Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo la kulmay guddiga gurmadka gobolka Sool.

Date:

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahadi Maxamed Guuleed ayaa kulan soo dhaweyn ah la qaatay Guddi dhallinyaro iyo culimo ah oo ka soo kicitamay Gobolka Sool, kuwaas oo si isxilqaan ah isugu soo duba-riday howlihii gurmad ee bulshada Gobolkaasi ay kaga qeyb qaadanayeen gurmadka walaalaha Baladweyne.

Raiisul Wasaare Kuxigeenka ayaa ku bogaadiyey bulshada Gobolka Sool dareenka wadaniyeed ee ay u muujiyeen walaalahooda ay saameeyeen fatahaaduhu, isagoona si gaar ah ugu mahadceliyey culimada iyo dhallinyarada isu xilqaamay arrinkan.

Xildhibaan Sharmaarke Garaad Saleebaan Buraale oo kulankan kalmad ka jeediyey ayaa tilmaamay muhiimadda gaarka ah ee ay leedahay in dadka Gobollada Waqooyi ay la qeybsadaan walaalahooda kale ee dalka duruufaha soo food saara, taas oo xoojinaysa isdhexgalka bulsho iyo midnimada.

Sidoo kale, Xubnaha Guddigan ayaa kulan la yeeshay Guddiga Qaran ee Fatahaadaha, waxa ayna uga warbixiyeen gurmadka ay wadaan iyo dareenka dadka Gobollada Sool iyo Sanaag ee ku aaddan dhibaatada soo gaartay walaalahooda Gobollada Hiiraan, Bakool iyo Gedo.

Dhanka kale, Guddiga Gurmadka Sool waxa ay kulan la qaateen Xildhibaannada Deegaanka, masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka ah iyo aqoonyahanka ka soo jeeda Gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn ee ku nool Muqidsho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...