Home Blog Page 961

Dowladda Turkiga oo dalalka islaamka ugu baaqday in Somalia loo gurmado.

Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Turkiga Mevlüt Çavuşoğlu ayaa dowladaha iyo shacuubta islaamka ugu baaqay in ay gacan weyn ka geestaan caawinta dadka Soomaaliyeed ee la dhibaateysan fatahaadda wabiyada Jubba iyo Shabelle.
 
Wasiir ayaa hadalkaan ka jeediyay shir ay isugu yimaadeen wasiirada arrimaha dibadda ee ururka iskaashiga islaamka oo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya kaas oo ka qabsoomay magaalada Doxa ee dalka Qatar.
 
“Waa inaan meel iska dhignaa khilafaadka dhexdeena ah isla markaana aan qaadanaa mowqif mid ah si Soomaaliya loogu soo dabaalo nabad iyo barwaaqo, beesha caalamka waxaan ugu baaqeynaa inaysan ildhaha ka laaban dhibaatada ka jirta Soomaaliya” ayuu wasiir Mevlüt Çavuşoğlu.
 
Waxaa uu soo hadal qaaday dib u dhiska ciidanka Qaranka Soomaaliya waxaana uu sheegay wasiirka in dowladiisu ay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed isla markaana ay garab ku siineyso la dagaalanka argagixisada.

Shan musharax oo ka qeybgalaya doorashooyinka madaxtinimo ee Aljeria

0

Mas’uuliyiinta doorashada Algeria ayaa sheegay in doorashada madaxtinimada ee ka dhaceysa dalkaasi bisha soo socota ay ku tartami doonaan shan murashax oo inta badan ah madax horay xilal uga soo qabtay dowladdii hore.

Dadka tartamaya ayaa kala ah Ra’isulwasaarihi hore Abdelmadjid Tebboune , Ali Benflis, wasiirkii hore ee dhaqanka Azzedddine Mihoubi, wasiirkii hore ee Dalxiiska Abdelkader Bengrine iyo Abdelaziz Belaid, oo ah madaxa xisbiga ugu dhaqdhaqaaqa El Mostakbal.

Dadka reer Aljeeriya ayaa 12-ka bisha Disembar u dareerti doona goobaha codbixinta ee doorashada madaxtinimo ee dalka ,inkastoo ay jiraan mudaaharaadyo weli ka socda gudaha dalka Aljeria.

Musharixiinta tartamaya qeyb ahaan waa kuwii ay ka dhasheeb rabsadaa socda mudada dheer ee lagu diidan yahay in ay soo noqdaan xubnaha dowladdii hore ee dalka Aljeeriya.

Ilaa 23 musharax ayaa isdiiwaaangeliyay inkastoo la ogolaaday ama liiska ay ku soo baxeen shan kaliya sida laga soo xigtay madaxa gudigga doorashooyinka Mr Chorfi.

Wasiirka Warfaafinta Oo Xilalka Ka Qaaday Agaasimayaashii SONNA, SNTV Iyo Radio Muqdisho

0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa is bedel ku sameeyay qaar ka mid ah Agaasime Waaxeedyada Warbaahinta dowladda iyo Waaxyo kale oo Wasaaradda ka tirsan.

Wasiir Maareeye ayaa xilka ka qaaday Agaasimihii Radio Muqdisho C/fataax Daahir Jeyte, waxaana xilka Agaasimaha Radio Muqdisho loo magacaabay Yaxye Cali Faarax.

Sidoo kale Agaasimihii Telefishinka SNTV ayaa waxaa laga qaaday Liibaan Cabdi Cali, waxaana loo magacaabay Faarax Salaad Dharaar.

Agaasimaha Wakaaladda Wararka ee SONNA ayaa loo magacaabay Cali C/qaadir (Cali Maykal).

Is bedeladan cusub ayaa ahaa kuwo lama filaan ah, iyadoo la faray Agaasimayaasha cusub ee inay sida ugu dhaqsiyaha badan ay xilalka ula wareegaan.

