Home Blog Page 961

Madaxweynaha JFS oo Kumanaan Shacab ah dabaal dega Munaasabada 1-Luulyo kala qeyb galaya Istadium Konis

0

Muqdisho (SNTV)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa haatan ka qeyb galaya Munaasabad si heer sare loo soo agaasimay oo lagu xusayo Kowda Luulyo,taasi oo ka socota Garoonka Kubadda cagta Stadium Konis ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda oo ah mid loogu dabaal degayo 1da Luuliyo 1960kii oo aheyd maalintii xornimada iyo isku darkii koonfur iyo waqooyi ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka tirsan labada Gole ee Dowladda Federaalka,Saraakiil ciidan iyo kumanaan shacab ah oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir.

Shacabka ka qeyb galaya munaasabaddan ka socota Garoonka Kubadda cagta ee Istadium Konis ayaa wajiyadooda laga dheehan karaa farxad iyo hilowga ay u qabaan Soomaaliya oo mid ah oo horumar ku tallaabsata.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ubax dhigay Tallaada Daljirka Dahsoon taas oo lagu xusuusanayo halyeeyadii Soomaaliyeed ee wiilasha yo gabdhaha lahaa ee naftooda u huray xornimada iyo midnimada dalka.

Ciidamada amniga ayaa si weyn u adkeeyay ammaanka magaalada Muqdisho si aysan kooxaha nabad-diidka ugu soo dhex dhuuman Shacabka dabaal degaya una dhibaateyn.

Madaxweyne Farmaajo oo Madaxtooyada Kaga Qaybgalay Xuska Musaasabadda 1-da Luulyo ”Sawirro”

0

Muqdisho (SNTV)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka kaga qaybgalay xuska sannad-guurada 59-aad ee ka soo wareegtay markii Gobollada Koonfureed ay xorriyaddooda la soo laabteen, isla markaasna ay is-raaceen Koonfur iyo Waqooyi.

Madaxweynaha oo munaasabadda 1-da Luulyo khudbad ka jeediyay ayaa hambalyo u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed isaga oo ku boorriyay inay ku fara-adaygaan midnimada, wadajirka iyo walaaltinnimada dhexdooda ah, kana qayb-qaataan dadaallada ay dowladdu ugu jirto dhisidda Qaran Soomaaliyeed oo maqaam sare ku dhex leh caalamka.

“Waxaan u dabbaal-dagaynaa sannad-guuradii 59-aad ee ka soo wareegtay maalintii gobollada Koonfureed ay xorriyaddii ka qaateen Talyaaniga, Waqooyi iyo Koonfurna ay ku midoobeen hal dowlad, hal qaran iyo hal calan.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka sheekeeyay doorkii ay dhaqdhaqaaqyadii gobonnimo doonka Soomaaliyeed ka qaateen madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya isaga oo u duceeyay halgamaayaashii naftooda u huray xorriyadda iyo qarannimada ummadda Soomaaliyeed.

Madaxwenaha ayaa sheegay in 1-da Luulyo ay tahay maalintii la gurtay miraha halgankii gobonnimo doonka ee ay ka qaybqaateen halyeeyada Soomaaliyeed kuwaas oo ku midaysnaa aragtida ah inay diidaan guumaysiga, gunnimada iyo quursiga isla markaana aanay oggolaan in cid kale ka sarrayso.

“Halgamayaashii gobollada Koonfureed iyo kuwa Waqooyi waxay ka midaysnaayeen guumaysi diid, waxay ka midaysnaayeen gunnimo diid, waxay ka midaysnaayeen quursi diid iyo in qofka Soomaaliyeed aanu oggolaan in laga sarreeyo.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa si qoto-dheer uga hadlay muhiimadda ay midnimadu leedahay horumarka dalka isaga oo shacabka Somaliland ku ammaanay sidii ay wakhtigii israaca ugu tanaasuleen wadajirka ummadda, waxa uuna hoosta ka xarriiqay in dowladdu ay diyaar u tahay in ay ka qanciso tabashooyinkooda si meesha looga saaro kala qaybsanaanta.

“Waxaan qabaa rajo fiican. Waxaan qabaa in Soomaali ay midoobi doonto, waxaana gacmaha u furaynaa walaalaheenna reer Somaliland ee ay aabbayaashood dhaliyeen midnimada.”

