Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka oo qaabilay kuxigeenka Madaxa USAID

Date:

Muqdisho, Apriil 6.2017—–Ra’iisal Wasaare kuxigeenka xukuumada Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa kulan la qaatay kuxigeenka madaxa USAID Mr. Gregory Gottlieb kaasoo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo.

Kulanka Ra’iisal Wasaar kuxigeenka iyo kuxigeenka madaxa USAID ayaa looga hadlay arrimo khuseeya Abaaraha iyo mashaariicda horumarineed ee ay bixiso hay’addaasi.

“Booqashadaadu waa mid ka tarjumeysa sida USAID ay uga go’antahay inay joogteyso taageerada ay u hayaan Dowlada Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed, weliba imaatinkaaga waqtigan xasaasiga ah ee Abaaraha ba’an ee heysta shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri kuxigeenka Ra’iisal Wasaaraha.

“Xukuumadayadu waxey siisay ahmiyad gaar ah siisay in shacabka Soomaaliyeed loo fidiyo gar-gaar dhan walba ah si dalka looga illaaliyo inay macluul ka dilaacdo. waxaana sameysnay Wasaarada Gar-gaarka & Maareynta Masiibooyinka si ay kaalin hormuud uga qaadato isku-duwida iyo la shaqeynta dhammaan hay’adaha kala duwan ee dalka ka teegeera arrimaha gar-gaarka” ayuu mar kale yiri R.wasaare kuxigeenka.

Ku-xigeenka madaxa USAID Mr. Gregory Gottlieb oo goobta ka hadlay ayaa ku ammaanay sida dowladda federaalka ay uga go’antahay taageerada shacabkooda, ayna wasaarad gaar ah ugu sameeyeen gargaarka iyo musiibooyinka.

“USAID waa saaxiibka ugu dhow ee dowladda iyo shacabka, waxaana ballan qaadayaa inaan mar kasta la garab istaagno taakuladeena” ayuu yiri Mr. Gottlieb oo hoosta ka xariiqay in dowladda Mareykanka ay ka go’antahay inay kordhiso mashaariicda horumarineed ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaana kuwa gargaarka, dhismaha hay’addaha nabadgalyada, iyo mashaariicda kale ee dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Amiirka dalka Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaq ka soo saartay qalalaasahii rabshadaha watay ee ka dhacay gobolka Awdal

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaq kasoo saartay qalalaasahii rabshadaha...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo xariga ka jaray dhismaha Buundadda Sabiid iyo Caanoole

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho 1- Madaxweyne Xasan...