Halkan hoose ka akhriso wareegtada:-

Koox loo heysto Qaraxyada lagu aaso waddooyinka oo la xukumay

Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen (Siiseey), CabdiQani Cali Maxamuud Cali (Buneyste) Cali Muxudiin Abshir (Cali Kuulow) ayaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab iyo in ay si gaar u qaabilsanaayeen aasidda miinooyinka lagu qarxiyo gawaarida gaar ahaan deegnnada bariga ku teedsan ee Caasimadda.

Eedeysanayaasha koowaad iyo labaad ayaa si gaar ah loogu eedeeyay ilaa iyo sagaal miino oo ah nooca gacanta laga hago oo siyaaba kala duwan loola eegtay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM halka eedeysanaha Sedaxaad uu ahaa keyd hayaha agabka loo adeegsado qaraxyada isaga oo gambad ka dhigtay harqaan lagu talo maryaha duugga ah.

Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen (Siiseey), CabdiQani Cali Maxamuud Cali (Buneyste) ayaa laga soo qabtay xaafadda Suuqa-Xoolaha 29-ka bishii lixaad ee sanadkan, waxaana xooraansi dheer kadib u suura gashay ciidamada amniga in lixda bishii 7-aad gacanta u soo galo Cali Muxudiin Abshir (Cali Kuulow) oo ahaa key hayaha labada eedeysane ee hore.

August sideedii ayaa eeddooda lagu soo wareejiyay xafiiska xeer ilaalinta waxa ayna xilligaas codsadeen in loo dhaadhiciyo xabsiga dhexe si’ay u dhamaystiraan howshooda baariseed ee la xiriirta dambiyada ay u xiranyihiin, waxaana xilligaasi garsoorayaasha Maxkamadda darajada koowaad u direen xabsiga dhexe garsuge ahaan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa 12-ka bishii tagtay codsaday in la muddeeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah eedeysanayaasha kala ah Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen (Siiseey), CabdiQani Cali Maxamuud Cali (Buneyste) Cali Muxudiin Abshir (Cali Kuulow) , waxa ay dhammaantood kusoo eedeyeen la shaqeynta Alshabaab iyo in ay si gaar ah ugu diyaarsanaayeen dhigidda miinooyinka gacanta laga hago, Xafiiska ayaa Maxkamadda horkeenay Qiraallo laga qoray labada eedeysane, laba markaati iyo baarihii kiiska oo isna Maxkamadda ka hor sheegay natiijada barista hey’adaha Amniga.

Intii ay maxkamadda socotay ayaa loo ogolaaday eedeysanayaasha in ay ka jawaab celiyaan eedaha ay soo diyaariyeen xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side ee sida gaarka ah loola Xiriirinayo.

Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen (Siiseey) oo ah eedeysanaha koowaad ayaa sheegay in hadda ka hor uu soo galay gacanta ciidamada Amniga isagoo xilligaasi tababar la xiriira sida loogu dhagro miinada gawaarida ku soo qaatay gobalka Shabeellada Dhexe, waxa uu Maxkamadda ka hor sheegay in uu Alshabaab ku biiray September 2016.

Cali Maxamuud Cali (Buneyste) ayaa isna Garsoorka u sheegay in uu Alshabaab ku biiray 2017, waxa uu sheegay in uu ka qeyb qaatay weeraro qaraxya miinada dhulka lagu aasa ah isaga iyo eedeysanaha koowaad, waxa uuna intaas ku daray in eedeysanaha sedaxaad uu ahaa meel ay sii dhigtaan agabka qaraxyada ah iyo aaladaha kale ee lagu hago (Remote control) hasa ahaate eedeysanaha sedaxaad ayaa iska diiday in wax lug ah uu ku lahaa dhammaan eedaha loo jeediyay.

Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda weydiistay in lagu xukumo ciqaab u dhiganta qodobada ay kusoo eedeeyeen 3-da eedaysane.

