Home Blog Page 915

Madaxweyne Farmaajo Oo Magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda Gobalka Banaadir iyo Tan Racfaanka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir kaddib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed

Madaxweynaha ayaa xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir waxa uu u magacaabay Garyaqaan Cabdikhadar Maxamed Xasan oo ku takhasusay Shareecada iyo Qaanuunka. Waxa uuna xilkaas ka qaaday Garyaqaan Muuse Maclin Maxamed oo soo hayey tan iyo Luuliyo 2018-kii.

Sidoo kale, Garyaqaan Maxamed Axmed Cismaan ayaa Madaxweynuhu waxa uu u magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir. Xilkan oo horey uu u hayey Garyaqaan Abshir Cumar Cabullaahi.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaaho Farmaajo ayaa ku adkeeyey Guddoomiyeyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarraynta sharciga, si simanna ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku ammaanay gudoomiyeyaashii hore ee xilka laga qaaday wakhtiga ay u hureen u adeegidda shacabkooda iyo dalkooda.

Tartamayaasha Degmada Kaxda Oo Xalay U Soo Gudubtay Wareegga 3-aad Ee Tartanka

0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii sagaalaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 22-aad oo ah wareegga labaad kulankiisa todobaad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Kaxda Vs Xudur oo ka kala tirsan Gobollada Benaadir iyo Bakool, waxaana barnaamijka sanadkii todobaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Kaxda Vs Xudur ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac intii uu tartanka socday.

Kaxda

Tartameyaasha Degmada Kaxda ee gobolka Benaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal oo kaliya, waxaana ay iska qaldeen Saddex su’aal, Waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareermartay Xudur, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Kaxda ay heleen waxay noqotay labo iyo toban (12) dhibcood.

Xudur

Tartamayaasha Degmada Xudur ee Gobolka Bakool waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, iyagoo iska qalday Saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Kaxda, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Xudur waxay noqotay toban (10) dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Kaxda ee Gobolka Benaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga saddexaad ee tartanka.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka ugu dambeysa ee wareegga 2aad ee tartanka, isla markaana ah habeenka Labo iyo labaatanaad ee tartanka, waxaa foodda is dari doona degmooyinka Warta Nabadda Vs Xamarweyne oo ka wada tirsan Gobolka Benaadir.

Webiga Shabeelle Oo Ku Fatahay Tuulooyin Ka Tirsan Degmada Jalalaqsi

0

Wararka ka imaanaya degmada Jalalaqsi, ee Gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in tuulooyin badan oo hoos yimaada uu ku fatahay Webiga Shabeelle.

Maamulka deegaanka iyo dadka ayaa bilaabay in ay iska moosaan ama ay xiraan meelaha biyaha ka soo butaacayaan.

Wariyaha warbaahinta Qaranka, Zakariye Cali Raage, ayaa soo sheegaya in arrinta ugu daran ee hadda ka taagan deegaanka ah tahay in ay dunto buundo muhiim ah oo deegaanka isku xirta.

Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi, Maxamed Nuur Caga-joof ayaa Hirshabeele iyo dowladda dhexe ka codsaday in gurmad lala soo gaaro dadka uu saameeyay fatahaadda webiga Shabeelle.

Ciidamada-Ammaanka- Ee Puntland-Oo-Gacanta-Ku-Dhigay-Qaraxyo-Ay-Maleegayeen Daacish-sawirro

0

Howlgal gaar ah oo ay ciidamada difaaca Puntland ee loo yaqaano PSF galabta ka sameeyeen gudaha magaalada Boosaaso ayaa waxay ku soo qabteen qaraxyo kala duwan oo ay kooxda Daacish ku diyaariyeen guryo ku yaal magaalada Boosaaso si ay ugu dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaaladaas..

Qaraxyadan ay ciidamada difaaca Puntland fashiliyeen ayaa ka koobnaa qaraxyada dhulka la geliyo iyo suumanka qaraxa ee ay naftood-haligyaashu isku qarxiyaan.

Hawlgalkan ay ciidamada PSF galabta fuliyeen ayaa daba-socday hawlgalkii sagaalkii bishan ay ciidanku ka sameeyeen Boosaso oo lagu diley xubin muhiim ah oo ka tirsanaa Daacish, sidoo kalena lagu soo qabtay madaxii Amniyaatka Daacish ee gobolka Bari iyo 2 gaari oo qaraxyo lagu soo xiray.

Ciidamada ciidamada difaaca Puntland waxaa kale oo ay hawlgalkan galabta ku soo qabteen 3 maxbuus oo ah kooxihii abaabulayay falkan.

