Home Blog Page 914

Taliska Booliska oo amar kasoo saaray dadka hubka ku dhexwata Dhuusamareeb

0

Taliska Ciidanka Booliska ee magaalada Dhuusamareeb ayaa amar kasoo saaray dadka hubka ku dhex wata magaalada.

Taliyah Saldhigga Booliska Dhuusamareeb Gaashaanle Cabdullahi Xasan Macalin ayaa sheegay in Boolisku ayaa amar u qaban xasilinta iyo ilaalinta amniga magaaladda sii loo yareeyo hubka an sharicga ahayn ee ay wataan dadka deegaanadda galmudug.

Waxaa uu Boolisku sheegay in cidkasta oo isku dayda in amarkaas ka hortimaad sharciga horgeyn doonaan, Amniga Dhuusamareeb ayuu taliyuhu sheegay in haatan aad u wanaagsan yahay balse loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo.

Xiliyadda qaar ayaa Bartamaha xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa lagu arkaa rag aanan ku labis nayn dareeska ciidanka kuwaas qoryo ku dhexwata Dhuusamareeb sababta uu amarkaas u soo saaray Booliska ayeyna taas laxiriirtaa.

Wasiir Maareeye oo soo dhaweeyay dhiggiisa Jabuuti.

0

Wasiir warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Jamhuuridda Federaalka Soomaaliya
mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa saaka dalka Ku soo dhaweeyay dhigiisa dalka Jabuuti.

Wasiir Maxamed Cabdi Xayir ayaa siwayn ugu soo dhaweeyay gagidda diyaaradaha ee Aadan cadde, Wasiiir warfaafinta iyo isgaarsiinta ee dalka aynu walaalaha nahay ee Jabuuti mudane Ridwaan Cabdillaahi Bahdoon oo booqasho rasmi ah ku soo gaaray dalka ayaa inta uu joogo labada wasiir kawada hadli doonaan iskaashiga walaaltimo iyo wax wada qabsi ee labada dal iyo labada wasaaradood.

Ra’iisul wasaaraha dalka oo kormeeray isbitaalka Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa kormeeray Isbitaalka hooyada iyo dhallaanka Banaadir oo dowladdu ay dib ula wareegtay horraantii sannadkaan si uu qayb uga noqdo qorshaha horumarinta adeegyada caafimaad ee dalka.

Maamulka Istibaalka Banaadir oo Ra’iisul Wasaaraha uga war bixiyay xaaladda isbitaalka ayaa sheegay in isbitaalka adeeg caafimaad oo tayo leh lacag la’aanna ah loogu sameeyay 37,000 oo hooyooyin iyo carruur Soomaaliyeed ah oo 24,000 kamid ah ay yihiin carruur, intii u dhexeysay bilihii Feberaayo iyo September ee sannadkaan.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo bogaadiyay sida hufan ee maamulka isbitaalka iyo wasaaradda caafimaadku ay isaga xil saareen howl gelinta iyo horumarinta Isbitaalka, ayaa sheegay in loo baahanyahay in howsha la ballaariyo si dhammaan bulshada Soomaaliyeed ay u helaan adeegga caafimaad ee ay u baahanyihiin.

Dowladda oo dadaal xooggan ugu jirta horumarinta caafimaadka bulshada, ayaa bishii labaad ee sannadkaan dib ula wareegtay Isbitaallada Banaadir iyo Martiini, waxaana dhawaan Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu dhagax dhigay Xarunta Bangiga dhiigga oo qayb ka ah qorshaha horumarinta adeegyada caafimaad ee dalka

—DHAMMAAD—-

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Qaabilay Agaasime Gobolleedka IOM Ee Bariga & Geeska Afrika

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay Muqdisho Agaasime Gobolleedka Hay’adda Caalamiga ee Socdaalka (IOM)  Mudane Mohammed Abdiker, oo uu kala hadlay dhowr arrimood oo ahmiyad wadaag leh, oo ay ku jirto sidii taageero loogu fidin lahaa muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku sugan dhowr dal oo ku kala yaala qaaradaha Afrika, Aasiya iyo Yurub , iyaga oo ku jira xerooyin ay kala kulmayaan xaalad ba’an oo dhinaca nolosha ah.

Waxaa kulanka sidoo kale lagu faaqiday taageeridda qorshaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee ku aaddan Qurba-joogta Soomaaliyeed si loo abaabulo kulamo, madal-doodeedyo iyo seminaarro lagu xoojinayo baraarugga iyo dareenka caafimaadsan ee qurba-joogta iyo muwaadiniinta dal-joogga ah.

