Lix cunto oo sababa in qofka uu ku hurdo goobtiisa shaqo

Date:

Muqdisho September 18 (SNTV):-Akhristow  waa laga yaabaa in aad aragto adigoo  Gamaayoonaya ama (lulmooday) waxaana laga yaabaa inay kugu dhacday  in ku huruddo Kursigaaga shaqada.

Haddaba waxaan idin soo gudbineynaa lix cunto oo ay ku badanyihiin maaddooyinka sababa hurdada ama lulmada xilliga shaqada,waxaana ka mid ah;

Cuntooyinka hurdada keena waxaa ka mid ah caanaha,  iyo caanaha oo laga sameeyo Farmaajada,Ukunta,Doolshaha iyo wixii la mid ah.

Sababta oo ah Caanaha iyo noocyadan kaleba waxaa ku jira maaddada Tryptophan,taas oo dhalinkarta maaddada serotonin oo isu beddesha melatonin,soona saarta hurdada.

Qamadiga laga sameeyo Soorta ama Cambuulada waxaa uu u wanaagsanyahay  caafimaadka aroortii ee qofka laakiin sida caanaha oo kale waxaa ku jira maaddooyinka Melatonin iyo Amino Acid oo soo saara hurdada.

Cuntooyinka isku darsan waxaana ka mid ah Galleyda,Mooska,Basasha iyo cuntooyin kale oo la isku kariyo kaddibna la cuno shaqada ka hor.

Waxaa ku jira Carbohydrates, oo sababi kara in ruuxu hurdoodo ama xubnaha qofka gabaan fir fircoonida taas oo horseedi karta Gamaayada ama lulmada.

Mooska waxaa ku jirta maaddada magnesium oo aad ugu wanaagsan jirka,laakiin waxaa ay soo saari kartaa hurddo badan, sida ay lee yihiin kooxda soo saartay warbixintan oo ah dhakhaatiir ama dad ku xeeldheer arrimaha caafimaadka.

Malabka waxaa ka buuxa sokor badan,taas oo mararka qaar sababta in maskaxda fariisato,qofkana sidaas ku hurdo.

Ugu dambeyn, warbixintan oo lagu qoray wargeyska The Stander ee ka soo baxa Kenya ayaa lagu sheegay in Dhaqaatiirta ay dadka shaqeeya kula talinayaan in aysan badsan cuntooyinka horseedi kara in qofka fir fircoonida aroortii gabo,gaar ahaan xilliga ka horreeya shaqada ee subaxii ah.

W/Q Maxamedkaafi Cali Muumin

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo furay kulan looga hadlayay dardargelinta Mashruuca Sabuun ee Jowhar

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiayay kulanka aan caadiga ahayn ee guddiga joogtada ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Duqa Muqdisho oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan...

SoDMA oo raashiin ka qaybisay qaybo ka mid ah degmooyinka Hirshabeelle

Wajiga koowaad ee mashruuc cunno qeybin ah oo socon...