Home Blog Page 950

Madaxweynaha K/Galbeed oo kulan la qaatay Wakiilka Xoghayaha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Baydhabo (SNTV)-  Wafdigaan oo uu Hogaaminaayay Wakiilka Xoghayaha Qaramada Midoobey u qaabilsan Arimaha Somaliya Ahna Madaxa UNSOM James Swan ee Maanta soo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay, ayaa aqalka Madaxtooyada Kumeel Gaarka Koonfur Galbeed ee Baydhabo waxaa kullan kula qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen.

Kulanka ayaa Waxaa Goobjoog Ahaa Wasiirada Wasaaradaaha Qorshaynta, Arimaha Gudaha, Dastuurka, Haweenka, Cadaalada iyo Garsoorka, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada, Waxaana kulanka inta uu socday inta badan looga hadlay arimaha Gargaarka, amaanka iyo horumarka Dhaqaalaha Koonfur Galbeed iyo Sidii Qaramada Midoobay ay kaalinteeda uga geysan lahayd .

Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arimaha soomaliya James Swan ayaa Dhankiisa Balan qaaday inay wax ka qabanayaan Xaaladaha ka jira Koonfur Galbeed si dhowna ay ula shaqayn doonaan Dawlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Kulanka oo saacado qaatay loogana hadlayey arimaha ka jira Koonfur Galbeed markii soo idlaaday waxaa si wadajir ah warbaahinta ula hadlay Madaxweynaha iyo Safiirka, Waxaana hadalka qaatay kuna dheeraday muhiimada safarkiisa Wakiilka qaramada Midoobey u qaabilsan Arimaha Soomaaliya James Swan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa dhankiisa u mahad-celiyey Wafdigan maanta soo garay magaalada baydhabo oo uu hogaaminaayay Wakiilka xoghaya guud ee QM, isagoona sheegay Madaxweynaha Waxyabihii ay ka wada hadleen wefdiga uu Safiirka horukacaayay.

 

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka XFS oo daah-furay hab cusub oo gudaha dalka looga qaadan karo Viisaha Xajka

0

Muqdisho (SNTV);-  Munaasabadda Daah-furka Habkan cusub oo lagu heli doona Visaha Xajka waxaa goob joog ahaa Ra’iisul wasaare ku-xigeenka, Dalka Madaxda wasaradda, xildhibaanno iyo culimaa’udiin kale,waxaana halkaasi lagu faah faahiyay muhiimadda arrintani ay leedahay.

Guddoomiyaha guddiga Cadaaladda,Owqaafta iyo arrimaha Diinta ee Aqalka Sare Shariif Sheekuna maye ayaa goobtaasi ka sheegay in ay tahay horumar dalka uu ku talaabsaday,marba hadii Visaha Xaji dalka gudihiisa laga qaadanayo,iyadoo loo doonan jiray wadamo kale sida jabuuti.

Wasiirka Owqaafta iyo arrimaha Diinta Sheekh Nuur Maxamed Xasan oo ra’iisul wasare kuxigeenka dalka u sharaxay dadaalkii loo soo maray hirgelinta in dalka gudihiisa laga qato viisaha Xajka ayaa xusay in dadaalo badan lagu bixiyay ugu dambeyna laga miro dhaliyay.

Waxaa si rasmi ah u dahfuray habkaasi cusub oo dalka looga qaadan karo Visaha Xajka Mudane Mahdi Maxamed Guuled, wuxuuna xusay in ay qeyb ka tahay barnaamijyada horumarineed ee adeegyada bulshada oo ay waddo Xukuumadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo kulan la qaatay Qeybaha Bulshadda ee Baled-weyne

0

Muqdisho (SNTV);- Kulankaan oo guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cusmaan Barre Maxamed uu la qaatay qaar kamid ah Odoyaasha, Siyaasiyiinta iyo qeybaha bulshada ee Magaaladda Beled-weyne ayaa waxaa uu ahaa mid looga hadlayay siddii loo Horumarin lahaa Deegaanada Hirshabbeelle, maadaamaa ay Hirshabeelle ay kamid tahay maamuladii ugu dambeyay ee la dhisay.

Kulankaan ayaa waxaa qeyb ka ahaa xog waraysi uu guddoomiyaha la yeelanayay dadka deegaanka oo ku aadanaa xaalada nololeed iyo mid deegaan.

