Wasiirka Gaashaandhiga oo Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliya ugu baaqay in furaan wadooyinka Shabaab u Xiran

Date:

Wasiirka cusub ee Gaashaandhiga ย Soomaaliya ayaa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay xoog ku furaan Wadooyinka u xiran kooxda Al-shabaab si gar gaar loo gaarsiiyo dadka ku dhibaateysay goobaha ay abaaraha Ka jiraan.

Wasiirka ayaa Ciidamadda Xoogga Dalka ugu baaqay in ay dhiigooda u huraan sidii loo badbaadin lahaa dadka Dhibaateysan ee ku sugan Goboladda Dalka asagoo xusay in waqtiga dhibaatada jirto uu yahay waqtiga ugu mudan ee dhiiga loo huro dalkaaga iyo dadkaaga si aad u baadbaadiso.

Wasiirka ayaa sidoo kale ugu baaqay Dhamaan Taliyaasha ciidamada iyo laamaha amniga uu quseeyo in ay ku dadaal in labadda Sano ee soo socoto la gaaro isku filnaasho dhanka amniga ah , asagoo u mahadceliyey Dowladdaha garab taagan Soomaaliya iyo Ciidanka Nabaddeynta u joogo Soomaaliya ee AMISOM.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...