Home Blog Page 955

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Oo Kulan Wadatashi Ah La Yeelatay Culumada Soomaaliyeed

0

Shir wadatashi ah oo ku saabsan aragtida iyo talada culumada ee ku aadan dib-u-eegista dastuurka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ayaa magaalada Muqdisho lagu qabtay.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb galay qaar kamid ah culumada waxaana daah-furay Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac.

Gudoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Diinta Sheekh Cali Wajiis oo kulanka khudbado ka jeediyay ayaa waxay bogaadiyeen waxqabadka Wasaaradda iyagoo Wasaaraddana ku amaannay sida ay mar waliba u tixgeliso aragtida Culimada Soomaaliyeed.

Dhanka Kale, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Dr. Xuseen Cabdi Cilmi oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in Wasaaradda ay si buuxda u garwaaqsan tahay muhiimadda culimada waxaana uu ballanqaaday in la joogteyn doono kulamada wadatashiga ee u dhaxeeya Wasaaradda iyo culimada.

Wasiirka Arrimaha Dastuurka mudane Saalax Axmed Jaamac oo furay shirka ayaa yiri “Culimada sida ay ogtahayba waxaa dalka ka socda dib-u-soo-kabasho oo ay ugu horeyso in la dhammeystiro dastuurka; waxaana dooneynaa culimada in ay aragtiyadooda ku kordhiyaan dhammaan qodabada xasaasiga ah iyo kuwa masiiriga ah ee ku jira dastuurka waxayna taa cadeyneysaa in doorka culimada ee dhammeystirka dastuurka uu yahay mid lagama maarmaan ah”.

Ugu dambayn, shirka ayaa waxaa lagu soo bandhigay halka uu marayo geedi-socodka dib-u-eegista dastuurka iyo qodobada dib loo eegay iyadoo ay culimada kulanka ka soo qeyb gashay ay aragtidooda si hufan u dhiibteen.

Dowladda  oo dib u dhis ku Sameyneysa Dhismaha Safaaradda Dowladda Soomaaliya ee Dalka Faransiiska

0

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa booqday safaarada Soomaaliyeed ee dalka Farasniiska oo ku yaalla xaafadaha ugu

Mudane Xasan Cali Khayre oo afaaradda kula kulmay diplamaasiyiinta ayaa ka dhageystay warbixnta guud iyo baahiyaha ay qabaan, waxuuna ballan qaaday in dowladdu ay dayactir ku sameyneyso xurunta safaaradda iyo hoyga safiirka.

Dowladda ayaa dhawaan waxa ay dhisme safaaradeed ka iibsatay dalka Mareykanka, waxaana qorshuhu yahay in la horumariyo dhismooyinka safaaradaha dalalka caalamka.

Guddiyada shaqada ee Soomaaliya iyo Qadar oo Dooxa ku kulmay

0

Guddiga dib u howl-gelinta heshiiska Soomaaliya iyo Qadar ee ku saabsan fursad siinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay Dalkaasi ka helaan fursado shaqo ayaa la kulmay Guddiga dhiggooda ah ee Dalka Qadar.

Heshiiska Labada Dal, waxaa la saxiixay Sannadkii 1983-dii iyadoo dib loo howl-geliyey dabayaaqadii September ee Sanadkan, kaddib markii Wasiirka  Wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane; Sadiiq Xirsi Warfaa uu safar shaqo ku tagey Dalka Qadar, halkaas oo uu kula kulmay mas’uuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda hormarinta maamulka, shaqada iyo arrimaha Bulshada ee Dalka  Qadar ,Mudane Maxamed Bin Yusuf Al-uthman Fakhruu.

Wasaaradaha Shaqada ee Labada Dal waxay soo Magacaabeen  Guddi ka kooban Lix xubnood  oo loo xil-saaray isku xirka iyo dhaqan-gelinta heshiiska.

Waxaa Maalmahaan Caasimadda Dooxa shir ku lahaa Guddiga isku xirka iyo dib u howl-gelinta heshiiska adeegsiga shaqaalaha ee Labada Dal, waxaana xalay Guddigu uu  saxiixay qorshe how-leedka lagu fulinayo heshiiska waxaana ka mid ah;

1.    In Labada Dal is-weydaarsadaan liiska shirkadaha ka shaqeeya arrimaha la xiriira qaadista shaqaalaha Dalka dibeddiisa loo qaadayo.

2.    Waxaa la isla gartay in Dowladda Soomaaliya ay qeyb ka hesho shaqaalaha ka shaqeyn doona Koobka Adduunka ee lagu qaban doono Dalka Qadar Sannadka 2022-ka.

3.    Dawladda Qadar waxay adkeynaysaa ahmiyadda ay leedahay  in Shaqaalaha Soomaaliyeed uu u furanyahay suuqa shaqada ee Dalka Qadar.

