Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Ku Dhawaaqay in Dalku Galay Xaalad Dagaal, Shacabkana Ugu Baaqay in ay Ciidanka Garab Istaagaan.

Date:

Muqdisho, 6 Abriil, 2017- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay inuu dalku galay xaalad dagaal, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan hawlgallada ka dhanka kooxaha argagixisada ah.

“Waxaan iclaaminayaa in dalka uu ku jiro xaalad dagaal, daagaalkana uusan noqon doonin mid hal dhinac ah. Waxaan amar ku siinnay ciidamada qalabka sida in ay heegan galaan oo ay ka qeyb qaataan nabadeynta dalka. Dagaalkan ma aha mid ciidamada oo kaliya ay qaadayaan. Waa mid aan rabno in ay shacabka garab nagu siiyaan.”

Madaxweynaha oo ku labisnaaa dharka ciidanka ayaa farriin u diray dhallinyarada Soomaaliyeed ee lagu khalday fikirka xagjirnimada ah, isaga oo u ballan qaaday in ay heli doonaan daryeel iyo soo dhaweyn haddii ay ka tanaasulaan falalka aragixisnimada ah.

“Waxaan rabaa inaan baaq cafis ah u diro dhallinyarada Soomaaliyeed ee ay shabaabku marin habaabiyeen. Dowladdu waxay ku soo dhaweyneeysaa gacmo furan, waxaan siineynaa waxbarasho ,waxaana u abuureynaa shaqooyin. Ma dooneyno inaan layno dhallinyaradeenna. Waxaan mar kale idinku baaqeynaa in aad kasoo tagtaan Al Shabaab sida ugu dakhsiyaha badan. Waxaad haysatan muddo 60 cisho ah.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in dowladda ay ku jirto saddex dagaal oo ka dhan ah argagixisada, musuqmaasuqa iyo saboolnimada, loona baahanyahay in ay ka qeyb qaataan dhammaan qeybaha bulshada.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku ku geeriyooday qaraxii foosha xumaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, wuxuuna Alle uga baryay inuu bogsiiyo dadkii ay dhaawacyadu ka soo gaareen falkaas argagixisonimo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Guddiga Qabanqaabada Caleema-saarka

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),...

Madaxweynaha JFS: “DFS waxay qaadi doontaa guluf dagaal oo kama dambeys ah oo dalka looga saarayo Khawaarijta.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Hambalyo Maalinta Xorriyadda Dowladda Mareykanka

Munaasabadda sanad-guurada 250-aad ee Xorriyadda Mareykanka awgeed, Wasaaradda Arrimaha...

Munaasabad lagu taageerayay garsoore Cumar Cartan oo lagu qabtay Nairobi

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo...