Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo Sudan uga qeyb geli doona shir muhiim ah

Date:

Wafdi uu hor kacayo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Mudane Ibraahiim Iidle Saleebaan ayaa gaaray Caasimada dalka Suudaan ee Khartuum.

Wafdigan Garoonka Caalamiga ee Khartuum kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Gollaha Sare ee Garsoorka Suudaan ahna Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Suudaan Diktoor Xaydar Dafacallah, iyadoo dhanka kalena ay soo dhaweeyeen diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliyeed ee Suudaan.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Dalka ayaa wareysi uu siiyay Warbaahinta Qaranka ku  sheegay in Suudaan ay u yimaadeen isagga iyo wafdigiisaba  ka qayb galka shirka Madaxda Maxkamaddaha Sare ee dalalka Africa.

“Wafdiga waxa uu ka koobanyahay aniga iyo howlwadeeno garsoorayaal ah, ujeedka safarkeena waxa uu yahay in aan ka qeyb galno shir balaaran oo Garsoorka Afrika loogu qabanayo magaalada Khartuum mudada u dhexeysa labada ilaa iyo afarta bisha afaraad, kaasi oo ay is weydaarsanayaan Maxkadaha sare ee Afrika, oo diirada lagu saari doono dhanka qibradda” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka.

Shirka Madaxda Maxkamadaha  Africa ayaa lagu wadaa in maalinta Berri ah uu ka furmo Caasimada dalka Suudaan ee Khartoum, iyadoo diirada lagu saari doonno Garsoorka Africa.

Maxamed Cabdiqaadir Axmed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...

Jaaliyadda Soomaalida ee Xadarmuut oo afur u sameeyay Safiirka Soomaaliya ee Yemen

Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen C/Xakiim Maxamed Axmed...

Buulo burde oo ku soo baxday Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Degmada Buulo burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa...

Wasiirka xanaanada xoolaha oo qaabilay wafdi ka socda Hay’adda WFP

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan...