Home Blog Page 926

The way to get Married Via the internet

0

Internet wedding brides are more prevalent now than ever before. More people are looking for a special someone and are ready to do all in their power to find it. Internet brides are more accessible than traditional wedding brides. They can generally easily take a look at a website, fill out a simple variety, and send off an email-based with the photo and info they mail order bride the original source want the individual they want to get married to to see. The challenge with these types of brides is the fact there is not an actual face to face meeting with the individual.

There are several different ways in order to meet the perfect person online. There are bridges that list their very own profiles to the internet pertaining to potential clients to view. They will always be very easy to adhere to. These wedding brides may even will include a photo of themselves. A lot of brides have had 1-2 meetings together with the person they wish to marry and know what to anticipate. Others will meet these people on the internet through a dating site.

There are many different ways to find someone. If you wish to know getting married internet, there are several things should be aware of. For one thing, the internet is full of scams which can be willing to consider your money and leave you depressed. You may have noticed some wedding brides that do not have any idea who they actually are looking for, and that they are just advertising their pictures. That is why you may need to accomplish your research, and stay honest. Be sure you have a picture of yourself, the one that is a good representation of you. You should not need to sacrifice the appearance to obtain that special someone you really want.

Heshiis Ceymis ah oo dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga

0

Heshiiskan iskaashi ee labadan shirkadood oo laga kala leeyahay Soomaaliya iyo Turkiga ayaa yimid kadib markii dalka Turkiga safar shaqo uu ku tagay madaxa shirkadda Ceymiska Islaamiga Soomaaliya(First Somali Takaful and Re-takaful) Maxamed Cabdi Maxamed oo uu wehliyo lataliyaha shirkadda Hilaal sheekh Cusmaan,kuwaasi oo kulamo la yeeshey ganacsatada Turkiga.

Safarka shaqo ay ku yimaadeen dalka Turkiga ayaa ahaa sidii ay u hormarin lahaayeen shirkadda Ceymiska Islaamiga ee Soomaaliya, heshiis wada shaqeyn ahna ula soo geli lahaayeen shirkadda Ceymiska ee dalka Turkiga,lagana hirgaliyo xarun ay shirkaddu ay leedahay dalkan turkiga.

Ujeedka arrintan ayaa la xiriirta si bulshada soomaaliyeed ay u helaan shirkad Ceymis oo la isku halaynkaro una qabato adeegyada Ceymiska,sida Ceymiska Caafimaadka, Ceymiska Tikidada,Ceymiska baabuurta,Guryaha IWL.

Heshiiskan ganacsi oo ay ku heshiiyeen labadan shirkadood ee Ceyymiska Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa kala saxiixday madaxa shirkadda Ceymiska Islaamiga Soomaaliya Maxamed Cabdi Maxamed iyo shirkadda Ceyymiska Dalka Turkiga oo uu ka socday Arif Hikmet Cesur,ahna la-taliyaha Wasaaradda Maaliyadda ee dalka Turkiga.

Waxaa saxiixa heshiiska dhexmaray labada shirkadood goob joog ka ahaa Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga Mudane Jaammac Cabdullahi Maxamed Ceydiid,mas’uuliyiin iyo ganacsato ka soocotay dowladda Turkiga iyo howlwadeenada Safaaradda soomaaliya ee dalka Turkiga.

Dad Shacab ah oo Argagixisada Alshabaab kula dagaalamay Gobolka Bakool

Dadka deegaanka ayaa Maleeshiyada Alshabaab kula dagaalamay deegaanka yab-yab oo hoostaga degmada xuddur ee gobolka bakool, waxana dagaalkaas dhacay ka dib markii habeenimadii xaley ay Kooxda Alshabaab si boob ah xoolo uga ka xaysatay dad xoolo
dhaqato ah oo deegaankaas deganaa waxana saaka kadaba tagay dad shacab ah oo isu abaabuley inay la dagaalamaan Kooxda alshabaab.

Dadka Deegaanka ee Is-abaabulay oo la baxay Cali Qaran ayaa Deegaanka Yab-Yab in Muddo ah ku dagaalamayey Maleeshiyada Baxsadka ah ee Alshabaab, waxaana markii dambe ay Nabad diidka kasoo furteen xoolihii ay ka qaateen, iyadoo durba goobta ay gaareen ciidamada xooga dalka oo ugurmaday dadka shacabka ah.

Ugaas Cali dirir waxa uu ka mid yahay abaabulayaasha Deegaanka ee isku biirsaday in ay la dagaalamaan Argagixisada si naftooda iyo maalkoodaba uga badbaadiyaan, wuxuna sheegey in ay diyaar u yihiin la dagaalanka cadowga Ummadda Soomaaliyeed.