Munaasabadda Xuska 1-da Luulyo waxaa sidoo kale ka qaybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow), Wasiirka Warfaafinta ahna Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida, masuuliyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Banaadir.

R/ Wasaare Kheyre oo Daboolka ka qaaday in Gogosha Dib-u-heshiisiinta Galmudug Ay taallo Dhuusamareeb.

0

Muqdisho (SNTV) Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo ka hadlayay munaasabadda xuska 59-aad ee maalinta xorriyadda goballada Koonfureed iyo midnimada Waqooyi iyo Koonfur ayaa shaaciyay in gogosha dib-u-heshiisiinta Galmudug ay taallo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa munaasabadda ka sheegay in magaaladu ay soo buuxisay shuruuddii ku xirnaya in magaaladu marti geliso gogoshaan muhiimka ah.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa uga mahadceliyay madaxa fulinta Galmudug aqbalaadiisa ku aaddan in ciidamada amniga dowladda federaalka Soomaaliya ay ka howl galaan magaalada Dhuusamareeb si ay awood ugu yeelato marti gelinta gogosha dib-u-heshiisiinta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray hey’adaha amniga dowladda federaalka Soomaaliya in sida ugu dhaqsiyaha badan uga howl galaan magaalada Dhuusamareeb si gogosha laga fidiyay ay ugu qabsoonto sida ugu habboon, looguna guulaysto dhismaha Galmudug loo dhanyahay sal adag oo u adeegta dadkeeda iyo ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa deegaannada Galmudug mudda toddobaad ah ku joogay safar shaqo oo uu ku doonayay in uu ku caawiyo reer Galmudug dhismaha dowlad gobaleed loo dhanyahay, sal adag, kana shaqeeya danaha bulshada Galmudug iyo guud ahaan qaranka Soomaaliyeed.

  

Masar Oo Soomaaliya Usoo Dirtay Hambalyo Ku Aaddan 1-da Luulyo.

0
Muqdisho (SNTV) Madaxweynaha Dalka Masar, C/fitaax Aziizi, ayaa hambalyo ku aaddan munaasabadda 1-da Luuliyo la wadaagay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Xoghayaha madaxtooyada Dalka Masar, Axmed Maxamed Ihaab, oo dhambaalkan ka siday Madaxweyne Aziizi, ayaa waxa uu la wadaagay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Qaahira.

Dowladaha Masar iyo Soomaaliya ayaa leh xiriir Walaaltinimo oo soo jireen iyo mid iskaashi oo dhinacyo badan leh.

1da Luulyo “Mataanayntii Maandeeq”

0

Sanadguurada 59aad  ee maalinta guusha ee 1da Luulyo oo waxay ku suntan tahay xornimadii gobollada koonfureed ee dalka iyo midowgii gobollada waqooyi iyo koonfur, iyo dhalashadii Jamhuuriyadii koowaad ee Soomaaliya, hadaba su’aasha mudan in laga jawaabo waxay tahay, sidee Shacbiga Soomaaliyeed ku hantay madxbanaanidaasi,waasee kuwee halyeeyadii hoggaaanka u ahaa hanashadii libintaasi wayn.

Diiwaanka Taariikhda dal walba oo dunida ka mid ah waxaa ku xardhan sooyaalkii iyo kifaaxii umaduhu u soo galeen hanashada Madaxbanaanidooda,waxaana xusuus reebyadooda ku tilmaaman muwaadiniintii geesiyaasha ahaa ee naf iyo maalba u huray ku hoggaaminta shucuubta dariiqa guusha,

Shacbiga Soomaaliyeed oo ka soo jeeda Sinji Keena diid ah, wuxuu ka mid yahay umadaha dunida ee ku tilmaan gumaysi diidka, lehna taariikh fac wayn oo gobanimadoon oo soo taxnayd dhowr qarni,geesiyaasha xusidda gaarka ah mudan  waxaa ka mid Imaam Axmed Ibraahim (Axmed Guray), Sayid Max’ed C/lle Xasan,Shiikh Bashiir, Shiikh Xasan Barsame, Xaaji Faarax oomaar, 13kii S.Y.L, Xoghayihii guud ee Xisbiga S.Y.L C/llaahi Ciise Max’uud.iyo geesiyaal badan oo naftooda u huray hanashada Xoriyadda.