Waxaa Kulanka ka hadlay guddoomiyaha degmadda Beled-weyne Maxamed Axmad Ibraahim food cade iyo xildhibaano tirsan Maamulka Hirshabeelle, waxaana ay shegeen in kulankaan uu muhiim u yahay bulshada degaanka, maadaamaa ay ka hadlayaan xaaladooda.

Kulankaan oo muddo saacado ah socday ayaa dadkii ka hadlay waxaa ay sheegeen in xaalado kala duwan ay ka jiraan gobolka Hiiraan, iyaggoo su’aalo weydiiyay guddoomiyha oo ay u badnaayeen siddii Horumar loo gaarsiin lahaa Maamulka Hirshabeelle.

 

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka oo kulan la qaatay Wasiirka Qorsheynta XFS

0

Muqdisho-(SNTV)-Wasiirka Wasaaradda qorsheynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha ee DFS Amb; Jamaal Maxamed Xasan, Agaasimaha qorsheynta, Asad Yuusuf Qanyare iyo madax sare oo ka tirsan Wasaaradda, ayaa Maanta kulan la tashi ah oo ku saabsan qorshaha horumarinta Qaranka waxay Xafiiskiisa kula yeesheen Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Soomaaliya Garyaqaan ; Baashe Yuusuf Axmed.

Inta uu kulanka socday ayaa waxay madaxda Wasaaraddu halkaasi ku soo bandhigeen warbixin la ku saabsan qorshaha horumarinta Qaranka ee 9-aad, waxyaabaha u soo qabsoomay iyo waxyaabaha qabyada ka ah oo ay la tashi kala sameynayaan, gaar ahaan ku dhaqanka sharciga, kor u qaadidda hay’adaha garsoorka iyo siddii loo heli lahaa nidaam caddaaladdeed oo dhammeystiran.

Agaasimaha qorsheynta,  Asad Yuusuf Qanyare, soo jeediyey warbixintaasi, ayaa sheegay in qorshaha horumarinta Qaranka ay hore la tashiyo ugala soo sameeyeen Maamul-gobaleedyada Dalka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, isla mar ahaantaana ay soo qoreen baahiyahii kala duwanaa ee ka jiray Dalka, waxaana uu Carrabka ku dhuftay in ay qorshahaas ku soo koobeen Saddex ahmiyaddood oo kala ah ku dhaqanka sharciga iyo siyaasad loo dhan yahay, korodhka dhaqaalaha iyo amniga.

Waaxda maal-gashiga ee Wasaaradda qorsheynta, ayaa iyaguna waxay halkaasi ku soo bandhigeen warbixin la xidhiidha qorshahooda ku aadan siddii dhiirri-gelin looggu sameyn lahaa maal-gashadayaal Dalka ka hir-geliya maal-gashi kor u qaada heerka dhaqaale ee Dalka, waxaana ay Guddoomiyaha Maxkamadda la tashi kala sameeyeen siddii loo heli lahaa sharciyad iyo diyaarinta ku dhaqanka sharciga si maal-gashadayaashu ay ugu soo dhiirran karaan Dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare, Baashe Yuusuf Axmed, ayaa sheegay in uu si weyn ugu faraxsan yahay in Wasaaradda qorsheyntu ay la tashiyo kala soo sameyso qorsheyaasha horumarinta iyo maal-gashiga ee Dalka, waxaanu intaa raaciyay in qorshaha horumarinta Qaranka uu ahmiyad weyn u leeyahay bahda Garsoorka, taas oo uu tilmaamay in ay baahi weyn u qabaan sidii horumarin looggu sameyn lahaa, isaga oo halkaas ka soo jeediyey talooyin ku aaddan qorshaha horumarinta Qaranka, gaar ahaan baahiyaha kala duwan ee ay qabaan ka garsoor ahaan .

Guddoomiyaha Aqalka sare oo qaabbilay Safiirka Ingiriiska u jooga Soomaaliya

0

Muqdisho-(SNTV)-Guddoomiyaha Aqalka sare , Cabdi Xaashi C/llaahi, ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabbilay, Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya , Benjamin James Fedner; iyagoo ka wada hadlay xaaladda guud ee Dowlad gobolleedyada Dalka, gaar ahaan dedaallada Dowladda Federaalku  ka waddo Galmudug iyo arrimaha Jubbaland oo ay doorashooyin ku soo wajahan yihiin dhowaan.

