Home Blog Page 956

Qorshaha Hay’adda Caalamiga ah ee IOM ay Kaga Hawl-galayso Dalka Somaliya 2019-2021

0

Muqdisho (SNTV):– Maanta oo Isniin ah, hay’adda IOM waxa ay daah-furaysaa qorshaheeda istiraatiijiyadda ee ay ka howgaleyso dalka Soomaaliya (IOM Somaliya Mission Strategy)  muddada 2019-2021ka, iyada oo ay kala shaqeynayso Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Soomaaliya. Waxa kale oo daah-furkan ka soo qeyb-galay qeybaha kale ee daneeyeyaasha dawladda, kuwo heer Faderaal iyo mid maamul goballeed ba.

Hay’adda IOM, waxa ay ku faraxsan tahay in ay soo bandhigto qorshaheeda oo ah mid waafaqsan qorshaha horumarinta Qaranka ee dowladda Faderaalka Soomaaliya. Qorshahani, waxa uu diiradda saarayaa baahiyaha dalku u baahan yahay iyo sida IOM ay wax uga qabaneyso iyada oo ku saleynaysa howlahii waxtarka lahaa ee ay ka qabatay Soomaaliya laga soo bilaabo illaa 2006dii, waxaana ay hay’addu ka shaqeysaa dhammaan Dowlad goboleedyada oo dhan iyo gobolka Benaadir ee Soomaaliya oo ay u joogaan in ka badan 400 howlwadeen ah.

Intii uu shirka socday ayaa Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Jamaal Mohamed Hassan wuxuu yiri “IOM waxa ay nala wadaagtay qorshahooda ku aadan dhaqan galinta istraatiijiyadda ay dalka ugu shaqeynayaan taas oo waafaqsan qorshaha horumarinta Qaranka, Wasaaradduna waxa ay xoogga saareysaa sidii ay IOM ugala shaqeyn laheyd fulinta qorshahooda cusub oo soconaya seddexda sano ay nagu soo aadan.

Qorshaha IOM, waxa uu ka kooban yahay saddex tiir oo waaweyn kuwaas oo kala ah gargaarka bani-Aadamtinnimo (Humanitarian Response), dib u soo kabashada iyo  helidda xal-waara(Recovery and Durable Solutions) iyo arimaha tahriibka iyo horumarinta (Migration Governance and Development).

Tiirka 1aad.

Gargaarka bani-Aadamtinnimo waa mid lagu badbaadinayo nafta dadka aafoyinka iyo dhibbaatooyinku haleeleen, waxaana ay hay’adda IOM ay diiradda saaraysaa siddii dadkaas looggu fidin lahaa gargaar bani-Aadamtinimmo oo deg deg ah.

Tiirka 2aad .

Soo kabashada iyo  helidd xal-waara, tan macnaheedu waxa weeyaan in hay’adda IOM ay sameyn doonto in dadkii gargaarka bani-aadamnimo loo fidiyey loo qaban doono waxyaabo xal u noqda jiritaankooda nololeed ee muddo dheer taas oo laga sameyn doono dhammaan Dowlad gobolleedyada, barakacayaasha dalka dhexdiisa iyo weli ba dadka dalka dib ugu soo noqdey

Tiirka 3aad.

Arimaha tahriibka iyo horumarinta oo ah tiirka saddexaad, waxa uu ka hadlayaa siddii hay’adaha dawladda loogala shaqeyn lahaa kor-u-qaadidda adeegyada loo qabanayo bulshada iyo siddii loo xoojin lahaa dawladnimada iyo horumarka.dhanka tahriibka.

Haddaba, si qorshahan loo hir-geliyo sannaddada soo socda, waxay IOM xoojinaysaa balan-qaadkeedii ahaa in ay si dhow u la shaqeyso Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Soomaaliya, Wasaaradaha Xukuumadda iyo Dawlad gobolleedyada..

Madaxa ugu sarreeya hay’adda IOM Dyne Epstein, waxay dawladda Somaliya uga mahad-celinaysaa wada-shaqeynta dhow ee sanadaddii hore ay la sameysay IOM, sida oo kale waxa ay hay’addu rajeynaysaa in la sii xoojiyo wada-shaqeynta dhinacyada kala duwan oo dhan si hore looggu socdo.

Ms. Epstein oo hadalkeeda sii wadata, waxay tidhi: “ Si loo helo Soomaaliya xasiloon, waxay IOM balan-qaadeysaa in si xooggan ay uga shaqeynayso, Dalku wuxuu soo celiyay rejada iyo kobcinta khayraadka, waxaana aan ku faraxsanahay in aanu qeyb ahaano nidaamkaa socda.”