Dhaqdhaqaaqii ugu horeeyay ee lagaga soo horjeeday gumeystaha ee ka hanaqaaday dhulka soomaalida wuxuu ahaa kii Axmed Garaad Ibraahim “Axmed Gurey” oo halgankiisu bilowday 1528 illaa 1543. Axmad Gureey,waxaa u suuro gashay in uu si geesinimo leh kaga hortago gumaystayaashii isa soo bahaystay ee doonayay ina ay Saanyadaan ciidda Soomaaliyeed.

Muddo kadibna Waxaa shucladdii halganka difaacidda sharafta dalka iyo dadka soomaaliyeed kor u qaaday Darwiishkii sayid Max’ed Cabdulle xasan oo dagaal muddo rubac qarni socday la galay gumaystihii Ingiriiska iyo kuwii kale,wuxuuna jab taariikkaysan ku dhigay ingiriiska ciidamadiisii dhulka kuwaasi oo ka quustay inay u babac dhigaan ciidamadii jadbaysnaa ee Daraawiishta.

Sanadkii 1919-kii ayaa saraakiishii hogaaminaysay ciidamadii gumaystaha Ingiriiska waxay dowladooda u gudbiyeen in aysan dagaal dhinaca dhulka ah kaga guulaysan Karin ciidamada sayidka, isla sanadkaas ayaa ingiriisku go’aan ku gaaray in dhinaca cirka laga weeraro qalcadihii adkaa ee Sayidka, 21kii Jannaayo 1920-kii ayaa diyaarado dagaal oo ingiriisku leeyahay noocooduna ahaa DH9 weerar ku qaadeen Saldhigyadii ciidamadii daraawiishta.

Halgankii Daraawiishta kadib, waxaa soo baxay halyeeyo dhallinyaro wadaniyiin ah oo naftooda iyo hantidooba u hurey dhulkooda hooyo waxaana ka mid ahaa Shiikh Xasan barsame, Xaaji Faarax Oomaar iyo sheikh Bashiir dhalinyaradii Xisbigii S.Y.L ee laga dhisay Muqdisho 15kii may 1943dii iyo xoghayihii guud ee S.Y.L C/llaahi Ciise Max’uud  dhanka kale Gobollada waqooyi ee dalka ee ingiriiska gumaysanayay waxaa ka hanaqaaday xisbiyadii S.N.L & U.S.P oo kifaax adag u galay sidii dalka iyo dadka looga duqaadi lahaa heeryadii gumaysiga.

1948dii waxaa magaalada muqdisho ka dhacay dagaalkii Hanoolaato oo ku soo beegmay maalintii Q/M dalka Soomaaliya u soo dirtay guddi xaqiiqo raadin oo ka kooban 4tii dowladood ee ku guulaystay dagaalkii 2aad ee dunida ee kala ahaa Maraykanka,Ingiriiska, Faransiiska iyo dalkii hore loo oran jiray Midowga Soofiyeti, isla sanadkaad Q/M waxay go’aamisay in gobollada koonfureed ee Soomaaliya muddo toban sano ah oo ka bilaabanaysa 1950ka ay si wada jir ah ay u sii maamulaan Q/M & dalka Talyaaniga, kadibna xornimo la gaarsiiyo 1960ka.

12kii octoobar 1954tii ayaa S.Y.L waxay guddi xirfadlayaal iyo hal abuurayaal u saartay inay alifaan ama hal abuuraan naqshadda uu yeelanayo Calanka.Soomaaliya, waxaana ku guulaystay oo hal abuurkiisii la qaatay Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa Leegada iyo midowga shaqaalaha ganacsatada.
Xiddigta cad ee shanta gees leh waxaa ay ka tarjumeysaa 5ta qeybood ee dhulka Soomaalidu ka kooban yahay, Midabka buluugga khafiifka ah waxaa uu u taagan yahay midabka cirka,24tii March 1956dii waxaa la dhisay Dowladdii Ugu horeysay abid ee dad soomaaliyeed hogaanka u qabtaan, waxayna ahayd daakhili ka kooban 6 wasiir,Ra’iisalwasaarana waxaa ka ahaa Allaha u naxariistee C/llaahi Ciise Maxamuud,

Hadaba  markii ay soo dhawaatay gobannimada ,xilligaasi oo gobollada koonfureed ee dalka ay ku jireen mudada xornimo gaarsiinta , waxaa wada hadallo u bilaawdeen madaxda gobollada koonfurta ee talyaaniaga gumaysanayay iyo masuuliyiintii gobollada waqooyi oo uu gacanta ku hayay Ingiriiska waxayna ku heshiiyeen in ay midoobaan lana yagleelo hal dal oo soomaaliyeed.