Abuukatayaasha u dooday eedeysanayaasha ayaa Maxkamadda weydiistay in la siiyo xurriyadooda maadaama aysan samayn wax howlgal ah oo guulaystay marka laga soo tago In Alshabaab ay xilliya kala duwan ku biireen balse markii dambe ay iska noqdeen gurya jog, waxa ay si gaar ah Maxkamadda u weydiisteen in eedeysanaha Sedaxaad xurriyadiisa la siiyo.

Garsoorayaasha Maxkamadda ayaa ugu dambeyn go’aamiyay in Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen (Siiseey), CabdiQani Cali Maxamuud Cali (Buneyste) lagu wada xukumo min 15-sano oo xabsi ciidan ah, halka Cali Muxudiin Abshir (Cali Kuulow) ay Maxkamadda amartay in lagu xukumo 5-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Sedaxda xukunsane ayaa heysta fursad ay ku dalban karaan Rafcaan muddo la siman 30-cisho xukunka kadib.

Ciidamada sida gaarka ah u carbisan ee DANAB oo sii kordhaya.

0

Taliska Xoogga dalka oo sanadihii dambe dib u qaabeyn iyo tayaynta ciidamada xoogga dalka si xooggan u waday ayaa sii kordhiyay, lambarka ciidamada gaarka u carbisan ee DANAB isla markaana abuuray Talis u gaar ah. Ciidamadani ayaa horay u ahaa Urur gaar u taaggan oo aan ka mid aheyn guutooyinka uu’ u qeybsan yahay xoogga dalka.

Ciidamada kumaandooska ah ee DANAB ayaa la gaarsiiyay Guuto halkii ay horay u ahaayeen Urur taas oo ka dhigan in Urur kale lagu sii kordhiyay isla markaana loo asteeyay magac u gaar ah  taas oo ah Guutada 16-aad ee DANAB.

DANAB ayaa laf-dhabar u aheyd guullo dhowr ah oo laga gaaray howlgallo ka dhacay qeybo ka mid ah gobollada dalka kuwaas oo ahaa kuwa toos ah iyo kuwa si dadban ay u fuliyeen, Guutada 16-aad ee DANAB waxaa hoggaamin doona oo loo magacaabay Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik oo waxbarasadiisa heerka jaamacadeed kusoo qaatay Dalka Malesia, sidoo kalane kasoo qalin jabiyay Kuliyad dhinaca howlgalinta ah ee ku taalla dalka Maraykanka.

Golaha shacabka oo ansixiyay xisaab xirka miisaaniyaddii 2017-ka.

0

Kulanka mudanayaasha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan,waxa ay ugu horreyn Xildhibaanada akhrinta koowaad marsiiyeen Hindise Sharciyeedyada Qareennada Soomaaliyeed iyo nootaayada dadweynaha waxaana Golaha usoo gudbiyay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xasan Xuseen Xaaji.

Intaasi Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ansixiyay xisaab-xirka miisaaniyadda Dowladda ee 2017 waxaana codeynta ka dib natiijada ku dhowaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka shir guddoominayay.

Xildhibaan Maxamuud Cabdullahi Siraaji oo ah Guddoomiyaha guddiga maaliyadda,miisaaniyadda,qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka ayaa Xildhibaanadda uga mahad celiyay ansixinta Xisaab xirka Dowladda ee 2017.

Dhinaca kale mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa sii amba qaaday dood fadhigan kii ka horeeyay bilaabatay oo aheyd maxdarka Xildhibaanada ama soo xaadirista Xildhibaanada ee fadhiyada Golaha.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka ka hadlay oo mudanayaasha kaga celiyay ka doodista ajendaha muhiimka ayaa sidoo kale sheegay in muhiim ay tahay in la helo hanaan shaqada Golaha lagu dar dar geliyo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka soo xiray ayaa xildhibaanadda kaga mahad celiyay ka doodista ajendaha la xiriira soo xaadirista Xildhibaanada.

Ciidanka xoogga dalka oo kaalmo gaarsiiyay dadkii uu saameeyay Wubiga Shabeelle.

0

Cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo fariisin ku leh magaalada Dhuusamareeb ayaa kaalmo soo gaarsiiyay dadka ay saameeyeen fatahaadaha ee magaalada Baladweyne.

