Home Blog Page 927

Duqa Muqdisho oo la kulmay dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xafiiskiisa aqalka dowladda hoose Xamar kulan gaar ah kula qaatay qaar kamid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee ku dhaqan degmooyinka gobolka Banaadir, isagoo kala hadlay sidii looxoojin lahaa wada shaqeynta maamulka gobolka Banaadir iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Kulankani waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenannda maamulka gobolka Banaadir iyo xoghayaha guud ee gobolka Banaadir iyadoo duqa magaalada Muqdisho uu warbixinno khuseeya xaaladda dadka baahiyaha gaarka qaba ka dhageestay hoggaanka golaha naafada qaranka kuwaas oo sheegay iney dadka naafada ah u baahan yihiin daryeel gaar ah iyo iney helaan fursad lamid ah kuwa lasiiyo dadka lixaadkooda dhammeystiran yihiin.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) waxaa uu sheegay in maamulkiisa uu diyaar u yahay garab istaagga dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo iney helaan fursado wax ku-ool u ah.

Maamulka Sh/hoose oo Gargaar Gaarsiiyay Dadkii Argagixisadu Dhibaatada ugu Gaysteen Qoryoolay

0

Qoryoolay-(SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose Ibraahim Aadan Najax ayaa booqday degmada Qoryooleey halkaasi oo ay maleeshiyada argagixisada Al Shabaab ay dad shacab ah oo dagan magaaladaaasi ay dhibaato u geysteen.

Maleeshiyo ka tirsan Al Shabaab ayaa madaafiic ku tuuray magaaladda Qoryoolay, waxaana madaafiicdaas dhibaato ka soo gaartay dad shacab ah.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka u qaabilsan Shabeelada hoose Maxamed Cali Cumar Jubba ayaa SONNA u sheegay in guddomiyaha  Gobalka Shabeelada hoose  Ibraahim Aadan Najax   uu balanqaaday in maamulka gobolka oo kaashanaya dowlad gobolleedka K/Galbeed ayna dhisi doonaan guryihii ku dumay weerarada.

Guddoomiye Najax ayaa intaas ku daray in maleeshiyaadka Shabaab laga cirib tiri donoo deegannada hoos yimaada dagmada Qoryoolay ee gobalka Shabeelada hoose.

Dhowaan ayay ahayd markii ciidamada qaranka Soomaaliyeed ay jab xooggan ugu gaysteen argagixisada degmada Qoryoolay oo in muda ah dhibaato ku hayay shacbiga ku nool deegaanadaasi.

Soomaaliya oo soo Dhoweysay Aqbalaadda Mareykanka ee Safiirka Cusub ee Soomaaliya ee Washington.

0

Warkan ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu yiri “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa aqbalaadda waraaqaha aqoonsiga ee Madaxweynaha Mareykanka Donald J. Trump uu gudaha aqalka cad kaga guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya ee Washington Mudane Ali Shariif Axmed kaasoo loo igmaday inuu sii dardargeliyo xiriirka saaxiibtinnimo ee tariikhiga ah, iskaashiga istaraatiijiyeed iyo wax wada qabsiga ee faa’iidada u leh labada dal, dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeduba waxay Dowladda Mareykanka u arkaan isbahaysi adag iyo saaxiib kaalin mug leh ka qaadanaya horumarka iyo hor socodnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhin doona Washington wuxuu horey u soo noqday Danjiraha dalalka Faransiiska, Itoobiya. Wuxuu sidoo kale ahaa Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan Midowga Afrika iyo Golaha Dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee Afrika (UNECA).

Marka laga soo tago waaya aragnimadiisa dhanka dowladda, Danjire Axmed wuxuu soo noqday maamule sare, ganacsade iyo la-taliye shirkado iyo hay’ado caalami ah.

Danjirihu wuxuu Shahaadada 2-aad ka qaatay Jaamacadda Sussex ee dalka Ingiriiska, halka uu shahaada 1-aad uu ka qaatay Jaamacadda London Metropolitan ee isla dalkaas isaga oo ku takhasusay Culuumta Siyaasad-dagaaleedka (Geopolitics) iyo Istiraatiijiyadda iyo sidoo kale Daraasaadka Nabadda iyo Khilaafaadka sida ay u kala horreeyaan.

Dowladda Soomaaliya waxay ku kalsoontahay in Danjire Axmed uu u gudan doono waajibaadkiisa shaqo islamarkaana uu sii xoojiyo xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo fursadaha casriga ah ay labada dhinac ka wada faa’iideysan karaan.