 

 

Xaaladaha Cusub Ee COVID-19-ka Ee La Diiwaangeliyay 24-kii Saac Ee Ugu Dambeeyay “SAWIRRO”

0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in la diiwaan geliyay 65 xaaladood oo COVID-19 ah, 5 qofood oo xanuunka ka boqsootay iyo hal bukaan oo u geeriyooday.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Koonfur Galbeed 24, Somaliland 14, Puntiland 13, gobalka Banaadir 13 iyo Jubaland hal bukaan.

Bukaannada cusub 41 ayaa rag ah 24-na waa haween. 1,284 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay, Geeridu waxay mareysaa 53, waxaana guud ahaan ka bogsooday 135 ruux.

Wasiirka Caafimaadka ayaa ku baaqday in wadajir looga qayb qaato dadaallada lagu xakameynayo faafitaanka Feyruska Karoona, in dadka waaweyn iyo dadka xaruunnada daaha qaba si gaar ah xaaladdooda looga taxaddaro iyo in wacyi gelinta iyo talooyinka caafimaad si saxan loogu dhaqmo.

Dowladda Soomaaliya Oo Hay’adda Fao Kala Wareegtay Diyaarado Lagula Dagaalamo Ayaxa+Sawirro

0

Masuuliyiinta wasaaradda beeraha iyo Waraabka Soomaaliya ayaa juhdi badan ku bixiyey sidii Soddon sano kadib ay Soomaaliya u heli laheyd diyaaradahaan loogu talo galay in lagu buufiyo Ayaxa si loo soo afjaro dhibaatada uu ku haya beeraleyda Soomaaliyeed, iyadoo ay xusid mudantahay inuu xilliyadii dambe baabi,iyey dalagyo badan.

Xaflad kooban oo ka dhacday garoonka diyaaradaha, islamarkaana ciwaan looga dhigay Daahfurka ololaha buufinta hawada ee Ayaxa waxaa ka qeyb-galay wasiiro, xildhibaano ka tirsan golaha shacabka, masuuliyiin ka socday xafiiska Ra,iisul wasaaraha iyo xubno ka socday hay’adda beeraha u qaabilsan qaramada midoobay ee FAO.

Wasiirka beeraha iyo waraabka Soomaaliya mudane Saciid Xuseen Ciid Ayaa sheegay in ayaxa uu busiibo ku noqday beeraleyda, isla-markaana diyaaradahan oo  xambarsan Kiimiko dabiici ah oo an wax dhibaato ah u geysan doonin aadanaha iyo xoolaha ay ugu talogaleyn inay kusoo afjaraan dhibaatada  Ayaxa.

“Diyaaradahaan iyo daawada ay wadaan wax dhibaato uam geysanayaan dadka iyo duunyada sida xoolaha waana guul usoo hoyatay qaranka Soomaaliyeed oo ka maqneed muddo kabadan 30 sano”sidaas waxaa yiri wasiirka beeraha Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid.

Wasiirka Gaadiidka Iyo Duulista Hawada  Maxamed Cabdullaahi Salaad Omaar ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin inay qeyb ka noqdaan dadaalada ay wasaaradda beeraha kula dagaalameyso  ayaxa oo dhibaato weyn u geystay beeraleysa Soomaaliyeed.

“Waan bogaadineynaa shaqada ay heyso wasaaradda beeraha hase ahaatee qeyb-teyna isticmaalka gadiidka hawada waan kala shaqeyneynaa si dalka looga saaro dhibaatada uu ku haayo ayaxa kaasi oo waxyeelo ugeystay dalagyo farabadan oo xoog iyo maalba ka galay beeraleyda Soomaaliya “ayuu yiri wasiir oomaar.

Xildhibaan Sakariye Xaaji Cabdi oo ka mid ah  guddiga beeraha ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa tilmaamay in talaabadaan ay qaaday wasaarada beeraha ay guul weyn u tahay beeraleyda Soomaaliyeed oo dhibaato xoogan kala kulmay Ayaxa oo la sheegay inuu yahay kii ugu xumaa oo ay wajahdo muddo 30 sano ah kadib.

“Waa guul weyn oo usoo hoyatay qaranka Soomaaliyeed maxaa yeelay hadiiba qalabkaan la keenay waxa uu waxbadan ka qaban karaa saameynta iyo dhibaatada uu abuuray ayaxa waayo waxa uu waxyeelo u geystay wax soo saaraka dalka anagoo awal hore aheyn dal aan awood badan laheyn” ayuu ku daray xildhibaan Sakariye xaaji Cabdi.

