Home Blog Page 955

Taliye ku-xiggeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo tababar u furtay haween booliska ka tirsan

0

Muqdisho (SNTV)- Tababarkaan oo socon doono labo maalmood laguna baranayo gudbinta kiisaaska cul culs iyo ilaalinta Xuquuqda aadanaha ayaa waxaa ka faa’iideysanaya 50 haween oo ka tirsan ciidanka Booliska, si ay qeyb uga noqdaan ka hortagga caqabadaha ay la kulmaan haweenka mararka qaar.

Waxaa soo qaban qaabiyay hay’adda SWDC,  waxa ayna sheegeen in ay ugu talagaleen in la helo haween ciidanka booliska oo goobaha arrimaha bulshada ka howlgalo, si looga foggaado tacadiyada iyo dhibaatoyinka haweenka.

Xildhibaan Mino Xasan Shibis oo ka tirsan golaha Shacabka iyo Senator Zamzam Daahir Maxamuud, golaha Aqalka sare baarlamaanka ee dalka oo madasha ku sugnaa ayaa ku dhiira galiyay tirada haweenka ku jira booliska iyo doorkooda waxa kaloo intaa ay ku dareen in gabdhaha jaamacadaha ka baxa looga baahanyahay in ay ku soo biiraan ciidanka booliska, si qeyb uga noqdaan amniga Dalka.

Taliye ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Zakiya Xuseen, oo tababarka furtay ayaa  sheegtay in taliska ciidanka booliska uu diyaar u yahay in hoggaanada ciidanka inay ka mid noqdaan gabdhaha Soomaaliyeed.

Qaarada Africa tirada haweenka ku jira ciidanka booliska waxaa hoggaaminayo dalka Gana 20% gabdhaha ciidanka booliska, kaalinta 2aad waxaa ku jira dalka laberia 17%, kaalintaa seddexaad ee africa waxaa soo galay  Soomaaliya oo  11%  ay yihiin haweenka ciidanka Booliska.

Madaxweyne Farmaajo oo bogaadiyay kulamadii mira dhalka ahaa ee Garoowe

Muqdisho (SNTV);- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo galabta Muqdisho kusoo laabtay ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo madaxda Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland soo dhaweyntii wanaagsanayd ee ay u fidiyeen isaga iyo wufuudii Soomaaliyeed ee ka qeyb galay caleema-saarka Madaxda cusub ee Puntland.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in is ogolaanshaha iyo midnimada hoggaanka iyo shacabka Soomaaliyeed ay fure u yihiin xaqiijinta dib u kabashada dalka iyo ka dhabaynta himillada ku aaddan Soomaaliya horumarsan, amni ah oo dadkeedu nolol wanaagsan ku haystaan.

“Waxaan rabaa inaan halkan ugu mahadceliyo shacabka reer Garoowe iyo Puntland, Madaxweynahooda iyo dowladdooda, sida wanaagsan ee walaaltinnimada leh, Soomaalinnimadu ku jirto ee ay aniga iyo wafdigayga noo soo dhaweeyeen. Runtii waxay ahayd wax aad iyo aad loogu farxo oo aan mar walba ka filaayey dadka reer Puntland ee nabadda jecel.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuumadda in ay dardar geliso xoojinta wada shaqeynta Hay’adaha heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, loona kaabo shaqadooda, si loo mideeyo qorsheyaasha iyo dadaallada horumarineed ee dalka, looguna adeego muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u hamuun qaba dowladnimada.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey in uu u fududeeyo Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) iyo Kuxigeenkiisa Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash),masuuliyadda adag ee loo doortay, uuna waafajiyo dhammaan wixii dan u ah shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bogaadiyey kulamadii miro-dhalka ahaa ee Garoowe uu kula soo qaatay Madaxweynayaashii hore ee dalka, Madaxda Dowlad Goboleedyada, culumada, duubabka dhaqanka, waxagardkii iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Wakiilada Wadamada Deeq bixiyeyaasha ah

0

Muqdisho (SNTV)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa magaaladda Muqdisho maanta kulan kula qaatay Wakiilada Wadamada Deeq bixiyeyaasha ah ee Soomaaliya Caawiya.

Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle Wasiirka Wasaaradda Maaliyada XFS ayaa sheegay in uu kala hadlay Wakiilada Wadamada Deeq bixiyeyaasha ah guulaha & caqabadaha dib u habeynta dhaqaalaha Soomaaliya iyo laga wada shaqeeyo isbadallo wax tar u leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

“Waxan Muqdisho ku kulanay wakiilada Wadamada Deeq bixiyayaasha ah, Waxan si hufan uga wada hadalnay guulaha & caqabadaha dib u habeynta dhaqaalaheena, Waxan si adag uga shaqeynaynaa gaadhsiinta Dalkeena isbadallo wax tar u leh Dalka & Dadka, Waan bogadinayaa tageerada ay nala garan taaganyihiin” ayuu yiri Wasiir Beyle

 

Waxaa la soo gaaray waqtigii shacabku guran lahaayeen miraha Sharciga Isgaarsiinta (MAQAAL)

0

Muqdisho (SNTV)-Labo sano ku dhowaad ayaa laga joogaa markii xukuumad iyo wasaarad ahaanba aan xilka la wareegnay, sidoo kale sanad iyo bar ayaa laga joogaa markii uu Madaxweynuhu saxiixay Sharciga Isgaarsiinta Qaranka. Marka la eego waqtiga dheer ee sharcigan la sugayay in la ansixiyo waxaan dareemayaa in shacabku dhararayaan waqtiga ay guran doonaan mirahii sharcigan ka dhashay.

Inkastoo dadka badankiis la socdaan in kheyraadka dalkeena ay yihiin xoolaha, beeraha, iyo badda, haddana kheyraadka hawada isgaarsiinta (spectrum) kama ahmiyad yara kuwaas hore, weliba haddii aan aragti furfuran la nimaadno waxaan gaari karnaa in aan abuurno dhaqaale ku dhisan aqoon iyo macluumaad (information & knowledge economy) oo aan uga qeyb gali karnaa horumarka baaxadda leh ee sida xowliga ah ku socda ee adduunku ka samayeeyey dhinaca tiknolojiyadda iyo Isgaarsiinta.

Hase yeeshee, inta aynan u gudo-galin hawlaha aynu qabanay iyo kuwa qorsheysan, waxaa habboon inaan idinla wadaago sida ay ahayd xaaladda isgaarsiinta dalka iyo kaalinta ay dawladdu ku lahayd markii aan xilka la wareegeynay, inagoo mar walba ka eegeyna saddexda xagal ee kala ah: shacabka, shirkadaha iyo dawladda.

XAALADDA JIRTAY
Duruufo adag ayaa ka jiray suuqa isgaarsiinta dalka, kuwaas oo caqabad ku ahaa dhammaan dhinacyada ay khuseyso ee seddexda xagalba oo aan si kooban u guud-marayno:

Shirkadaha: Shirkaduhu ma haysanin nidaam kala ilaaliya hirarka iyo lambarrada ay isticmaalaan, marka laga reebo inay dhexdooda ka heshiiyaan sida ay u qeybsanayaan hirarka. Maadaama shirkaduhu sameysmeen iyada oo uusan sharci jirin, shirkad weliba waxay ku khasbaneyd inay iyadu cabbirato hirka, lambarrada iyo qaabka ay u shaqeynayso, haddii lagu soo xad-gudbana inay waanwaan ka gasho. Maqnaanshaha nidaamka iyo sharciga ayaa waxa uu caqabad ku noqdey horumarinta adeegyada iyo tartan nadiif ah oo ka hirgela suuqa isgaarsiinta dalka.

Shacabka: Shacabku waxay ku khasbanaadeen inay sitaan 2 ama 3 taleefoonka gacanta maadaama aysan shirkadaha badankood isku xirneyn dhinaca hadalka isku diridda lacagaha taleefoonka, ma jirin wax heshiis isticmaal oo ka dhexeeya shirkadaha iyo macaamiishooda taas oo nugleysay ilaalinta xuquuda macaamiisha. Sidoo kale ma jirin cid ilaalisa bedqabka dadweynaha, iyadoo la kontoroolayo qalabka la soo dajinayo, goobaha laga surayo anteenooyinka iyo awoodda shucaaca ay sii deynayaan.