Ciidamada Sacuudiga oo Ku biiray Isbahaysiga Cusub Howlgalada Marinada Biyaha ee Bariga Dhexe

0

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay ku biirayaan  isbaheysiga uu horkacayo Mareykanka ee sugidda amniga marin biyoodka caalamiga ah ee Bariga Dhexe, ka dib markii weeraro lala beegsaday goobaha shidaalka laga soo saaro.

Sarkaal u hadlay Warbaahinta dowladda dalka Sacuudiga oo aan la shaacin magaciisa ayaa shaaca ka qaaday in Boqortooyada dalkaasi ay doonayso in ay ka qeyb gasho Dhismaha Amniga Caalamiga ee Badaha, Dalalka Australia, Bahrain iyo Boqortooyada Dalka Ingiriiska ayaa horey uga mid noqday Isbahaysiga illaalada marin biyoodka caalamiga ah ee Bariga dhexe.

Mareykanka ayaa aas-aasay isbaheysigan oo ay kamid yihiin dalal dhowr ah kadib markii weerar lagu qaaday qaar kamid ah maraakiibta xamuulka shiidaalka weerarkaasi oo ay saraakiil Mareykan ahi ay ku eedeeyeen in ay ka dambeeyso dowladda Iiraan.

Iiraan ayaa beenisay in ay ku lug leedahay weeraradaasi.

Wasiirka tamarta ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegay in Boqortooyada ay dhammaadka bisha soo celin doonto wax soo saarka saliida shiidaalka ee lumay.

Ciidanka xoogga dalka oo ku dhawaad 20 argagixiso ku dilay howlgallo laga sameeyay Hiiraan iyo jubbada dhexe.

0

Ciidammada Xoogga Dalka iyo daraawiishta Jubbaland ayaa 15 ka tirsan argagixisada al-shabaab ku dilay midna nolosha ku qabtay hawlgal ay ka fuliyeen deegaanka Bandar-adiid oo u dhaw buundada Araare ee gobolka jubbada hoose sida uu xaqiijiyay taliyaha xoogga sida uu xaqiijiyay taliyaha Xoogga General Odawaa Yuusuf Raage.

Taliyaha ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Ciidanka Xoogga dalka ayaa hawl gal ay ka fuliyeen inta udhaxaysa Jalalaqsi iyo Buuleburte ku dilay Ibraahim Cabdi Turceey oo ahaa madaxa Jabhadaha Al-shabaab ee gobolka Hiiraan iyo Xasan yare oo ahaa madaxa Miinooyinka

ciidanka xoogga ayaa bilihii ugu dambeeyay laba jibaaray howl-gallada ar argagixisada uga sifeynayaan goobaha ay dalka uga sugan yihiin waxaana taliska ciidanku uu wacad ku maray in gabi ahaanba dalka uu ka xoreynayo cadawga sida ugu dhaqsaha badan waxaa hadda si xowli ah ay howlgalladu uga socdaan gobolada Shabeellooyinka Jubbada dhexe iyo jubbada hoose Hiiraan iyo Bakool iyo goobo kale.

Hay’adaha u xilsaaran dib u-eegista dastuurka oo warsaxaafadeed soo saaray.

Shirkaan oo u dhexeeyey hey’adaha u xilsaaran dib u eegista Dastuurka kmg ah ee Soomaaliya, sida guddiga madax bannaan ee dib u eegista Dastuurka Guddiga la socodka iyo Hirgelinta Dastuurka ee Barlamaanka labadiisa Aqal iyo wasaaradda Arrimaha Dastuurka, waxaa lagu  falanqeeyey qorsheyaashii la dajiyey ee loogu talogalay in la fuliyo sannadkaan 2019-ka.

Waxaa kaloo diiradda la saaray sida ay u socoto tubta geeddi-socodka dib u eegista Dastuurka Soomaaliya, qorsheyaasha kale ee haray iyo caqabadihii lala kulmay sannadkaan 2019-ka.

Doodda kaddib ayaa la isla qaatay ilaa 6 qoddob oo ujeedadu tahay in lagu dardargeliyo howlaha ka haray dib u eegiska Dastuurka Kmg-ka ah ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga la socodka dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka Barlamaanka Soomaaliya  Labadiisa Aqalka Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay xal u helidda caqabadaha hor gudban qorshaha dhammeystirka Dastuurka ee loo asteemeyey December 2019-ka.

