buuloburde.

Boqolaal qof oo ka kala socday qeybaha kala duwan...