Wasiirka Gaashaandhigga oo maanta hortagaya golaha Shacabka

Date:

Xildhibaannada golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan magaalada Muqdisho.

Ajandaha kulanka Maanta ayaa waxaa uu yahay su’aalo waydiinta Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya, mudane, Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe).

Xildhibaannada ayaa Wasiirka su’aalo ka waydiin doona arrimo la xiriira howlgallada ay wadaan Ciidamada Qaranka iyo sidoo kale arrimo ku saabsan Wasaaradda Difaaca Soomaaliya.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa wado la xisaabtanka Wasiiradda, waxaana horay u hortagay, Wasiirada Amniga,Gaadiidka iyo duulista hawada iyo Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Daxiiska Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...