Dhinaca kale wasiirka Arrimaha Dastuurka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa hoosta ka xariiqay in madaxda Qaranka iyo wasaaradduba ay wadaan dadaal lagu dhammeystirayo waxyaabaha ku xiran heshiisyada Siyaasadeed ee Dastuurka Dalka.
Dastuurka Soomaaliya oo ah arrin masiiri ah ayaa waxaa ku jira qodobbo u baahan in laga galo wadxaagood siyaasadeed, isafgarad iyo isu tanaasul, iyadoo hey’adaha Dastuurka u xilsaaran ay xaqiijinayaan geeddi-socodka dhammeystirka Dastuur loo dhan yahay.

Taliyaha Booliska oo qalab ciidanka kala wareegay safiirka Masar ee Soomaaliya.

0

Qalabka oo iskugu jira dareeska ciidanka iyo agabyo kale ayaa waxa uu taliyaha
ciidanka booliska Soomaaliyeed ka guddoomay safiirka dalka Masar u fadhiya Soomaaliya
Ambasador Maxamed Ibraahim Nasri kadib kulan ay ku wada qaateen maanta
saldhigga boolisku ku leeyahay gagida diyaaradaha Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho
kaas oo labada masuul uga wada hadleen sidii dowlada Masar ay usii xoojin laheyd
taageerada ay siiso Ciidamada Booliska waxaana kulankaa goob joog ahaa saraakiil labada
dal kala matalaayey iyo masuuliyiin kale oo uu ka mid ahaa wasiir ku xigeenka
Amniga Qaranka.

Safiirka dalka Masar Ambasador Maxamed ibraahim Nasri ayaa faahfaahiyey qalabkaan
ciidan ee ay booliska Soomaaliyeed ku taageereen sidoo kalana waxaa
u sheegey in saraakiil ciidan oo dalka Masar u dhashey in ciidanka booliska ay uso
direen kuwaa oo tababarada ciidamada ka taageeri doona.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Generaal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar
ayaa uga mahadceliyey dowladda Masar iyo safiirka qalabka ciidan ee ay booliska
Soomaaliyeed ugu deeqeen iyo macaliminta tababarka ciidamada ka taageeraaya intaba.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo furay shir muhiim ah.

Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada ee XfSoomaaliya ayaa soo qaban qaabisay kulankaan logu daah furayay Siyaasadda daryeelka bulshada oo ah mid ahmiyada u leh  waxaana Dowladda Soomaaliya ay xoojineysaa sidii loo dhameystiri lahaa

Ra’isulwaasre ku-xigeenka dalka ayaa daah furay waxaana ka qeyb-galay Dowlad goboleedyada ,Midowga Yurub,QM, qaar ka mid ah Safiirada Wadamada taageera Soomaaliya ,Ururada Bulshada rayidka iyo banka aduunka

Baahiyaha Siyaasadda daryeelka bulshada waxaa ka mid ah in la helo Waxbarsho Caafimaad,Shaqo abuurka dhalinyarada ilaalinta Xuquuqda dadka da,da ah iyo wax yaabaha aas aasiga u ah bulshada waxaana  Xubnaha Beesha Caalamka Matalayay ay sheegeen in Siyaasadaan ay taageerayaan dhaqan gelinteeda

Daahir Faarax Fiidoow Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada Galmudug ayaa sheegay in ay baahiyo farabadan ay uqabaan Siyaasadaan si loo gaarsiiyo dadka degen deegaanada Fog fog oo aysan gaareen taageerada arrimaha bulshada …Cod

Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Sadiiq Xirsi warfaa ayaa sheegay in mudo badan laga soo shaqeynaya islamarkaana lagaarsiinayo heer Bobol Degmo iyo Waliba Tuulo si loo garsiiyo guud ahaan Bulshada Soomaaliyeed …cod

Golaha Wasiirada Xukumadda Soomaaliya ayaa meel mariyay Siyaasada Qaran ee daryeelka Bulshada waxaana Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed khaddar uu sheegay in halkaan uu soo gaaro aytahay guul laga gaaray dar dargelinta arrimaha bulshada…Cod

Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada ayaa sidoo kale sheegtay in la tashiyo faraban la sii gelinayo si loo gaarsiiyo guud ahaan dalka waxaana la filayaa in dhawaan uu dhaqan galiyo si loo soo celiyo adeegyada bulshada oo mudo 30 sano uu ka maqnaa.

