Wararka ka imaanaya dalka Kenya gaar ahaan Boliiska dalkaas waxa ay sheegaya in gacanta lagu dhigay Cali Xuseen Cali iyo labo nin oo ay wada shaqaynayeen kuwaas oo laga soo qabtay magaalada Malindi ee dalkaas kaddib markii lagu eedeeyay in ay lacago u uruurinayeen kooxaha Argagixisada ah ee ka dagaallama bariga Afrika.
Horay dowladda kenya waxa ay lacag u dul dhigtay madaxa Cali Xuseen Cali oo ah Muwaadin Soomaaliyeed muddana ay kudaba jireen helidda Xogtiisa.