Dawladda: Tan iyo 2005tii waxaa lagu guuleysan waayey in la ansixiyo sharci kala haga isgaarsiinta dalka , sidoo kale waxa aanan jirin wax xog ah oo wasaaraddu ka haysay shirkadaha isgaarsiinta dalka. Ilaa tobaneeyo shirkadood ayaa sheegatay inay haystaan diiwaangelin, hirar iyo lambarro, iyadoo Wasaaradda aysan oolin xitaa hal nuqul oo rasmi ah oo shirkadahaas laga reebay, dhinaca kale dakhliga dawladda ka soo gali jiray shirkadaha wuxuu ahaa mid aad u yar oo aan ku saleysneyn halbeeg la isla ogyahay.

GOGOL-XAAR
Haddaba, markii aan la kulanay caqabadahan iyo kuwo kale oo ka badan, balse u badnaa duruufo la xallin karay, waxaan goosanay inaan xoogga saarno tallaabooyin gogol-xaar u noqon kara yoolka ugu dambeeya ee aan leenahay, waayo haddii aan ka billowno xal degdeg ah (quick fix) oo aan niraahno shirkadaha ha isa soo diiwaangeliyaan, lacagtaasna ha bixiyaan, ama degdeg ha iskugu xirmaan ma jireyso faa’iido mustaqbalka fog ay shacabku ka heli doonaan. Haddaba, waxaan hawlaheena u kala horreysiinay sidan:

1. Sharciga Isgaarsiinta: Haddii uusan jirin Sharci iyo nidaam kala haga waajibaadka iyo xuquuqaha, ma jirto hab loo hirgelin karo tallaaboyin lagu nidaaminayo suuqa isgaarsiinta, hannaan lagu hargelin karo daryeelka xuquuqda isticmaalayaasha adeegyada shirkaddaha iyo jaangoynta dakhliga looga baahan yahay in laga qaado shirkad weliba. Waxaan beddelnay qaabkii loo mari jiray ansixinta sharciga, inagoo xoogga saarnay in la soo koobo qodobada la isku maandhaafsanaa, kadibna wada-xaajood ka galnay, iyadoo sharciga la ansixiyay iyadoo lagu wada qanacsan yahay dawlad ahaan iyo shirkadahaba.
2. Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka: Sharciga Isgaarsiintu waxa uu u baahan yahay hay’ad fulisa oo nidaam ahaan u dhisan (institution). Dhammaan dalalka ay ka shaqeeyaan isgaarsiin gaar loo leeyahay waxay leeyihiin hay’ado noocan oo kale ah.

Nasiib wanaag dalkeenu maanta wuxa uu leeyahay sharci isgaarsiin iyo hay’ad isgaarsiineed oo suuqa inoo nidaamisa. Haddaba waxaan markan aan u soo jeesaneynaa in, iyadoo sharciga la raacayo, shirkadaha ka ganacsada suuqan oo isugu jira isgaarsiin iyo internet, ay bixiyaan xuquuqda ay dawladdu iyo shacabku ugu leeyihiin kheyraadka hawada ee ay adeegsadaan, iyadoo dowladdu ay diyaar u tahay in ay ka caawiso dhinaca horumarinta iyo nidaaminta, kala-xadeynta adeegyada, bixinta rukhsadaha iyo diyaarinta xeer-nidaamiyayaashii ay ku howlgeli lahaayeen ama ku soo jiidan lahaayeen maalgelin iyo taageero farsamo.

Labadii sano ee la soo dhaafay waxa aan ku howlaneyn dhismaha aasaaskii sharciyeed ee hawlahan lagu qaban lahaa, iyadoo shirkaduhuna ay sii wadeen inay si duuduub ah u bixiyaan canshuuraha. Waxaase xusid mudan, oo aan uga mahadcelinayaa shirkadaha, in dakhligii ay dawladdu ka heli jirtay shirkadaha uu kordhay 3 jibbaar sanadihii 2017-2018, marka la barbardhigo sanadkii 2016 iyo wixii ka horreeyay taas oo ku timid wadahadal iyo garowshiyo labada dhinacba ah, taasi oo qeyb weyn ka qaadatay in Wasaaraddeena maaliyaddu ku guuleysato bartilmaameedyadii ay ku heshiiyeen IMF.