26kii juun 1960kii waxaa beerta xoriyadda ee magaalada Hargaysa laga suray Calankii ugu horeeyay ee xor ah ee laga taago ciid Soomaliyeed, waana habeenkii uu marxuum C/llaahi Suldaan max’ed (Tima- cadde) ka mariyay goobtii Calansaarka Gabaygii Taariikhda galay ee ahaa Sareeyoow ma Nusqaamoow aan siduu yahay eega’e kaana siib kanna saar). waxaana miraha gabaygaas ka mid ahaa:-

(ka siddeetan sabaan calankaannu sugeynaye, sahankiisa ahaynoow, seermaweydo hilaacdayoow, Sagal maanta darroorayow, siigadii naga mayrayoow, saqdhexaannu ahaynne, kii soo saaray cadceeddoo, Samada kii u ekaaye, xiddigaha mid la siiyayoow, Saaxirkii kala guurraye, Sarreeyow ma nusqaamoow aan siduu yahay eego’e kaana siib kanna saaree).

Afar maalmood kadibna oo ku beegnay 1dii luulyo 1960kii waxaa xornimadooda qaatay goballadii koonfureed ee Soomaaliya, isla markaana waxaa midoobay gobolladii waqooyi iyo koofur, waxaana dhidibada loo taagay Jamhuuriyaddii koowaad ee soomaaliya.

July 1, 1960: Madaxweynihii u horeeyey ee Soomaaliya waxaa noqday Aaden Cabdulle Cismaan (Aaden Cadde), wuxuuna xilka hayay 1/7/1960-kii ilaa June 10, 1967, kadibna 1967d-ii waxaa doorashadii madaxtinimada dalka ku guulaystay Md. C/rashiid Cali Sharmarke , isagoo Ra’iisalwasaare u magacaabay md: Max’ed Xaaji Ibraahim Cigaal, Madaxwayne C/rashiid.C.Sharma’arke wuxuu  xilka hayay1967dii illaa 1969kii, Waxaa biyo kama dhibcaan ah taariikhda dalka iyo Sooyaalka soomaalida ku xusnaan doonta qiiradii iyo xornimo jacaylkii lagu keenay Calanka iyo midnimada dalka.

Xornimada Soomaaliya oo hadda laga joogo 59 sano waxaa lagama maarmaan ah in dib boorka looga jafo wadaniyaddii iyo is jacaykii dalka iyo dadka  Soomaaliyeed ku mataanoobeen taasi oo abwaanada soomaaliyeed ka yiraahdeen (Dhaaxaan murugo iyo haraad mudannee, maantay curatooy mataanaysee aan maalno hasheenna Maandeeq).

W/D:- Abukar Gobdoon

Madaxweyne Farmaajo oo Salaadda Janaasada ku tukaday Marxuum Qanyare “Sawirro”

0

Muqdisho (SNTV)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Salaadda Janaasada ku tukaday Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Qanyare Afrax, oo dhowaan ku geeriyooday Muqdisho.

Madaxweynaha iyo masuuliyiinta Marxuumka ku tukaday Salaadda Janaasada ayaa Alle uga baryey in uu u naxariisto, hoygiisana ka yeelo jannada.

Sidoo kale, waxa ay samir iyo iimaan u rajeeyeen Qoyskiisa iyo dhammaan Shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Janaasada Marxuum Marxuum Maxamed Qanyare Afrax, waxaasidoo kale ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaannada Labada Gole, masuuliyiin heer Gobol ah iyo qaar ka mid ah duubabka dhaqanka.

Guddoomiyaha Gobalka Shabeellaha Hoose oo Guddoomiye cusub u magacaabay deegaanka Bariire

0

Muqdisho (SNTV) Wareegto kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa Guddoomiyaha cusub ee deegaanka Bariire loogu magacaabay Cumar Cabdi Xasan.

Guddoomiyaha Gobalka Ibraahim Adam Cali Najax ayaa Guddoomiyaha Cusub ee deegaanka Bariire u rajeeyay in xilka uu alle u fududeeyo, isagoo kula dardaarmay in shaqadiisa uu  si wanaagsan u guto.

