Guddoomiyaha Aqalka sare ee BJFS oo Shacabka Soomaaliyeed la wadaagay Xusuusta dhacdadii 14kii October

Date:

Gudoomiyaha golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shacabka Soomaaliyeed la Wadaagay Xusuusta Dhibaatadii ka dhacday isgoyska soobe ee magaalada muqdisho,

Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay isagoo ku hadlaya Magaca Guddoonka iyo guud ahaan Golaha Aqalka Sare in uu Tacsi u Dirayo dadkii Soomaaliyeed ee ehelkood ku dhinteen iyo kuwii hantidooda uga baaba’aday Qaraxaasi, wuxuuna Eebe uga baryay dadkii ku dhintay in uu naxariistii jano ka waraabiyo ,

Gudoomiyaha golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa kuwii ka danbeeyay qaraxii Soobe ee waxyeelada loogu geystay  shacabkii soomaaliyeed in uu rabi ka jaasiyo.

2-sano ayaa maanta laga joogaa markii Kooxda arxan laawayaasha ee u soo dhigtay gumaadka ummadda Soomaaliyeed ay dad badan ku xasuuqeen Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixisay sidii dadka dhibanayaasha u ah Qaraxaasi ula qeybsan lahayd waxyeelada soo gaartay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley ciyaarta...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...