Golaha shacabka oo meel mariyay miisaaniyadda dowladda 2017

Date:

Xubnaha golaha shacabka jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay miisaaniyadda dowladda ee sadexda bilood ee soo socota, kadib markii wasiirka cusub ee Maaliyadda Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle uu mudaniyaasha golaha ka codsaday in ay fursad u siiyaan si uu u keeno xisaab celinta miisaaniyadda sanadkii tagay isla markaana muddo sadedx bilood ah la siiyo.

Kulankan oo uu shir guddoominayay guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan ( Jawaari) oo hareerahiisana ay fadhiyeen labadiisa kuxigeen ayaa waxaa ugu horeyn loo qeybiyay Xildhibaanada nuqulo ka mid ah miisaaniyada dowladda iyo qarashaadka ku baxa xafiisyada dowladda.

Xubnaha golaha shacabka ayaa soo jeedinta wasiirka kadib halkaas ka hadlay ayaa waxaa ay ka doodeen sida miisaaniyaddan, waxayna inta badan xildhibaanadii goobta ka hadlay ay sheegeen in ay ku qanacsan yihiin in wasiirka cusub fursad loo siiyo si uu u soo diyaariyo miisaaniyad la jaan go’an baahida dowladda isla markaana mugdi ku jirin.

Doodaas kadib gudoonka ayaa cod geliyay miisaaniyadda , iyadoo 141 mudane oo hoolka fadhiyay ay aqbaleed miisaaniyadda sadexda bilood ah oo wasaaradda maaliyadda ay codsatay.

Gudoomiyaha golaha shacabka jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in sadexda bilood ee soo socota dowladdu ay adeegsan karto miisaaniyaddan isla markaana wasaaradda maaliyadda laga doonayo in ay keento xisaab xirka miisaaniyada sanadaha 2015,2016-2017.

Wadarta guud ee Miisaaniyadda dowladda ee  sanadkan 2017 waa US$ 267,544,364 (Laba boqol lixdan iyo todobo milyan , Shan boqol afartan iyo afar kun, Seddex boqol lixdan iyo afar Dollar).

Wasiirka wasaaradda maaliyadda Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in miisaaniyaddan 60% ay ka imaaneyso dhakhliga gudaha ka soo xarooda iyadoo inta kale ay tahay kaalmooyin dowladdu ka hesho saaxiibadeeda caalamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray

Turkey’s SolidAERO waxa ay soo saartay TALAY, oo ah...

Wejiga labaad ee Barnaamijka iskaashiga Shacabka iyo Haya’addaha Amniga oo lagu qabtay Muqdisho

Degmada Dharkenlay ee gobolka Banaadir oo lagu qabtay kulan...

Gobolka Florida oo laga hirgalinaayo xarun 2-aad oo lagu hayo soo galootiga

Guddoomiyaha gobolka Florida Ron DeSantis ayaa ku dhawaaqay Khamiista...

Madasha Somali Leadership Awards oo abaalmarisay Hey’adda SODMA

Madasha Somali Leadership Awards ayaa sanadkaan abaalmarinta hoggaamiyaha ugu...