Home Blog Page 950

Diyaarada laga leyahay dalka Ukrain oo ku burburtay  meel ku dhaw  garoonka diyaaradaha Tehran

0

Diyaarada ay saaraanayeen ku dhawaad 180 ruux  ayaa saakay ku burburtay meel ku dhaw gagida diyaaradaha Tehran ee Imam Khomeini  dalka  Iran

Telefishanka dawladda Iiraan ayaa sheegay in dhammaan dadkii saarnaa diyaaradda ay ku dhinteen shilka diyaarada.

Sida laga soo xigtay warbaahinta Iraan diyaarada tirsigeedu yahay Boeing 737-800 in ay ku burburtay waxayar ka hor parand oo ah meel koonfurta galbeed kaga beegan magaalada Tehraan.

Hay’adda bisha Cas ee Iiraan ayaa sheegtay inaysanv helaan dad ka  badbaaday. Sawiro lagu barahiyay baraah  bulshada ayaa sidoo kale lagu muujiyay  inaysan jirin cid  ka badbaaday shilkaas diyaarda.

Sida laga soo xigtay Duulimaadka Diyaaradda Flighradar24, Diyaaradda Caalamiga ah ee Duulimaadka Diyaaradda ee Ukraine 752 ayaa loo qorsheeyay inay ka dagto 5:15 subaxnimo xilliga Tehran iyadoo ku sii jeedda Garoonka Caalamiga ah ee Boryspil ee caasimadda Kyv ee Yukreen.

Bulshada Magaalada Dhuusamareeb Oo Soo Dhoweyn Ufidiyay Ciidamada XDS

0

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Maxamed Abuukar islow Ducaale ayaa maanta Bulshada Dhuusamareeb ee uu Barlamaanka ku matalo Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed Ka guddoomay 5 Geel ah oo ay ugu tala Galeen Dhiiri galinta Ciidanka qalabka sida ee ka howl Gala Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb.

Wasiirka Max’ed Abuukar Islow Ducaale ayaa uga mahadceliyay dadka deegaanka Dhuusomareeb sida ay markasta ugarab taagan yihiin soo dhoweeynta iyo dhiiregelinta ciidamada iyo dowladda intaba.

Kudhufo link-gan:- https://www.youtube.com/watch?v=DEQgFu93b70

Guddiga Qaban-qaabada maalmaha Xorriyadda oo Maanta Yeeshay Kulankoodii ugu Horeeyay.

0

Waxaa maanta magaalada magaalada Muqdisho kulankoodii ugu horreeyay ku yeeshay Guddiga qaban-qaabada xuska 60 guurada xorriyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka waxaa gudoominayay Guddoomiyaha guddiga ahna Wasiirka Warfaafinta mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye),isagoo ka warbixiyay, asagoona sheegay in sannadkan xuska uu ka duwanaan doono xusaskii hore u dhacay sannadihii hore. Sidoo kale Wasiir Maareeye waxa uu sheegay sababta guddiga uu kulankoodii ugu horreeyay maanta u yeeshay, ayadoo oo ay lix bilood ku dhawaad ay ka harsantahay xuska todobaadka xoriyadda, waxa uu sheegay marka hore in ay tahay aragtida madaxda qaranka, gaar ahaan madaxwaynaha jamhuuriyadda mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Sidoo kale waxa uu sheegay in xuskan uu ku buuxsan yahay 60 sano oo ay xor tahay jamhuuriyadda Dimuqraadiga Soomaaliya, waxa uuna yiri, “Calaamadaha uu leeyahay 60 guuradan waxaa ka mid ah marka ugu horreysa waa 60 guuro. lixdan waa sannad ama waa xilli taariikheed u calaamadsan bulshooyinka caalamka iyo bulshada Soomaaliyeed. Waa xilli qofka qaargaar wayn noqdo, khibrad dhammaysto, karti dhammaysto, oo waayeelnimo dhammaysto, sidaas darteed qaranka ayaa lixdan sano jirsaday”.