Gaashaanle Sare Cabdraxmaan Axmed Caraale oo ka mid ahaa Saraakiisha ciidanka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa tilmaamay in kaalmo ay iska jareen ciidamada soo gaarsiiyeen Beladweyne,

“Waxaan ahayn saraakiil booqasho ku timid Beladweyne, una soo gurmaday shacabkooda Beladweyne ku nool, waxaana ka nimid magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug, waxaana walaalaheen ugu deeqday kaalmo yar oo ciidanka Qalabka sida ay iska gooyeen oo ay dadkooda ugu tabaruceen, waxaan rabnay inaan qalbigeena tusno, oo aan dareensiino inaan nahay hal xubin, oo aan la damqaneyno dhibta soo gaartay, ciidankana waan uga mahadelinayaa sida ay u garteen inay dhibka la qeybsadaan walaalahood, iyadoo la dareemi karo nolosha uu ku noolyahay Askariga, lana ogyahay mushaarka ay qaataan, ayna u diyaarsanyihiin inay Walaalahood wax u qabtaan” ayuu yiri  Gaashaanle Sare Cabdraxmaan Axmed Caraale.

Gaashaanle Sare Cabdraxmaan Axmed Caraale ayaa sheegay in shacabka reer Galmudug ay iminka wadaan dadaallo kaalmo loogu arruurinayo Walaalahood ay fatahaaduhu saameeyeen, ayna dhankooda diyaar u yihiin inay soo galbiyaan marka ay kaalmada iska soo aruuriyaan shacabka Galmudug, si loo soo gaarsiiyo Beladweyne.

Cabdraxmaan Axmed Caraale ayaa ugu baaqay bulshada inteeda kale inay dhankooda kaalmada la soo gaaraan shacabka ku dhibaateysan duleedka Beladweyne ee ka soo barakacay fatahaadaha.

Wasiirada Ganacsiga Soomaaliya iyo Turkiga oo kulmay+Sawirro.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cali Xasan  oo ka mid ahaa Wafdiga Dawladda Soomaaliya  ee  magaalada Ankara uga qaybgalay Shirka Iskaashiga Xiriirka Dhaqaalaha ee Soomaaliya iyo Turkiga, ayaa kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka Ganacsiga dalka Turkiga Marwo Ruhsar Pekcan.

Intii kulanku socday waxay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii loo horumarin lahaa Iskaashiga Ganacsi iyo Maalgashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, waxaana  si gaar ah kulanka diiradda loogu saaray heshiiska Iskaashiga dhaqaalaha Soomaaliya iyo Turkiga , sidii Turkigu u taageeri lahaa Hay’adda Tayyo dhowrka Badeecada Soomaaliya iyo Warshadayn Dalka Soomaaliya  lagu sameeyo, taasi oo kor u qaadi doonta koboca dhaqaalle ee Dalkeena.

Dhinaca kale  Wasiirka Wasaaradda Ganacisga iyo Warshadaha Mudane Cabdullaahi Cali Xasan ayaa kulan  gaar ah la qaatay Wasiirka Warshadaha iyo Tiknoolajiyadda Dalka Turkiga Mustafa Varank , oo ah Nin Xog-Ogaal u ah xaaladda Soomaaliya, kana mid ahaa wafdigii Turkiga  ee sanadkii 2011 yimid Soomaaliya, isagoo xiligaasi la taliye u ahaa Ra’iisul Wasaarihii Turkiga, hadana ah Madaxweynaha Turkiga Rajeb Tayib Erdogan.

Mudane Cabdullaahi Cali Xasan ayaa xusay in Soomaaliya ay leedahay khayraad badan, oo ay ka midyihiin Beeraha, Kalluumaysiga iyo Xoolaha ,waxaana laga hadlay sidii ganacsatada dalka Turkiga ay u maal gashan lahaayeen Soomaaliya.

