Home Blog Page 9

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Degmada Hodan ka Daahfuray Qaybinta Kaarar-ka Codbixiyeyaasha

0

Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta degmada Hodan ka daahfuray qaybinta kaarar-ka codbixiyeyaasha doorashooyinka.

Guddoomiyaha Guddiga Hoosaadka Howlgallada Doorashooyinka Qaranka, Maxamed Amiin Xasan, ayaa sheegay in guddigu maanta degmada Hodan si rasmi ah uga bilaabay qaybinta kaararka, isla markaana shacabka is-diiwaangeliyay ay halkaas ka qaadan karaan kaarka codbixiyeyaasha doorashooyinka.

“Waxaan ugu baaqayaa bulshada iyo guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay u soo baxaan qaadashada kaarka codbixinta, si ay ugu codeeyaan doorashooyinka soo socda,Waxaana maanta degmada Hodan ka daahfurnay qaybinta kaarar-ka codbixiyeyaasha doorashooyinka,” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Hoosaadka Howlgallada Doorashooyinka Qaranka,

“Dadweynow, u soo baxa oo qaata kaarkiinna codbixinta, waxaana diyaar u nahay adeegyadiinna degmada Hodan” ayuu yiri Cabdikariin Cali, oo ka mid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee maanta degmada Hodan ka qaatay kaarka codbixiyeyaasha.

Guddiga Doorashooyinka ayaa horey sidan oo kale uga daahfuray qaybinta kaararka toddobo degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir, iyadoo sida guddigu sheegay ay shacabka caasimaddu 25-ka bisha dambe u dareeri doonaan doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir.

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud oo dil toogasho ah ku ridday Rag ku eedeysan in ay dileen Hooyo & Carruurteed

0

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa xukun dil toogasho ah ku riday Cabdi Cusmaan Cabdullaahi iyo Gallad Axmed Xuseen, sidoo kale Ayuub Maxamed Cabdi ayey maxkamaddu ku riday xukun shan sano oo xabsi ah.

Ragga ay manta xukuntay Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa lagu helay inay ka dambeeyeen dilka hooyo iyo sedax gabdhood oo ay dhashay, falkaas oo ka dhacay deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud.

Go’aankan ayaa yimid kaddib dhagaysi ay maxkamaddu u samaysay doodda qareennada difaaca, caddeymaha xeer ilaalinta iyo marqaatiyaal la hor keenay.

Maxkamaddu wax ayaa sheegtay in xukunkan uu yahay mid caddaalad u horseedaya qoyska dhibbanayaasha iyo bulshada Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Halkan waxaan u nimid iskaashi”

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad ka jeediyay kulanka xiritaanka ee Madasha Caalamiga ah ee MEDays ee Boqortooyada Morooko, ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda ay leedahay isku xirnaanta iyo iskaashiga dalalka ku yaalla Daanta Koonfureed ee Dunida (Global South).

Ra’iisul Wasaaraha oo khudbaddiisa ku muujiyay marxaladda cusub ee ay Soomaaliya gashay, ayaa xusay in dalku qoreyso bog cusub oo taariikheed, isla markaana uu dib u hantay sumcaddii iyo mansabkii uu caalamka ku lahaa. Wuxuu carabka ku adkeeyay in Soomaaliya maanta tahay dal xasilloon oo amnigiisa iyo siyaasaddiisa la isku halayn karo, isla markaana uu ka socdo dib-u-qaabeyn iyo dib-u-dhis miro dhal leh, taasoo u diyaarinaysa in ay kaalin muuqata ka qaadato degganaanshaha guud ee gobolka iyo adduunkaba.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sii hadlayay ayaa yiri:

“Halkan uma aanan imaan annaga oo raadinayna samafal, ee waxaan u nimid annaga oo doonayna iskaashi, diyaar u ahna in aan aragtiyo biirinno, wax-is-weydaarsi sameyno, isla markaana aan ka qeybqaadanno xal u helidda caqabadaha jira.”

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in Afrika aysan sii ahaan karin daawade kaliya oo arrimaha adduunka dib uga daawata, balse ay tahay inay noqoto dalad firfircoon oo kaalin muuqata ku leh dejinta qorshayaasha mustaqbalka.