Sidoo kale Wasiir Maareeye ayaa sheegay in xuskan uu ku aaddan yahay, ayadoo 20 sano ay ku buuxsantay dib u dhisidda dawladnimada aan maanta haysano;

“Marka labaad muhiimadda ay leedahay maalinkan waa labaatan guuradii markii dawladdan hadda jirta dib loogu soo yagleelay dawladnimada Soomaaliya magaalada Carta ee dalka jabuuti oo runtii nidaamkan hadda jira uu ka yimi 2000, maalinba meeshii uu soo taagnaaba, maanta uu halkan joogo”.

Wasiir Maareeye, guddoomiyaha guddiga qabanqaabada ayaa ugu dambayn sheegay in xuska sannadkan uu ka dhici doono dhammaan degmooyinka dalka, ayadoo ay xildhibaanada, wasiirada iyo madaxda dalka ay tagi doonaan dagmo walba, sidaasna uga qayb qaadaan doonaan farxadda wayn ee lixdan guurada maalmaha xoriyadda iyo xuska labaatan guurada dib u dhisidda dawladnimada maanta jirta

Waa Maxay Sababta Ay Soomaaliya U Lumineyso Maamulka Hawadeeda!! (Qormo Kooban)

0

Hey’adda duulista rayidka qaramada midoobay ee ICOA maamulidda hawada Soomaaliya ayaa gacanta u gelisay hey’adda duulista rayidka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si dhammeystiran bartimihii sannadkii 2018-kii.

Ku dhowaad soddon sanno oo ay gacanta Soomaaliya ka maqneyd maamulka hawada waxa lala soo maray marxalado adag, juhdi aan kala go’ lahayn cilmi-baaris shaqo iyo diyaarinta shuruuc kala duwan, wadahadallo sannado qaatay iyo dadaalka hey’adda duulista rayidka ah ee Soomaaliya sameysay, taas oo lagu gaaray natiijada ay dowladda Soomaaliya ka gaartay maamulka hawada.

Maamulidda hawada waxaa lagama maarmaan u ah sharciyo gaar ahaaneed sida sharciga hey’adda duulista rayidka oo ka gudbay Golaha shacabka ee Baarlamanka Federalka Soomaaliya balse  horyaalla Golaha Aqalka sare Baarlamanka Federal Soomaaliya.

Sharciga hey’adda duulista ayaa wakhti kooban u heysta baarlamanka in uu dhaqangeliyo dhammaadka bishaan Jannaayo ee 2020-ka sida ku cad heshiisyadii lala galay hey’adaha ICOA iyo ITA.

Walaaca maamulka Hawada

Hey’adda ICOA  waxa ay bilowday in ay bixiso digniino (Signal) muujinaya khatarta ka imaan karta haddii aan bishan la helin sharci dhammeystiran oo awood u siinaya hey’adda duulista rayidka Soomaaliya in ay heysato maamulka hawada iyo in ay fuliso dhammaan 12,000 (Laba iyo Toban Kun oo qodob) kuwaas oo u deggan hey’adda Qaramada Midoobay  u qaabilsan duulista rayidka ah ee IOCA, taasi waxaa ku jirta danta dalkaan iyo dadkiisaba si caalamka intiisa kale ay kala qeyb-galaan tartanka horumarka dhaqaale.

Sharciga nuxurkiisa marka aad akhriso waa mid ku habboon xaaladda iyo nidaamka dowladdeed ee dalkan uu leeyahay ee ku saleysan Federaal wadaagga Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Xogo laga helay khubarro ku xeel dheer sharciga arrimaha duulista rayidka waxa ay bixinayaan digniino adag oo ku aadan in aan dib loo lumin maamulka hawada ee geeddiga dheer ka soo hoyday.