Ciidamada Qalabka sida ayaa deegaanka Bariire ka ka saaray maleeshiyaadka arxanka daran ee argagixisada Alshabaab oo dhibaatooyin ay kamid yihiin kuwa dhinaca aadanaha oo xooggan ku hayay mujtamaca Soomaaliyeed ee kudhaqan deegaankaasi, iyadoo ay xusid mudantahay in Ciidamadu ay weli sii baacsanayaan argagaxisada Alshabaab.

Halkaan Hoose Ka Akhriso Wareegtada Magacaabista

Madaxweyne Farmaajo oo Xariga ka Jaray Waddooyin Muhiim u ah Bulshada Caasimadda “Sawirro”

0

Muqdisho (SNTV) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saakay waxa uu xariga ka jaray laba waddo oo muhiim ah oo ku yaalla magaalada Muqdisho, kuwaas oo dib udhis lagu sameeyay.

Waddooyinka xarrigga laga jaray ayaa kala qeybiya degmooyinka Cabdicasiis iyo Shangaani ee Gobolkan Banaadir, waxaana dhisay Maamulka Gobolkan Banaadir.

Dayactirka waddooyinka ayaa qeyb fududeeyn doonaan habsami u socodka wadada ee gaadiidka kala duwan ee isaga kala goosha degmooyinka ay waddooyinkani ku dhexyaalaan iyo sidoo kale bilicda Caasimadda.

Munaasabadda xarigga looga jarayay ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Gobalkan Banaadir Cabdiraxman Cumar Yariisow iyo mas’uuliyiin kale, iyadoo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Max’ed C/laahi farmaajo uu ugu magacdaray mid kamid ah wadooyinka xarriga laga jaray gabyaagii weynaa abwaan Cabdullaahi Suldaan Tima-cadde.

 

 

K/Galbeed & Galmudug oo Ka wadahadlay Dhacdadii ay Dad Ka soo Jeeda K.Galbeed lagu dilay Deegaanno Ka tirsan Galmudug “Sawirro”

0

Gaalkacyo-(SNTV)-Labo Guddi ee ka kala socda Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Maanta kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka Magaaladaasi.

Odayaasha ayaa Labada Guddi uga tacsiyeeyay Dadkii lagu dilay mashaqadii ka dhacday magaalooyinka Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb, iyagoo sheegay in ay diyaar u yihiin Beelihii ay ka dhasheen Dadkii la laayay ay kala fariistaan dhibaatadii dhacday.

Odayaasha Gaalkacyo ayaa Guddiyada u sheegay in lagu raad joogo dambiilayaashii falkaas geystay,  islamarkaana la marin doono ciqaabta ku habboon ee dhinaca sharcig ah.

Sidoo kale Odayaasha ayaa ballan qaaday in dhibaatadii dhacday aysan dib dambe usoo laaban doonin, si nabadgelyo ahna loo wada noolaanaayo wixii hadda ka dambeeya.

Guddiyo ka kala socda Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ayaa Maalmihii la soo dhaafay Magaalada Gaalkacyo ka waday kulammo ay la yeelanayaan maamulka, Odayaasha, wax garadka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada halkaasi ku dhaqan.

Ciidanka Ammaanka Oo Gacanta Ku soo Dhigay Qof Dil Loo heysto.

0

Muqdisho-(SNTV)-Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan hoggaanka demi baarista CID ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan ,Bishaar Abdirisaaq Maxamed, kaas oo ku eedeeysan dilka marxuumad, Suleeqo Yuusuf Axmed, sida ay sheegtay taliye ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya, Sarreeye guuto Sekiya Xuseen Axmed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, C/raxmaan Cumar ‘Yariisoow’ oo ka hadlayay shirka amniga iyo dardar gelinta Kormeerka, howlgalada iyo Isla-xisaabtanka oo kadhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay Bishaar C/risaaq Maxamed, oo lagu eedeeynayo in uu ku lug lahaa dilka gabar Soomaaliyeed oo dhowaan lagu dilay Hotel Caamir oo kuyaala xaafadda Baar Ubax.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Yariisoow ayaa sheegay in soo qabashada eedeysanaha ay gacan ka geysteen shacabka Soomaaliyeed kuwaasi oo soo gudbiyay xogta ku saabsan gurigii uu ku dhuumanayey dambiilaha.

Eedeysane, Bishaar C/risaaq Maxamed, ayaa loo haystaa dilka, Suleeqo Yusuf Axmed, oo dhowr Cisho ka hor ka dhacay Hotel Caamir, oo ku yaalla Degmada Howl-wadaag ee Gobolka Banaadir.