Shacabkaan labaxay Cali Qaran oo la dagaalamaya Cadowga Qarannimada Soomaaliya ayaa waxay ubadan yuhiin dad da’ah oo ay ka go’antahay in ay dhiigooda u daadiyaan difaaca dadkooda.

Cabdulaahi Aadan Maxamed waa Taliyaha Ciidanka deegaanka ee Cali Qaran wuxu warbaahinta Qaranka uga waramay waxa ku kalifey in ay is abaabulaan oo Hubka ay qaataan.

“waxaan u adkeysan weyney dilka, gowraca iyo dhaca joogtada ah oo ay noo geysanayaan maleeshiyada Aslahaab, kadib waxaan go’aansanay in aan u hub uruursano oo aan la dagaalanno arintaasna waan ku guuleysanay” ayuu yiri Cabdulaahi Aadan Maxamed.

Mashruuca daaweynta xoolaha oo Muqdisho laga Daah furay

0

Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa maanta daah-furay Mashruuca daaweynta xoolaha oo laga fulin doono guud ahaa Gobolada dalka oo dhan.

Ololaha daaweynta xoolaha oo loogu talo galay in si lacag la’aan ah loogu dabiibo In ka badan 14 milyan oo xoolo ah, isuguna jira Ari, Lo’ Iyo Geel ayaa waxaa iska kaashanaya Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya, hey’adaha FAO , UK aid iyo midowga yurub.

Xaflada daah-furka mashruuca daweynta xoolaha oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Xaananada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya, Wasiirada Xanaanada xoolaha ee maamul goboleedyada, Dhaqaatiir, aqoonyahano iyo marti sharaf kale ayaa looga hadlay muhiimada ay leedahay daaweynta xoolaha oo kamida Ilaha dhaqaale ee uu dalkeenu leeyahay.

Nuurto Sheekh Maxamuud oo ku hadashay magaca ururada dhaqaatiirta xoolaha iyo Wasiirka xanaanda xoolaha Koonfur galbeed Mukhtaar Maxamed Guuleed oo ku hadlay magaca maamul goboleedyada ayaa sheegay In ay qeyb weyn ka qaadan doonaan sidii loo fulin lahaa mashruucan oo ka hortaggi doono dabar go’a xoolaha Dalka.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo mashruuca daahfuray ayaa sheegay in si loo xoojiyo dhoofinta xoolaha ay muhiim tahay in aad looga shaqeeyo daaweyntooda, maadaama ay dalka laf dhabar u yihiin.

Xoolaha oo ka mida ilaha dhaqaale ee uu dalkeenu ku xisaabtamo ayaa laga talaali doonaa Cuduro kala duwan sida gooryaanka, shilinta, iyo cudurada kale ee qatarta ah si loo kordhiyo tiro ahaan iyo tayo ahaan intaba.

Wasiirka Caafimaadka XFS iyo madaxda Qatar Charity oo wada jir xarigga uga jaray qeyb cusub oo lagu kordhiyay Isbitalka Deyniile

0

Munaasabad kooban ooo xariga looga jarayay xarunta cusub ee hooyada iyo Dhallaanka oo lagu kordhiyay isbitalka Deyniile ee Muqdisho waxaa ka qeybgalay wasiirka caafimaadka Soomaaliya Mawro Fowsiyo Abiikar Nuur madaxda Hay’adda Qatar Charity xafiiskeeda Soomaaliya oo kaalin ka qaadatay hirgelinta iyo qalabeynta xaruntaasi,guddoomiyaha demada Deyniile Maxamed Abuukar Jacfar iyo xubno kale,kuwaasi oo ku ammaanay Hay’adda Qatar Charity sida ay u garab taagan tahay bulshada Soomaaliyeed goor kasta.

Mas’uuliyiintan ayaa si wada jir ah u kormeerey qeybaha xaruntaasi ay ka kooban tahay,iyagoo u kuurgalayay habka loo qalabeeyey iyo dhismaheeda iyo in ay dabooli karto baahiyaha bukaanada,wasiirka caafimaadka ayaa maamulka isbitalkaasi ka dhageystay warbixin ku saabsan qaabka loo qalabeeyey xaruntaasi iyo sida ay bukaanada baahiyohooda u dabiili karto.

Cabdi Nuur Xaaji Cali Madaxa Hay’adda Qatar Charity xafiiskeeda Soomaaliya ayaa faah faahiyay dowrkoodi ku aadan howlaha xaruntaasi cusub lagu hirgeliyay iyo waxyaabaha ay ka kooban tahay.

