Home Blog Page 979

QM oo sheegtay in isbadalada ka socda Soomaalia ay muujinayaan guulo

0

Muqdisho (SNTV)- Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa  maalinimadii shalay warbixin uu siiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku sheegay in isbadalada ka socda dalka Soomaalia ay muujinayaan guulo wax ku ool ah ,hasa yeeshee loo baahan yahay in laga hortago waxyaabaha khatarta galinaya horumarkaasi.

“Soomaaliya waxay ku tallaabsatay horumar ku aadan dhismaha dalka iyo hey’adihii dowladnimo oo shaqeynaya,laakiin waxaa haboon in laga howlgalo sidii loo ciribtiri lahaa kooxaha Argagixisada islmarkaana loo soo afjari lahaa waxaa sidaas  yiri “Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay  Guterres,ayaa xusay in lixdii bilood ee la soo dhaafay ay jireen rabshado kooban oo ay ka dambeeyaan kooxaha caadeystay daadinta dhiiga dadka rayidka ah ,wuxuuna soo jeediyay in loo midoobo ka hortagga kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Dhowr iyo labaatankii sano ee u dambeeyay Soomaaliya waxaa ka jiray dagaallo sokeeye,kooxo argagixiso ah iyo macluul aad u daran ka dib,waxaa muuqda dib u dhis iyo heyado dowladnimo oo shaqeynaya laga soo bilaabo sanadkii 2012-kii.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS iyo Safiirka UK oo hoosta ka wada xariiqay qoto dheeridda xiriirka laba geesoodka

0

Mogadisho (SNTV)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay Muqdisho Safiirka Boqortooyada Midowday (UK) ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Benjamin James Fender, waxa uu kala hadlay intii lagu guda-jiray fadhigaasi xoojinta xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee saaxiibada ah u dhexeeya iyo qaabkii lagu horumarin lahaa iskaashi dhinac kastaba leh.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saarray iskaashiga dhinacyada ammaanka, milatariga, maalgeshiga iyo kobcinta dhaqaalaha iyo taageeridda dadaalka weyn ee Xukuumadda Federaalka ee ka tarjumaya rabitaanka dadka ee ah ka guul keenidda xasilinta dalka si loo gaaro horumar iyo barwaaqo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Wakiilka sare ee Midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Dibadda

0

Mogadisho (SNTV)– Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa Isniintii ku qaabilay Muqdisho Wakiilka sare ee Midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Dibadda iyo Siyaasadda Amniga ahna Madaxweyne kuxigeenka Ururka Midowga Yurub, Marwo Federica Mogherini, oo booqasho shaqo ku timid Caasimadda Soomaaliya iyadoo hoggaaminaysa wafdi weyn oo dhinacyo kala duwan leh.

Wasiir Cawad waxa kale oo uu qaabilay Kusimaha Agaasimaha Galbeedka iyo Bariga Afrika ee Ururka Midowga Yurub, Mudane Hans Stausboll, waxa ayna ka wada hadleen xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub dhinacyada siyaasadda, nabadgelyada iyo dhaqaallaha.

Soomaaliya waxa ay xiriir saaxiibtinimo la leedahay Midowga Yurub, waxa ayna Xukuumadda Federaalku doonaysaa inay adkeyso xiriirkaasi mudada dheer soo jiray si loo taageero mashaariicda horrumarinta, loona gaadho kobac dhaqaale oo hoos u dhigaya heerka shaqa la’aanya si sare loogu qaado heerka nolosha, lana horrumariyo dadaallada lagu bixinayo dhammaynta rabshadda iyo dhibaatooyinka bani’aadannimo ee soo noq-noqda.

Xamar Jajab oo caawa u gudubtay wareeggaLabaad ee tartan Cilmiyeed Warbaahinta Qaranka

Muqdisho (SNTV)– Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa Shan iyo tobnaad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Gaalkacyo iyo Xamar Jajab oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Banaadir waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineysa Maamulka Gobolka Benaadir.

 

Tartameyaasha labada degmo ee Gaalkacyo iyo Xamar Jajab ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Gaalkacyo

Tartameyaasha Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, iyagoo iska qalday Afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Xamar Jajab, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Gaalkacyo ay heleen waxay noqotay sideed (8) dhibcood.

Xamar Jajab

Tartamayaasha Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal, iyagoo iska qalday Shan su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Gaalkacyo, sidaasi darteed wadarta guud dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Xamar Jajab waxay noqotay sideed (8) dhibcood.

Tartanka caawa oo ahaa mid aad u xiiso badan ayaa waqtigii loogu talagalay tartanka labada Degmo ee Gaalkacyo iyo Xamar Jajab waxa uu ku soo idlaaday bar bar dhac 88, waxaana lagu daray su’aalo dheeri ah si loo kala saaro labada degmo sida uu dhigayo sharciga tartanka.

