Home Blog Page 914

Norway Oo Taageero Dhaqaale Siinaysa Hay’ado Ka Tirsan QM Si Ay Gargaar Beni’aadannimo Dalka Uga Hirgeliyaan

0

Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday in la kordhiyo baahiyaha arrimaha Beni’aadannimada sanadka 2020-ka iyadoo loo eegaayo dagaallada waqtiga dheer iyo roobabka xilligan oo aanan da’in cimilada darteed.

Sanadkan, Norway ayaa bixinaysa lacag dhan 420 milyan oo ah Shilinka Norway taasi oo ay ugu deeqayso Santuuqa Dhexe ee Ka jawaaba xaaladaha deg-degga ah ee QM kaasi oo loo soo gaabiyo (CERF) iyo Sidoo kale 90 milyan oo ay siinayso xafiiska Isku xirka Arrimaha Beni’aadannimada QM ee UN (OCHA).

Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway Ine Eriksen Søreide oo ka hadashay arrintani ayaa sheegtay ‘In Kharashkani ay bixinayso Norway lagu xaqiijinayo si ay uga caawiso

In hay’adaha ay ka jawaabaan meelaha ugu saameynta badan oo ay ka jiraan arrimaha beni’aadantinimada, iyadoo ay barbar socoto istaraatijiyadda dhanka beni’aadantinimada’, ayay tiri Ine Marie Eriksen Søreide.

QM ayaa sheegtay in lagu qiyaasay, 167.6 milyan oo qof ay u baahnaan doonaan gargaarka beni’aadantinimada iyo hooy sanadkan 2020.

Iyadoo Jamciyadda Quruumaha ka dhaxeysa codsigii ay u jeedisay dunida ay ku codsatay sanadkan 2020-ka is la siiyo lacag dhan 28.8 bilyan oo doolarka Mareykanka ah.

Norway ayaa ka mid ah dalalka deeqaha ugu badan siiya Sanduuqa Dhexe ee Ka Jawaabista Xaaladaha Deg-degga ah ee QM ee Loo soo gaabiyo (CERF).

CERF waxay xaqiijinaysaa in kaalmada si dhaqsiyo badan loo gaarsiiyay dadka ay saameeyeen mashkiladaha dhinaca beni’aadantinnimada. Waxaana ay sidoo kale bixinaysaa lacagaha sida aadka ah loogu baahan yahay ee loogu talo galay in lagu kharash gareeyo xaaladaha deg degga ah.

Sanad walba, 20 milyan oo qof ayaa hela kaalmada caafimaadka degdegga loogu baahan yahay iyadoo loo soo marsiiyo hay’adda CERF, halka 10 milyan oo qof ay helaan gargaar cunno. Sanadkii 2019-kii, CERF waxay kharash gareysay 47 dal si loo yareyo mashkiladaha ka taagan dhinaca beni’aadannimada kuwaasoo ay ka mid ahaayeen dalalka Soomaaliya, Jibuuti, Yemen iyo Dalka Venezuela.

Sanadkani, CERF waxay gacan ka geysatay sidii looga hortagi lahaa xalna loogu heli lahaa Anyaxa Saxareedka oo dhibaato badan ku haya wadamada Bariga Afrika, iyadoo sidoo kale gacan ka geysatay sidii hooy iyo hu loo gaarsiin lahaa meelaha dadka ay sida aadka ah baahi ugu qabaan sida goobaha dagaalku haleelay ee Dalka Niger. QM ayaa waxay door ka qaadata xaqiijinta isku xirka, Qorsheynta iyo hirgelinta jawaabaha Beni’aadannimada.

‘Sida wanaagsan ee QM waxa ay muhiim u tahay xaqiijinta in tallaabo beni’aadannimo ay ka shaqeysiin karto si wax looga qabto dadka ay wajaheen mashaakilaadyada ugu badan. Xiriiriyeyaasha Jamciyadda Quruumaha ka dhaxeysa iyo Xafiiska QM ee Isku xirka Arrimaha Gargaarka ee (OCHA) ayaa iyaguna ka qaata doorkoodu muhiimka’, sidaasi waxaa sheegtay wasiirka Arrimaha dibadda Norway Ms Eriksen Søreide.

Sanadka 2020-ka, Norway waxay bixinaysaa 90 milyan oo doolar oo lagu kharash gareynayo dadaalada  hay’adda OCHA si korloogu qaado tallaabada isku xiran ee beni’aadannimada. Sidoo kale, waxay Norway, waxay taageero ku bixin doontaa xafiisyada ay ha’adda OCHA kuleedahay wadamada iyo dhaqaale kale oo loogu talo galay wadamada aadka unugul ama saboolnimada ay ka jirto.