Mar haddii la dhisay aasaaskii waxaa la soo gaaray waqtigii shacabka Soomaaliyeed guran lahaayeen mirihii ka dhashay sharciga. Waxaana ugu soo horreyn doona oo aad inagula xisaabtami doontaan haddii Eebbe idmo:

1. In shirkaduhu isku xirmaan (interconnection) maadaama ay tahay arrin waajib ah sida uu dhigayo sharciga isgaarsiinta. Waxaa shirkadaha waqti loo siinayaa inay ka heshiiyaan qiimaha iyo adeegyada iyo habka isku-xiranka, iyadoo haddii ay heshiin waayaan ay soo dhex geli doonto dawladda si waafaqsan Xeerka Isgaarsiinta dalka.
2. Dawladda Soomaaliyeed waxay qorsheyneysaa inay aad sare ugu qaado dakhliga ka soo gala adeegyada isgaarsiinta iyo teknolojiyada
3. In la helo daryeel sugan oo ay helaan macaamiisha iyo isticmaalayaasha adeegyada isgaarsiinta dalka iyo hannaan lagu xalliyo cabashooyinka macaamiisha.

NOOCYADA CANSHUURAHA IYO KHIDMOOYINKA
Sidaan hore u soo sheegnay shirkadaha isgaarsiintu waxay bixin jireen lacag duuduub ah oo aan caddaalad u ahayn dawladda, shacabka iyo shirkadahaba maadaama aysan ku dhisneyn halbeeg la wada ogyahay.

Noocyada Canshuuraha iyo khidmadaha caadiyan la qaado:

• Rukhsadda lagu shaqeeyo (License to operate) oo billowga ah. Dhammaan shirkadaha isgaarsiinta waxaa laga doonayaa inay qaataan rukhsad maadaama wixii hadda ka horreeyay uusan jirin sharci. Rukhsadda ay qaadanayaan shirkadihii hore u jiray waxay aad uga jabnaan doontaa midda ay bixin doonaan shirkadaha cusub, sida uu dhigayo Sharciga Isgaarsiinta.
• Rukhsad Sanadle ah (annual license fee)
• Khidmadda Isticmaalka Hirarka (spectrum fees)
• Khidmadda Isticmaalka Lambarka (Numbering fees) oo laga bixinayo lambar kasta oo taleefoon.
• Khidmadda la saaro lacagaha taleefoonnada la isugu gudbiyo (mobile money)
• Canshuurta la saaro hadalka (VAT)
• Qaaraanka Sanduuqa Baahinta Isgaarsiinta (Universal Service Fees) oo ah khidmad shirkadaha laga qaado si adeegga isgaarsiinta iyo internetka loogu horumariyo
• Khidmadda Keenista Qalabka (Type Approval fees)
• Khidmadaha la saaro wicitaannada caalamiga ah ee dalka soo gala (Incoming international traffic fees)
• Khidmadaha horumarinta iyo cilmi-baarisyada qeybaha isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda (Fees for R&D)

Khidmadahan iyo canshuuraha oo nagala dhexeeya Wasaaradda Maaliyadda hal mar ma wada billaaban doonaan ee waxaa loo kala hormarin doonaa sida ay u kala muhiimsan yihiin ee suurtogalka ah, iyadoo loo sameynayo nidaam daah-furan oo lacagaha loogu shubayo Khasnadda Dawladda ee Bankiga Dhexe oo waafaqsan qorshaha hal khasnad ee xukuumadda iyo nidaamka canshuuraha dalka. Balse waxaa lama huraan ah in ay hirgelaan dhammaan noocyada kala duwan ee canshuurahani ka hor dhammaadka sannadkan 2019, loona diyaariyo hab-raacyadii iyo ansixinnada lagama-maarmaanka ah ee ay u baahan yihiin.

WADAR FAA’IIDO
Qorshaha noocan ah oo Wasaaraddu la wadaagtay xafiisyada ugu sarreeya dalka, isla markaana u soo bandhigtay shirkadaha tan iyo bishii Agoosto 2018, waxaa looga gol leeyahay inuu noqdo wax ay ka wada faa’iidaan seddexda xagalba (win-win).

