Home Blog Page 9

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo Baydhabo ka daah-furay doorashooyinka isku sidkan ee Koonfur Galbeed

0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, oo ay wehliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka iyo Xoghayaha Guud ee Guddiga, ayaa magaalada Baydhabo si rasmi ah uga daah-furay goobaha codbixinta doorashooyinka isku sidkan ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddoomiyaha iyo mas’uuliyiinta la socday ayaa kormeer ku tegay qaar ka mid ah goobaha codbixinta, halkaas oo shacabka magaalada Baydhabo ay si nabad ah uga dhiibanayeen codadkooda.

Kumannaan qof oo ka tirsan shacabka ku nool deegaannada Koonfur Galbeed ayaa saakay u dareeray goobaha codbixinta doorashada wakiillada iyo golayaasha degaanka. Doorashooyinkan ayaa ka socda 13 degmo oo ka kala tirsan gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Doorashada ayaa qayb ka ah dadaallada lagu hirgelinayo nidaamka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah ee dalka.

 

Shacabka Koonfur Galbeed oo saakay u dareeray doorashooyinka qof iyo codka ah

0

Degaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed waxaa si rasmi ah saakay uga bilowday doorashooyinka isku sidkan ee Golaha Wakiillada iyo Golaha Deegaanka.

Dadweynaha ku nool Koonfur Galbeed ayaa saakay si weyn ugu dareeray goobaha codbixinta ee loo asteeyay doorashada oo ka dhaceyso 13- degmo oo ka kala tirsan gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Baydhabo ayaa ku dhawaaqey in si rasmi ah ay u bilowdeen doorashooyinkii isku sidkanaa ee Koonfur Galbeed.

Golaha Wakiillada

15 Urur Siyaasadeed

394 Musharrax, 322 Rag ah, 72 Dumar ah

Golaha Deegaanka:

18 Urur Siyaasadeed

13 Degmo

1,297 Musharrax

1,022 Rag ah

275 Dumar ah

Cumar Abubakar Cumar (Cadaani), oo xubin ka ah Guddiga Doorashooyinka Qaranka, ayaa sheegay in dhammaan goobihii loo asteeyay codeynta ee degmada Afgooye ay si habsami leh uga socoto doorashadu.

Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada degmada Buurhakaba Cabdi Maxamed Xaaji oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa yiri:- “Doorashadu waxay u socotaa si caddaalad ah, bulshada codkooda dhiibanayane amaankooda si wamaagsan ayaa loo sugay.”

Guddoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin Axmed ayaa warbaahinta Qaranka la hadlay isaga oo ku jira safka codbixiyaasha ayaa dhankiisa sheegay si habsami leh ay u socoto codeynta shacabka degmada xudur.

Wariyeyaasha Warbaahinta Qaranka ee ku sugan dhammaan degaannada ay doorashadu ka socoto ayaa soo sheegaya in si habsami leh uga bilaabatay goobaha qaar doorashada isku sidkan ee Wakiillada iyo Golaha Deegaanka,shacabkana ay u dareeren sidii ay codkooda u dhiiban la hayeen.

Shacabka reer Koonfur Galbeed ayaa maanta qoraya taariikh cusub, iyadoo muddo ka badan 57 sano kadib markii ugu horreysay ay si toos ah uga qeybgalayaan doorasho qof iyo cod ah, si ay u doortaan hoggaanka ay doonayaan.

Diyaar garowga doorashooyinka qof iyo cod ee gobolka Bakool

0

Shacabka deegaannada Koonfur Galbeed ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta loo asteeyay, si ay uga qayb galaan doorashada golayaasha deegaanka iyo tan wakiillada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

HORDHACA U DIYAAR GAROWGA DOORASHADA QOF IYO COD EE DEGMADA WAAJID EE GOBOLKA BALOOL;

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo wargelin iyo digniin amni soo saaray

0

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Booliiska Gobolka Banaadir ayaa wargelin iyo digniin amni ka soo saaray bannaan baxa ka dhacaya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, qoraal Taliska Booliiska ka soo baxay ayaa u dhignaa sidan;-

“WARGELIN & DIGINIIN AMNI

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Booliiska Gobolka Banaadir, waxay bulshada ku nool Caasimadda Muqdisho ku wargelinayaan in maalinta berri ah aan la oggolaan doonin bannaanbaxyo hubeysan, falal rabshado wata, iyo isu-soo-bax kasta oo khatar gelin kara amniga iyo xasilloonida Caasimadda.