Tartamayaasha Degmada Xamar Jajab ayaa si sax ah uga jawaabay su’aashii sideedaad ee la weydiiyay, balse tartamayaasha Gaalkacyo ayaa dhankooda iska qalday su’aashii dheeriga ahayd, dhigooda Xamar Jajab kama aysan faa’iideysan fursadaas, waxaana wadarta guud ee dhibcaha ay la yidaameen Xamar Jajab noqotay 10 dhibcood, halka Gaalkacyo ay la timid 8 dhibcood oo qura.

Hadaba kulankii 15aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga labaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 16aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona kulanka koowaad ee wareegga labaad Degmooyinka Warta Nabadda iyo Kismaayo oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Jubbada Hoose, kuwaasi oo sanadkii tegay ku kulmay kulankii kama dambeysta ahaa, iyadoo ay tartanka ku guuleysatay Kismaayo oo sanadkan difaacaneysa..

Howlwadaag oo caawa u soo gudubtay wareegga Labaad ee tartan Cilmiyeedka

Muqdisho (SNTV)-Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa Afar iyo tobnaad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Howlwadaag iyo Heliwaa oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineysa Maamulka Gobolka Benaadir.

 

Tartameyaasha labada degmo ee Howlwadaag iyo Heliwaa ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Howlwadaag

Tartameyaasha Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal, iyagoo iska qalday Shan su’aal, mana jirin wax ka faa’iideysi ah, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Howlwadaag ay heleen waxay noqotay Afar (4) dhibcood.

Heliwaa

Tartamayaasha Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal, iyagoo iska qalday Shan su’aal, ma jrin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaasi darteed wadarta guud dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Heliwaa waxay noqotay Afar (4) dhibcood.

Waqtigii loogu talagalay tartanka labada Degmo ee Howlwadaag iyo Heliwaa ayaa ku soo idlaaday bar bar dhac 4 iyo 4, waxaana lagu daray su’aalo dheeri ah sida uu qabo sharciga tartanka, Tartamayaasha Howlwadaag ayaa ka jawaabay su’aashii la weydiiyay ee sideedaad, waxaana ay ka faa’iideysteen su’aashii soo soo hareer martay Heliwaa, hadaba wadarta guud dhibacha ay heleen tartamayaasha Howlwadaag waxay noqotay 8 dhibcood, halka Heliwaa ay la timid 4 dhibcood.

Hadaba kulankii 14aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga labaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

 

 

Wasiir Fowsiyo Maxamed Sheekh oo guddoomisay shir ku saabsanaa qorshaha Tamarta

0

Muqdisho (SNTV) Shirkan wada tashiga ah ayaa looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay kamid yihiin gebo gebeynta qorshaha Tamarta ee Qaranka,iyo daahfurka mashruuca sahliadda Tamarta Dalka ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Waxaa shir guddoomisay wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumadda Soomaaliya Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh oo wasaaradeedu ay soo qaban qaabisay shirka,iyadoo ay goob jog ahaayeen wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducale Beyle,wasiir kuxigeenka Tamarta mudane Cismaan Libaax Ibraahim,agaasimaha guud Cabdiwaaxid Ibrahim Axmed ,maamul goboleedyada iyo wakiilada  Dalalka Norway,Britain,Sweden,Germany iyo Bangiga Adduunka.

Wasiirka Tamarta Dalka Fowsiyo Maxamed Sheekh ayaa goobtaasi ku soo bandhigtay waxqabadka wasaaradda oo faahfaahsay guulihii la gaaray iyo yoolka wasaaraddu ay hiigsanayso.

“Sida aan la socono 10 kii sano ee  ugu dambeyeey tamarta waxa gacanta ku hayay shirkado gooni ah,horumar weyn ayaya ka gareen ,wax la inkiri karo ma ahan horumarkaasi,wadanka oo dhana waa ay gaarsiiyeen,wasaaradda iyadoo ka amba qaadaysa horumarkaasi,waxaa aan hirgelinay unug la yiraahdo unuga isku duwidda howlaha Tamarta oo ay naga caawisay hay’adda UNDP,sidaasi darted waxaan muhiimadda saarnay sidii loo heli lahaa Tamar jaban oo isku halayn leh,waxaan diyaarinay siyaasadda Tamarta ee Qaranka,waxaan ku guda jirnaa diyaarinta siyaasadda Tamarta ee Qaranka”.ayay tir Wasiir Fowsiyo.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya mudane C/raxmaan ducaale Beyle oo hadal ka jeediyay shirkaasi ayaa ku ammanaay mas’uuliyiinta wasaaradad Tamarta dadaalka ay ugu jiraan ka miro dhalinta qorshaha Tamarta Qaranka,isagoo ku tilmaamay mid kaalin weyn ku leh horumarka dhaqaale ee dalka.

Ugu dambeyntii Wasiirka Tamarta Dalka Fowsiyo Maxamed Sheekh ayaa sheegtay in wasaaraddu ay qorsheynayso sidii adeegyada Tamarta loo gaar siin lahaa guud ahaan dalka,iyadoo 21,500, guri in ay heli karaan tamar cadceeda ah,taasi oo mashruuca qeyb ka ah.

