Muuse Biixi Cabdi oo maanta la caleema saarayo

Date:

Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha dhawaan  la doortay ee Somaliland lafilayaa in maanta lagu caleema saaro magaalada Hargeysa,iyadoo qaban qaabo ku aadan munaasabadda dhaarinta madaxweynaha ay haatan ka socoto aqalka madaxtooyada.

Xafladda Caleema saarka ayaa waxaa ka soo qeyb galaya Marti sharaf kala duwan oo lagu casuumay xaflada,Madaxweynaha xilka degaya Axmed Siilaanyo ayaa lagu wadaa in uu maanta xilka ku wareejinaya Madaxweynaha cusub Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa dhawaan loo doortay in uu noqdo madaxweynaha cusub ee Soomaaliland,kadib markii uu ka guuleystay musharixiintii kula tartamaysa xilka madaxweynenimo,taasi oo dhawaan ka dhacday halkaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...