Home Blog Page 917

Madaxweyne Farmaajo duulimaadyada toos ah ee Itoobiya iyo Soomaaliya ganacsiga ayay kor u qaadday.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda FS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey furitaanka Beerta Midnimada oo ah mashruuc dalxiis oo laga hirgeliyey Itoobiya ayaa sheegay in fududeynta isu-socodka iyo duulimaadyada tooska ah ee Soomaaliya & Itoobiya ay saameyn wanaagsan ku yeesheen iskaashiga ganacsi ee labada dal.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay in ay kula tartamaan dalalka Gobolka horumarka iyo wax wada-qabsiga, isagoona adkeeyey in ilaalinta daris wanaagga ay fure u tahay xoojinta xiriirrada laba geesoodka ah.

Munaasabaddan waxaa ka soo qeyb galay Madaxweyneyaasha dalalka Uganda Mudane Yoweri Museveni, Kenya Mudane Uhuru Kenyatta, Koonfurta Suudaan Mudane Salva Kiir Mayardit, Raiisul Wasaaraha dalka Suudaan Mudane Cabdalla Xamduuk iyo wufuud kale oo ka socotay dalalka Gobolka.

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Taliyayaal cusub.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Tigreeto uu soo saaray ku Magacaabay taliyaal cusub oo ka mid ah xoogga dalka

S/Guuto Mahamed Cali Bariise ayaa Madaxweynuhu u magacaabay Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed halka S/Guuto Cabdihamid Maxamed Dirir loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Dhulka/lugta.

dhawaan ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaa uu u magacaabay taliyaasha ciidanka afarta qayboda sida xoogga dalka Booliska,Asluubta iyo Nabadsugidda iyadoo ujeedku yahay in la dardar galiyo sugidda amaanka dalka iyo xoojinta la dagaalanka argagixisada.

Madaxweyne Farmaajo oo casho sharaf u sameeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada kaga qaybgalay munaasabad casho-sharaf ah taas oo lagu maamuusayo wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Maxamed Cali Xumud.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo madasha kelmad soo dhaweyn ah ka jeediyay ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Mudane Maxamed Cali Xumud iyo wafdigiisa uga mahadceliyay booqashada ay ku yimaaddeen dalkooda labaad ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa xusay in Dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti ay abaal weyn u gashay ummadda Soomaaliyeed isaga oo uga mahadceliyay dadaalkii iyo wakhtigii ay geliyeen in Soomaaliya dib cagaheeda isugu taagto maadaama oo Carta lagu soo dhisay Dowladdii kumeelgaarka ahayd ee ugu horreysay burburka ka dib.

“Dowladnimada Soomaaliya burburka ka dib Carta ayay ka soo bilaabatay, waxaana taas suurtageliyay hoggaaminta walaalkeen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo dadka walaaleheenna ah ee reer Jabuuti. Runtii juhdi iyo wakhti ayay geliyeen inay Soomaaliya dib cagaheeda ugu istaagto laga soo bilaabo sannadkii 2000 oo dowladdii ugu horreysay ee kumeelgaarka ahayd lagu soo dhisay Jabuuti.”

Mudane Maxamed Cali Xumud ayaa dhankiisa Dowladda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay soo dhaweynta diirran iyo dareenka walaalnimadu ku dheehan tahay ee ay ku qaabileen intii ay waddanka ku sugnaayeen isaga oo Soomaaliya u rajeeyay horumar, nabad iyo xasilooni siyaasadeed.

Munaasabadda casho sharafta waxaa sidoo kale ka qaybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo”marnaba kama tanaasuli doono soo celinta sharafka Soomaaliyeed”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo jeedinaya KHudbadiisa Dastuuriga ah ee furitaanka kalfadhiga 6aad ee golaha baarlamaanka ayaa ka hadlay dhowr arrimood isagoo soo hadal qaaday dadaalada dowladda Soomaaliyeed ugu jirto soo celinta sharafta iyo karaamadda Ummadda Soomaaliyeed ku dhex lahayd caalamka.