Shirkadaha: waxa ay bixin doonaan xuquuqda uu dalku ku leeyahay maadaama ay adeegsanayaan kheyraadka hawada oo uu Soomaali kasta wax ku leeyahay. Waxaa xusid mudan in shirkaduhu ka faa’iidayaan nidaamka cusub maadaama ay heli doonaan dakhli aan haddaba soo galin, iyo addeeg kale oo sare u qaadi doona tayada adeegyada ay bixiyaan, shirkaduhu marka ay bixiyaan xuquuqdooda waxa ay helayaan dammaanad-qaad la xiriira rukhsaddaha iyo hirarka ay isticmaalaan, taas oo qiimaha shirkadahooda wax weyn ku kordhin doonta.

Dawladda: Dakhliga Dawladda ka soo gala isgaarsiinta waxa uu qeyb weyn ka noqon doonaa miisaaniyadda dawladda, iyada oo qeybo badan oo dakhligaas ahna ummadda loogu beddelayo waxbarasho, caafimaad, jidad iyo baahinta isgaarsiinta iyo internetka si ay u kabaan dhaqaalaha. Waxaa sidoo kale la marsiin doonaa nidaamka lagu qeybsado kheyraadka si dawlad-goboleedyaduna uga helaan xuquuqda ay arrintaan ku leeyihiin, iyadoo arrintaasi ay Wasaaraddu uga dambeyn doonto hay’adaha shaqada ku leh.

Shacabka: Shacabku waxay helayaan isgaarsiin isku furan oo ay ku kala dooran karaan adeegyadooda, waxayna helayaan daryeel sugan oo la xiriira xuquuqdooda isticmaal. Waxa ayna sidoo kale helayaan in canshuurta iyo khidmado ku filan laga soo xareeyo isgaarsiinta iyo teknolojiyada, iyada oo qeybo badan oo dakhligaas ka mid ahna dib loogu celinayo isla isgaarsiinta si loo dhiso kaabayaasha oo faa’iidadeeda u dareemi karo muwaadin kasta.

Waxaan ku faraxsanahay in sanadkan la soo gaaray waqtigii laga wada faa’iideysan lahaa mirihii ka dhashay sharciga isgaarsiinta. Faa’iidooyinkaas aan soo sheegnay ee dhinac kasta ka faa’iidayo waxaa la gaari karaa marka laga wada shaqeeyo horumarka dalkan.

Ugu dambeyntii, Waxa aan u macadcelinayaa dhammaan madaxda sare ee qaranka, labada aqal ee baarlamaanka, Golaha Wasiirrada, guud ahaan howl-wadeennada Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada iyo dhammaan shirkadaha Isgaarsiinta dalka oo wada-shaqeyntooda kooxeed la’aanteed aysan inoo suurto-geli lahayn in aan hirgelino howshan. Dhammaanteen waxaan qeyb ka noqon doonaa taariikhda habeynta iyo horumarinta isgaarsiinta dalka.

Eng Cabdi Cashur Xasan waa wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada Soomaaliya. Wuxuu shahaadada 1aad ka qaatay Jaamacadda Ummadda, halka shahaadada 2aad uu ka qaatay Kulliyadda Sayniska & Teknolojiyada ee Jaamacadda Manchester (UK), 1988.

………………………

Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada

-W. Q:- Eng Cabdi Cashur Xasan

Wasiir ku xigeenka Amniga Gudaha XFS oo Jabuuti uga qeyb galay Furitaanka Tababar aqoon isweydaarsi

0

Muqdisho (SNTV) Wafdi  uu  Hoggaaminayay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga  Gudaha Xuuumadda Soomaaliya ayaa  dalka dalka Jabuuti uga qeybgalay Furitaanka  Munaasabada  #Cutlass express 2019 oo la qabto sanadkiiba mar waanna tababar aqoon isweydaarsi ay ka qaybgalaan dawladaha gobolka iyo dawladaha  Caalamiga  ah, wuxuuna  ujeedkiisu yahay sidii loo xoojin lahaa amniga Xeebaha Gobalka iyo xuuraan wadaagga dawladaha degen gobolka dhinaca xogta ah.

