Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo gaadiid loogu deeqay

Date:

Agaasimaha guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaliya G/Sare Maxamed Aadam Jimcaale Koofi ayaa maanta magaalada Kismaayo kula wareegay gawaari  loogu talagalay in lagu ilaaliyo xaduudaha dalka.

Gaadiidkan ayaa waxaa laanta socdaalka iyo jinsiyadaha ku wareejiyay mas’uuliyiin ka tirsan hey’adda socdaalka aduunka ee IOM, iyadoo goob joog ay ka ahaayeen mas’uuliyiin uu kamid yahay madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan iyo xubno ka tirsan hey’adda IOM.

Gaadiidka oo ah kuwo casri ah ayaa loogu talagalay in lagu ilaaliyo xuduudaha dalka ayagoo wax badan u fududeyn doono gaadiidkan hey’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ee Soomaaliya si ay u gutaan waajibaankooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Sulub Axmed Firin ayaa...

Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Hirshabeelle oo Jowhar ku qabtay kulan dadweyne.

Qaar ka mid ah Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Baarlamaanka...

Ciidanka Xoogga oo toogtay naftii hallige khawaarij ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afaafka hore ee xeradda...