Home Blog Page 956

Caasha Shaacuur Oo Deeq Gaarsiisay Dadkii Ku Waxyeelloobay Fatahaadaha “Sawirro”

0

Marwo; Caasho Shaacuur Ugaas, ayaa si toos ah Guddiga Qaran ee gurmadka fatahaadaha  ugu wareejisay deeq isugu jirta dharka Dumarka, maro Kaneecooyin, Bustayaal, Salliyadda lagu fariisto iyo Bacaha Roobka laga galo,

Deeqda waxaa la soo mariyay hay’ada Hinna oo ka shaqeysa arrimaha gargaarka iyo samafalka, iyada oo uu deeqdaasi kala wareegay guddoomiyaha Guddiga, Wasiir; Xamsa Saciid Xamsa.

Sidoo kale, hay’adda socdaalka Iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed ayaa lacag dhan $10,000 ugu deeqay dadka ay saameeynta ku yeesheen fatahaadaha Webiyada dalka, Lacagtaas oo lagu wareejiyay Guddiga Qaran ee gurmadka.

 

 

Wasaaradda Warfaafinta XFS Oo Shaqada Ka Hakisay Hay’ado Warbaahineed.

0

Wasaaradda Warfaafinta XFS Soomaaliya, ayaa hakisay shaqooyinkii ay dalka ka hayeen hey’adaha Media Ink iyo Perspective Media, ka dib markii ay raaci waayeen nidaamka ay Wasaaraddu u dejisay hey’adaha ka shaqeeya warbaahinta ee Ku sugan gudaha dalka.

Wasiiru-Dowlaha Waxbarashada Oo Furay Shirweynahii 5-aad ee Machadka Cilmi-Baarista Soomaaliyeed “Sawirro”

0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya, C/raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri, ayaa Maanta Muqdisho ka furay shirweynihii 5-aad ee Machadka cilmi baarista Soomaaliyeed ISOS.

Furitaanka shirweyna waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, Agaasimaha hiddaha iyo tacliinta sare ee Wasaaradda waxbarashda, Ismaaciil Yuusuf Cusmaan, madaxda Jaamacadda Muqdisho, aqoon-yahanno ka kala yimid Jaamacadaha iyo marti sharaf kale.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Mudane C/raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri ayaa bogaadiyay Jaamacadda Muqdisho oo uu sheegay in ay ka mid tahay Jaamacahadaha hormuudka ka ah dalka.

Wasiiru Dowlaha waxbarashada Soomaaliya ayaa sidoo kale u  hambalyeeyey Agaasimaha Machadka , wuxuuna sheegay in kulanka uu ahmiyad gaar ah u leeyahay bahda waxbarashada dalka.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Värmland, Sweden Oo Aruurinaysa Deeq Lacageed

0

Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan qaaradda Yurub ayaa haatan bilaabay aruurinta deeqo lacageed si ay uga qeyb qaataan samata bixinta qoysaska Soomaaliyeed oo ay saameeyeen fatahaadaha iyo daadadkii ka dhashay roobabkii dalka ku dhuftay.

Maxamed Faarax Canshuur oo ah wariye madax bannaan oo ku sugan magaalada Karlstad ee Gobolka Värmland ee dalka Sweden oo la hadley Radio muqdisho  ayaa sheegey in jaaliyada Soomaaliyeed ee Sweden ay dadaal dheeri ah ku bixiyeen sidii ay qeybtooda uga qaadan lahaayeen gurmadka socda.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sweden ayaa wada qorshe ay ku aruurinayaan dhaqaale ay damacsan yihiin in kaga qayb qaataan taakulada qoysaskii ay ku habsatay fatahaadaha webiga iyo daadadka roobabka xilliga deyrta.

Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha dalka ayaa deeqihii ugu horreeyay gaarsiiyay qoysaska ay dhibaatada ka soo gaartay fatahaadaha waxaana Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee hadda billaabeen in ay aruuriyaan lacago ay doonayaan in ay gacan kaga geystaan gurmadka fatahaadaha.