Hadafka ugu wayn ayaa ah sii loo  mideeyn lahaa  howlgalada baddaha Gobal iyo si Heer Caalami, iyadoo laga hortagayo Qatar walba oo lidi Ku ah Maraakiibta maranka u ah xeebaha bdabaha,lagana hortago kaluumeesiga Sharci Darada ah , Burcad Badeeda iyo Argagaxisada.

Wasiir ku xigeenka  Xukuumadda Soomaaliya Cabdinasir Saciid  oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa bogaadiyay dadaalada socda dowladda gobalka iyo kuwa Caalamiga ah si layskala kaashado ilaalinta xeebaha iyo sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka qatarka ku ah xeebaha gobalka.

Wasiir Cabdinaasir ayaa soo dhaweeyay tababarada ay qaadanayan hanaanka tababarka ciidanka ilaalinta xeebaha ee booliska gobalka dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii labaad xubin buuxda ka ah iskaashiga oo ahmiyad wayn ugu fadhiso, waxaana taasna qeexayso in in ka badan 25 ciidan,Sakaariil iyo Saraakiil xigeeno  ay soomaaliya tababarkaasi qeyb uga yahiin.

“Waxaan ku kalsoonahay in wiilasha iyo gabdhaha  Somaaliyeed ee matalaya dalka ay muujin donaan garti iyo hufnaan shaqo waana  muhiimad aan dhamaanteen wada dareemayo in xeebaheena ilaalsano ayuu yari Wasiir Cabdinaasi”

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya  ayaa booqday  Academyada Booliska Dalka  DJIBOUTI (FAARAH CABANE) tasoo halkaasi kula kulmay saraakiisha Booliska dalkaasi ay ka wada hadleen dar dargalinta tababarka ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

W/Q” Abdirashiid Nuur

Wasaaraddaha Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Qatar oo Wada shaqeyn dhow yeelanaya

0

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Maxamed “Amar dambe” ayaa ka warbixiyay Safar uu ku tagay Dalka Qatar iyo kulamo uu lasoo qaatay Masuuliyiinta Dalkaasi.

“Waxaan Dib-ugu soo Laabtay Dalka waxaan Safar Shaqo ugu maqnaa Dalka Qatar Waxaan kula soo kulmay Masuuliyiin kala duwan oo Dalkaasi ka tirsan Waxaana ka Wadahadalnay Xoojinta Xiriirka Milatari ee ka Dhexeeya Labada Dalka’ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga.

Mudane Xasan Cali Maxamed “Amar dambe” ayaa sheegay in Wasiirka Gaashaandhiga Dalka Qatar ay isku af garteen sidii xiriir dhow iyo wada shaqeyn ay u yeelan lahaayeen Labada Wasaaradood.

“Waxaan ka hadalnay Wasiirka Gaashaandhiga Qatar Xiriirka iyo wada shaqeynta labada Dowladood iyo sidii xiriir dhow ay u yeelan lahaayeen Labada Wasaaradood, waxaan isku afgaranay in wada shaqeyn dhow aan yeelano ay nagala qeyb qaataan dhismaha iyo hormarka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed”.ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka Gaashaandhiga XFS ayaa sheegay in Talaabooyin hormar leh loo qaaday dadaalka loogu jiro sidii dib loo soo celin lahaa Ciidankii lagu yaqaanay Soomaaliya ee Afrika iyo Geeskaba caan ka ahaa, isagoo u mahad celiyay Dowladaha Qalabka iyo Tababarada ka taageera ciidamada.

Madaxweyne Laftagareen oo Garoowe kula kulmay bulshada deegaanada K/Galbeed

Garowe(SNTV) Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Koofur Galbeed C/casiis Maxamed Xasan(Laftagareen) ayaa magaalada Garowe ee Xarunta maamulka Puntland kulan kula yeeshey bulshada deegaanada Koofur Galbeed ee ku dhaqan magaaladaasi.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa lakulmay haweenka,dhalinyarada iyo waxgaradka,isagoo ka xog wareysanayay xaaladda dhabta ah oo ay ku sugan yihiin iyo habka is dhexgalka bulsho.