Barlamaanka Soomaaliya-(Aqalka sare)

Golaha Aqalka sare waxaa horyaalla masiir ka mid ah tiirarka astaanta u ah madax bannaanida dalkan, waa in dalku uu maamushaa hawadiisa, xuduudahiisa, dhulkiisa iyo meel walba oo carrada Jamhuuriyadda ka mid ah.

Aqalka sare waxaa la gudboon in toddobaadyada hore ee bishan ay ansixiyaan sharciga hey’adda Duulista rayidka ah si dalka uu uga badbaado qal-qal hor leh oo keena in dib looga ceshto Soomaaliya maamulka Hawada.

Talo waddniyadeed.

Kala horreysiinta Sharciyada iyo sida ay u kala leeyihiin mudnaanta si dalkan uu uga soo kabto burburkii kasoo gaaray sharciga, amniga, dhaqaalaha iyo la macaamilka dunida heysata sharciyadda sahli kara fududeynta ka qeybgalka tartanada ayaa waxa loo baahan yahay shaqo gudasho waddaniyad leh si ay dalka ugu badbaado fursadaha lacagaha Balaayiinta ah eek u soo xaroon lahaa dhakhli ahaan, iyadoo la illaalinayo madax-bannaanida dhanka hawada.

Sidaa darteed Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaan dhihi lahaa ka faa’ideysta fursadda gacantiina ku jirta oo badbaadiya dalkiina dadkiisu ay ku dulman yihiin dunida badankeed oo ansixiya sharciga hey’adda duulista rayidka ah ee Soomaaliya.

W/D Feysal Muuse

 

Xubno Ka Tirsan Al-shabaab Oo Lagu Qabtay Duqeymo Ka Dhacay Gobolladda Jubooyinka

0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Africom ayaa fuliyay Duqeymo Dhanka Cirka ah Saqdii Dhexe Ee Xalay kaasi oo lagu beegsaday horjooogayaal ka tirsan kooxda Al-shaabab  kuwaas oo ku sugnaa deegaannada jubboyinka

Duqeymaha ayaa la sheegayaa in si gaara looga fuliyay deegaannada kala ah Jilib, Jammaame  iyo caga-libaax  islamarkaana khasaaro lixaad leh lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta qaranka  ayaa sheegay in lagu dilay dagaalyahanno ka tirsan kooxda nabad diidka ah, inkastoo aysan shaacin tirada saxda ah ee lagu dilay, sidookale saraakiisha ayaa sheegay in afar xubnood nolosha lagu qabtay sida ay hadalka u dhigeen.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa dadaal ugu jiro sida ay uga sifeen lahaayeen kooxda Al-shabaab guud ahaan dalka Soomaaliyeed

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran  ee kumaandooska soomaaliya qeybta ka howlgasha gobolladda jubboyinka ee howlgalka Africom ayaa weeray fariisimo ay ku lahaayen kooxda A-shabaab  deegaanka Caanoole oo hoostagaBadhaadhe ee gobollka Jubbadda Hoose,halkaas oo ey ku shirayeen horjoogayaalka ka tirsan maleeshiyadka Al-shabaab  islamarkaana ay xoolo ay ka dheceen shacabka Soomaaliyeed sida ay inoo xaqiijiyeen saraakisha ciidan xoogga dalka.

Sidoo kale ciidanka xoogga dalka ayaa duqeyn ka fulliyaya Deeganka jammame ee gobolka jubbada hoose ,halkaasi ay ku tabo baranayeen  dhallinyaro ey soo qaldeen  una tabo barayeen sidii ey u dhibaateen lahaayeen shacabka Soomaaliyeed halkaasi ay khasaaro xooggan ku gaarsiiyeen

Ciidamada ayaa sidoo kale duqeeyay saldhig ay nabad diidka ku lahaayeen degmadda Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, halkaas ay ku sugnaayeen horjoogayaal sar sare oo ka tirsan Al-shabaab waxaana la burburiyay saldhigii ay Kooxda halkaasi ku lahayd.