Hirshabeelle: Madaxweyne Muxamed Cabdi Waare oo soo xiray Bandhigga Maalgashiga Ganacsiga iyo Beeraha

0

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa soo xiray Shirwaynaha Bandhigga Ganacsiga iyo maalgashiga Beeraha, kaasi oo labadii maalin ee la soo dhaafay ka socday Magaalada Caasimada ah ee Jowhar.

Shirkani ayaa waxaa isku soo duba riday Hey’adda GEEL oo garab ka heleysa Hey’adda USAID, waxaana ka qeyb galay xuhno ka tirsan labada gole ee Dowladda Hirshabelle, Ganacsato, xubno ka soday Shirkadaha Ganacsiga qeybihiisa kale duwan, iskaashatooyinka dhinaca beeraha, Hey’adda ka shaqeeya caafimaadka xoolaha, qubaro iyo Mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo ka hadlayay xiritaanka bandhiga ayaa ku dheeraaday ka sheekeynta ahmiyada dalkani qaniga ku ah kheyraadka uu u leeyahay wax soo saarka dalkeena, waxaana uu ku amaanay intii ka shaqeysay in barnaamijkani uu hirgalo, waxaana uu ku dhiira galiyay shirkadaha ganacsi ee soo bandhigay ganacsigooda ee dhanka wax soo saarka Dalka.

“Dalkeena gaar ahaan Hirshabelle waxa ka buuxa kheyraad fara badan oo u baahan in laga faa’ideysto sidaasi daraadeed waxaa lagama maarmaan ah in aan garano muhiimada Wax soo saarkeenu uu inooo leeyahay, waxaana ku dhiira galinayaa Beeraleyda iyo shirkadaha Ganacsiga wax soo saarka in dadaalkoodu ay laba jibaaraan, barnaanijyada noocaan ahna oo Hirshabelle maalgashiga loogu sameynayo waan sii kordhin doonaa insha’allay” ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle oo sii hadlay ayaa beeraleyda Hirshabelle ku dhiira galiyay in ay ka dhabeeyaan mira dhalka dadaalka ay ugu jiraan tacbashada wax soo saarka dalkeena, waxaana ka Hirshabelle ahaan uu balanqaaday màdaxaweynaha in beeraleyda iyo xoola dhaqatadaba ay ka saacidi doonaan dhinacyada horumarinta wax soo saarka iyo xoolaha.

Madaxweynaha Hirshabele ayaa codsaday in dowlada federalka ay ka shaqeyso gobolada dalka maadaama horumarka uu ku xiran yahay sugidda nabadgelyada.

Wasaaradda Qorsheynta DfS oo kulan ah la qaatay xubnaha Laanta Fullinta ee Degmada Caabud-waaq “Sawirro”

0

Kulan wadatahsi ah oo ay ka qeybgaleen madaxa maamulka Degmada, Ciidamada Nabad galyada, aqoonyahanka,isla markaana looga hadlaayey la socodka adeegyada lagama maarmaanka u ah bulshada ku dhaqan degmada Caabud-waaq,ayaa lagu qabtay degmadaasi oo ka tirsan gobolka Mudug.

Kulankan oo ah wareegga labaad ee Qorshaha 9–aad ee Horumarinta Qaranka waxaa lagu dhageystay baahiyaha muhiimka ah iyadoo lagu soo bandhigay liiska u baahan wax ka qabashada ee la doonayo in lagu jaan-gooyo ahmiyadda saddexda ah ee Qorshaha Qaranka iyo tiirarka dhaxtaalka ah ee la doonayo in dalka himiladiisa looga run sheego 5-ta sano ee soo socota.

Agaasimaah Guud ee Qorsheynta iyo Hourmarinta Dhaqaalaha ee Wasaaradda Qorsheynta Muuse Maxamed Cusmaan ayaa sheagay in muhiimad wayn u leeyahay qorshaha dalka sababatana ay tahay in dalka loo jiheeyo in uu gaaro horuamrka aduunyada ay gaartay.

Agaasimaha ayaa tilmayay in talooyin dhaxal galka ay ay soo gudbiyeend laanta fulinta degmada C/waaq, isagoo cadeeyay in dadka Soomaaliyeed ay ka shaqeynayaan horumarka wadanka,sidaa daraadeedna loo baahan yahay arinta ah in la helo hiigsi ku aadan halka la doonayo in la gaaro

Waxaa heer gaba gaba ah marayo geedi socodka Qorshaha Horuamrinta Qaranka oo dhammaan laga wada talagaliyay guud ahaam umadda Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalka, taas oo ka dhigan in qaran jabkii ka dib qofka Soomaaliyeed go’aamiyo masiirka dalka.