Golaha Shacabka BJFS oo ansixiyay Xeerka Saxaafadda Soomaaliyeed

Muqdisho (SNTV):- Xildhibaannada golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ansixiyey xeerka saxaafadda Soomaaliyeed.

139-mudane ayaa Haa ugu codeysay cid diidday ma jirto,hal Xildhibaan ayaana ka aamusay,sidaas ayuuna ku ansaxay

Ku simaha ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Mudane Aadan Isaaq ayaa uga mahad celiyay Golaha Shacabka iyo Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Boostada iyo isgaarsiinta ee Golaha shacabka meel marinta iyo wax ka bedelka xeerka saxaafadda.

Mudane Aadan Isaaq, Ku simaha ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in Xeerkaan uu aas-aas u yahay geedi socodka dimuqraadiyadda.

Dhallinyarada Soomalaiyeed oo magaalada Muqdisho ka sameyneysa howlo shaqo abuur ah

0

Muqdisho (SNTV)- Waxaa sare u kac laga dareemayaa ka ganacsiga iyo iibsiga dharka hudheyda ah suuqyada magaalada Muqdisho, waxaana ay ganacsatada yar yar ee garab raratada ah ku maareeyaan nolosha reerkooda, kuwaasi oo ka raadiya qutul-daruuriga qoyska.

Dharka iyo alaabada kale ee ay wareejiyaan ayaa waxaa kasii iibsada shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka barakacayaasha ah ee ku nool gobolka Banaadir iyo dadka danta yar ee aan awoodin in ay gataan dharka cusub.

Ka ganacsiga Dharka celiska ah ayaa kaalin weyn ka qaata horumarka ganacsiga suuqyada magaalada Muqdisho, maadaama dharka huudeyda ah ay ka shaqeystaan dhalinyaro Soomalaiyeed oo ay u noqotay shaqo abuur si ay ugu maareeyaan nolosha reerkooda ,iyadoo ganacsatada garab raratada ah ee suuqyada ku wareejiya alaabaha kala duwan ay ku soo badanayaan suuqyada magaalada Muqdisho.

Waxaa farqi weyn laga dareemayaa qiimaha la kala iibsado dharka cusub ee suuqyada magaalada iyo dharka hudheyda ee lagu iibiyo suuqyada kala duwan ee magaalada Muqdisho, iyadoo qiimaha hada la kala iibsado dharka hudeyda ah oo aad u jaban yahay, halka dharka cusub uu qiimahiisu yahay mid aad u sareeyo .

Qaar ka mid ah ganacsatada yar yare ee garab raratada ah iyo dadka ka shaqeeya dharka dhuudeyda ah ayaa ka warbixiyay qiimaha la kala iibsado dharka celiska ah iyo farqiga u dhaxeeya qiimaha la ka siisto dharka kale.

Falastiin Aadan Faarax, waxa ay ka mid tahay Haweenka ka ganacsada dharka waxeyna ka warbixineysaa sida ay ugu ganacsato dharka.

“Waxaan ka ganacsannaa dharka Huudheyda ah, aad iyo aad ayuu u wanaagsan yahay weliba xilliba xilliyadan qaboobaha ah ee la joogo, waxaam gadnaa Jaakado, waxaan ka raadsannaa Nolosha reerkeenna Alxamdu Lilaah” ayay tiri Falastiin.

Waxaa magaalada Muqdisho mudooyinkan ku soo badanaya horumarka dhinaca ganacsiga ah oo ay ka faa’iideysanayaan dhalin yaro fara badan oo horay shaqo la’aan u ahaa, kuwaas oo haatan ka shaqeysta ganacsiga Dharka hudeyda iyo Alaabada kale.

W/D; Muuse Cusmaan Abtoow

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda C/raxmaan Beyle oo maanta la kulmay Guddiga deyn cafinta Soomaaliya

0

SNTV:- Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Dr; C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa shir guddoomiyay kulanka Todobaadlaha ah ee kooxda la socodka deyn cafinta Soomaaliya SMP.

Mudane; Beyle iyo Guddiga ayaa waxay kulankooda kaga wada hadleen halka ay wax marayaan.

Sidoo kale, waxay guddiga iyo wasiirku ka doodeen fulinta iyo dhameystirka shuruudaha ka dhiman cafinta deymaha lagu leeyay Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dedaallo xooggan ugu jirta sidii deymaha lagu leeyay loogu cafin lahaa, iyadoo kasoo baxday shuruudo badan oo ku hor gudbanaa deyn cafinta.