Gaashanle dhexe Xasan Maxamed Ciraaqi ayaa u xaqiijiyay warbaahinta qaran in khasaaro xoogg leh soo gaaray maleeshiyaadka argagixisadda Al-shabaab goobaha ay duqeenta ka dhacday .

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa habeen iyo dharaar heegan ugu jiro ciribtir AL-shabaab si ay uga dulqaadan dhibka iyo dhagarta ay ku haayan shacab Soomaaliyeed

Wasaaradda Haweenka Galmudug & Haweenka Deegaannada Oo Kulmay

0

Haweenka doonaya ka mid noqoshada Baarlamaanka Galmudug ayaa Bilihii la soo dhaafay ayaa ka doodayay si ay uga mid noqon daan Baarlamaanka cusub ee Galmudug oo meel gabo-gabo ah maaya.

Wasaarada Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha Galmudug oo xalay kulan wadatashi ah la qaadatay haweenka uu hamigoodu yahay in ay lagu daro Baarlamaanka cusub ee Maamulkaasi kuwaasi oo ka soo kala jeeda deegaannada maamul gobolleedka, ayaa diiradda lagu  saaray Arrimaha Siyaasadda iyo kamid noqoshada Golaha Wakiilada Galmudug.Naciimo Maxamed Catoosh oo sii haye ka ah Wasaarada Haweenka iyo Xuquuqul insaanka Galmudug oo kulan labo maalmood ah furtay ayaa faah-faahin ka bixisay waxyaabihii looga hadlay oo ay kamid yihiin doorka haweenku ee arrimaha siyaasadda iyadoo lala kaashanayo qeybaha bulshada.

Doodaha haweenka ee kamid noqoshada Baarlamaanka cusub ee Galmudug ayaa ah mid si saa’id loo hadal hayo haseyeeshee haweenka ayaa dadaal ugu jira in ay helaan matalaadda xagga maamulka dowlad Goballeedka Galmudug xilli haatan ay socoto soo xulista xubnaha baarlamaanka cusub si loo doorto dowlad goballeed loo dhanyahay.

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Oo La Kulmay Boqorka Sacuudiga, Boqor Salman Ben Cabdel Casiis

0

Wasiirka Arrimaha Dibada JFS ayaa Magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga kula kulmay Boqorka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Boqor Salmaan.

Wasiir Cawad ayaa Salaan uu ka siday Madaxweyne Farmaajo isagoo gaarsiiyay Boqorka Dalka Sacuudiga, waxaana uu sheegay in sacuudiga uu yahay saaxiib dhow oo xulufo la ah Soomaaliya.

Wasiir Cawad iyo boqorka dalka Sacuudiga ayaa kawada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal ee walaalaha ah waxaana ay labada dhinac isla garteen in la xoojiyo xiriirka ka dhaxeeyo labada dowlad.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa dalka Sacuudiga kaga qeyb galaya Shir u dhaxeeya Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka kulaala Gacanka Cadan iyo Badda Cas.

R/Wasaare Xasan Cali Kheyre Oo Kulamadii U Dambeeyay Ka wada Dhuusamareeb

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedeaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Dhuusamareeb ka wada kulamo ku aadan sidii loo dedejin lahaa xulida Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug, si loo dhameystiro tirada 69-ka ah ee Xildhibaanada ka dhiman Baarlamaanka Galmudug, kaddib markii Ahlusuna ay soo xulatay 20 Xildhibaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la kulmay Odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeday magaalada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, isagoo ka dhageystay tabashooyin ay qabeen.