Wasiirka Warshadaha iyo Tiknoolajiyadda Dalka Turkiga Mustafa Varank ayaa xusay inay Soomaaliya garab taagan yihiin, islamarkaana ay gacan siin doonaan tababarada Warshadaha iyo Waayo-aragnimada Tiknoolajiyadda.

Wasiirka waxaa kulamada ku weheliyey mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga iyo u Qaybsamaha Ganacsiga ee Safaaradda Mudane Maxamed Aadan Daahir.

Wasiir Maareeye”DFS waxaa ka go’an ilalinta badqabka Saxafiga iyo Saxaafadda Soomaaliyeed.

0

Wasiirka  Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska Xukuumadda Federaal Soomaaliya mudane Max’ed Cabdi Xayir Maareeye oo maanta Xafiiskiisa ku qabtay Shir Jaraa’id uu kaga hadalayay qiimaha ay leedahay maalinta 2-da November  oo caalamku u asteeyay  maalinta Badqabka Suxufiyiinta  ayaa sheegay in siyaasadda dowladda Soomaaliya ay tahay in la cirib tiro ku xadgudubka wariyaha iyo dhammaan dambiyada kale ka dhanka ah warbaahita xorta ah.

“2-da November 2019 waxay ku beegen tahay maalinta  adduun waynaha  iyo bahda warbaahinta,Ururadoodu ay ku qiimeeyaan qaabka dowladuhu uga hortagaan ama ula xisaabtamaan  xadgudubka iyo  dambiyada laga galo wariyaha iyo warbaahinta xorta ah, inkastoo dalkeenna  Soomaaliya weli yahay  wadan dhib ka soo  gaaro  wariyaha ama kasoo gaari karo maadama ay ka howlgasho argagixisada caalamiga ah,dhinaca kalena aan weli adkayn hirgalinta amarka iyo kala dambaynta dalka  maadama dalkeennu  yahay  wadan kasoo kabanaya burbur dowladnimo, xukunkuna  aan weli si baahsan oo siman dalka oo dhan iskugu  xirnayn”. Ayuu yiri wasiirka warfafinta oo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id.Wuxuu soo hadal qaaday in la sameeyey shuruucdii la xiriirtay xaqijinta arrimahaasi badqabka saxafiga iyo saxaafadda Soomaaliyeed.

”waxaanu sameeynay dhamaan shuruucdii hay’adihii iyo xeerarkaasi  xaqiijin lahaa, hadafkaas iyo siyaasadda dowladda Soomaaliya ee ciribtirka la xisaabtan la’aanta xadguubyada Wariyayaasha iyo Warbaahintaba”. Ayuu yiri wasiirka Warfaafinta.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata  ayaa “yiri Annagoo kaashanayna ururada ay ku midaysan yihiin Wariyeyaasha Soomaaliyeed iyo warbaahinta xorta ah, ururada bulshada rayidka ah ee dalka,waxaanu dhisnay guddi Qaran ee badqabka wariyaha (National Coordination Committee for safety of Somali Journalists), Soomaaliyana waxay noqotay wadankii ugu horreeyay ee bariga Afrika ee guddigaasi dhisa.

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayuu sheegay wasiirku in ay xiriir dhow oo wada Shaqayn ah  la leedahay wariyeyaasha Soomaaliyeed iyo ururadooda,isagoo intaasi ku daray in sidoo kale ay wasaaraddu xoojinayso xiriirka iyo wada shaqaynta  ka dhexeysa Hay’adaha dowladda sida Booliiska, garsoorka,ururada Suxufiyiinta iyo wariyeyaasha,ayna diyaar u tahay inay hoggaamiso dadaalka Soomaaliya looga cirib tirayo ku xadgudubka wariyayaasha.

Ugu dambayntii wasiiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ugu hambalyeeyay  wasaaradda iyo howlwadeennadeeda  howsha ay qabteen iyo ururada suxufiyiinta oo ku guulaystay inay siyaasad ahaan ay hormuud u noqdaan Geeska Afrika , islamarkaana sameeyaan hab lagu ciribtiro xadgudubka Saxafiga iyo Saxaafadda, dhanka kale wasiirka ayaa  tacsi u diray eheladii iyo carrurtii ay ka tageen wariyeyaashii ku geeriyooday iyagoo shaqadoodi ku guda jiray.