“Maanta waxaa farxadweyn inoo ah in aan furno xarunta Hooyada iyo Dhalaanka ee Isbitalka Deyniile,xaruntan waxaa ay ka kooban tahay 11 qol oo dhamaan qeybaha loogu talagalay hooyada iyo dhalaanka ka kooban farmashi leh,qeybtii Sheybaarka leh,marka xaruntaasi waxaa dhistay oo maalgelisay Qatar Charity,waxaana howsha socodsiinaysa Hay’adda back.”. ayuu yiri Cabdi Nuur Xaaji Cali

Wasiirka Caafimaadka XFS Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa bogaadiysay howlaha lagu garab istaagayo dadka danyerta ah,iyadoo ka wasaarada ahaan sheegtay in dowrkodi ay ka qaadanayaan sidii loo daabooli lahaa baahiyaha caafimaad ee bulshada.

“Hay’adda Qatar charity waxbadan ayay dalka ka qabatay,ma ahan oo kaliyaha xaruntan,waan u mahadcelinaynaa,xaruntan hooyada iyo dhalaanka waa waxyaabaha wadanka uu u baahanyahay,meelaha dalka uu ka nugulyahay waa Hooyada iyo Dhalaanka,anaga waxaan ku dadaalaynaa wax allaale wixii karaankeeni ah in aan raadino”.ayay tiri wasiirka Caafimaadka.

Warbixin: Hay’adda Lacagta Adduunka oo sheegtay in Soomaaliya ay ka gudubtay qeybta 1-aad ee wejiga 4-aad ee Barnaamijka deyn cafinta

0

Warbixin ay hay’adda Lacagta Adduunka ka soo saartay wada hadalka deyn cafinta Soomaaliya ayay ku sheegtay in mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo Hey’adda Lacagtu ay isla garteen dhameystirka qeybta koowaad ee wajiga Afaraad ee wada hadalka deyn cafinta  (SMP4).

“Mas’uuliyiinta Soomaaliya waxa ay sii wadeen  go’aankooda horumrinta dhaqaalaha iyo dib u habeynta hey’adaha maaliyadda waana tallaabo taageeraysa qanaacada ka gudbida shuruudaha horyaalla Barnaamijka dabagalka deyn cafinta”  ayaa lagu yiri Warbixinta IMF.

Kooxda Wadahadalka dayn cafinta oo ay hogaaminaysa Allison Holland  waxay Addis Ababa Itoobiya kula kulmeen 10 kii ilaa 13 kii Semtember  masuuliyinta Soomaaliya si looga wada hadlo qeybta koowaad ee wajiga afaraad ee daynta cafinta oo ku jireen kor u qaadista dakhliga dalka, xoojinta maamulka maaliyadda, sugidda degganaashaha dhaqaalaha iyo xoojinta shuruucda oo ay ku jiraan ka hortagidda dhaqidda Lacagaha iyo maalgelinta Argagaxisada

Dhammaadka booqashada Allison Holland hoggaanka wada hadalka deynta cafinta IMF waxay tiri

“Dooddii mira dhalka ahayd ee ay wada yeesheen mas’uuliyiinta IMF iyo Soomaaliya waxay heshiis ku gaareen in la dhameystiro qeybta Koowaad ee wajiga Afaraad ee barnaamija dabagalka deynta, waxaana heshiisku sugayaa ansixinta maamulka hay’adda Lacaga Adduunka “

“Kobaca dhaqaalaha waa mid deggen  2.9 Boqolkiiba 2019 sicirka Suuqase kor ayuu u kacay si ku meel gaar ah illaa 4.0 Boqolkiiba, waxaana sabab u ah qiimaha sarreeya ee Cunnada oo ay keeneen Roob yaridii dhacday horraantii Sanadkan, adkaashaha xaaladaha ammaanka iyo isbeddalka cimmilada” ayay tiri IMF.