“Waxaan idiin xaqiijineynaa inaan mar walba ka daali doonin inaan soo celino sharafkii iyo karaamadii ummadda Soomaaliyeed lahayd inta aan xafiiska joogno.waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa dowladda iyo shacabka intaba inay u midoobaan sidii ay u tirtiri lahaayeen kooxaha argagixisada ah ee caadeystay dhibaateynta dadkeena” ayuu yiri madaxweynaha.

waxaa uu ka codsaday golaha baarlamaanka inay dardar galiyaan sharciyadda horyaala sidii ay u meel mari lahaayeen iyo kuwa kale ee la hor keeni doono isagoo sheegay in dowladda ay guulo waa weyn ka gaartay kobcinta dhaqaalaha dalka iyo hormarinta hay’adaha maaliyadda dalka.

arinta deyn cafinta madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay ku guuleysatay buuxinta sharuudihii lagu xiray si dalkeena looga cafiyo deymaha faraha badan inta harsana ay ka go’antahay in la dhameystiro.

Dib u-heshiisiinta ayuu ka hadlay madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaa uu si gaar ah uga hadlay shirkii dib u-heshiisiinta Galmudug ee lagu soo gaba gabeeyay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

“Waxaan naga go’an inaan dhageysano cid kasta oo wax tabaneysa, waxaan naga go’an inaan garowshiyo siino cid kasta garowshiyo leh, waxaan naga go’an inaan raali galino cid kasta oo raali galin mudan waxaan naga go’an inaan ka mira dhalino dib u-heshiisiin waarta oo ka hirgasha dhammaan gayiga Soomaaliyeed laakiin marna ma ogolaan doono inaan dib u laabano marna ma ogolaan doono inaan aqbalno wax qaranimada ka yar,marna ma aqbali doono cid kasta oo is hortaagta dib u-yegleelida Qaranimada Soomaaliyeed”ayuu yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda.

 

Soomaaliya oo xustay Maalinta Boostada Adduunka

(Muqdisho, Oktoobar 9, 2019) Dalka Soomaaliya ayaa maanta boostada caalamka la xusaya Maalinta Boostada Adduunka, iyada oo sanadkan ay ku soo aadeyso xilli Boostada Soomaaliya ay u buuxsantay muddo 60 sano ah markii aan xubinta ka noqonay Ururkaas.

Isaga oo ka hadlayay xuska munaasabaddan, ayaa wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Md. Eng. Cabdi Cashuur Xasan, waxa uu sheegay in ay heer gabagabo ah marayaan dadaallada dib loogu billaabayo dirista boostada dalka, taas oo dhammaystiri doonta dib-u-howlgelinta boostadii dalka.

Md. Eng Cashuur ayaa intaasi ku daray in Wasaaraddu ay ka shaqeyneyso sidii loo soo celin lahaa adeegyadii iyo sharaftii ay lahayd boostada dalka, isla markaana u noqon lahayd goob loogu soo hagaago adeegyada boostada casriga ah iyo kuwa dawladda ee ay muwaadiniintu u baahan yihiin.

Wasiirka ayaa qiray inkastoo ay sii kordheyso adeegsiga teknolojiyada adduunka oo dhan, haddana in weli aan laga maarmin kaalinta boostada maadaama ay yihiin adeegyo dhamaystiraya hawlaha ay Boostadu u hayso dadweynaha.

Maalinta Boostada Adduunka waxaa looga dhawaaqay Shirweynihii Midowga Boostada Adduunka ee lagu qabtay magaalada Tokyo ee dalka Japan sanadkii 1969-kii . Ujeeddada laga leeyahay xuska maalintan ayaa ah sidii loo kordhin lahaa wacyi-gelinta dadweynaha ee kaalinta ay boostadu ku leeyahay horumarka dhaqan-dhaqaale ee dal kasta.

Waxaa xusid mudan in Soomaaliya ay ku biirtay Midowga Boostada Adduunka 1dii Abriil 1959-kii, taas oo ah waqti ka horreeyay qaadashadii gobannimada. Hase yeeshee nasiib darroo adeeggaas oo ay ka shaqeyn jireen in ku dhow 3 kun oo qof oo Soomaali ah ayaa la burburay dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

DHAMMAAD

Guddoomiyaha gobolka oo ka hadlay saameynta roobabkii ka da’ay caasimadda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed {Filish} oo sheegay in roobabkii ka dagay caasimadda ay biyo fariisteen wadooyinka qaar isla markaa waxaa uu balan qaaday in maamulkiisa ay ka go’antahay inuu wax ka qabto arintaas.

