U qaabilsanaha dib u dhiska ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ee Puntland oo ka hadlay ciidamo tababar loo furayo

Date:

Captain C/raxmaan Shiikh Cumar(Jeeni qaar) oo ah u qaabilsanaha dib u dhiska ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa waxa uu ka warbixiyay safar uu ku yimid Puntland isagoona sheegay in u jeedada safarkiisa ay tahay sidii uu u diiwaan galin lahaa 3,000 oo askari oo loo furi doono dhowaan tababaro.
Taliyaha ayaa waxa uu sheegay intii uu Puntland joogay in uu kulamo laqaatay Madaxweynaha Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Guddigii waday diiwaan galinta ciidamada tababarka loo furi doono.
Captain Jeeni Qaar ayaa dhanka kale waxa uu sheegay in ciidamadaas tababarka loo furi doono laga wada diiwaan galin doono guud ahaan maamulada dalka ka jira waxa uuna intaas kudaray in ciidamada marka la tababaro ay kamid noqon doonaan ciidamada xooga dalka Soomaaliya laguna dabooli doono baahiyo kasta oo dhanka ammaanka ah ee uu dalka qabo.
Dhanka kale waxa uu sheegay in ciidamada tababarka looga furi doono gudaha dalka gaar ahaan xarunta tababarka ciidamada xooga dalka Soomaaliya oo dhowaan dowlada Turkiga ay ka hirgalisay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.
Waxa uu sidoo kale ka hadlay dagaaladii soo noq noqday ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo waxa uuna sheegay in aysan dagaalo ka dheceen Gaalkacyo hadii ay joogi lahaayeen ciidamada xooga dalka Soomaaliya oo isku dhaf ah waxa uuna sheegay in colaada Gaalkacyo ay abaabulayaan dad aan ka fakarayn mustaqbalka degmada.
Ugu danbeyn Mar wax lagaweydiiyay in tababarada ciidamada ay fursad ooga banaan tahay dhalinyarada ayaa waxa uu Taliyaha sheegay in dhalinta ay haystaan fursad weyn oo ay kaga faa’ideysan karaan tababaradaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Maareynta Musiiboyinka oo deeq raashin ah kala wareegtay Hay’adda bisha Cas Turkiga

-Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa maanta shixnad gargaar ah...

Lataliyaha Madaxweynaha JFS ee Xakameynta Qulqulka Hubka Sharci-Darrada ah oo soo dhaweeysay Cunaqabteynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya

Lataliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Xakameynta Qulqulka Hubka...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo daah-furay Shirka hannaanka wadashaqeynta waaxaha Dowladda Hoose ee Xamar

:-Guddoomiyaha Gobolka Banaadirahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen...

Maxay uga dhigan tahay qaadista Cuneqabateynta Hubka Soomaaliya? (WARBIXIN)

Fadhi ay yeesheen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa...