Home Blog Page 927

Madaxweyne Farmaajo & Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyib Oo Ka Wadahadlay Iskaashiga Xakameynta Karoona Fayras.

0

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo oo khadka telefoonka ay ku wada xiriireen dhiggiisa Dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogaan ayaa ka wada hadlay hannaanka iskaashiga labada dal ee xakameynta iyo ka hortagga cudurka COVID-19 oo ah aafo caalami ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad-celiyey shacabka iyo dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliya, gaar ahaan xilligan oo Cabsi dhinaca caafimaadka ay bulshada ka qabto siiba cudurka Karoona Fayrus oo dhibaato ba’an ku haya dunida.

Webiga J/Hoose Oo Fatahaad Sameeyay & Khasaaro Uu Ka Geystay Baardheere

0

Wararka naga soo gaaraya degmada Baardheere ayaa sheegaya in webiga Jubba oo ka mid webiyada mara dalkeena Soomaaliya gaar ahaan goballada Jubada Hoose uu xalay iyo saaka ku fatahay halkaasi, isla markaana uu khasaaro kaga tagay meelihii uu ku fatahay sida deegaannada dhulka beeralaydu falato iyo Xoolaha nool intaba.

Warka ayaa intaasi ku daraya in daadadku ay sidoo kale burburiyeen wixii dalag ahaa ee u baxaayay beeraleyda degmada Baardheere, iyadoo in lagu qiyaasay 2270 beerood ay fatahaaduhu saameeyeen sida ay ku warameen dadka deegaankaasi oo warbaahinta u waramay.

Waxaa jira barakac saameeyay in ku dhow 397 qoys oo kamid ahaa dadka ku dhaqan deegaannada ka agdhow dhul beereedka ku hareeraysan degmada Baardheere.

Roobabka xiligan gu’ga oo curtay ayaa weli ka da’aya goballada dalka iyadoo meelihii uu ka da’ay si weyn loogu mahdiyay walo khasaaraha fatahaadda ay tahay mid bilow.

degaannada gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa sidoo kale feejignaan laga qabaa inuu webigu buux dhaafo taasi oo ay ka dhalan karto fatahaad suurtagal ay tahay inuu geysto khasaaro badan, iyadoo ay maamulka degmada Jowhar iyo nawaaxigeeda oo kaashanaya dadka deegaanka ay bilaabeen in ay dhigaan jawaano ciid ah hareeraha webiga gaar ahaan meelaha uu inta badan ka jabsado webiga.

.

 

Wasaaradda Warfaafinta XFS Oo War Ka Soo Saartay Xarigga Wariye Maxamed Cabdiwahaab (Abuuja)

0

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Hay’addaha amniga ay gacanta ku hayaan Maxamed Cabdiwahaab Nuur (Abuuja) oo ku eedaysan inuu ka tirsanyahay Argagixisada Al-Shabaab.

Eedaysane Abuuja ayaa loo haystaa inuu qayb ka ahaa fal danbiyeed la xiriira dil loo gaystay Marxuumad Baxsaneey Booleey, dilkaas oo ka dhacay Degmada Boondheere taariikhdu markay ahayd 06/03/2019.

Hay’addaha amniga ayaa eedaysanaha gal dacwadeed-kiisa u gudbinaya Hayaddaha Garsoorka ee ku shaqada leh.

 

 

 

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS Oo Go’aanno Ka Soo Saartay Masaajidda Dalka

0

Wasaaradda Awqaafta iyo Arimaha Diinta Soomaaliya ayaa soo saaray go’aanno la xiriira Coronavirus. Oo ku socda masaajidda ku yaalla dalka.

Halkaan hoose ka akhriso

 

Wasaaradda C/fimaadka XFS Oo Isbitaallada Fartay In Ay Qaabilaan Bukaannada U Baahan Daryeelka.

0

Wasaaradda C/fimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa fartay maamulayaasha isbitaallada gaarka loo leeyahay in ay bukaannada daryeelka caafimaad u soo doonanayay ay u qaabilaan sida ugu habboon, ugu fudud, uguna taxadarka badan.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa isbitaallada ku yaalla Muqdisho fartay in ay qaabilaan bukaannada si looga fogaado dayac ku yimaada bukaano u baahan daryeel caafimaad, iyadoo sheegtay in ay si taxadar leh u ogaan karaan xaaladda bukaanka kaddibne ay u soo gudbi karaan wasaaradda caafimaadka marka ay uga shakiyaan cudurka karoona fayris.

Wasiir Fowsiya ayaa sheegtay in maamulada laga doonaayo in ay bixiyaan adeegyadii C/fimaadka ee horey ay u bixin jireen,Waxaa ayna sidoo kale sheegtay in dowladda Soomaaliya aysan aqbali doonin in daryeel xumo ay u dhintaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo aadaya iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ay qaar kamid ah dadka Muqdisho isla dhex marayeen warar ku saabsan in qaar kamid ah isbitaallada ay albaabada ka xirteen bukaannada u baahan daryeel caafimaad iyagoo ka cabsi qaba cudurka karoona fayris.

Dowladda Oo Ganacsatada Ugu Baaqday Inay Safka Hore Ka Galaan Qorshaha Kahor Taggga COVID-19

0

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Eng. Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in hantidooda ay uga qayb qaataan qorshaha xakameynta COVID-19, sidoo kale ay ku dadaalaan inaan sare loo qaadin qiimaha la kala siisto badeecada gaar ahaan cunnada aasaaska u ah nolosha bulshda iyo inay ku tarsamaan wax soo saarka gudaha si looga maarmo ku tiirsanaanta cunnada dibadda laga soo dhoofiyo.

Eng. Cabdullaahi Cali Xasan waxuu sheegay in xukuumaddu ay xooggeeda isugu geysay in ganacsatada loo fududeeyo wax kasta oo qayb ka qaadan kara horumarinta ganacsiga, cunnada qaarna cashuur dhaaf iyo canshuur dhimis loogu sameeyay, sabab la xariirta in dadka nugul aysan dareemin saameynta ka dhalaneysa tillaabooyinka lagu xakameynayo COVID-19.

Dhanka kale, Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada, Fowsiya Abiikar Nuur, oo sheegtay in dib-u-dhis ballaaran lagu wado Isbitaal Banaadir, qaybta loogu tala galay la tacaallida COVID-19, ayaa u mahad celisay shirkadda Isgaarsiinta Horumuud oo bixineysa qarashaadka ku baxay dib-u-dhiska.

Maamullada Isbitaallada gaarka loo leeyahaya ayey wasiirku ugu baaqday inay bukaannada si wanaagsan u qaabilaan, baaritaan marsiiyaan iyaga oo taxadaraya, bukaankii ay ka shakiyaanna ay ku wareejiyaan qaybka ku shaqada leh la tacaallidda cudurka COVID-19, si looga baaqsado in qof Soomaaliyeed uu dhibaato usoo gaarto daryeel xumo.

Talo-bixiyaha caafimaad ee COVID 19, Dr Maxamed Cali Fuje, ayaa bulshada kula darmaarmay inay qaataan tillaabooyinka caafimaad, si ay qayb uga noqdaan qorshaha xakameynta cudurka dilaaga ah “Walaalayaal COVID19 Hargab daran ma aha. Waa xanuun halis ah, Waa xanuun wata qandho daran, cune xanuun iyo in uu marka dambe qofku neefsan waayo oo sambabadu istaagaan, taas oo keeneysa geeri”, ayuu yiri Dr. Fuje

R/Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, oo maanta kulan la qaatay safiirrada dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya iyo wakiillada hey’adaha caalamiga ah ee dalka ku sugan ayaa ku war geliyay in dhammaan barnaamijyadii qorsheysnaa ee dowladda lagu caawinayay loo leexiyo wax ka qabashada cudurka halista ah ee COVID-19 iyo caawinta dadka nugul ee saameynta ay ku yeelanayaan tillaabooyinka lagu xakameynayo cudurka.

Kumaandooska Danab Oo La Wareegay Degaanno Ka tirsan Xeebta Gobalka Shabeellaha Hoose+ Sawirro.

0

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya Guutada 16-aad ee Danab ayaa Howlgal nabad diidka looga Saarayo dhulka xeebta ah saakay ka billaabay Degaannada Dhanaane, Gandershe iyo Jilib Marka ee Gobalka Shabellaha Hoose.

Kumaandooska Soomaaliya ayaa Al-shabaab kala wareegay deegaanka Dhanaane ee Gobalka Shabellaha Hoose.