Madaxweyne Saciid Deni Oo Magacaabay Taliyaha Iyo Taliye Ku-Xigeenka Ciidanka Madaxtooyada

0

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 42 ee May 14, 2020 ku magacaabay Taliyaha iyo Taliye ku-xigeenka Ciidamada Madaxtooyada ee Puntland.

Madaxweynaha Puntland.

Markuu arkay : Dastuurka Dowlad Gpboleedka Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu arkay:  Dadaalkooda iyo Kartidooda Ciidanimo oo ay muujiyeen.

Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in isbedel lagu sameeyo Taliska Ciidanka.

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa Gaashaanle Sare Cusmaan Cumar Maxamed loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada.

Waxaa Gaashaanle Sare Cabdirisaaq Axmed Cali loo magacaabay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Madaxtooyada

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa Markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

R/Wasaare Kheyre Oo Guddoomiyay Shir Looga Hadlayay Saameynta Coronavirus Uu Ku Yeeshay Waxbarashada

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xalay guddoomiyay shirka Guddiga Qaran ee xakameynta COVID-19.

Shirkaan oo ay kasoo qeyb galeen xubnaha guddiga ayaa waxaa looga hadlay saameynta karoona fayris uu ku yeeshay waxbarashada dalka.

Cudurka karoona fayris ayaa saameyn xooggan ku yeeshay waxbarashada dalka,iyadoo la xiray dhammaan goobaha waxbarashada inkastoo Jaamacaduhu ay daruusta ku bixiyaan qaab online ah.

Wasaaradda C/fimaadka Hirshabeelle Oo Ka Warbixisay Xaaladihii Ugu Dambeeyay Ee Covid-19

0

Wasiirka Wasaaradda Caafmaadka Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle mudane Cabdi Macalin Maxamed  oo  shir jaraa’id ku qabtay magaalada Jowhar ee caasimadda maamulkaasi ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeey ee cudurka Covid 19 ee laga diiwaan geliyay deegaanada Hirshabeelle waxaa uuna sheegay in guud ahaan Hirshabeelle laga helay 6ruux tan iyo markii cudurku uu soo gaaray dalka.

Wasiirka Caafimaadka  ayaa Bulshada ku nool  Hirshabeelle ugu baaqay in ay qaataan talooyinka wasaaradda Caafmaadka Dowlada Soomaaliya iyo tan Hirshabeelle si looga hortago faafida Cudurkan dunida dhibaatada ba’an ku haya ee Coronavirus.

Dhanka kale Wasiirka caafimaadka Cabdi Macalin Maxamed ayaa  sheegay inay diyaariyeen goobo dadka lagu karantiilo  oo qofka isaga shakiya ama uu ku dhaco Covid19 uu tagi karo si baaris loogu sameeyo.

Masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa kamid ahaa dadkii u dhintay xanuunka Karoona fayris.

Guddiga Qaran Ee Ka Hortagga Cudurka Dilaaga Ah Oo Agab Xakameynta  Ku Wareejiyay Taliska Ciidanka Asluubta.

0

Agabkaan maanta ay ku wareejiyeen Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed  guddiga qaran ee wacyigelinta ka hortagga xanuunka Covid-19 ayaa waxaa uu isugu jiray maaskarooyinka  afka iyo sanka lagu xirto iyo kuwa kale oo loogu talagalay in dadka lagu gaarsiiyo farriimaha ku saabsan halista uu leeyahay cudurka karoona fayris.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Guddiga qaran ee wacyigelinta Xanuunka COVID-19 ayaa sheegay in qalabkaan ay ugu talagaleen in looga hortago xanuunka,waxaana Taliska Ciidanka Asluubta uu kula taliyay in ay sameeyaan taxadar dheeraad ah.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in agabkaan ay guddigu ugu talagaleen in ay kaga jawaabaan baahiyaha Ciidanka Asluubta,isagoo u rejeeyay Taliska in ay ku dadaalaan sidii loo ilaali lahaa badqabka maxaabiista.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed  ayaa tilmaamay in qalabkaan uu kaalin weyn ka qaadanayo ilaalinta xaaladda caafimaad ee maxaabiista,isagoo uga mahadceliyay agabkaan ay gaarsiiyeen guddiga Qaran ee Ka hortagga xanuunka.

Talaabadaan ayaa  qeyb ka ah qorshaha Dowladda Soomaaliya ay ku xakameyneyso xanuunka Coronavirus,iyadoo guddiga Qaran ee ka hortagga xanuunka Coronavirus qalab kan la mid ah ka qeybiyeen goobo kale oo muhiim ah, si loo ilaaliyo badqabka Caafimaad ee bulshada Soomaaliyeed.