Ra’isul Wasaare Ku xigeenka Dalka iyo Taliyayaasha Ciidamadda oo ka qeyb galay Xafladda Xilwareejinta Wasaarada Amniga

Date:

Munaasabadan oo uu xilka kula wareegayey Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Amniga Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale waxaa ka qeybgalay Ra’isul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda  Mahdi  Maxamed Guuleed Khadar, Garyaqaanka Guud ee Qaranka, Xeer illaaliyaha Qaranka, Xildhibaano, Taliyaasha Ciidanka Bolice-ka iyo Nabad Sugidda iyo Masuuliyiin kale.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Mudane  C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay inta uu Xilka haayey inay wax badan u qabsoomeen sidoo kale looga baahan yahay Wasiirka Cusub in uu halkaas ka sii wado.

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale waxaa uu sheegay in uu la imaanayo Qorshe cusub oo  wax looga qabanayo Amniga guud ee dalka iyo kan  Caasimadda Dalka ee Muqdisho.

Ra’isul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa dhankiisa tilmaamay in looga baahan yahay Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Amiga iyo Masuuliyiinta kale ee Shaqadda loo dhiibay inay wax badan horumar ah la yimaadaan si-ay u yareeyaan Amnidaradda.

Sidoo kale Ra’isul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda waxaa uu sheegay inay Dowladda awood badan iska saareyso sidii Ciidanka Amniga qeybahooda kala duwan ku heli lahaayeen Xuquuqdooda oo joogto ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...