“Samir iyo iimaan dhamaanteen Allaha naga siiyo, intii ku dhaawacantayna Allaha u booga dhayo sida Ismaaciil Sheekh Khaliifa iyo wariyeyaasha la midka ah,Waxaan ballan qaadaynaa dowlad ahaan in aan ciribtirno xadgudubka xaqdarrada ah  ee loo gaysan karo wariye Shaqadiisa ku guda jira”. Ayuu yiri wasiir Maareeye.

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar oo ku heshiiyay isticmaalka Dayax gacmeed.+Sawirro.

Dowladaha soomaaliya iyo Qatar ayaa heshiis iskaashi oo dhinaca tiknoolajioyadda ah ku gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar, Wasiirka Boostada isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Xukuumadda Federaalka ah soomaaliya Mudane Cabdi Canshuur Xasan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa kulamo gaar ah magaalada Dooxa kula yeeshay Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta Dowladda Qatar Mudane Jassem bin Saif Al Sulaiti iyo xubno kale oo dowladdaasi ka mid ah.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay heshiisyo hore iyo kuwa cusub oo ay yeeshaan iyo sidii labada dal ay isaga kaashan lahaayeen isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda casriga ah iyadoo si dhaw looga wada shaqeynayo, isla markaan maalgalin iyo horumarin dhinaca kaabayaasha Isgaarsiinta dalka iyo tababaridda iyo tayeynta awoodda shaqaalaha Isgaarsiinta guud ahaan dalka.

Ugu dambeyn kulamada  labada Wasiir ayaa kusoo dhammaaday Is af-garad iyaga oo heshiis ka gaaray in ay muhiim ay tahay iskaashi ay yeeshaan labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan arrimaha Isgaarsiinta casriga ah iyo arrimaha Tiknoolajiyadda ah isla markaana ah qorshaha wasaaradda Boostada ee shanta sano ee soo socota.

Labada wasaaradood ayaa ugu dambeyn kala saxiixday heshiis gaar ah oo dhinaca tiknoolajiyadda ah kaas oo ah isticmaalka Dayax gacmeed loo adeegsado arriimaha isgaarsiinta Soomaaliya, heshiiskan oo uu Soomaaliya u saxiixay Maareeyaha Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka  mudane Cabdi Sheekh Axmed isla markaana ay goobjoog ka haayeen labada wasiir oo heshiiskaasi gaaray iyo mas’uulka u saxiiyay Qatar.

“Iskaashigan cusub ee labada dal waxa uu qeyb fiican ka qaadan doonaa maalgelinta iyo dib-dhiska kaabaayaasha isgaariinta dalka, waxa uuna sidoo kale suurtogelin doonaa ka-faa’iideysiga khibradda dalka Qadar oo ka mid ah kuwa ugu horreeya dalalka carabta dhinaca maalgelinta tiknolojiyadda casriga ah,” ayuu yiri wasiir Cashuur oo intaasi ku daray “lama gaari karo hiigsiga siyaasada iyo Istaraatiijiyadda Qaran ee Isgaariinta iyo Tiknolojiyadda ee ay dhowaan diyaarisey wasaaradda haddii aan la helin dalal saaxiibo ah oo naga caawiya dhinaca khibradda, farsamada iyo soo dhoofinta tiknolojiyadda casriga ah’’ ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay wasiir Canshuur.

Wafdigan oo uu Waiirku hoggaaminayo muddadii u ay joogeen dalkaasi waxaa ay ka qeyb galeen bandhiyo dhowr ah oo ku saabsan baahida ay qabi karaan dalalka soo koraya isla markaana danaynaya sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen, Soomaaliya ayaa sanadihii dambe si dardar ah uga dhex muuqatay waddamada gobolka iyo guud ahaan dunida kadib markii ay ka baxday xilliyadii adkaa oo ay muddo kusoo jirtay.