Marwada 1-aad Oo Mareykanka Ka Bilowday Qaylo Dhaaanta Gurmadka Fatahaadaha “Sawirro”

0

Seynab Cabdi Macalin, oo ah marwada Koowaad ee Dalka ayaa Gobollada dalka Mareykanka ka bilowday Olole loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed oo ay dhibaatadu ka soo gaartay fatahaadaha ay Webiyada iyo Roobabka oo is-biirsaday ay ka geysteen Gobollada Hiiraan, Bakool iyo Gedo.

Ololahan oo qeyb ka ah haweenka iyo dhallaanka kuwaasi oo ah dadka ugu nugul ee bulshada ayna saameyn xoog leh ka soo gaarteen fatahaadaha, iyagoo u baahan gurmad deg-deg ah.

Marwada oo la hadleysay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Columbus ee Mareykanka ayaa la wadaagtay xaaladda bini’aadannimo ee ka taagan deegaannada fatahaaduhu ay saameeyeen, waxa ayna sidoo kale uga warbixisay dadaallada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ugu gurmadeen.

“Dadka Soomaaliyeed waligoodba waxay caan ku ahaayeen is taakuleynta, maantana ku maba sii jirto oo 70-kun oo qoys wax ka badan ayaa magaalooyinkaasi ka barakacay. Maanta oo kale waxaa na looga baahanyahay midnimo, istaageerid, samafal iyo in kuweena wax haysta ay gacan ka gaystaan gurmadkaas.”

Marwada ayaa bogaadisay isku duubnida Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Gobollada Maraykanka waxaana ay tilmaamtay in dadaalkeeda ku aaddan howlaha gurmad ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Maraykanka uu yahay mid sii kaabi doona qorsheyaasha Qaran ee lagu samata bixinayo dadka dhibaataysan.

Olalaha Marwada Koowaad ayaa ah in ay in la gaarsiiyo gobollada kale ee dalka Maraykanka, si loo dardargeliyo dadaallada wax-ku-oolka ah ee dib loogu dhisayo nolasha dadkii ay saameeyeen fatahaaduhu, gaar ahaan haweenka iyo dhallaanka.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Colombus ayaa inta ay socotay munaasabaddu waxa ay iska uruuriyeen lacag dhan $137,000 (boqol, soddon iyo toddoba kun oo doollar) oo si deg-deg ah loo gaarsiin doono magaalooyinka Beledweyne, Bardaale, Baardheere iyo deegaannada kale ee ay fatahaaduhu saameeyeen.

Israa’iil Oo Duqeyn Ku Dishay Dad Rayid Ah  Iyo Sarkaal Sare Oo Ka Tirsan Ururka Jihaad

0

Ciidamada Israel ayaa dilay sarkaal sare oo ka tirsan kooxda  Jihaadul Islaam ee ay taageeraan Iiraan Ka dib weerar ka dhacay Marinka Gaza oo lagu bartilmaameedsaday ninkaasi.

Dilka sarkaalkaasi oo lagu magacaabo  Baha Abu Al-Atta, ayaa dhacay xilli uu ku sugnaa hoygiisa oo sida la sheegay ku yaala degmada Shejaia ee Gaza  waxaana sidoo kale duqeyntaasi lagu dilay haweeneey, halka uu dhaawac soo gaaray laba ruux oo kale .

War murtiyeed ay soo saarteen Kooxda reer Falastiin  ayaa maanta lagu xaqiijiyay geerida sarkaaalkaasi oo da’diisa lagu sheegay 42-sano jir.

Duqeyntaasi ka dib tiro gantaallo ah ayaa lagu weeraray deegaannada dadka Yuhuudda ee ku dhow Gaza, mana jiraan faah-faahin  ku saabsan khasaaraha gantaaladaasi oo ka yimid madaxda Israa’il.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka JFS oo gaaray Itoobiya

0

Wafdi uu hogaamninayo Guddomiyaha Golaha  Shacabka  Jamhuuriyadda Federalka Soomaliya Mudane Maxamed Mursal Shekh C/raxmaan ayaa  Gaaray Magaalada Addis-ababa ee Dalka Itoobiya.