Qaar kamid ah bulshadii uu la kulmay Madaxweynaha ayaa Warbixin ka siiyay xaaladooda,iyagoo muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin wada noolaashiyaha bulshada deegaanadaasi Puntland.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa fariin u jeediyay bulshadii uu la kulmay,wuxuuna ku booriyay in ay horumarka ka shaqeeyaan.

“Ka qeybqaata horumarka,sameeya ganacsiga,dhulka dhista,gabdhah aguursada,waa dhulkiina dhulka,wixii dhimana xagga matalaada ah waad heleysiine”. ayuu ku dhiiroge geliyay madaxweyne Lafta Gareen.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa kamid ahaa wafuudii magaalada Garowe uga qeybgashey caleema saarkii madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni.

Wasiiro ka qeyb galay kulan looga hadlayay mashaariicda Bangiga Aduunka ee ka faa’iidaysiga biyaha

0

Muqdisho (SNTV) Kulanaka waxaa shir guddoominayya Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Soomaaliya waxaana goob joog ka ahaa wasiir ku xigeenka tamarta iyo kheyradka biyaha, masuuliyiin ka socotay xafiiska Ra’isalwasaaraha, wasaaradda Qorsheynta iyo wakiilka Bangiga aduunka ee Soomaaliya Hugh Riddel

Bangiga aduunka ayaa kulan ku soo bandhigay qiimeyn laga sameeyay dhulka qalalan ama aanu wabiga marin ee dalka iyo dadka nool sida ugu wanaagsan ee ay uga faaiidaysaan karaan biyaha iyo beeraha oo bangigu ugu talagalay mashruuc ay ka baxayso 42 milyan oo doolar.

Wasiir ku xigeenka Maaliyada Dowladda federaalka Soomaaliya Prof Cabdullaahi Sheekh Cali ( Qaloocoow) waxa uu sheegay in mashruucani uu ahmiyad weyn u leeyahay dalka.

“waa lacago lagu fulinayo mashruuc Beero, xoolo iyo biyo oo isla socdo oo dalka oo dhan ah. qeybtiisii hore waxaa laga fuliyay Somaliland waxaa ku xigtay Puntland hadana waxa laga fulinaya dhammaan dowlad goboleedyada kale, waa mid muhiimad weyn leh waxaana uu wax ka taraya  beeraha roobka lagu falo iyo biya celinta” ayuu yirri Wasiir ku xigeenka Maaliyadda

Wakiilka Bangiga Aduunka Hugh Riddel waxa uu tilmaamay mashruucaan inuu taageero soo kabashada bulshada ku nool dhulka aanu wabiga marin.

“Mashruucani  waa mid muhiim ah bulshada una wanaagsan, dadku waa ay fahmayaan muhiimada biyuhu u leeyihiin iyo caqabadaha ka heysta heer bulsho, waxay wax ka qabanayaan hantida bulshada sida barkadaha, baliyada iyo biya xereenada, mashruucaan waxaa uu ka biloowday Soomaliland iyo Puntland, Soomaaliya waxa ay samaynaysaa hormar dhinaca maamulka maaliyada ah iyo daqliga waxaan dareemaynaa kalsooni waxaan maalgalinaynaa wax badan, waxaan balaarinaynaa mashruucaan waxaana gaarsiinaynaa Galmudug iyo Koofur galbeed si ay u soo kabtaan, mustaqbalka dhowna waxaan u dhaqaaqaynaa Hirshabeelle iyo Jubbaland” ayuu  yirri Wakiilka Bangiga Aduunka

La’aanta keydadka biyaha roobka xiliga uu da’ayo si looga faa’iidaysto waqtiga roob la’aanta waa mid ka mid ah caqabadaha haysta dadka ku nool miyiga waxaana mashruucani uu noqon karaa mid wax ka tara helida keydadka biyaha hadii uu u  hirgalo sida loogu talagalay 5 sano ee soo socota oo uu mashruucani soconayo.

Cabdishakuur Cali Axmed

Shirka Howlaha Xasilinta dalka oo Muqdisho lagu qabtay

0

Muqdisho (SNTV) Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa Maanta oo ay taariikhdu tahay 28/01/2019 qabatay Shirka Howlaha Xasilinta dalka.

