Madaxweyne Farmaajo Oo Faray XKF In Ay Kor U Qaaddo Tayada C/fimaad & Xarumaha Karantiilka Covid-19 “Sawirro”

Date:

Madaxweynaha Jamh. Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kaga qeyb galay dhanka Internetka kulanka Guddiga Qaran ee Xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa ka xog-wareystay dadaallada lagu xakameynayo cudurkan, caqabadaha iyo baahida caafimaad ee ka jira dalka.

Guddiga ayaa u soo bandhigay Madaxweynaha xog ururin ay ka diyaariyeen goobaha karantiilka caafimaad, taas oo ay ka muuqatay in ay jirto baahi xooggan oo la xiriirta qalabka caafimaad, gaar ahaan neefsiiyaha bukaannada, waxa uuna Madaxweynuhu faray Xukuumadda in ay si deg-deg ah uga howl gasho keenista qalabkan.

“Masuuliyad adag ayaa inaga saaran daryeelka muwaadiniinteenna uu soo rito cudurkan safmarka ah ee dunida aafeeyey. Muhiimadda ugu weyn waa in aan dadaal kasta gelinnaa ka hortagga cudurkan innaga oo xoojineyna tayada iyo adeegyadeenna caafimaad.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay wada-shaqayn xooggan ee ka dhaxeysa Guddiga heer Federaal ee Xakameynta Cudurka COVID-19 iyo Guddiyada heer Dowlad Goboleed, arrinkaas oo muujinaya sida ay u garowsan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed halista caafimaad ee ku xeeran oo ay tahay in ay wadajir iyo midnimo u wajahaan.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah in ay labo-laabaan dadaalkooda ku aaddan samatabixinta dalkeenna, isaga oo ku bogaadiyey Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, laamaha caafimaadka dalka iyo Guddiga Qaran ee Xakameynta Cudurka COVID-19 dadaalka mugga weyn ee ay ku bixinayaan ilaalinta badqabka caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay dadaallada bulshada rayidka iyo ganacsatada Soomaaliyeed ay ka gaysanayaan kahortagga cudurka Coronavirus iyaga oo kaalin mug leh ka qaadanaya wacyigelinta iyo garab istaagga bahda caafimaadka dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...