Taliyaha Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab Gaashaanle Cismaaciil Cabdi Maalik oo la hadlay Idaacadda Ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in nabad diidka Al-shabaab saakay laga saaray Deegaanka Dhanaane ee Gobalka shabellaha Hoose.

Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik waxa uu sidoo kale Sheegay in Ciidamada Kumaandooska ay gaareen degaanada Gandarshe iyo Jilib marko halkaasi oo Al-shabaab ay isaga carareen.

Maamulka Galmudug Oo Xalliyay Colaado Ka Jiray Deegaanno Ka Tirsan Galmudug

0

C/di Jaamac Cabdulle Xabeeb oo ka tirsan saraakiisha amniga Galmudug iyo  masuuliyiin ka socday Galmudug ayaa ku guuleystay xallinta colaado ka jiray deegaanno ka tirsan Gobalka Mudug .

Deegaannada Kaxan dhaale Daca dheer iyo deegaanno kale ayaa muddooyinkii danbe waxaaa ku dagaalamayey maleeshiyaad ka soo kala jeeda dad xoolo dhaqato  kuwaa oo isku haystay daaqsinka iyo goobaha biyaha laga cabo ee ku yaalla deegaanka.

Sarakiishaan ayaa sheegay in ay heshiis kala dhex dhigaan beelaha colaadu ay dhexmartay, waxayna rajeeyeen in aysan dib u soolaaban dagaalada ka dhacay halkaasi.

Joojinta colaadaha u dhexeeya dadka xoolo dhaqatada ah waa mid si caam ah ugu soo noq noqata gudaha reer guuraaga waxaana ay colaadaha salka ku hayaan dhul daaqsinka iyo waraabka xoolaha ee deegaannada miyiga ah.

 

Xudur Oo Weli Laga Wacyigelinayo Dadka Cudurka Caabuqa Karoona

0

Mustaf Maxamed Cali (Siimow) waa wacyigeliye muddo ka badan 50 sano ku jiray fariimaha bulshada lagaarsiiyo tan markii cudurka COVID 19 dunida ku faafay waxaana uu wacyigelin la xiriirta fahamka astaamaha lagu garto caabuqa korona iyo sida looga hortagi karo oo ah in ay dadku tegin meelaha laysagu yimaado nadaafadana lagu dadaalo

Mustaf oo aan weydiyay caqabadaha uu lakulmo marka uu wacyigelinta sameynayo ayaa iisheegey in bulshada ay yihiin kuwo u dhega nugul oo qaata fariimaha wacyigelineed hase ahaatee waxa uu sheegay caqabadaha ugu weyn ee uu dareemo in ay tahay maleeshiyada shabaab oo telefoon uga soo hanjaba balse uusan warkooda dhageysan

“Maleeshiyada Al-shabaab ayaa inta badan telefoon iisoo dira iguna hanjaba in ay i beegsan doonaan iyagoo sidoo kale iisoo dira fariimo ah waa lagu dilayaa guriga ayaa habeen laguugu imaanayaa laakiin igama hor istaagin inaan sii wato howlahayga wacyigelinta” ayuu yiri Mustaf Siimow.

Mustaf qalabka cod baahiyaha uu isticmaalo waa mid qadiimi ah batariga uu ku shaqeeyana uu ku yar yahay in laga helo suuqya, mustaf waxa uu sheegey in shaqadiisa wax saameyn ah ku yeelan horumarada dhinaca isgaarsiinta laga gaaray waxana uu codsaday in qalabka laga saacido si uu u joogteeyo wacyigelinta bulshada.

 

Wasaaradda Caafimaadka Oo Shaacisay In Xarumo Cusub Lagula Tacaalayo Bukaannada COVID-19

0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Marwo Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa maanta ka war bixisay xaaladdii ugu dambeeyay ee COVID-19.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur oo shir jaraa’id ku qabagtay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegtay in dadaallada is-daba joogga ah ee dowlddu sameysay aadaweed lagu guuleestay qorshayaal badan oo qayb ka ahaa dadaallada lagu xakameynayo COVID-19.

Wasiirka Caafimaadka iyo la taliyaha nidaamka caafimaadka, Cabdirisaaq Yuusuf Axmed, ayaa shirka jaraa’id kadib waxay ka jawaabeen su’aalo laga weydiiyay arriamah ku xeetay COVID-19.