Shirka Madasha MEDays, oo socday muddo afar maalmood ah, ayaa xirmay iyadoo Soomaaliya sanadkan ka qaadatay kaalin hoggaamineed, laguna soo gabagabeeyay xiriirro iyo iskaashi ballaaran oo waxtar u leh danaha dhow iyo kuwa fog ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Kalluumeysiga oo Daahfuray Nidaamka Maareynta Macluumaadka Kalluumaysiga (FIMS)

0

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga daahfuray Nidaamka Maareynta Macluumaadka Kalluumaysiga (FIMS).

Mashruuca cusub ee FIMS, oo lagu ururinayo una lagu maareynayo xogta kalluumaysiga, ayaa noqonaya tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo maamulka iyo habeynta xogta waaxda kalluumaysiga, taas oo suuragelinaysa in la helo tirokoob sax ah oo nidaamsan.

Nidaamkani wuxuu gacan ka geysan doonaa dejinta go’aanno ku dhisan caddayn, iyo horumarinta siyaasado ku saleysan cilmi-baaris, si loo hormariyo waaxda kalluumaysiga ee dalka.

Bandhiga dhaqanka iyo Farshaxanka Soomaaliyeed oo ka furmay Nairobi

0

Waxa maanta si rasmi ah uga furmay Magaalada Nairobi Bandhigga Dhaqanka iyo Farshaxanka Soomaaliyeed 2025 kaas oo ka socon doona Mall-ka Two Rivers Mall.

Bandhigaan ayaa socon doona mudo saddex maalmood ah, waxaana lagu soo bandhigayaa muusiga, suugaanta, cuntada, farshaxanka, hal-abuurka iyo carwooyinka ka tarjumaya hodantinimada dhaqanka iyo dhaxalka dadka Soomaalida.

Bandhigga ayaa sidoo kale lagu iftiimin doonaa aqoonsigeenna dhaqameed, isla markaana lagu xoojinayo wada-noolaanshaha, isku-duubnida, iyo ixtiraamka wadajirka ah ee ka dhaxeeya dadka ku nool Kenya.

Inta uu socdo bandhigaan, habeen kasta waxa uu lagu soo bandhigaya riwaayado iyo dabbaal-dega dabridka “fireworks”.

Dadka Soomaalida ayaa ah dad guulo badan ka gaaray ganacsiga, magacna u soo hooyay dadka Soomaalida, hadana waxa jira dad dareen xun ka faafinaya dadka Soomaaliyeed.

Bandhigaan waxa uu wacyi kordhin u sameeynayaa dadka Keenyaanka ah isla markaana waxa uu sare u qaadayaa hamiga dadka Soomaalida, gaar ahaan Jiilka soo koraya.

Wasiir Cadaay oo kormeeray dugsiyada degmada Matabaan

0

Wasiir dowlaha Arrimaha Gudaha iyo dowladaha hoose ee Hirshabeelle, Dr. Xasan Cadaay, ayaa kormeer shaqo ku sameeyay qaar ka mid ah dugsiyada degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Wasiirku wuxuu booqday saddex dugsi oo muhiim ah: Al-Ma’muun, Al-Furqaan iyo Ugaas Nuur, isagoo warbixin ku saabsan xaaladooda iyo adeegyada waxbarasho ka dhageystay maamulka degmada iyo mas’uuliyiinta waxbarashada.

Intii uu kormeerku socday, Wasiirka waxaa wehelinayay Wasiiru-dowlaha Warfaafinta Hirshabeelle iyo mas’uuliyiin kale.

Sidoo kale, Wasiir Cadaay ayaa ka qayb galay munaasabadda xil-wareejinta guddoomiyaha cusub ee degmada Matabaan, Maxamed Maxamuud Maxamed (Dhoobooy).

Ifraax Axmed oo Gudoontay Shahaadda PHD

0

Ifraax Axmed oo ah gabadh Soomaaliyedd kana shaqaysa arrimaha bulshadda ayaa Jaamacadda dalka Ireland ee Trinity guddoonsiisay Shahaado sharafeeda sare ee PHD-da Sharciga.