DEG DEG: Ciidamada amniga oo Muqdisho ku dilay labo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab

0

SNTV:- Ciidamada amniga ayaa goordhow labo ka tirsan argagixisada Al-Shabaab ku dilay magaalada Muqdisho,kuwaasi oo isku dayay in ay xoog ku soo jiiraan bar koontorool oo ay Ciidanku ku leeyihiin Seybiyaano.

Dhacdadan ayaa timid saacado uun kadib markii ciidamada oo howlgalo kujira ay sidoo kale, fashiliyay gaari walxaha qarxa lagu soo cabeeyay kaasi oo sida lagu soo waramayo ay kooxda argagixisada doonayeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka magaalada Muqdisho.

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo faah faahin ka bixiyay Qarax lagu fashiliyay Muqdisho & argagixiso la toogtay

0

SNTV:- Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sakiya Xuseen Axmed ayaa faah faahin ka bixisay Qarax ay ciidamada amniga ku fashiliyeen magaalada Muqdisho iyo labo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab oo lagu dilay bar koontarool oo ay ciidanka ku leeyihiin Seybiyaano ee degmada Hodan.

Sareeye Guuto Sakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in Hay’adaha amniga oo horay ula socday xogta Qaraxa ay fashiliyeen gaari Qarax oo la rabay in lagu waxyeeleeyo shacabka,wuxuuna dhagar qabanaha isku dayay inuu gaariga xoog ku soo jiirsiiyo goob u xiran ciidamada ammaanka.

“ Hay’adaha Amniga oo xogta qaraxa horay ula socday ayaa manta fashiliyay qaraxa la rabay in shacabka lagu waxyeeleeyo, dhagar qabaha ayaa is ku dayay in uu gaariga xoog ku soo jiirsiiyo goob u xiran Ciidamada amaanka, waxaa hay’adaha amaanka u suurtagashay in ay xiraan goobtaas shacabkana ay ka fogeeyaan qaraxa ka hor. Nasiib wanaag wax dhimasho iyo dhaawac shacab ah kama aysan dhalanin qaraxaas,” ayay tiri Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed.

Dhanka kale waxeey Ciidamada amniga dileen labo ka tirsan argagixisada Al Shabaab oo isku dayay in ay xoog ku soo maraan bar kontrool oo ay ciidanka ku leeyihiin Seybiyaano ee degmada Hodan.

Ugu dambeyntii,Taliye ku-xigeenka Ciidanka Boolska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Zakaye Xuseen Axmed ayaa si gaar ah ugu mahad celisay Shacabka Xogta la wadaagay Hay’adaha amniga ka dib markii ay Hay’adaha amniga horay digniin uga bixiyeen gaariga maanta Qarxay.

 

Ciidanka Amniga Oo Maanta ka hortagay islamarkaana Fashiliyay Baabuur Walxaha Qarxa laga soo buuxiyay.

0

Muqdisho (SNTV) Ciidanka Amniga ayaa maanta fashiliyay gaari walxaha Qarax laga soo buuxiyay kaasi oo ay Kooxda Nabad diidka ee Argagaxisada ay ku doonayeen iney ku waxyeeleeyaan Shacabka ku dhaqan gudaha magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Falka ka hortagga oo ay fuliyeen ciidamada Amniga kuwaasi oo maanta ku guuleeystay in ay ka hortagaan islamarkaana ay fashiliyaan ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay gudaha degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir.

“Ciidanka Amniga ayaa fashiliyay Gaari Walxaha Qarxa laga soo buuxiyay, Cidana waxba kuma noqon,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay hay’adda Sirdoonka Qaranka NISA.

Kooxaha nabad-diidka ayaa had iyo jeer ku kaca falal kuwaasi oo sida qaalibka ah ay caadeeysteen in ay ku daadiyaan dhiiga Shacabka Soomaaliyeed, balse dhacdadan ayaa waxaa ma hadi haka gaartee ku guuleystay Ciidamada Amniga  kuwaasi oo ka hortagay islamarkaan ka badbaadiyay mashaqadii ay damacsanaayeen nabad diidka Argagaxisada ah ay la maaganaayeen in ay ku baabi’iyaan nafta iyo maalka muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wasiir Sadiiq Warfaa: “Wax ka badelka Sharciga Shaqaalaha rayidka wuxuu Sahlayaa in la helo Shaqaale xirfad leh”

0

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa Baarlamaanka ka hor akhriyay sharciga Shaqaalaha Rayidka oo wax ka bedel lagu sameeyay.

