Wasaaradda Boostada oo faah-faahisay nuxurka Siyaasadda Qaran ee Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda

Date:

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tecnolojiyadda ayaa soo dhoweysay ansixinta Golaha Wasiirrada ee Siyaasadda Qaran ee Isgaarsiinta, taas oo ah middii ugu horreysay ee uu Dalku yeesho.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Soomaaliya, Md; Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in siyaasaddan ay ku timid wada-tashiyo muddo dheer qaadatay oo lala yeeshay dhammaan daneeyayaasha kala duwan ee siyaasaddan.

Mudane; Canshuur ayaa xusay in Dalkeennu uu leeyahay mid ka mid ah Isgaarsiinta ugu casrisan Qaaraddan Afrika, hase yeeshee ay ku shaqeyn jireen Suuq uusan ka jirin sharci iyo siyaasad, balse Saddexdii Sano ee la soo dhaafay ay Wasaaraddu waqti badan galisay sidii loo sameyn lahaa nidaamkii iyo sharcigii lagu dhaqi lahaa shirkadaha.

“Hadda waxaan leenahay sharci, hay’ad Isgaarsiineed, iyo siyaasad Qaran, taas waxay micnaheedu tahay inaan leennahay nidaamkii sharci iyo siyaasadeed ee lagu sii horumarin lahaa, isla markaana ay ku soo jiidan karaan maalgashi dheeri ah,” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka ayaa u mahadceliyay Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Siyaasaddan, wasaaradaha Isgaarsiinta ee Dowlad Goboleedyada, daneeyeyaasha kale ee fikirkooda ka soo dhiibtay muddadii wada-tashiyada iyo Midowga Isgaarsiinta Adduunka (ITU) oo taageero farsamo ku caawisay sidii loo heli lahaa siyaasad casri ah.

Siyaasaddan ayaa looga gol leeyahay in lagu taageero sidii loo xaqiijin lahaa yoolasha ugu waaweyn ee qorshaha horumarinta Qaranka, tubaha Qaranka iyo hiigsiga fog ee Xukuumadda ee ah sidii Teknoolojiyadda loogu adeegsan lahaa horumarinta dhaqaalaha iyo Bulshada, iyadoo sidoo kale istiraatiijiyaddan ay xoojineyso sidii wada-shaqeyn iyo isku-xirnaan ay u yeelan lahaayeen dhinacyada kala duwan ee ka shaqeeya arrimaha Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Dalka.

Qeybaha ugu waaweyn ee ay siyaasaddu xoogga saareyso Shanta Sano ee soo socota waxaa ka mid ah kordhinta helitaan Internet tayo leh oo qiima jaban, dhismaha kaabayaasha Isgaarsiinta, ilaalinta xogta macaamiisha, bixinta adeegyada Dadweynaha ee dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga, Beeraha (e-government, e-health, e-business, e-agriculture and e-education), dhismaha hannaanka dhaqaalaha ku saleysan internetka, iyo sidii loo abuuri lahaa xog badan oo afkeena ku qoran oo laga heli karo Internet-ka.

Ra’iisul-Wasaare Xasan Cali Kheyre, oo shirka Guddoominayay ayaa ugu baaqay Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee Dowladda, shirkadaha ganacsiga, iyo hay’adaha ka shaqeeya horumarinta in ay Gacan ka geystaan fulinta siyaasaddan, iyadoo hawlahooda dhinaca Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ku saleynaya siyaasaddan.

Siyaasadda-Qaran-ee-Isgaarsiinta-Teknolojiyadda

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...