Mid kamid ah shaqada beni’aadannimada ayaa ah in la xaqiijiyo badbaadada islamarkaana la saacido dadka gudaha ku barakacay. Hay’adda Qaxootiga ugu qaabilsan ee (UNHCR), in ka badan 41 milyan oo qof oo dunida dacaladeeda ku kala nool ayaa lagu barakiciyay gudaha wadamada dhammaadkii sanadkii 2018-kii. Tiradani ayaa ah mid sii kordhaysa, waxaana jirta baahi loo qabo si loo kordhiyo jawaabta laga bixinayo arrintani.

3-dii bishii Diceember sanadkii la soo dhaafay, Xoghayaha Guud ee QM ayaa aas aasay guddi heer sare ah oo ka shaqeya arrimaha barakacinta, waxaan loo xilsaaray in tallooyin ka keenaan sidii dalalka ay kunool yihiin dadka barakacay ay u siin lahaayen badbaadada ay u baahan yihiin, iyo sidii xulal waara looga gaari lahaa mashkiladaha ku gidaaman dadka soo barakacay.

Norway waxay si fir fircoon u taageertay hindisahan waxayna ku bixin doontaa 6.55 milyan oo lagu maalgelinayo miisaaniyadda sanadkani ee Beni’aadannimada taasi oo uu Xoghayaha Guud u dhisay sidii loo taageeri lahaa in Guddigani uu Shaqeeyo.

Waxaa Tarjumay Maxamednur Max’ed ‘Johannesburg’

https://www.cnbcafrica.com/apo/2020/02/11/norwegian-support-for-un-humanitarian-aid-efforts/

Ardayda Deegaanka Guriceel Oo Ka Qeyb Galay Dhismaha Wadada Dhuusamareeb Ku xirta Guriceel ‘Sawirro’.

0

Ardayda wax ka barata Iskuulada ku yaalla degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa saaka ka qeyb galay Ololaha Isxilqaan oo shacabku ku dhisanayaan waddada dheer ee isku xirta Deegaanka Guriceel iyo Degmada Dhuusamareeb.

Wadadaan oo qiyaas ahaan ku dhow 70-KM ayaa waxaa si Isxilqaannimo ah ku dhisaya shacabka Deegaanka Guriceel oo kaashanaya Maamul Gobolleedka Galmudug, waxaana haatan lagu guuleystay dhismaha dhowr Kiilo mitir oo horay u burbursanaa.

Gaadiidleyda isticmaasha wadadaan iyo shacabka dib u dhiskeeda ku howlan ayaa dalbanaya in lagu taageero agabka ay u baahan yihiin si loo fududeeyo dhismaha waddooyinka.

Madaxweynaha JFS Oo Kulan La Qaatay, Charles Michel Oo ah Madaxweynaha Golaha Midowga Reer Yurub.

0

Kulanka Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu la qaatay Mr. Charles Michel oo ah Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub ayaa kulan koodu waxa uu ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Labada Mas’uul ayaa ayaa iska xog wareystay horumarka ay Dowladda Soomaaliya ka sameysay dib u habeynta hay’adaha amniga, horumarinta dhaqaalaha, xaaladihii ugu dambeeyay ee Geeska Afrika iyo taageerada Midowga Yurub ee dowlad-dhisidda Soomaaliya. 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya taas oo muhiim u ah dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles Michel ayaa dowladda Soomaaliya ku ammaanay horumarka ay ka sameysay Xagga dhaqaalaha iyo Dib u habeynta Hay’addaha Dowliga ah.

 

Ciidamada Ammaanka oo gacanta ku soo dhigay labo nin oo dil geystay gobolka Galgaduud.

0

Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan Laba Eedeysane oo loo haysto dil Xalay loo geeystay laba nin oo kamid ah dadka deegaanka kaas oo ka dhacay deegaanka Habar-cirir oo dhanka Koonfur ka xiga deegaanka Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Taliyaha Booliiska degmada Matabaan Dhamme C/fitaax Maxamed Jaamac (Fooneeye) oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa inoo Xaqiijiyey in labada Eedeysane ee Hadda la hayo laga qabtay duleedka degmada Matabaan, isagoo sheegay in ay ku raad joogaan laba  kale oo qeyb ka ahaa dilka.

Talisyada Ciidamada gaar ahaan Booliiska Degmada Matabaan ayaa Bulshada ku wargaliyey in Labada Eedeysane ee hada la raadino Cidii aragtaa ay ku soo wargaliyaan Saldhiga Booliska.

Wasiirka baad-roolka iyo mac-danta Soomaaliya oo hishiis la saxiixday dhigisa dalka Suudaan

0

Wasiirka baad-roolka iyo Mac-danta DFS eng Abdirishiid Mahmed Axmed oo boqasho laba cish ah ku joogay casimada dalka Suudazn ee Khartoum ayaa booqday xarumaha Kala duwan ee lagu soo bandhigo wax soo saarka dahab-ka ee dalka suudaan waxana wasiirku uu kulamo la qaatay madaxda shirkadaha mac-danata.