Hay’adaha Ammaanka waxay caddeynayaan in kaliya la oggol yahay isu-soo-bax nabadeed oo waafaqsan sharciga dalka iyo nidaamyada amniga, kaas oo loo asteeyay inuu ka qabsoomo EGN Yariisoow, Sidoo kale, lama oggola in lagu dhex qaato hub, abaabul rabshado, ama falal qalqal gelin kara shacabka.

Shacabka waxaa lagu adkeynayaa inay ka fogaadaan kooxaha iyo shaqsiyaadka ku howlan hurinta rabshadaha iyo falalka lidka ku ah amniga guud.

Ciidanka Ammaanka waxay tallaabo adag ka qaadi doonaan cid kasta oo lagu helo falal sharci-darro ah ama ku lug lahaanshaha

Ugu dambeyn, shacabka Soomaaliyeed waxaa loogu baaqayaa inay la shaqeeyaan Hay’adaha Ammaanka si loo ilaaliyo nabadda, deganaanshaha, iyo Xasiloonida Caasimadda Muqdisho.”

Guddiga Doorashooyinka oo soo saaray go’aanno ku aaddan sida ay u dhaceyso doorashada KGS

0

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa soo saaray go’aanno ku aaddan sida ay u dhaceyso doorashada la filayo in ay ka dhacdo degaannada Koonfur Galbeed ee qof iyo codka ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Danjiraha Dawladda Qatar u qaabilsan Soomaaliya

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dawladda Qatar u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Dr. Abdullah bin Salem Al-Nuaimi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Safiirka la-wadaagay dadaallada dowladda Soomaaliya ee dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dib-u-dhiska dalka iyo qorshaha Xukuumadda DanQaran ee ku aaddan hirgalinta doorashooyin dadweyne oo ka qabsoonta dalka.

Mudane Xamsa, ayaa uga mahadceliyey dawladda iyo shacabka Qatar taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, gaar ahaan kaabayaasha horumarineed iyo garab istaagga midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo bogaadiyey doorka ay ka qaadato dawladda Qatar, amniga iyo gargaarka bini’aadantinimo.

Danjire Abdullah bin Salem, ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, qaabilaaddiisa, isaga oo xusay in dowladda Qatar ay garab taagantahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya midnimadeeda iyo wadajirkeeda iyo xoojinta iskaashiga buuxa ee ka dhexeeya labada dal.

Cabdi Mursal: “Waxaan ahay 70 jir, doorashada dadweynaha waxay ii horseedday rajo iyo mustaqbal ifaya”

0

Degaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa berri oo ay taariikhdu ku beegan tahay 10-ka May lagu wadaa inay ka qabsoonto doorashooyinka isku sidkan ee goleyaasha deegaanka iyo wakiillada. Doorashooyinkan ayaa ka dhici doona 13 degmo oo ka kala tirsan gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka ayaa ku sugan goobaha doorashada, iyagoo si toos ah u soo tabin doona habsami u socodka doorashooyinka inta ay socdaan.

Shacabka ku nool deegaannada Koonfur Galbeed ayaa si weyn u soo dhaweeyay doorashadan, iyagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo horseedi karta horumar, matalaad iyo mustaqbal wanaagsan.

Cabdi Mursal oo ah odey 70 jir ah ayaa sheegay in doorashada dadweynuhu ay rajo cusub gelisay bulshada, isagoo yiri: “Waxaan ahay 70 jir, doorashada dadweynaha waxay ii horseedday rajo iyo mustaqbal ifaya.”