“Hay’adda Lacagta Adduunka waxay soo dhoweynaysaa sida mas’uuliyiinta Soomaaliya ay uga go’an tahay fulinta dib u habeyntii shuruudihii loo qaabeeyay qeybta koowaad, dib u habeyntaasi waxa cabirkeedu ahaa gaariska hadafyada wajiga Afaraad waana la wajahay, inkastoo weli ay qataro jiraan haddana waxaa la sameeyay horumar kuwaas oo u gogol xaaraya ka guul gaaridda qeybta Labaad ee wajiga Afaraad”

“Hannaanka maamulka maaliyadda waxa uu ku joogaa waddadii la rabay, uruurinta dakhliga billowgii Sanadkan illaa July 2019 waxaa uu ka sara maray intii la filayay, kooxda IMF waxay soo dhoweysay nidaamka cusub ee Lacagaha moobaylka la isugu diro kaas oo muhiim u ahaa barnaajikan iyo degganaashaha dhaqaalaha “

“waxaan ku faraxsannahay go’aanka wadajirka ah ee wasiirrada maaliyadda Dowlad Goblleedyada iyo wasiirka maaliyadda ee Dowladda federaalka si loo hubiyo ka guul gaaridda Barnaamijka  deyn dhaafka  iyo in meel la iska dhigo kala duwanaanta siyaasadda.

Hay’adda Lacagta Adduunku waxay dhiirri galinaysaa joogteynta wada shaqeynta Dowladda federaalka iyo maamul Goboleedyada si loo wajaho qataraha ku hor gudban barnaamijkan”

“Mas’uuliyiinta waxa looga baahan yahay adkeynta go’aankooda ka guul gaaridda wejiga Afaraad si loo gaaro  shirweynaha go’aan gaarista deyn cafinta, mas’uulyintu waxa kale oo ay wadajir uga shaqeeyeen qorshaha Sagaalaad ee horumarinta Qaranka oo ay ugu talagaleen in lagu  wajaho shuruudaha hal abuurka kama dambeysta ah ee deyn cafinta oo ay ku irto yaraynta faqriga oo la dhameystiray”

“Si loo gaaro hadafka hal abuurka kama dambeysta ee deynta cafinta sida ugu dhaqsiyaha badan uguna macquulsan waxaa lagama maarmaan ah taageero xooggan oo Beesha caalamku ku bixiyaan si loo hubiyo in Soomaaliya gaartay halkii ay uga baahneeyeen hay’adaha dhaqaalaha Caalamka iyo deyn dhaafka”

“Inta lagu jiray booqashada wafdiga hay’adda Lacagta Adduunka matalayay waxay la kulmeen wasiirka maaliyadda Mudane; Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Qorsheynta iyo horumarinta Dhaqaalaha Jamaal Xasan, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi iyo Guddiga maaliyadda Baarlamanka oo ay warbixin ka dhagaysteen.

Sidoo kale waxay la kulmeen qaar ka mid ah deeq bixiyayaasha iyo hay’adaha kale ee qeybta ka ah barnaamijka deyn cafnta”

“Kooxda Barnaamijka dabagalka deyn cafinta waxa ay  ku casuumeen Bangiga Adduunka, Midoowga Yurub iyo  wasiirrada maaliyadda ee Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda federaalka Soomaaliya, iyagoo yeeshay aqoon is-weydaarsi ku saabsanaa caqabadaha iyo  fursadaha horyaalla deyn dhaafka, kaasi oo dhacay 14-kii September.

Cabdishakuur Cali Axmed

Maalinta Abwaanka Soomaaliyeed oo Muqdisho lagu xusay.

0

Guddoomiyaha Aqalka Sare mudane Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Wasiirka warfaafinta XFS mudane Maxamed Cabdi Xayir ayaa ka qaybgalay munaasabadda maalinta Abwaanka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Aqalka sare mudane Cabdi Xaashi Cabdillaahi oo uu wehliyo Waasirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiis xukuumadda federaalka soomaaliya mudane Mohamed Hayir Maareeye iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta kaqayb galay maalinta Abwaanka soomaliyeed oo loo asteeyay 19 September oo ka dhacaday xarunta akademyada cilmiga, fanka iyo sugaanta.

Wasiirka Maareeye oo khudbad madashaas ka jeediyay ayaa sheegay in abwaanka soomaliyeed uu yahay mid aan sinaba looga maarmin muhiimadda uu u leeyahay xaga wacyigalinta bulshashada waxaa uu xusay doorkii ay qaateen hormarinta bulshada.

Guddoomiyaha Aqalka sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo gabagabadii munaasabaddaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in Soomaalida xasuusato Abwaannda Soomaaliyeed kaalinta ay bulshada ugu jiraan.

Guddoomiye Cabdi Xaashi waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in la kobciyo fanka iyo fannaaka Soomaaliyeed si bulshada ay u hesho wacyi galin dheelli tiran, waxaa uu ammaanay kaalinta Abwaanka Soomaaliyeed.

Aqoon Isweydaarsi ku aaddanaa sidii loo xoojin lahaa ciidanka ilaalada xeebaha oo muqdisho lagusoo gabagabeeyay.