Waxaana Eng Abdirishiid Mohamed Axmed uu madaxda shirkada uu uga warbixyey sidii Somaliya diyaar ugu tahay in ay ka faaidaysato khayrad-keda dabiiciga ah gaar ahaan wax-soo saarka mac-danta iyo baadroolka.

Dhan-ka kale Wasiirka baadroolka iyo Mac-danta jfs somaliya Eng Abdirshiid Maxmed Axmed ayaa heshiis is kaashi la saxiixday wasiirka dhigisa ah ee dalka Suudaan Caadil Ali Ibraahim Waxaana heshiiska goob-joog ka ahaa safiirka Soomaaliya amb-Maxamed SHeikh Isxaaq qunsulka safarada Osman Axmed Mohamed madaxa Ganacsiga safarada Yuusuf Jeego.

Kulan looga ariinsanyo nidaamka Cadaaladda iyo Amniga oo Muqdisho ka furmay

0

kulan looga hadlayo Hanaanka Cadaaladda Federaalka iyo masuuliyadaha Amniga ee la xiriira dib u-eegista dastuurka ayaa ka furmay muqdisho waxaana ka soo qayb galay kulanka wasaaradaha Cadaaladda, Amniga iyo khuburro caalami ah.

kulanka oo ay si wada jir ah usoo qabanqaabiyeen Wasaaradaha Dastuurka iyo Arrmaha guddaha ayaa muddo laba cisho ka socon doona magaalada muqdisho.

Iyadoo lagu soo bandhigi doonaa hannaanka cadaaladda ee federaalka ah iyo masuuliyadaha amniga iyo nuuca booliska federaalka iyo sida ay u wada shaqaynayaan booliska federaalka iyo kan dowlad goboleedka iyo awoodaha ay kala leeyihiin.

Wasiirka Dastuurka Saalax Ahmed Jamac iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye ayaa si wadajir ah u furay kulanka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dowladda federaalka ay ku howlan tahay sidii loogu kala saari lahaa awoodaha ay kala leeyihiin labada heer dowladeed ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

“Waxaa muhiim ah in la kala garto awoodaha jira iyo sida loo  kala qaybiyo labada heer , kadibna heshiis laga gaaro si dastuurka dalka loogu qoro ” ayuu yiri wasiir Sabriye.

labo kamid ah raggii loo haystay kiiskii marxuumada Caisha Ilyaas oo maanta lagu toogtay Bossaaso

0

Waxaa goor dhawayd Magaalada Boosaaso dil qisaas ah lagu fuliyay laba xukunsane oo horay lagu helay dilkii allaha u naxariiste   Caa’isha Ilyaas  Aadan oo ahayda gabar 12sanno jir ahada.

Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige ayaa lagu fuliyay dilkaani toogasho halka Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame  oo ahaa Xukmanaha saddexaad mudda 10 cisha ah dib loo dhigay kiiskiisa kadib markii uu sidaasi codsaday Ilyaas Aaden oo ah aabbaha dhalay Caa’isha .

Maxkamada Darajada Koowaad ee gobalka Nugaal ee racfaanka iyo Maxkamada sare ee Puntland ayaa dhaammaantood si iska mid ah iskugu raaceen xukun dil ah ee ragga lagu helay in ay gaysteen kufsiga Caisha Ilyaas oo ahayd gabar yar  oo 12 jir ah taas oo ay kufsadeen raggan saakay toogashada lagu fuliyay.

 

 

 

 

Akhriso: Nuxurka khudbadii madaxweyne Farmajo ee Meertada 33-aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika+sawirro

0

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Meertada 33-aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika ayaa soo bandhigay guulaha uu gaaray dalkeenna iyo fursadaha u baahan in si wadajirka ah looga faa’iideysto Qaaradda ahaan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo a ayaa xusay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ay ku dabar-gooynayso khatarta argagixisadu ay ku hayaan nolasha muwaadiniinteenna, arrinkaas oo horseedaya xasilinta dalka iyo soo celinta maqaamka aan ku lahayn Afrika.

“Soomaaliya waxa ay noqon kartaa xarun dhaqaale oo xooggan oo door muhiim ah ka qaadanaysa horumarka Qaaradda, marka la fiiriyo khayraadkeeda, goobta istaraatijiga ah ee ay ku taallo iyo dadkeeda halabuurka ganacsi leh.”

Madaxwwynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay argagixisada uga adkaan karto in la qaado cuna-qabataynta hubka ee saaran si ciidamadeennu ay u helaan hub casri ah oo ay dagaalkan kusoo afjari karaan.

“Cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay xaddidaysaa awooddii aan ku heli lahayn hubka lagama-maarmaanka u ah in laga adkaado argagaxisada kuwaasi oo qaraxyo guryaha lagu sameeyay la beegsada muwaaddiniinta aan waxba galabsan iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay.”

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa yiri “Soomaaliya waxa ka go’an inay si buuxda masuuliyadda amnigeeda ugala wareegto AMISOM, taasina waxay u baahanaysaa ciidan qaran oo si fiican u qalabaysan si looga jawaabo halista iman karta.”

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dul istaagay muhiimadda midnimada iyo wadajirka dalalka Afrika ay u leedahay xaqiijinta hiigsayada shucuubta Qaaradda ee u ooman horumarka, kobaca Dhaqaalaha iyo nolasha wanaagsan ee ay mudan yihiin.

Dhismaha Garoonka kubadda Cagta Cabdullahi Ciise oo meel wanaagsan marayo.

0

Gudiga Ku hawlan Dhismaha Garoonka Kubadda Cagta Cabdulaahi Ciise Ee Magaalada Galkacyo Ayaa Kulan Looga hadlayey sidii loo dardar gelin lahaa hawsha dhismaha garoonka Waxa ay layeesheen qaar ka mid ah Bahda Sportiga Gobalka Mudug. Gudoomiyaha Ururka HAB Ee Gacanta Kuhaya Qorshaha Lagu dhisayo Garoonka Kubadda Cagta Cabdullahi Ciie  Mudane Maxamuud Cali Oo Ka war bixiyey halka uu marayo qorshaha Dhismaha Garoonka Ayaa sheegay in howlaha ugu horeeya  ee gudigaan ay qabanayaan ay tahay in todobaadkan la guda gali doono hawlaha dhismaha garoonka.

Bahda Sportiga Magaalada Galkacyo ayaa dhankooda balan qaaday inay Gudiga kala shaqayn doonaan dhamaystirka Garoonka oo gacan ay ka gaysan doonaan dhismaha iyo hawlaha lagu hormarinayo garoonka.

 

Wasiirka baadroolka DFS oo booqday Xarumaha Shirkadaha Shidaalka Dalka Suudaan.

0

Wasiirka Batroolka oo bryahaanba ku sugnaa Dalka Suudaan ayaa booqday shirkadaha iyo Xarumaha kala duwan ee ka shaqeeya shidaalka iyo Macdanta dalka Suudaan laga leeyahay, iyaoo booqashada ku wehliyay Safiirka JF Soomaaliya Maxamed Sheikh Isxaaq iyo madaxa Ganacsiga Safaarada Soomaaliya yusuf jeego.

Wasiirka ayaa Goobaha ku soo dhoweeyay Howl-wadeenada shirkadaha shidaalka, iyagoo Wasiirka ugu warbixinayey sida ay u shaqeeyaan iyo qalab-ka kala duwan ee ay isticmaalaan.

Wasiirka ayaa intuu booqashada ku jiray waxa uu warbixin ka siiyey shirkadaha uu booqanaayay sida Soomaaliya diyaar ugu tahay inay ka faaidaysato khayraadkeeda gaar ahaan dhanka baadroolka iyo Macdanta.

Wasiirku waxa uu sheegay inmaanta dalka Soomaaliya uu soo dhawaynayo cid kasta oo maalgashanaysa, isla markaana dowlada Soomaaliya iyo Shacabkeeduba ay diyaar u yihiin in ka faaidaystaan khayraadkooda, isagoo xusay in dalka Soomaaliya yahay mid leh Khayraad aad u fara-badan,  ayna ka go’antahay in la helo Soomaliya isku fillan gaar-ahaan dhaqaaleheeda, iyadoo laga duulayo in laga faaidaysto nimcooyinka iyo Khayraadka ku duugan oo alle ku manaystay dalka Soomaaliya.

Wasiirka baadroolka-Dowlada fedraalka Soomaaliya Abdirishiid Maxamed Axmed ayaa sheegay in Hataaan la joogo xiligii Suudaan iyo Soomaaliya ay iska kaashan lahaayen wax-soosarka khyraadka dabiiciga ah, isla markaana loo abuuri lahaa jawi wada shaqayneed oo labada dal wadayeeshaan gaar ahaan wax soo-sarka shidaalka iyo Macdanta.

Dhawaan ayay ahayd markii Madaxweyne farmaajo uu meel mariyey sharciga badroolka, waxana haatan dowladu dadaal ugu jirtaa sidii suuq caalami ah loogu heli lahaa shidaalka Soomaaliya, si dalkeenu uga baxo baahida dhaqaale xumo iyo ku tiirsanaanta gacmaha Caalamka.