Sidoo kale waxa ay isla garteen in  la kordhiyo wacyigelinta dhalinyarada taasi oo ku aadan khatarta ka dhalan karta tahriibka iyo dhibaatooyinka la xiriira, intii uu socday kulanka ayaa labada dhinac waxa ay hoosta ka xariiqeen in la xadeeyo tahriibka iyo halisaha ka imaan-kara tahriibka, kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa barnaamijyada la hal maala kobcinta awoodda ee si loo tayeeyo howlwadeennada ku shuqlan horumarinta arrimahan.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo La Kulmay Wafdi Ka Socda Hay’adda IOM

0

Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa Xafiiskiisa Maanta ku qaabilay Wafdi uu hogaaminayay Madaxa Hay`adda IOM Bariga iyo Geeska Afrika Mohammed Abdiker oo Baydhabo gaaray.

Kulan ay ku yeesheen Xarunta Madaxtooyada ayaa waxa ay uga wadahadleen sidii hay’adda IOM u kordhin lahayd shaqooyinka ay ka wadaan KGS iyo sidii ay uga warqabi lahayd Arrimaha barakacayaasha iyo Caafimaadka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa uga mahad-celiyey Madaxda hay’adda shaqooyinka ay wadaan, isaga oo ugu baaqay inay kordhiyaan arrimaha la xiriira barakacayaasha iyo tayeynta Caafimaadka.

Madaxa Hay`adda IOM Bariga iyo Geeska Afrika Mohammed Abdiker ayaa dhankiisa sheegay inay ka go’an tahay kordhinta adeegyada shaqooyinka oo ay ka wadaan Koonfur Galbeed, islamarkaana ay sigaar ah u wajahayaan dadka barakacayaasha ah oo xilligan dareemaya qabowga roobka deyrta.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Qorsheynta KG Axmed Madoobe Nuunoow Agaasimaha Madaxtooyada Koonfur Galbeed Ibraahim Maxamed C/qaadir Baafo iyo madax kale.

Ciidanka Xoogga Dalka Oo Howl-gal Ka Dhan Ah Nabad diidka Al-Shabaab Baardheere Ka Sameeyay

0

Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed oo weli baacsanaya haraadiga Argagixisada Al-shabaab ayaa howl-gallo ka sameeyay deegaanka Raydab oo qiyaastii 40-Km dhanka Waqooyi kaga beegan Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Taliyaha Ururka 49-aad, Guutada 10-aad, qeybtiisa 43-aad ee Ciidanka XDS Dhamme, Cali Maxamed Xasan, ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in ay howl-galka ku dileen xubno badan oo ka mid ahaa Al-Shabaab, kuwo kalena ay nolol ku soo qabteen.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Argagixisadu ay ka soo furateen hub iyo Ari gaaraya Saddex Boqol oo ay horay uga dhaceen shacabka halkaasi deegaanka, iyagoo xoolahihii ay ka soo dhiciyeen gacanta argagaxisada ay dib ugu celiyeen shacabkii iska lahaa oo ay horey si xoog ah uga soo qaateen nabad diidka Al-shabaab.

Danjiraha Somalia ee dalka Sudan oo waraaqaha laga guddoomay.Sawirro”

Danjire Maxamed Isxaaq ibraahim ayaa maanta si ramsi ah Warqadihiisa aqoonsiga Safiirnimo ku wareejiyay Gomoomiyaha Golaha Siyaadada Qaranka Dalka Suudaan Cabdi Fitaax Al- Burhaan, laga bilaabo maanta wixii ka danbeeyana noqonaya Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Dalka Suudaan

Danjire Maxamed Isxaaq Ibraahim markii laga gudoomay warqadihiisa Aqoonsiga u mahadceliyay Guudoomiyaha Golaha Siyaadada Qaranka Dalka Suudaan Cabdi Fitaax Al-Burhaan isagoo sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu noqda Safiir buuxa maanta, kana shaqeyn doono Xiirka labada Dal ee soo jireenka ah Shacabka Soomaaliyeedna Abaal badan uhayaan Dowladda Suudaan oo dhan walbo ka taageertay.

Dhanka kale Danjiraha ayaa ka codsaday in si hagar la’aan ah ula shaqeeyaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan ku dhaqan sidii ay isaga kaashan lahaayeen kor ugu qaadi Sharafta qeybaha kala duwan Soomaalida ku dhaqacan Dalka Suudaan mar uu la hadlayay Warbaahinta Qaranka

Aqoonsiga maanta loo Aqoonsaday Safiir Maxamed Isxaaq ayaa waxaa ku wehlinayay Tiro Safiira ah kuwaa oo ka kala socday Wadamada Caalamka Qeybahooda kala Duwan.

Wasiir Fahmo oo guddoomisay shir ku saabsan qorsheynta qaranka.