0

Wasaaradda amniga Xukuumadda Federaalka ah ayaa soo qaban qaabisay aqoon is weydaarsi ku aaddan sidii loo heli lahaa ciidan Booliis ah oo awood u leh ilaalada xeebaha, ka hortagga tahtiibka iyo isu socodka kooxaha nabadiidka ah.

Waxaa kulnkaasi ka qeyb galay ciidanka Booliiska Federaalka ah gaar ahaan laanta ilaalinta xeebaha iyo Booliiska maamul goboleedyada, isla markaana ay kulankaasi goob joog ka ahaa saaxiibada Soomaaliya ee taageerada caalamiga ah sida UNSOM, UNPOL, iyo AMISOM.

Isku duwaha xafiiska ciidanka ilaalada xeebaha ee Wasaaradda amniga Muntaziyah Jimcaale Xaaji, iyo madaxa howlgalinta laanta ilaalada xeebaha ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Dhame Xasan Maxamuud Caddow oo labadaba ka hadlay kulankaasi waxaa ay sheegeen in aqoon is weydaarsigaan uu wax badan ka tari doono dhinacyo badan oo amniga soomaaliya wax looga qaban karo.

Taliyaha laanta ilaalada xeebaha ee ciidanka booliiska soomaaliyeed G/dhexe Bashiir Cabdi Qaasim waxaa uu sheegay in baahi weyn loo qabo aas-aaska ciidan booliis ah oo awood u leh difaaca iyo ilaalinta xeebahooda.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda amniga mudane Cabdinaasir Saciid Muuse oo kulankaasi soo xeray ayaa sheegay in la joogo xilligii lasoo dhammeystiri lahaa cudud ciidan booliis ah ee lagu aamini karo ammaanka xeebaha Soomaaliya.

Wasiirka A/Gudaha Soomaaliya Oo Ku ammaanay Dowladda Waqtigii ay ku bixisay In Shir Dib-u-heshiisiinta Beelaha uu Ka Dhaco Galmudug.

0

Wasiirka W/ A/Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxda dalka ku bogaadiyey doorkii wanaagsanaa oo ay ka qaateen shirkii Dib-uheshiisiinta ee Beelaha Soomaaliyeed ee kudhaqan deegaannada kala gedisan Galmudug.

Wasiir Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in shirkii Dib-u-heshiisiinta ee magaaladda Dhuusamareeb uu soo xiray Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu si-wanaagsan ugu soo dhammaaday, Iyadda oo laga gaaray guulo waa weyn.

Wasiirka ayaa ergada ka soo qeyb gashay ee matalaadda beelaha Galmudug loogu talo galay in ay xal waara ka gaaraan deegaanadooda si ay dadku u helaan nabad iyaga oo wadajira.

Intii uu socday shirka ayaa lagu guuleystay in la dhammeeyo waxyaabihii u dhaxeeyay beelaha qaarkood.

Wasiir Cabdi Max’ed Sebriye ayaa ku ammaanay madaxda ugu sareysa dalka sida Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo R/Wasaare Kheyre waqtiga ay ku bixiyeen iyo sida uu bilaabmay shirka Dibuheshiisiinta uu dhowaan soo xiray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Waxaana uu ugu mahadceliyey sida ay Galmudug haatan wixii ka dambeeya ay diyaarinayso in Doorashadda Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa iyo soo xulista baarlamaanka maamul gobolleedka ay dhowaan ka billaaban doonto magaalada Dhuusomareeb.

Musharaxiin badan ayaa isu soo sharaxay doorashada Madaxweynaha ee Galmudug kuwaasi oo ku dhawaaqay musharaxnimadooda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo guddoomiyay shirka degmooyinka.

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir gudoomiyay kulanka degmooyinka gobolka Banaadir oo todobaadkii mar la qabto kaas oo looga hadlo xoojinta horumarka Caasimadda iyo islaxisaabtanka waxaana kulankaasi isugu yimaaday hoggaanka sare ee maamulka gobolka Banaadir iyo madaxda degmooyinka.

Qodabadii shirkani looga hadlay waxaa kamid ahaa Amniga, kor u qaadista kobaca dhaqaalaha, Nadaafadda, Sports-ka, canshuuraha iyo hoos u daadajinta adeegyada dowladda hoose Xamar.

Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish ayaa kula dardarmaay madaxda degmooyinka gobolka Banaadir in bulshada si hufan loogu qidmeeyo iyo sidoo kale xoojinta wadashaqeynta maamulka degmada, laamaha amniga iyo shacabka si loogu guuleysto ka hortagga kooxaha nabadiidka ah.