Sidoo kale waxaa uu Ra’iisul Wasaaraha kala hadlay dardar gelinta dhismaha Maamulka Galmudug iyo sidii loo dhameystiri lahaa soo xulida Xildhibaanada Baarlamaanka.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sidoo kale la kulmay Ugaaska Ugaas Xasan Ugaas Nuur iyo Madaxa Xukuumadda, waxaana uu kala hadlay sidii ay door weyn ugu yeelan lahaayeen dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

Waxaa kaloo Ra’iisul Wasaaraha la kulmay Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ee laga soo doorto Galmudug, waxaana uu uga mahad celiyay dadaalka ay u galeen dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha oo muddo todobaad ku sugan Dhuusamareeb ayaa la filayaa inuu maanta dib ugu soo laabto Muqdisho, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda lagu dhawaaqo liiska Xildhibaanada 69-ka ah ee Baarlamaanka Galmudug

shirka dib u eegista 2aad ee deyn cafinta oo ka furmay dalka Ethiopia

0

Shirka dib-u-eegista 2aad ee SMP4 oo ah hanaanka 4aad ee deyn cafinta Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Adis-ababa ee dalka Ethiopia waxaana uu u dhexeeyaa Dowladda Soomaaliya iyo Hey’adaha kala ah IMF & Bangiga Aduunka inta uu socdo waxaa dib u eegis lagu samey doonnaa Wixii Soomaaliya u qabsoomay sanadkii tagay ee 2019 iyo halka aan hiigsaneynno sannadkan 2020-ka.

Hay’adda Lacagta aduunka  IMF iyo Masuuliyinta Soomaaliya ayaa waxay kawadda hadlayan sidii loo dardargalin lahaa  hawlaha dhameystirka qeybta 2aad ee wajiga afaraad wada hadalka deny cafinta  (SMP4).

Soomaaliya  ay sii waday go’aankeedi ku adanaa horumrinta dhaqaalaha iyo dib u habeynta hey’adaha maaliyada waana talaabo taageertay in ay ka gudubto  shuruudaha horyaala Barnaamijka  dayn cafinta dalka.

Soomaaliyaa ayaa soo bandhigtay horumaarka ay ka sameysay sannadkii tagay ee 2019 guulihii ay ka qartay  dhinaca dhaqaalah  dalka iyo dardargalinta  dhinaca ganacsiga iyo hoos u daadajinta nidaamka maamulka maaliyada dalka.

