Soomaalida Ku dhaqan Mareykanka oo ku guuleystay Dhameystirka lacag lagu lahaa Masjid ay dhisanayeen

Date:

Gobolka Minnesota waxaa ku nool Soomaalida ugu badan dalka Maraykanka waxyaabihii ugu horeeysay oo Soomaalida ay xooga saareen ayaa waxaa ka mid ahaa goobo lagu cibaadeysto iyo madarasooyin lagu barto Quraanka Kariimka, hadaba Masjidka Umatul Islaam ee ku yaala magaalada Minneapolis ayaa todobaadkani ay Soomaalida si toos ah ula wareegeen iyagoo bixiyey dhamaan lacagihii lagu lahaa dhulka iyo dhismaha masjidka.

Kulan si heer sare loo soo agaasimay oo ay ka soo qeyb galeen madaxda gobolka iyo dowlada hoose ee Minneapolis iyo culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay isla masjidka waxana sidoo kale ka soo qeyb galay jameecada masjidka, Ardayda Dugsiga Umatul Islaam iyo guud ahaa qeybaha kala duwan ee Jaaliyada oo ay horkacayeen odoyaal dhaqameedyo Soomaaliyeed.

Sheekh Axmed Taajir waa imaamka masjidka Umatul islaam wuxuu ugu horeyn soo dhaweeyey madaxdii iyo dadkii ka soo qeyb galay xaflada dhamaystirka arimaha masjidka wuxuuna sheekha ka sheekeeyey marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray masjidka isagoo dhalinyarada si gaar ah ula dardaarmay kuna dhiira geliyey in ay ku fara adeegaan diintooda iyo sidii ay masaajidada u camiri lahaayeen.

Cabdi waaxid qalinle waa Garyaqaan Soomaaliyeed isla markaana ka mid ah masuuliyiinta masjidka Umatul Islaam ayaa muujiyey dareenkiisa ku aadan in masjidka la bixiyey dhamaan lacagaha lagu lahaa waxaa sidoo kale madasha ka hadlay inta badan culumadii ka soo qeyb gashay munaasabadani iyagoo dhamaantood muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin dhamaystirka masjidka.

Dhanka kale waxaa goobta ka hadashay Duqa magaalada Minneapolis Betsy Hodges iyadoo soo daboolatay timaha isla markaana ixtiraam u heysa Muslimiinta ayey sheegtay in ay ku faraxsan tahay hormarka Soomaalida Minneapolis, waxayna ka mahad celisay casuumada loo fidiyey.

Si kastaba ha ahaateen Soomaalida degan Gobolka Minnesota ayaa hada u muuqato in ay guulo ka gaareen dhanka Masaajidada iyo madarasooyinka lagu barto quraanka kariimka waxana meel walba ku arkaysaa Masjid waxana mahadaasi isla leh Culumadii ka soo hayaamay dalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo magacaabay Guddoomiyaha Degmada Daarusalaam ee Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha oo kormeer ku tagay xarunta dhexe ee Wasaaradda oo uu dib-u-dhis ballaaran ka socdo

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda...

Ciidanka Xoogga oo howlgal ka dhan ah khawaarijta ka fuliyay degaanno katirsan gobolka Galgaduud

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Kaa shanaya Ciidamada Deegaanka...

Maxkamadda Ciidamada oo fulisay xukun dil ah oo lagu riday xubno Khawaarij ah

Xukun dil ah ayaa saaka lagu fuliyey Anas Cabdulqaadir...