4.    Waxaa la isla gartay in la abuuro diiwaan laga heli karo xogta iyo macluumaadka shaqaalaha Soomaaliyeed oo dhammaystiran.

5.    Labada Wasaaradood waxay isla garteen in ay yeeshaan Xafiisyo ka mas’uul ah xiriirinta arrimaha shaqaalaha.

a.    Soomaaliya waxaa u qaabbilsan Xafiiska xiriirka arrimaha Carabta ee Wasaaradda Shaqada.

b.    Sidoo kale Dowladda  Qadar waxaa u qaabbilsan Xafiiska xiriirka Caalamiga ah ee Shaqaalaha.

Labada Guddi ayaa hoosta ka wada xarriiqay in sida ugu dhaqsiyaha badan howsha loo billaabo, si shaqaalaha Soomaaliyeed ay fursad shaqo u helaan korna loogu qaado wada shaqeynta iyo xiriira Labada Wasaaradood.

R/Wasaare Khayre & Xoghayaha Guud Ee Wariyayaasha Aan Xuduudda Laheyn Oo Kulmay

0

R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Paris ee dalka Faransiiska kula kulmay Christophe Deloire oo ah Xoghayaha Guud ee Wariyaasha aan xudduuda laheyn.

Kulanka dhex maray R/Wasaaraha iyo Christophe Deloire ayaa waxaa ka soo qeyb galay Arnaud Froger oo ah agaasimaha Afrika ee Wariyaasha aan xuduudda laheyn iyadoo kulankaasi looga hadlay dardar gelinta dadaallada dowladdu uga hortagayso dhibaatooyinka kooxaha argagaxisadu ay ku hayaan wariyaasha Soomaaliyeed.

Kheyre ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed cidna aysan ka oggolaaneyn in lagu xad gudbo warfidiyeennada oo ah indhaha bulshada.

Sanadihii la soo dhaafay waxaa hoos u dhacay dhibaatooyinka ay la kulmaan warfidiyeennada, waxaana dowladda Soomaaliyeed ay dadaal xooggan ugu jirtaa sidii loo sii horumarin lahaa iyo sidii howl-wadeennada warbaahinta iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen amni iyo nabad gelyo buuxda oo qayb ka qaata horumarka iyo himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

Horjooge ka tirsan Nabad diidka “Al Shabaab” Oo La Khaarajiyay

0

War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska ciidamada Maraykanka ee AFRICOM ayaa lagu faah faahiyey duqeyn cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe oo Horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al Shabaab ku dhuumaaleysanayeen.

Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya shalay oo ku beegneyd 12/11/2019 ay  duqeyn hawada ah ka fuliyeen degmada Jilib oo ka tirsan gobolka Jubada Dhexe, isla markaana ay la beegsadeen Xubno ka tirsan  Al-Shabaab.

Weerarkaas ayaa Mareykanka waxaa uu sheegay inay ku dileen horjooge  ka tirsanaa Al Shabaab, isla markaana weerarkaas aysan waxyeelo ka soo gaarin dad rayid ah.

Mareykanka ayaa sanadkan 2019 waxa uu kordhiyey weerarada dhinaca hawada ah ee uu ka fuliyo Soomaaliya, iyadoo khasaaro kala duwan loogu geystay Argagaxisada Al Shabaab kuwaas oo dadka Soomaaliyeed dhibaato badan ku haya.

Horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab oo duqeyn lagu dilay

0

War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in duqeyn dhinaca Cirka ah oo ka dhacday agagaarka Magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada hoose lagu dilay horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab.

Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibbadooda Soomaaliya ay Shalayto weerar xagga Hawada ah ay ka fuliyeen meel ku dhow Degmada Jilib , isla markaana ay la beegsadeen xubno ka tirsanaa  Al-Shabaab.

Taliska Africom ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid si taxaddar leh loo fuliyay, isla maraakana aysan wax dhibaato ah kasoo gaarin Dadka Raidka ah ee ka ag dhowaa halka ay duqeyntu ka dhacday.

Mareykanka ayaa Sanadkan 2019-ka waxa uu kordhiyey weerarrada xagga Cirka ah uu ka fuliyo Soomaaliya, waxaana duqeymahaasi qasaaro kala duwan loogu geystay kooxda nabad-diidka ah ee Al-Shabaab

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la kulmay Wasiirrada arrimaha dibedda Ruushka iyo Findland

0

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane; Xasan Cali Khayre , ayaa Shalay kulamo gaar gaar ah kula qaatay Magaalada Paris ee Caasimadda Dalka France, Wasiirrada arrimaha dibedda Dalalka Russia, Sergey Lavrov iyo dhiggiisa Finland, Pekka Haavisto.