0

Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Marwo Fahma Axmed Nuur ayaa guddoomisay Shirka billaha ah ee Wasaaradda Qorsheynta.

Shirkan ayaa looga hadlay waxyaabaha u qabsoomay Wasaaradda oo ay ka mid yahiin diyaarinta qorshaha sagaalaad ee horumarinta qaranka oo 26 September ay ansixiyeen Golaha Wasiiradda, diyaarinta Istaraatijiyadda maalgashiga oo dhawaan la horgayn doono golaha Wasiiradda iyo Diyaarinta Istaraatijiyadda Dowladd gobaleedyada oo bilaaban doonto dhawaan.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa diiradda lagu saaray heerka uu marayo Shirka Istaatistics oo horyaalla Golaha Shacabka Ee Baarlamaanka FS, sahannada kala duwan oo ay sameeyeen Agaasinka waaxda Istaatistics iyo Warbxinita isbadalka cuntada iyo badeecadaha suuqyada (CPA).

Ugu dambeyntii Shirka waxaa lagu bogaadiyay shirka golaha horumarinta qaranka (NDC) ee 24 September Ka qabsoomay magaalada Muqdisho oo ay Wasiiradaha Qorsheynta Dowlad gobaleedyada iyo Wasiiradda Qorsheynta qaranka ay ku meel mariyeen mashaariic muhiim u ah dib u kabashada dalka.

Madaxweynihii Hore ee K/Afrika Jacob Zuma Oo Wajahaya Maxkamad

0

Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa markii ugu horeysay la filayaa in maxkamad la soo taago, iyadoo loo heysto in ka badan 16-kiis oo dacwo ah oo ay ku jiraan arrimo musuqmaasuq iyo wax isdaba marin ay kamid yihiin.

Eedaha ka dhanka ah Zuma ayaa waxaa ka mid ah qaadashada  lacago laaluush ah oo uu ka helay qandaraas gaaraya 3.5 bilyan kadib markii uu heshiiska qandaraaska uu dhexmaray dowladda K/Afrika iyo shan shirkadood oo reer Yurub ah kuwaasi oo ka ganacsada iibinta diyaaradaha, doomanka loo isticmaalo illaalada iyo qalab militeri.

Kadib dhowr isku day oo uu ku doonaayay Zuma  in lagu joojiyo dacwadaha loo heysto, ayaa waxaa maanta la horkeeni doonaa maxkamadda sare ee dalka K/Afrika, isagoo ku eedeysan sida la sheegay lunsashada lacag dhan afar milyan oo Rand oo ah lacagta dalka Koonfur Afrika taasi oo u dhiganta 270,000$.

Xisbiga talada haya ee African ee ANC ayaa ku qasbay in uu iska casilo jagada madaxweynenimada sanadkii la soo dhaafay kadib muddo sagaal sano ah oo uu Zuma soo hayay talada wadankaasi.

Todobaadkii la soo dhaafay ayaa Mr. Zuma lagu waday in lasoo taago maxkamad kutaala dalka K.Afrika hase yeeshee sarkaal katirsan maxkamadda ayaa saadaaliyay in billowga howsha maxkamadeyntiisa ay u badnaan doonto inuu Zuma rafcaan ka qaadato go’aanada maxkamadda.

Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Gobolleedka Hirshabelle Oo Lagu Amray Inay Dib Ugu Soo Laabtaan Jowhar

0

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Mudane Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa ku amray xildhibaanada baarlamaanka Dowlad Gobolleedka Hirshabelle inay  dib ugu soo  laabtaan magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle kadib markii mudadii fasaxa ahayd oo ay ku jireen xildhibaanada Ka tirsan maamulka Hirshabeele uu dhammaaday.

Mudane, Sheekh Cismaan Barre Maxamed, Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa shaaca ka qaaday in maalmaha soo socda uu furmi doono kulanka Baarlamaanka Hirshabelle, isagoo sheegay in dib loo ambaqaadayo howlaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle.

Baarlamaanka Hirshabelle  oo lagu waday inuu furmo bishii lasoo dhaafay ayaa dib u dhacay taasoo loo aaneeynayo maqnaashada fasaxa xildhibaanada ay ku maqnaayeen oo haatan soo dhammaatay.

Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle ayaa sidoo kale fariin uu u diray xildhibaanada waxaana uu ku Sheegay inaysan qaadan doonin gunnada haddii aysan xilidhibaanadu soo gelin magaalada Jowhar.

Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle ayaa dhinaca kale ka dalbaday shacabka ku nool Magaalada Jowhar in ay la shaqeeyaan ciidamada Amniga si loo sugo Amniga Magaalada Jowhar.