Home Blog Page 978

Wasiirka Maaliyadda DFS Oo Ka Warbixiyay Waxqabadka Wasaaradda Iyo Guulihii Ay Ku Tallaabsadeen

0

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane, C//raxmaan Ducaale Beyle ayaa  maanta magaalada Muqdisho ku qabtay kulan uu kaga warbixinaayey waxqabadkii kala duwanaa ee bishii la soo dhaafay u suurtagalay Wasaaradda iyo guulaha wax ku oolka ah ee ay ku tallaabsatay wasaaradda.

Kulankaan oo ah mid bishiiba mar loo qabto bulshada ayaa waxa uu la xiriira sidii dadka loo siin lahaa faah-faahinta Maaliyadeed iyo waxa u qabsoomay wasaaradda mudada bisha ah ee tagtay

Waxaan soo bandhigay natiijadii ka soo baxday shirarkii aan la soo galay madaxda hey’ada ha kala ah, IMF, World Bank iyo Bangiga Horumarinta Afrika, ayuu yiri Wasiirku.

Mudane Beyle ayaa xusay in bulshada lala wadaagayo hiigsiga ku aadan hanaanka deyn-Cafinta oo uu tilmaamay in rajo wanaagsan laga  leenahay sanada soo socota ee 2020,

Wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Beyle ayaa shacabka kula dardaarmay in si wadajir ah gacmaha la is-qabsado islamarkaana loo shaqeeyo dalka.

Wafdi Ka Socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Gaaray Xeraale

0

Wafdi ka socda xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ay hoggaaminayaan la taliyaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta gaaray deegaanka Xeraale oo ka tirsan maamulka Galmudug.

Wafdigaan oo ay ka mid ahaayeen xubnaha la socday Agaasimayaasha dib-u-heshiisiinta iyo federaaleynta, waxa ay Xeraale kula kulmay guddiga Farsamada dhammeystirka dadaallada dib-u-heshiinta Xeraale iyo Huurshe.

Duqa Muqdisho Oo Ka Qeyb Galay Shirka Barasaabyada Oo Ka Furmay Durban

0

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud ayaa ka qeyb galay shirka Caalamiga ah ee Barasaabyada Caalamka, kaasoo maanta ka furmay magaalada Durban ee dalka Koofur Afrika.

Shirkan ayaa ah kii u horeeyay ee uu ka qeyb galo Duqa magaalada Muqdisho Cumar Filish, tan iyo markii xilka loo magacaabay labo bil ka hor.

Inta uu socdo shirka ayaa diiradda lagu saarayaa arrimo kala duwan oo ku saabsan horumarka iyo koritaanka magaalooyinka caalamka, iyadoo Caasimadda Muqdisho ka mid tahay magaalooyinka ka soo koraya oo ay xilligan ka muuqato horumar iyo kobac dhaqaale.

Dhinaca kale Duqa Muqdisho ayaa la kulmay dhiggiisa duqa magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska, iyagoo ka wada hadlay iskaashiga labada magaalo, xiriirka iyo in la mideeyo labada magaalo ee Muqdisho iyo Bristol.

Diyaarado Sida Shixnado Gaargaar Oo Ku wajahan Beledweyne, Hirshabeelle State

0

Diyaaradahan oo gargaar u sida dadka ay saameeyeen  fatahaada Webiga Shabeelle  ee Magaalada Beledweyne ayaa lagu wadaa in ay ka ambabaxaan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha ayaa ku howlanaa Muddooyinkan sidii  gaar dhameystiran loo gaarsiin lahaa Shacabka ay saameeyeen Fatahaadaha iyo roobabka.

Shalay ayey ahayd Markii Diyaarado shixnado gargaar oo gurmad isugu jiro daawooyin iyo Raashin la gaarsiiyey magaalada Bardaale , sidoo kale magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiraan ayaa horay loo gaarsiiyay Gargaar.

Maxkamad ku taalla Hindiya oo ku dhawaaqeysa maamulka goob diimeed ay isku hayaan muslimiinta iyo hinduuska.

Maxkamadda sare ee dalka Hindiya ayaa maanta lagu wadaa in ay ku dhawaaqdo cidda maamuleysa oob diimeed ku taallla magaalada Ayodhiya oo ay isku hayaan dadka induska ah iyo muslimiinta hindiya.

Maamulka Hindiya ayaa ciidamo ka badan 5000 oo askari  geeyay waqooyiga magaalada Ayodhya ka hor inta la sugayo xukunka maxkamada sare ee ku Sabtida ida loo dhiibayo gacan ku heybta goob diimeedf ay ku muransan yihiin dadka Hinduska iyo Muslimiinta.