Kulanka RW Kheyre iyo Wasiirrada arrimaha dibedda Ruushka iyo Findland ayaa qeyb ka ahaa shirka madasha nabadda Paris, iyagoo ka wada hadlay arrimo la xiriira nabadda iyo xoojinta iskaashiga Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya iyo Dalalkaas.

Dowladaha Ruushka iyo Soomaaliya ayaa lahaa xiriir qoto dheer oo dhinacyo badan ah, iyadoo ay haatanna Dowladda federaalku waddo qorshayaal lagu sii horumarinayo cilaaqaadka ka dhexeeya Labada Dowladood.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Beesha Caalamka ugu baaqay in wax laga beddelo qaabka loo caawiyo Dowladda Soomaaliya

0

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo Dalka Faransiiska uga qeyb galay shirka Sanadlaha ah ee madasha nabadda Paris, ayaa sheegay in ay habboon tahay in saaxiibbada Caalamka ay muhiimad gaar ah siiyaan maal gelinta hannaanka dib u kabashada Dalka.

“Maalgelinta dib u dhiska hay’adaha Dowladeed, waa in ayada lafteeda loo arkaa in ay ka mid tahay dedaallada la doonayo in lagu gaaro himilooyinka horumarka Qaranka.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dood uu ka qeyb galay waxa uu ka caddeeyay in Soomaaliya ay hiigsaneyso horumar ballaaran oo u horseedda in ay soo ceshato kaalintii ay Dunida horay ugu lahayd.

Madaxweyne Farmaajo Oo Khudbad Ka Jeediyay Shirka Q/Midoobey Ee Horumarka..

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee Horumarka iyo Dadweynaha oo ka furmay magaalada Nayroobi ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dadaal muuqda gelisay awoodsiinta dhallinyarada iyo in ay kaalin hoggaamineed ka qaataan dalka.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay madaxda, masuuliyiinta iyo ka qeyb galayaasha shirkan dhibaatooyinka sinnaan la’aanta dhanka bulshada ee adeegyada dadweynaha iyo dhaqaalaha, waxa uuna adkeeyey mowqifka joogtada ah ee Dowladda Soomaaliya ay ka taagan tahay taageeridda Olalaha Caalamiga ah ee lagu xaqiijinayo horumarka iyo hiigsiyada barwaaqo-geynta dadweynaha.

“Waa inaan aqbalnaa in ay jiraan caqabado aan wadaagno oo ku aaddan hirgelinta koboc dhaqaale oo loo siman yahay, bixinta adeegyo dadweyne oo la heli karo iyo fursad u abuuridda dhallinyarada adduunka oo badankood ay ku nool yihiin qaaradda Afrika.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa soo bandhigay kororka muuqda ee tirada dadka Soomaaliyeed ku yimid sanadihii danbe, waxa uuna xusay fursadaha horumarineed iyo dhaqaale ee ugu jira arrinkan dowladnimada Soomaaliya, maadaama tirada ugu badan ee shacabkeenna ay yihiin dhallinyaro u hanqal-taagaya sidii dalkoodu uu ula tartami lahaa dalalka Caalamka ee horumarsan.

“Waxa aan garawsannahay baahida loo qabo in si deg-deg ah loo taageero dhallinyaradeenna si kororka dadweyne aan uga faa’idaysanno dhanka xasilloonida iyo abuuridda fursado loo siman yahay.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si faahfaahsan uga warbixiyey doorka haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin nabadeynta iyo dib u dhiska dalka, isaga oo soo bandhigay fursadaha siyaasadeed iyo kuwa dastuuriga ah ee soojireenka ah oo ay ku tilmaaman yihiin Haweenkeenna Soomaaliyeed.

Shirka oo socon doona muddada u dhaxeysa 12-14ka bishan ayaa lagu soo bandhigayaa fursadaha horumarineed iyo caqabadaha barnaamijyada dadweynaha, kor uqaadista maalgelinta adeegyada aasaasiga, joojinta tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo sare u qaadista saamiga dhallinyarada ee hoggaaminta.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Ergeyga QM Kala Hadlay Geeddi Socodka Siyaasadda Soomaaliya

0

Wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya, Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay shalay, wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, ahna madaxa howlgalka kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), James Swan.

Labada Mas’uul ayaa waxay ka wada hadleen arrimaha la xiriira siyaasadda, nabadgelyada, Bini’aadannimada iyo dhaqaalaha.

Wasiir Cawad waxa uu soo dhoweeyay mowqifka wanaagsan ee Q/Midoobey ay ka taagan tahay taageeridda iyo tallaabooyinka dowladda ee ku wajahan mideynta Soomaalida si loo gaaro himillada Dadka, isagoo caddeeyay in kulamada noocan oo kale ah ay xoojinayaan kaalinta Q/Midoobay ee danaha dadka Soomaaliyeed.