Dab Xoogan oo ka kacay dukaamo ku yaala suuqa Bacaad

Date:

Gelinkii dambe ee maanta ayaa damb xoogan waxaa uu qabsaday qeybo kamid ah suuq Bacaad oo ku yaala degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir isla markaana ah suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho.

Dabka ayaa la sheegay in uu wax yeelo u geystay ilaa Lix dukaan oo ku yiiley suuqaas, iyadoo sababta dabka dhalisayna maamulka degmada ay ku sheegeen cilad koronto.

Ilaa iyo hadda laga soo sheegin wax khasaare nafeed oo dabkaas uu geystay marka laga soo tago hantida uu baabiโ€™iyay dabkaas.

Gaadiidka dab-damiska ee dowladda Hoose ee Muqdisho ayaa gaaray suuqa dabka uu ka kacay ayagoo ugu dambeyna ku guuleystay in ay bakhtiyaanย  dabka.

Sidan oo kale, waxaa horey dab xoogan u qabsaday qeybo kamid ah suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho kaas oo hanti badan oo dad Soomaaliyeed ay halkaas ku lahaayeen digaan digaha ka dhigay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Talyaaniga xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo xafiikiisa ku qaabilay danjiraha Ururka Jaamicadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo furay shirka wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...