Guddoomiyaha gobolka oo ka hadlay xafladda furitaanka kalfadhiga 6aad ee baarlamaanka labada gole ayaa sheegay in roobabkii labada maalin ka da’ayay caasimadda ay wax badan ka badaleen nadaafadda magaalada isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qaban doono.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa codsaday in lagu gacansiiyo gudashada waajibaadka shaqo ee loo idmaday si wax wanaagsan uu uqabto.

waxaan ka codsanayaa cid kasta oo halkaan fadhisa ama bulshada guud ahaan in la igu gacansiiyo sidii aan caasimadda dalka uga dhigi lahaa mid tiigsata caasimadaha caalamka ee hormaray” ayuu yiri Mr Flish.

Madaxweynaha galmudug oo soo dhaweeyay magacaabista guddiga farsamada.

0

Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug ayaa soo dhaweeyay magacaabista wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib u- heshiisiinta dowladda dhexe ay caawa magacawday guddiga farsamada maamul dhisidda Galmudug isagoo Ku tilmaamay talaabo horay loo qaaday.

Madaxweynaha Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in dhismaha guddiga ay maamul ahaan kala qayb qaateen wasaaradda isla markaana ay kala sii shaqeyn doonaan howlaha harsan inta maamul dhameyatiran oo loo dhan yahay looga dhisayo Galmudug.

Wasaaradda Arrimaha gudaha XFS oo ku dhawaaqday guddiga farsamada maamul dhisida Galmudug.

0

Wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib u-heshiisiinta Dowladda FS ayaa caawa Ku dhawaaqday guddiga farsamada maamul dhisidda Galmudug.

Guddiga oo ka kooban 13xubnood ayaa wasaaraddu sheegtay in guddigu u xilsaaran yahay fulinta habraacyada iyo shuruudaha lagu saleeyay xulista hugaamiye dhaqameedyada rasmiga ah iyo xildhibaanada golaha wakiillada.

Liiska magacyada guddiga ee wasaaraddu Ku dhawaaqday.

Maxamed Cumar Warsame (Afrax)

Cabdulqaadir Nuur Caraale

Axmed Maxamed Caafi

Cabdirisaaq Kaahiye yuusuf

Cumar Maxamuud Cabdi

Xuseen Cabdulle Xasan

Maxamed Daahir Faarax

Cabdi naasir Geelle Cilmi

Xaliimo Cabdi Cali

Maxamed Maxamuud Cali

Cabdirisaaq Aadan Warsame

Abshir Cabdiraxmaan Maxamed

Cabdirashiid Cali Salaad

 

 

Shir ay isugu imaadeen in ka badan 80 Wadan oo ay Soomaliya qayb ka tahay ayaa maanta ka furmay Wadan ka Swezerland” sawirro”

Shir ay isugu imaadeen in ka badan 80 Wadan oo ay Soomaliya qayb ka tahay ayaa maanta ka furmay Wadan ka Swezerland gaar ahaan Magaalada Geneva.

Goobta uu Shirka ka furmay ayaa waxaa ku sugnaa Wasiir Ku Xigeen ka Wasaaradda Batroolka Iyo Macdanta ee DFS Maxamud Cabdiqaadir Hilaal Iyo Safiir ka U fadhiya Soomaaliya Geneva Ebyan Ladane iyo xubna kale ka qayb galay Shirka.

Sida uu sheegay Wasiir ku Xigeen ka Shirkan inta uu socdo ayaa diirada lagu saari doono arimaha Macdanta Caalam ka gaar ahaan In la soo bandhigo Warbixin sanadeed ku aadan Saamaynta dhaqan dhaqaale, degaan iyo cimila ahaan ku yeelatay shaqada macdanta Wadamada ay ka hawl galaan shirkadaha ka ganacsado Macdanta iyo In kor loo qaado door ka kobaca dhaqaale ee uu wadan kasta ku leedahay Macaadanta iyo sida uu uga faa’iidan karo.

In La dhiiri galiyo Shirkada ba ganacsado Macdanta heerar kooda kala duwan gaar ahaan ku yar yar iyo in Dwladaha ay u fudu deeyaan imkaaniyaad ka ay u baahanyihiin si wax soo saar ka Macdanta caalam ka kor ugu kaco.

Si lamid ah in Dowladaha Macdanta leh ama soo saaro ay Siyaasad cad u sameeyaan wada shaqaynta Shirkadaha Macanta ka shaqaysta iyo Shacab ka degan degaanada ay ka hawl galaan si wada jir ahna loo ilaaliyo bad qabka Bay’ada degaan kaas.