Sidoo kale, Hooyo Wacan oo kamid ah dadka isu diyaariyay codbixinta ayaa muujisay farxaddeeda, iyadoo tiri: “Berri haddii Alle idmo, kaarkan aan sito ayaan ku codayn doonaa anigoo xambaarsan cunugayga.”

𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐎𝐁𝐎𝐋𝐊𝐀 𝐁𝐀𝐍𝐀𝐀𝐃𝐈𝐑 𝐎𝐎 𝐒𝐇𝐈𝐑-𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐄𝐘 𝐊𝐔𝐋𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐀𝐌𝐍𝐈𝐆𝐀 𝐂𝐀𝐀𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃𝐃𝐀

0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa caawa shir-guddoomiyey kulanka amniga caasimadda oo diiradda lagu saaray dardargelinta hawlaha lagu xaqiijinayo amniga caasimadda, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo maamullada degmooyinka, ka hortagga falalka amni-darrada iyo burcadda abaabulan ee dhibaateeya xasilloonida shacabka.

Kulanka ayaa sidoo kale loogu hadlay adkeynta iyo hogaansamidda amarkii kasoo baxay Duqa Magaalada Muqdisho ee ahaa in la hakiyay dhammaan hawlaha fulinta, baneynta iyo jid-u-furista dhulka ee ka socday Magaalada Muqdisho, iyadoona shirka lagu adkeeyay sii joogteynta qorshayaasha wadajirka ah ee lagu xaqiijinayo amniga iyo difaaca shacabka ku nool caasimadda iyo deegaannada ku xeeran, si loo ilaaliyo koboca iyo horumarka Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa hoosta ka xarriiqay in sugidda amniga iyo xasilloonida Muqdisho ay laf-dhabar u tahay horumarka caasimadda iyo guud ahaan dalka, isaga oo faray mas’uuliyiinta iyo hay’adaha amniga in la sii laba-laabo dadaallada lagu ilaalinayo nabadda iyo badqabka bulshada.

Shirka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Md. Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) Taliyaha qeybta Guud ee Booliska G/Banaadir G/sare Mahdi Cumar Muumin, Taliyaha Nabadsugidda G/Banaadir Korneel Liibaan Cabdiraxmaan Aadan, Taliyaha Ciidanka Booliisiya Milataariya Korneel Aadan Jeelle Faarax, guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo taliyeyaasha saldhigyada Booliska iyo Nabad-sugidda degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo tababar u soo xiray howl-wadeennada ka shaqeyn doona doorashada K/Galbeed

0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, oo uu wehlinayay Xoghayaha Guud ee Guddiga, Mudane Xuseen Nuunow Cali, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo xirayay tababar isla markaana lagu dhaarinayay howl-wadeennada ka shaqeyn doona doorashooyinka ka dhacaya magaalada Baydhabo ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed.

Howl-wadeennadan ayaa loo diyaariyay inay ka qeyb qaataan maamulka iyo habsami u socodka doorashooyinka la qorsheeyay inay ka dhacaan deegaannada Koonfur Galbeed maalinta Axadda ah.

Sidoo kale, berri ayaa lagu wadaa in guud ahaan deegaannada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed ay ka qabsoomaan doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo wakiillada, si shacabka ay codkooda ugu soo doortaan hoggaanka matalaya.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY DALKA JABUUTI.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaasi oo uu kaga qayb galayo munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee dalkaasi Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Jabuuti si diiran ugu soo dhoweeyay Ra’iisulwasaaraha dalkaasi, Mudane C/qaadir Kaamil Maxamed iyo mas’uuliyiin kale, kuwaasi oo muujiyay xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mid ah madaxda dowladaha geeska Afrika iyo mas’uuliyiin kale oo lagu casuumay ka qaybgalka munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Jabuuti, waxaana muddada uu dalkaasi joogo kulamo la yeelandoonaa Madaxda sare ee dalka Jabuuti iyo mas’uuliyiin kale.