Madaxda iyo dadka ku sugan gobolka Uttar Pradesh ayaa muujinaya cabsi ka dib kolkii kumanaan ruux ay soo gaareen magaaladaasi halkaasoo ay suurtagal tahay in ay ka dhacaan rabshado marka maxkamadda sare ay ku dhawaaqdo cidda mamuleysa goobta lagu muranan yahay .

.Sannadkii 1992-dii kacdoonkii dadka Hindida ayaa burburiyey masjidka Babri ee ku yiillay magaalada Ayodhiya ,waxaana halkaasi ku dhimatay 2-kun ooqof  u badan muslimiin.

Muslimiinta waxay sheegeen in masjidka Babri  ay ku tukan jireen qarnigii 16-aad illaa sanadkii 1949-kii ,halka dadka hinduuska ah ay aaminsan yihiin in xilligii uu talada haayey Mughal  la burburiyay macbadkaasi,isla markaana laga dhisay masjid.

Maxkamaddu waxay xukuntay in aagga lagu muransan yahay ee ah 2,77 acres (1.12 hektar) loo qaybiyo saddex qaybood oo isle’eg, iyada oo saddex-meelood laba meelood ay u socdaan bulshada Hinduuga iyo saddex-meelood meel muslimiinta.

Discover ways to Date women – Facts That You Need to Find out to Date a lady

0

If you are a one person and you are thinking about how to date a woman, then you have come to the appropriate place. Dating could be a very nerve-racking and time consuming activity for someone who all doesn’t have a lot of experience through this field.

A lot of people feel that it’s quite simple at this point a woman mainly because most women are quite appealing, nonetheless there are some things that you have to be aware of and learn how to date a female properly. If you want at this point a woman, then you definitely need to learn some tips and tricks.

The very first thing that you have to perform when you want currently a woman is to make a decision on your time frame. This is the very first step towards being confident and attractive. There are several people https://www.https://prettybride.org/ who think that they are desirable in the beginning even so they think it is very difficult to identify a girl they would like to date. You should know the things that help to make a girl attractive and they are not hard to find.

Young girls don’t generally like guys who are scared of them. You need to understand that girls just like guys just who are assured and who have got a lot of confidence in themselves. Females like fellas who happen to be open and who can present a lot of to items that are interesting to them.

When you are dating women you should make sure that you don’t over review things and you should avoid thinking about every single detail that may be being mentioned in your way on the path to her. Simply just focus on the general aspect of that and make sure that you just having into disputes with the lady.

When you plan to date women in a public place, then you certainly should ensure that you dress up nice and that you are clean and tidy. This will make sure that the girl feels safe and secure around you. Minus enough self confidence then you can constantly wear a christmas costume smart and you can always use makeup.

The next thing that you need to how to date a girl is to know where to search for a girl. You are able to look on the Internet and there are many sites that will let you know where to seek for a girl.

Not what that you should understand the right way to date a girl is to know very well what makes a girl content. There are a lot of women who are very unhappy with their relationships. And that means you need to know the things which make a girl happy.

One of the things that you should be able to date a girl is to know very well what to make a woman happy is by asking her a question. This way you will know what makes her happy. If you want to know where to find a girl you can ask her mom or her buddy, you can even talk to her ex-boyfriend or perhaps ex-girlfriend.

The best dilemma to ask is usually, “Why are you so completely happy? ” After you have asked this kind of question you will definately get a good response and this will assist you to in understanding what makes her happy.

Another thing that you should discover how currently a woman should be to make sure that you usually do not try to manipulate her into sleeping with you. There are numerous men exactly who are so eager to get a person that they want to force her into making love with them. This is not the best move to make.

You should are aware that women wish to be with someone who is not interested in them but simply wants to satisfy all of them. So you should allow her get to know you and then http://forum.benchmark.pl/user/159664-bestasianbrides/?tab=reputation make it clear that you don’t need her as much as this lady needs you.

The best way to learn how to date a woman is to figure out how to date a female in a way that the lady will certainly feel comfortable with you. If you want to know methods to date a girl then you can do some of things.

Shirkadda Amal oo gargaar Lacageed ugu deeqday Dadka ku waxyeelloobay fatahaadaha Dalka ka dhacay

0

Shirkadda Amal Group ayaa Dadka ay saameysay fatahaadda ka dhacday qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya ugu deeqday Lacag gaareysa $40,000.

Amal Group ayaa deeqdan Lacageed gaarsiisay Dadka ku dhibaateysan Magaalooyinka Beledweyne ee Caasimadda Gobolka Hiiraan, Degmada  Berdaale oo ka tirsan Baay iyo meelo ka mid ah Gobolka Gedo.

Shirkadda Amal oo deeqdan ku wareejisay Guddiga gurmadka fatahaadaha ee Culimaa’udiinka iyo ganacsatada Soomaaliyeed ayaa qorsheynaysa in ay mar kale gargaar u fidiso Dadka ay waxyeellada kasoo gaadhay fatahaadaha ay sameeyeen Webiyada Jubba iyo Shabeelle.