Shirkan oo ah mid labadii biloodba mar laqabto ayaa looga hadlay arrimo muhiim u ah xasilinta dalka iyo iskaashiga hay’adaha kala duwan ee ku hawlan dib u soo kabashada Soomaaliya.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Mudane Xildhibaan Cabdullahi Faarah Wehliye ayaa shir guddoominayay waxaana kasoo qeyb galay Xubno ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Aminiga Qaranka,  Dowlad Goboleedyada dalka,  Gobolka Banaadir iyo sidoo kale Hay’adaha Soomaaliya ka taageera  hawlaha xasilinta dalka.

Sidoo kale, shirkan waxaa looga arinsaday sidii loo darder galin lahaa hawlaha xasilinta iyo Dowladaha Hoose ee ka socda dalka iyo sidii la iskugu dubaridi  lahaa iyadoo la raacayo Istiraatiijiyada Xasilinta Dalka iyo Tubta Amniga iyo Cadaalada oo ay xasilintu qeyb weyn ka tahay.

Waxaa la isku raacay in si dhow la iskula xisaabtamo iyadoo la faray dhamaan Hay’addaha ka shaqeeya arrimaha xasilinta in ay raacaan hanaanka dowladeed oo ay Wasaaradu u dajisay.

“Waa in aynu isla xisaabtanaa ma ahan oo kaliya in uu shirkani noqondoono mid lagu kala warqaato laakiin waxa uu noqon doonaa mid si dhab ah la iskula xisaabtamo” Saas waxaa yiri Wasiirul dowlaha Wasaaradda Mudane Xidhibaan Cabdullahi Faarah Weheliye.

Gabagabadii waxaa la isku raacay sanadka 2019 in uu noqdo sanadkii taabagalinta  mashaariicda xasilinta si loo gaarsiiyo bulshada adeegyada ay u baahan yihiin iyada oo si dhow la iskula xisaabtami doono.

Madaxweyne Farmaajo “Geeddi-socodka dowladnimadu waa mid u baahan midnimo, wada-tashi iyo isu-tanaasul”

Garoowe, 28 Jan. 2019: Shirarkii wadatashiga ahaa ee ka socday magaalada Garoowe kuwaas oo u dhexeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada dalka ayaa ku soo idlaaday isfaham iyo in laga wada shaqeeyo danta guud.

Kulamadan ayaa lagu lafa-guray hagaajinta xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah, iyada oo diirrada lagu saaray sidii looga gudbi lahaa kala aragti duwanaanshaha u dhexeeyay labada dhinac, waxaana la isku raacay in laga shaqeeyo midnimada iyo wadajirka ummadda.

“Waxaan bogaadinayaa kulamadii miradhalka ahaa ee maalmahan nooga socday Garoowe, waxaana uga mahadcelinayaa dhammaan madaxdii ka qayb qaadatay biseylka ay muujiyeen iyo sida ay diyaarka ugu yihiin inaan hore u dhaqaajinno geeddi-socodka dowladnimada Soomaaliya oo u baahan midnimo, wadatashi, isu-tanaasul iyo wax wada qabsi.” Ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu intii kulanku socday soo jeediyay in shirka kan xiga ay martigeliso magaalada Garoowe bisha Maarso ee sanadkan si loo dardargeliyo hawlaha hortabinta u leh dowlad dhisidda Soomaaliya, isaga oo uga mahadceliyay Madaxweynaha Puntland sida wanaagsan ee uu uga qayb qaatay qabsoomidda iyo marti-gelinta shirarkan wax ku oolka ah.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa maanta kulamo gooni gooni ah la yeeshay Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo kamid ah isimada dhaqanka Puntland isaga oo ku ammaanay kaalinta duubabka dhaqanka ee Puntland ay ka qaateen dib u heshiisiinta iyo xoojinta dowladn imada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa inta uu Garoowe ku sugan yahay waxa uu kulammo la yeelanayaa qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland si uu u dhegaysto aragtiyahooda iyo talooyinkooda ku aaddan dib u dhiska dalka iyo dib u heshisiinta shacabka Soomaaliyeed.

DHAMMAAD