Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Ku Dhawaaqay in Dalku Galay Xaalad Dagaal, Shacabkana Ugu Baaqay in ay Ciidanka Garab Istaagaan.

Date:

Muqdisho, 6 Abriil, 2017- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay inuu dalku galay xaalad dagaal, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan hawlgallada ka dhanka kooxaha argagixisada ah.

“Waxaan iclaaminayaa in dalka uu ku jiro xaalad dagaal, daagaalkana uusan noqon doonin mid hal dhinac ah. Waxaan amar ku siinnay ciidamada qalabka sida in ay heegan galaan oo ay ka qeyb qaataan nabadeynta dalka. Dagaalkan ma aha mid ciidamada oo kaliya ay qaadayaan. Waa mid aan rabno in ay shacabka garab nagu siiyaan.”

Madaxweynaha oo ku labisnaaa dharka ciidanka ayaa farriin u diray dhallinyarada Soomaaliyeed ee lagu khalday fikirka xagjirnimada ah, isaga oo u ballan qaaday in ay heli doonaan daryeel iyo soo dhaweyn haddii ay ka tanaasulaan falalka aragixisnimada ah.

“Waxaan rabaa inaan baaq cafis ah u diro dhallinyarada Soomaaliyeed ee ay shabaabku marin habaabiyeen. Dowladdu waxay ku soo dhaweyneeysaa gacmo furan, waxaan siineynaa waxbarasho ,waxaana u abuureynaa shaqooyin. Ma dooneyno inaan layno dhallinyaradeenna. Waxaan mar kale idinku baaqeynaa in aad kasoo tagtaan Al Shabaab sida ugu dakhsiyaha badan. Waxaad haysatan muddo 60 cisho ah.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in dowladda ay ku jirto saddex dagaal oo ka dhan ah argagixisada, musuqmaasuqa iyo saboolnimada, loona baahanyahay in ay ka qeyb qaataan dhammaan qeybaha bulshada.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku ku geeriyooday qaraxii foosha xumaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, wuxuuna Alle uga baryay inuu bogsiiyo dadkii ay dhaawacyadu ka soo gaareen falkaas argagixisonimo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...