Bulshada iyo maamulka Gaalkacyo oo Maanta sagootiyay Gaadiid gargaar u sida Baladweyne

0

Waxaa Magaalada Gaalkacyo lagu sagootiyey Maanta 3 Gaari oo nooca Candhameydlaha loo yaqaan ah iyo Guddiga gargaarka deg-degga ee dhanka Caafimaadka oo ka kooban 5 xubnood, si ay ugu gurmadaan Dadka ay waxyeellada kasoo gaartay fatahaadda Webiga Shabeelle ee mara Baladweyne.

Deeqdan oo noocyo kala duwan ah ayaa waxaa soo uruuriyay Shacabka Gobolka Mudug , waxaana sagootinteeda goob joog ka ahaa, Dhalinayaro, aqoonyanno, Culimaa’udiin, Saxafiyiin, Bulshada qeybaheeda kala duwan , maamulka Degmada Gaalkacyo, Guddoomiyaha Gobolka iyo ku Xigeenkiisa .

Sidoo kale waxaa gurmadka loogu jiro u gargaaridda Dadkii ku waxyeelloobay fatahaaddii ka dhacday Magaalada Baladweyne door weyn ka qaatay Shacabka ku dhaqan Gobollada Puntland iyo Galmudug.

  

WHO oo ka hadashay waxyeelladii ka dhalatay fatahaadaha Dalka

0

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa baraha Bulshada ku sheegtay in fatahaadihii dhowaan ka dhacay qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya ay ku dhinteen 25 Qof, halka 47 kalena ay ku dhaawacmeen, xilli ay Roobab culus ay ka da’ayaan meelo ka mid ah Dalka.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa sheegtay in Roobab mahiigaan ah oo ka hooray dhowr qeybood oo ka mid ah Soomaaliya ay barakiciyeen in kabadan 270,000 oo Qof, iyadoo burburiyay hab nololeedkii Dadka iyo kaabayaashii dhaqaalaha ee Dalka.

Xaaladaha adag ee ka jirta qeybo ka mid ah goobaha ay daadadku saameeyeen ayay sheegtay WHO in ay geeyeen qaddar yar oo Naf badbaadin ah, balse uu jiro dedaallo lagu ballaarinayo howlaha gargaarka.

Xafiiska Qaramada midoobay u qaabbilsan Isuduwidda arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA) ayaa dhowaan sheegay in kabadan 547,000 oo Qof in ay saameeyeen fatahaada Dalka ka dhacay.

 Isha;Xinhua

Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis ku kacaya 3 Mliyan oo Euro

0
Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa Saacadihii lasoo dhaafay ku kala saxeexday Magaalada Muqdisho heshiis lagu fulinayo mashaariic kala duwan oo uu ku baxayo dhaqaale gaaraya 3 Milyan oo Euro.

Wasiirka Wasaaradda Caafimadka Soomaaliya Drs; Fowsiiya Abiikar Nuur oo heshiiskani u matalaysay Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dhaqaalahan iyo mashaariicda kaleba ay Dowladda Talyaanigu ugu tala gashay in wax loogu qabto Caafimaadka Dadka Soomaaliyeed.

Amb. Alberto Vecchi Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay sii wadayaan taageerada Caafimaadka oo ka koobnaan doonta kuwa Dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

“Waan sii wadi doonaa taageerada dhinaca Caafimaadka ee Dadka Soomaaliyeed waxaana uga mahad celinayaa Wasaaradda sida ay noola shaqeyneyso” ayuu yiri; Amb. Alberto Vecchi.

Dowladda Talyaaniga ayaa Wasaaradda Caafimaadka ku wareejisay qalab loogu talagalay Hooyada iyo Dhallaanka oo ka mid ah adeegyada uu Isbitaalka Martiini bixiyo.

Wasiir Fowsiya ayaa sheegtay in qalabkan uu wax badan kusoo kordhin doono Isbitaalka, iyadoo uga mahad celisay Dowladda Talyaaniga taageerada ay siiyaan

Bulshada Soomaaliyeed.

“Soomaaliya iyo Talyaaniga xiriir qoto dheer ayaa ka dhaxeeya waana ku mahadsan yihiin taageerada dhinac walba ah, qalabkan wax badan ayuu ku kor dhin doonaa shaqada Isbitaalka iyo Dadka adeegga u baahan”ayay tiri Wariir; Fowziya.

Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegtay mamulka iyo Gacan ku haynta Ibitaalka MartiinI billoowgii Febraayo ee Sanadkaan, waxaana haatan adeegyo Caafimaad oo bilaasha ah uu u qabtaa Dad ka badan 40,000.