Ciidanka Amniga oo gacanta ku dhigay labo dhagar-qabe oo Bam gacmeed tuuray.

Muqdisho (SNTV):- Ciidamada Amniga ayaa gacanta ku soo dhigay dhagar-qabe Bam ku tuuray Waaxda Taleex ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir sida ay sheegtay Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sarreeye guuto Zakia Xuseen.

Sidoo kale Ciidammada waxeey ku guleysteen in ay soo qabtaan dhagar-qabe kale oo isla caawa Bam ku tuuray suuqa bakaaraha ee Degmada Howl-wadaag.

Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed ayaa sheegtay in labadaasi fal wax Khasaaraha ah uusan ka dhalan.

Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Agaasimaha Cusub ee Madaxtooyada Qaranka oo kulmay

Muqdisho (SNTV) Guddoomiyaha Aqalka Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo Xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Cusub ee Madaxtooyada Qaranka Dr Nuur Diiriye Fuursade ayaa ugu hambalyeeyay Xilka cusub ee loo igmaday.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in Agaasime Dr Nuur uu ku yaqaano firfircooni shaqo uuna rajeynayo in uu kasoo dhalaali doono shaqooyinka adag ee horyaala.

Dhankiisa Agaasimaha Cusub ee Madaxtooyada Dr Nuur Diiriye Fuursade ayaa uga mahad naqay soodhoweynta wanaagsan iyo talooyinka wax ku oolka ah ee Guddoonka Aqalka ay sida wadajirka ah ula wadaageen isagoona rajeeyay in la sii joogteeyo xiriirka wada shaqeyneed.

Waxaa kulanka Guddoomiyaha Aqalka Sare ku wehliyay Ku-xigeenkiisa Koowaad Mudane Abshir Maxamed Axmed halka Agaasimaha Madaxtooyada ay ku wehliyeen Abuukaate Kayse Cartan iyo Mudane Cali Daahir Ciid oo ka mid ah lataliyeyaasha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka ayaa kusoo gebogaboobay is faham iyo in la dardargaliyo shaqooyinka qaran.

Google oo Soomaaliya u soo bandhigtay mashruuc internetka lagu gaarsiin karo miyiga iyo goobaha fog

0

San Francisco (SNTV):-Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Md. Cabdi Sheekh Axmed, ayaa booqday Xarunta Dhexe ee Shirkadda Loon oo ah mashruuc la mataano ah Google oo xaruntiisu tahay gobolka California ee dalka Mareykanka.

Maareeyaha oo martiqaad rasmi ah ka helay Loon ayaa la kulmay madaxda ugu sarreysa Loon oo uu hor kacaayay Maamulaha Alastair Westgarth iyo mas’uuliyiinta waaxyaha sharciyada, horumarinta ganacsiga, iyo hawlgallada, waxayna ka wada hadleen sida Soomaaliya uga faa’iideysan karto farsamadan casriga ah ee internetka lagu gaarsiin karo goobaha fog, iyadoo qeybo badan oo dalkeena ka mid ah weli uusan gaarin adeegga internet-ka.

Maareeyaha ayaa intii halkaasi joogay soo booqday qeybaha kala duwan ee shirkadda, gaar ahaan goobaha lagu farsameeyo qalabkan oo ah mid dul sabbeynaya illaa 10-20 km joog ka sarreeya oogada dhulka oo bixinaya internet xawaarihiisu gaarayo 4G.

Mashruuca Loon [loogu dhawaaqo Luun] waa dadaal ay Google ku dooneyso in internetka lagu gaarsiiyo meelaha aysan gaarin isgaarsiinta caadiga ah, waxayna iskaashi la sameeyaan shirkadaha isgaarsiinta ee adduunka si ay gacan uga geystaan fidinta adeegga internetka.

Maareeyaha oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in farsamadan ay muhiim u tahay dalkeena maadaama adeegga internetka uu weli ku kooban yahay magaalooyinka, welina uusan gaarin miyiga fog iyo dhulalka buuraleyda ah ee ku yaalla xeebaha Badda Cas iyo Badweynta Hindiya. Maareeyaha ayaa intaasi ku daray in mashruucani uusan ahayn mid la tartamaya shirkadaha isgaarsiinta, balse uu yahay mid la shaqeynaya shirkadaha oo u fududeynaya inay adeeg internet gaarsiiyaan meel kasta oo aysan gaari karin xilligan anteenooyinkooda.

Mashruuca Loon oo soo socday 5tii sano ee la soo dhaafay ayaa la hirgeliyay dalal badan oo ay ka mid yihiin Kenya, Puerto Rico, iyo Sri Lanka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo magacaabey Wasiiru Dowlayaal.

Muqdisho (SNTV)  Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen ) Ayaa magacaabey Wasiiru Dowlayaal kamid noqanaya Golahiisa Wasiirada.

Akhriso: Liiska magacyada Wasiiru Dowlayaasha