Wararkii u dambeeyay bariga dhexe ka dib dilkii Soleimani

0

Baroor-diiqayaash ayaa buux dhaafiyay waddooyinka iyadoo Khamenei hormuud ka yahay
Boqolaal kun oo reer Iran ah ayaa caasimadda isugu soo baxay kuwaas oo ka baroor-diiqaya dhimashada Soleimani, sidoo kale guud ahaan magaalooyinak kale ee dalka waxa ka socon doona isku soo baxyadaas oo kale.
Hogaamiyaha sare ee dalka Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa horkacaya salaada jazaanada iyo ducada loo sameynayo Jananka.
Jarmalka: Cunaqabateynta Ciraaq loogu goodiyay ma ahan mid xal ah
Wasiirka arrimaha dibada Jarmalka Heiko Maas ayaa sheegay in cunaqabateynta la saarayo Ciraaq aysan aheyd mid hal ah ka dib hadalkiika soo baxay madaxweyne Donald Trump oo ahaa in cunaqabateyn adag saari doono Ciraaq haddii ciidankiisa laga soo saaro dalkaas.
“Ma u malaynayo in tani ay ka shaqeyn karto Ciraaq laakiin waa aragti,” ayuu u sheegay Radiyaha dowladda ee Deutschlandfunk.
Waxaa uu intaas ku daray in Jarmalka Britain iyo France ay ka wadahadleen arrinta nuclearka Iran iyo tallaabada Tehran dhowaan shaacisay ay waxyeeleyn karaan heshiiskii muhiimka ahaa ee 2015 laga galay barnaamijka Nuclearka.
Sadexda dal waxaa ay muujiyeen ahmiyadda ay leedahay in la dejiyo xiisadaha ka taagan dalalka Iran iyo Ciraaq la qaboojiyo isla markaana juhdiga la isugu geeyo la dagaalanka Daacish.
“Waxaan diyaar u nahay in aan sii wadno wadahadalka aan la yeelanayo dhamaan dhinacyada si dadaalada lagu dejinayo xiisadda loo mideeyo laguna dadaalo xasiloonida gobolka.” ayaa lagu xusay bayaan ka soo baxay sadexda wadan.
Sidoo kale, war laga heley xafiiska madaxweynaha dalka France Emmanuel Macron ayaa lagu sheegay in maalmaha soo socda kulan uu dhex mari doona madaxweynaha France iyo dhigiisa Iiran Hassan Ruuxaani.
Dilka Soleimani waxaa uu keeni karaa xasilooni daro gobolka ah: Turkey
Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu (Mowluud Jaawish Oglu ) ayaa sheegay in dilka Janaraal Soleimani uu khatar amni ku yahay nabadda gobolka.
“Waxaan dalalka kale kala shaqeyn doonaa sidii loo dejin lahaa xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iran,” ayuu Cavusoglu u sheegay warfidiyeenka.
Mareykanka iyo Israel waxay wajahayaan maalin madow: Gabadha Soleimani
Zeinab Soleimani, oo ah gabadha uu dhalay Soleimani waxaa dadki isugu yimid tacsida aabaheed oo lagu qabtay caasimadda Tehran u sheegtay in Mareykanka iyo Isreal ay wajahayaan maalin madow dhimashada aabaheed awgeed.
“Trump wareersanow, ha u malaynin wax walba ay dhamaadeen ka dib shahaadada aabahey, ” ayay ka tiri isku soo baxaas xilli si toos ah looga baahinayay telefishinka.
Taliyaha guutada Qudus waxaa uu doonayaa in Mareykanka uu ka saaro gobolka
Brigadier General Esmail Qaani, oo ah taliyaha cusub ee guutada Qudus waxaa uu doonayaa in ciidanka Mareykanka laga saaro guud ahaan bariga dhexe ka dib dilka taliyihii guutadaas Soleimani.
“”Waxaa balan qaadayaa in aan raaci doono waddadii shahiidka Soleimani… waxa keliya oo aan ugu magi doono waan in aan Amerika ka saarnaa gobolka,” ayuu u sheegay Radiyaha qaranka Janaraal Ismaaciil.
Congres waxaa uu u codeyn doonaa qaraar lagu xadidayo awooda Trump ee go’aaminta dagaal: Pelosi
Afhayeenka Aqalka Congress Nancy Pelosi ayaa sheegtay in golaha todobaadkan ka doodi doonaan isla markaana u codeyn doonaa qaar lagu koobayo awooda arrimaha dagaalka ee madaxweyne Trump gaar ahaan arrinta hadda taagan ee Iran.
“Qaraar kan lamid ah waxaa soo aqalka senatka u gudbiyay Senator Tim Kaine,” ayay Pelosi ku sheegtay bayaan ka soo baxay xafiiskeeda.

Trump oo Ciraaq ugu hanjabay cunaqabateyn ka dib go’aankii baarlamaanka
MadaxweyneTrump ayaa Ciraaq ugu goodiyay cunaqabateyn adag ka dib markii baarlamaanka dalkaas uu ansixiyay qaar lagu dalbanayo in ciidanka ajnabiga ah ay ka baxaan Ciraaq.
“Waxaa halkaas ku leenahay saldhig ciidan oo aan ku bixinay kharash aan caadi aheyn. Waxaa ku baxday dhismahiisa balaayiin doollar. Kama baxayno ilaa aad lacagteeni dib noo siisaan,” ayuu wariyeyaasha u sheegay Trump.
Trump ayaa hadalkan sheegay xilli uu ka soo degay diyaaradda madaxtooyada, isagoo intaas ku daray haddii Ciraaq dalbadeen in ciidanka Mareykanka la baxaan dalka ay ku soo rogi doonaan cunaqabateyn lamid ah tan saaran Iran.