Wasiir Warfaa, ayaa xaqiijiyay sharcigan oo laf-dhabar u ah dedaalada socda in wax ka bedelka lagu sameeyay uu sahlayo in  la helo shaqaale xirfad leh, isla markaana fulin kara howlaha adeegga qaranka.

“Tan iyo markii uu ii magacaabay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada waxaan xoogga saaray sidii is bedel loogu sameyn lahaa arrimaha shaqada iyo arrimaha bulshada , gaar ahaana dib u habaynta  sharuucda iyo soo saarista siyaasad qaran oo hagta wasaaradda.” ayuu yiri wasiir Sadiiq Warfaa oo intaa ku daray” Sharciga adeegga rayidka ah wuxuu lafdhabar u yahay dadaalada aan ugu jirno in la helo shaqaale Soomaaliyeed oo loo qoro hab furan, leh xirfad shaqo isla markaana fulin kara howlaha adeegga qaranka hor yaalla.

Sharciga adeegga rayidka waa mid lagu maamullayo shaqaalaha rayidka Soomaaliyeed wuxuuna sharcigan muhiimad gaar ah u leeyahay hab sami u socodka howlaha qaranka. “Wasiirka ayaa caddeeyay sababaha keennay in is bedel lagu sameeyo sharciga Shaqaalaha Rayidka , waxaa uu qodobka koowaad ku sheegay, dalka oo isku bedelay Federaal, sharcigii hore ma uusan qeexeyn qiimeynta booska uu qofka ka shaqeynayo, halka wax ka beddelkan ee sharciga uu u gogol xaarayo hab gaar ah oo lagu maamullo.

“Sharciga cusub wuxuu ahmiyad siinaya khayraadka aadamiga ah .” ayuu ku daray wasiirka.Ugu dambeyn, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ayaa Xildhibaannada ka codsaday in ay meel mariyaan sharcigaan ka dib marka ay waajibkooda ka gutaan.

Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan argaggixisada Al-shabaab oo lagu laayay Gobolka Hiiraan

0

SNTV:-Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo maleeshiyaadka Alshabaab ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa degmooyinka Halgan iyo Buullo-burde ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii maleeshiyada Alshabaab ay isku dayeen in ay xoollo baad ah ka qaataan dadka xoollo dhaqatada ah ee ku nool Gobolka, iyadoo dadka deegaanka ay ka biya diideen in ay bixiyaan lacago iyo xoollo baad ah.

Qaar ka mid dadka deegaanka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay dileen 5 ka tirsan horjoogayaasha iyo maleeshiyada Alshabaab, kadib dagaal xooggan oo dhex maray argagixisada iyo dadka deegaanka.

Billihii ugu dambeeyay ayaa waxaa socday howlgallo lagu baacsanayay haraadiga Alshabaab oo ay soo wajahday cabsi xooggan, kadib markii ay bilaawdeen howlgallo argaggixisada looga sifeynaayo deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan, kuwaas oo ay ku dhibaateeyaan dadka rayidka ah.

Haweenay soo xirtay dharka Ragga oo ay Ciidamada Amniga Gobolka Mudug ay gacanta ku soo dhigeen

0

Ciidanka booiiska dagmada Galkacyo ayaa gacanta kusoo dhigay qof dumar ah oo isku ekeeysiisay ragga, kadib hawlgallo ay ciidamada ka wadeen dagmada Galkacyo ee xaruunta gobolka Mudug.

Intii u socday hawlgalka lagu sugayay  amniga ayaa waxaa ciidanka  usura gashaya soo qabshada haweeneydan ku labisaneyda  dharka ragga sidoo kalanaa ku hubeysnayda bastoolada.

Taliyaha qeybta booliiska gobalka Mudug G/sare Maxamed Nuur cali Gadaar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay sii socon doonaan hawlgalada lanaa sii wadi doono baarista haweenayda  hatan gacanta lagu hayo,dhanka kalana ay jiraan tuhumo  kalo ay kudaba jiraan  ciidanka ammaanka gobolka aynaa soo bandhigi doonnaan marka ay soo gabagabeeyan baarista.
Qofkaan dumarka ee  sidtay dharka ay ku labistan ragga oo warbaahinta ay wax kaweydiisay ayaa sheegtay in ay tahay qof dumar ah.

Maalmihii u danbeeyay waxaa magaalada Galkacyo ka dhacay falal ay
fuliyeen kooxo lagu tuhun san yahay ineey ka tirsan yihiin argagixisada
Al shabaab.