Guddoomiyaha Waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyey Guddoomiyaha Baarlamnka Federalka Itoobiya, Xildhibaanno, Iyo Mas’uuliyiin kale oo Ka socota dalkaasi

Safarka Guddoomiye Mursal oo la tilmaamay in uu salka ku hayo xoojinta xiriirka labada dale e Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ka dambeeyay casuumaad uu ka helay dhiggiisa dalka Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo oo Nairobi kaga qayb-gelaya Shir Caalamiga ah

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Nairobi kaga qayb-gelaya Shirka Dadweynaha iyo Horumarka oo ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobey.

Shirkan oo uu hoggaaminaayo Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Horumarinta Dadka (UNFPA) ayaa lagu jaangooynayaa qorsheyaasha loo dhan yahay ee dhinacyada horumarka iyo halbeegga sanadlaha ah ee heer qaaradeed iyo heer caalami ee hiigsiyada xasilloonida iyo horumarka.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa hordhac u sii ahaa diblumaasiyiin iyo khubaro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo la sii qaabeeyey dhiggooda dalalka ka qayb-gelaya shirweynahan qorsheyaasha lagu falanqaynayo, iyagoo gudbiyey qodobbada hortabinta u leh shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa tilmaamay muhiimadda uu dalkeenna u leeyahay shirkani maadaama Hay’adaha Qaramada Midoobey ay kaalin mug leh ku leeyihiin dib u kabashada iyo horumarinta dalkeenna.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay mudnaan gaar ah siinaysaa madal kasta oo looga arrinsanayo horumarka iyo iskaashiga, maadaama dalkeennu uu u baahan yahay maalgashi iyo garab istaag. Shirkaan waxaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa arrimaha awood-siinta haweenka iyo kaalinta dhallinyarada ee hoggaamminta iyo horumarka si loo gaaro Hadafyada Horumarka ee Joogtada ah kuwaas oo ahmiyad weyn u leh dalkeenna.”

Wafdiga Madaxweynaha ee ku wehliya Shirka Dadweynaha iyo Horumarka waxaa ka mid ah Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Marwo Fowsiya Abiikar Nuur iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Nuur Diiriye Xersi (Fuursade).

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Faransiiska

0

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay qayb ka yihiin wasiirrada amniga iyo waxbarashada ayaa gaaray magaalada Paris oo ay uga qayb gelayaan shirka sanadlaha ah ee madasha nabadda Paris oo maanta furmaya

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa inta uu socdo shirka madasha oo looga hadlaya xal u helidda dhibaatooyinka ka jira daafaha caalamka, waxuu kulamo gaar ah la qaadanayaa qaar kamid ah madaxda kala duwan ee kasoo qayb geleysa kulanka.

Marka uu soo dhammaado shirka oo socconaya muda sedax maalin ah, ayaa Ra’iisul Wasaare Khayre waxuu u safrayaa magaalada Brussels ee xarunta midawga Yurub si uu kulamo ula qaato hoggaanka cusub ee midawga Yurub.

Wasiirka Shaqada XFS oo kormeeray dib u dhiska ka socda Xarunta Wasaaradda

0

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa maanta kormeeray dib u dhiska ka socda xarunta wasaaradda.

Wasiirka ayaa kullamo la qaatay agaasimaha guud ee wasaaradda Shaqada, agaasime Waaxeedyada iyo howlwadeennada Wasaaradda,isagoo ku ammaanay dardar gelinta howlaha ay Qaranka u hayaan iyo sida aysan saameyn ugu yeellan howlaha Wasaaradda ee ah dib u dhiska ballaaran ee ku socda xarunta wasaaradda.

Wasiir Sadiiq, ayaa shalay ka soo laabtay magaalada Washington ee dalka Mareykanka, halkaa oo howlo shaqo u tagay,isagoo la kulmay muddada uu ku sugnaa Marekanka Madaxweyne ku-xigeenka Bangiga Adduunka, halka uu ka qeybgalay kullan heer wasiirro ah oo ay ka qeybgaleen wafuud ka soctay Caalamka.