Agaasimaha Xafiiska Guddoonka golaha guddiyada iyo habmaamuuska ee Aqalka sare, Cabdinaasir Ibraahim Guuleed, ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in si qoto-dheer looga hadlay Jubbalaan iyo Galmudug oo ay xaalado kala duwan ka jiraan.

Dowladda Ingariiska ayaa horey u sheegtay in ay kordhineyso taageerada ay siiso Soomaaliya iyo wada shaqeynta gaarka ah ee kala dhexeysa hay’adaha Dalka oo uu Barlamaanka ka mid yahay.

Taliye ku-xiggeenka Ciidanka Booliska “Wadooyinka Halbowlaha G/Banaadir waxaa laga mamnuucay dhigista Baabuurta”

0

Muqdisho-(SNTV)- Qoraal digniin ah oo kasoo baxay Xafiiska Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto ; Zakiya Xuseen Axmed, ayaa lagu sheegay in laga billaabo Maanta oo ay Taariikhdu tahay 18/7/2019-ka,hareeraha Waddooyinka muhiimka ah ee Gobolka Banaadir laga mamnuucay dhigista Baabuurta.

Taliska Booliska ayaa Muwaadininta G/Banaadir faray in ay feejignaan dheer ka yeeshaan goobaha ay dhiganayaan Gawaaridooda, iyadoo lagu wargelinayo in Baabuurkii meel la iska dhigo ay hay’adaha amniga la wareegi doonaan.

Wuxuu taliska Booliska Soomaaliyeed ugu baaqay Muwaaddiniinta Gobolka Banaadir in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka , si ay Shacabka ugu badbaadaan dhibaatada cadowga, iyadoo la faray Bulshadu in Baabuurkii ay ka shakiyaan ay ku war geliyaan Ciidanka amniga, iyagoo wacaya 991.

Kulan looga hadlayay doorka ay Dhallinyarada iyo ganacsatadu ka qaadan karaan horumarka Dalka oo lagu soo gaba-gabeeyay Muqdisho

0

Muqdisho-(SNTV)-Waxaa Magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay kulan soconayay Saddex Cisho, kaas oo looga hadlyayay doorka Dhallinyarada , aqoonyahanada iyo ganacsatada Soomalaiyeed ay ka qaadan karaan horumarinta dhaqaalaha, wax soo saarka dalka iyo sidii sare looga qaadi lahaa barashada xirfaha la xiriira Seyniska, Tecnologiyadda, engineering iyo Xisaabta.

Kulanka oo ay qaban-qaabadiisu lahayd Somali stem society, ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirro Xildhibaanno , aqoonyahanno iyo marti sharaf kale ayaa waxaa loogu dooday sida ugu habboon ee looga qeyb qaadan karo wax soo saarka Dalka iyo muhiimadda ay leedahay barashada xirfadaha kala duwan ee maaddooyinkaasi, kuwaas oo qeyb weyn ka qaata wax soo saarka iyo horumarka Dal kasta.

Madaxa Ururka Somali stem society, Sacdiyo Siyaad, ayaa ka hadashay doorka ay Dhallinyarada Soomaaliyeed ka qaadan karaan sare u qaadidda horumarka Dalka , waxanay da’yarta ku boorrisay in ay bartaan maaddooyinka iyo wax yaabaha muhiimka u ah koboca dhaqaalaha.

Xildhiban; Xuseen Carab Ciise , oo ka mid ah golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaan barnaamijyada wax tarka u leh Bulshada, isagoo intaa raaciyay in ay tallaabadani tahay mid u baahan in hore loogu socdo.

Gabagabadadii kulanka ayaa waxaa goobta lagu soo bandhigay fursado hal abuur shaqo ah oo ay ku tartamayeen shairkado ,si dalka maal gashi looga sameeyo, waxaana ku guuleystay mid ka mid ah shirkadahii ku tartamay, iyadoo uu maal galintuna sameeyay Bankiga I BS- BANK.

