Madaxweyne Farmaajo Oo Faray XKF In Ay Kor U Qaaddo Tayada C/fimaad & Xarumaha Karantiilka Covid-19 “Sawirro”

Date:

Madaxweynaha Jamh. Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kaga qeyb galay dhanka Internetka kulanka Guddiga Qaran ee Xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa ka xog-wareystay dadaallada lagu xakameynayo cudurkan, caqabadaha iyo baahida caafimaad ee ka jira dalka.

Guddiga ayaa u soo bandhigay Madaxweynaha xog ururin ay ka diyaariyeen goobaha karantiilka caafimaad, taas oo ay ka muuqatay in ay jirto baahi xooggan oo la xiriirta qalabka caafimaad, gaar ahaan neefsiiyaha bukaannada, waxa uuna Madaxweynuhu faray Xukuumadda in ay si deg-deg ah uga howl gasho keenista qalabkan.

“Masuuliyad adag ayaa inaga saaran daryeelka muwaadiniinteenna uu soo rito cudurkan safmarka ah ee dunida aafeeyey. Muhiimadda ugu weyn waa in aan dadaal kasta gelinnaa ka hortagga cudurkan innaga oo xoojineyna tayada iyo adeegyadeenna caafimaad.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay wada-shaqayn xooggan ee ka dhaxeysa Guddiga heer Federaal ee Xakameynta Cudurka COVID-19 iyo Guddiyada heer Dowlad Goboleed, arrinkaas oo muujinaya sida ay u garowsan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed halista caafimaad ee ku xeeran oo ay tahay in ay wadajir iyo midnimo u wajahaan.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah in ay labo-laabaan dadaalkooda ku aaddan samatabixinta dalkeenna, isaga oo ku bogaadiyey Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, laamaha caafimaadka dalka iyo Guddiga Qaran ee Xakameynta Cudurka COVID-19 dadaalka mugga weyn ee ay ku bixinayaan ilaalinta badqabka caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay dadaallada bulshada rayidka iyo ganacsatada Soomaaliyeed ay ka gaysanayaan kahortagga cudurka Coronavirus iyaga oo kaalin mug leh ka qaadanaya wacyigelinta iyo garab istaagga bahda caafimaadka dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka cadaaladda XFS oo qaabbilay 𝐒𝐚𝐟𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐰𝐞𝐝𝐞𝐧 𝐮 𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐲𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 XFS 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧...

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo kulan la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Amb. Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo booqday xarunta taliska ciidanka xudduudaha ee dowladda Ciraaq

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Dekadda Muqdisho oo yeelatay khad toos ah oo isku xiraya Soomaaliya iyo Shiinaha

-Dekadda Magaalada Muqdisho waxaa shalay si toos ah ugu...