Madaxweyne Waare iyo James Swan oo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka QM iyo maamul Goboleedyada Dalka

0

Jowhar-(SNTV)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare , ayaa Xafiiskiisa Jowhar ku qaabbilay wafdi uu hoggaaminayo wakiilka xoghayaha guud ee QM Soomaaliya, James Swan.

Wafdiga ka socda QM iyo Madaxda Hirshabeelle, ayaa ka wada hadlay  xoojinta xiriirka Jimciyadda Qaruumaha ka dhexeysa iyo Dowlad Goboleedyada Dalka,xoojinta arriamaha gargaarka howlaha Bani’aadamnimada iyo amniga.

“Waxan ka wada hadalnay Madaxweyne Waare iyo aniga arrimo badan oo ay ka mid yihiin baahida loo qabo in la xoojiyo geeddi-socodka kobcinta Dowlad Goboleedyada Soomaaliya,” ayuu yiri Amb; James Swan.

Labada dhinac ayaa waxay si wada jir ah hoosta uga xarriiqeen in la adkeeyo xiriirka wanaagsan ee haatanba ka dhexeeya maamul Goboleedyada iyo Dowladda dhexe oo ay xubin ka yihiin, si ay usii socdaan horumarrada haatan jira.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare, ayaa sheegay in Hirshabeelle ay cilaaqaad wanaagsan la leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayna diyaar u yihiin in la sii xoojiyo xiriirka Labada dhinac, wuxuuna intaa raaciyay in QM ay ka rajeynayaan in ay Gacan ka geysan doonto barnaamijyada horumarineed ee maamulkiisa.

Kulanka oo ahaa mid xog wareysi ah ayaa waxaa qeyb ka ahaa qaar ka mid ah mas’uuliyiinta ugu sarreysa maamulka Hirshabeelle iyo saraakiil ka tirsan Qaramada midoobay, iyagoo horay usoo maray Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.

Wasiirka Arrimaha Guddaha XFS oo magacaabay Guddiga Qabanqaabada Shir-weynaha dib-u-Heshiisiinta Galmudug

Dhuusamarreeb (SNTV):-Wasiirka Arrimaha Guddaha, Federaalka iyo dib-u-hishiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa magacaabay Guddiga Qabanqaabada Shir-weynaha dib-u-Heshiisiinta Galmudug.

Guddigan Caawa la magacaabay ayaa waxaa uu ka koobanyahay 12 Xubnood.

Hadaba Halka Hoose ka Akhriso Magacaabista Guddiga Guddiga Qabanqaabada Shir-weynaha dib-u-Heshiisiinta Galmudug.

Guddoomiyaha G/Banaadir oo kulan wadatashi iyo IslaXisaabtan ah la yeeshay Shacabka iyo Maamulka Degmada Dayniiile

0

Muqdisho (SNTV);– Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa galabta kulan wadatashi iyo Isla Xisaabtan ah la yeeshay shacabka iyo Maamulka Degmada Dayniiile.

Guddoomiyaha ayaa ugu horreyn warbixinno ku saabsan horumarrada kala duwan ee ka socda degmada Dayniile ka dhageystay Maamulka, waxayna sheegeen in isbadal badan uu ka jiro degmada, gaar ahaan dib-u-dhis iyo horumarin lagu sameeyey xarumaha degmada iyo waddooyinka.

Eng. Yarisow ayaa ku ammaanay maamulka iyo shacabka Dayniile sida wadajirka ah ee uga shaqeynayaan dib-u-dhiska degmada, isla markaana ay muddo kooban ku hirgeliyeen mashaariic muhiim ah.

Duqa Muqdisho Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan ayaa qeybaha bulshada uga warbixinay horumarka Caasimadda ee socda, isla markaana Shahaado Sharaf guddoonsiiyey Guddoomiyaha Degmada oo la yimid waxqabad muuqda.

“Bulshada iyo Maamulka Degmada Dayniile waxay sameeyeen horumarro kala duwan oo muhiim ah si IsXilqaan ahna loo fuliyey, tani waxay ka tarjumeysaa haddii wadajir loo wajaho howllaha in horumar badan lagu tallaabsanayo”.

Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Xildhibaanno, Siyaasiyiin Oday dhaqameed iyo Maamulka heer Gobol iyo heer Degmo, waxayna ku dhiirigeliyeen shacabka Dayniile in ay sii xoojiyaan horumarka ay wadaan.