Ifraax ayaa mudo dheer u ololaybaysa u doodisa xuquuqda Haweenka Soomaaliyeed iyo joojinta gudniinka Fircooniga ah.

Munaasabadda shahaadada sharafeed, oo shalay (28 Nofeembar 2025) lagu qabtay Jaamacadda Trinity, ayaa lagu guddoonsiiyay afar shaqsi oo caan ah, iyadoo Ifraax Axmed ay ka mid tahay dadka ugu muhiimsanaa ee la sharfay, maadaama ay door weyn ka qaadatay ololeyaasha looga hortagayo gudniinka tan iyo imaatinkeedii Ireland sanadkii 2006. Waxay sidoo kale kaalin muuqata ku lahayd ansixintii sharciyadii Ireland ku mamnuucay gudniinka sanadkii 2012.

Ifraax Axmed ayaa ahayd haweeneydii ugu horreysay ee si fagaare ah dunida ugu sheegta khibraddeeda gudniinka, taas oo ay ka hadashay shir Qaramada Midoobay ee sanadkii 2010. Waxay aasaastay “Ifrah Foundation,” oo ka hirgelisa Soomaaliya barnaamijyo lagu wajahayo rabshadaha ku saleysan jinsiga iyo wacyigelinta bulshada.

Sanadkii 2021, waxay bilowday ololaha “Gabadheyda Qaaliga ah” oo ay la kaashatay UNFPA, kaas oo ilaa hadda helay in ka badan 100,000 ballanqaad oo waalidiin ku caddeeyeen inay gabdhahooda ka difaacayaan gudniinka fircooniga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo heshiis kula saxiixday Rabat dhiggiisa Marooko

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kula kulmay magaada Rabat, Mudane Nasser Bourita, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Iskaashiga Afrika iyo Qurbajoogta dalka Morooko iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya labada dal iyo qoto-dheereyntiisa.

Intii lagu guda jiray kulanka, labada wasiir ayaa saxiixay tubta iskaashiga oo taabagal noqon doonta inta u dhexeysa sanadaha 2026–2028. Tubtani waxa ay diiradda saari doontaa ballaarinta iskaashiga qaybaha muhiimka ah, oo ay ka mid yihiin beeraha, biyaha, waraabka, kalluumeysiga badda, dalxiiska, tamarta la cusboonaysiiyo, waxbarashada, tababbarka xirfadaha, tacliinta sare, caafimaadka, ammaanka, maalgashiga dhaqaalaha, isbeddelka cimilada, ciyaaraha, iyo dhaqanka.

Heshiisku wuxuu kordhinayaa tirada deeqaha waxbarasho ee sanadlaha ah ee la siiyo ardayda Soomaaliyeed oo la gaarsiiyay ilaa 120. Deeqahani ayaa waxa ay dabooli doonaan waxbarashada heerarka kala duwan ee jaamacadeed.

Labada Wasiir ayaa sidoo kale saxiixay heshiis u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Marooko oo ku saabsan in labada dowladdood ay ka dhaafaan baasaboorka diblomaasiga shuruudaha dal-ku-galka, si loo fududeeyo socdaalka diblomaasiyiinta iyo booqashooyinka rasmiga ah.

Labada dhinac ayaa waxa ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay isku-duwidda iyo latashiyada siyaasadeed ee arrimaha fagaarayaasha heer gobol iyo heer caalami , iyada oo la isla qaatay in wadashaqayntani ay ka caawinayso in la mideeyo aragtiyada ku saabsan arrimaha labada dal ay wadaagaan, iyadoo la dhowrayo mabda’a nabadda, madax-bannaanida, iyo midnimada dhuleed.

Labada wasiir ayaa waxa ay carabaabeen taageeriddooda madax-bannaanida iyo qarannimada labada dal, iyagoo bogaadiyay go’aanka ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2797.

Bayaanka Shirweynaha 3aad ee Culimada Soomaaliyeed

0

Bayaanka Shirweynaha 3aad ee Culimada Soomaaliyeed

3 – 6 Jamaadul aakhir 1447 24 – 27 Nov, 2025

Muqdisho – Soomaaliya

Shirweynaha 3aad ee Culimada Soomaaliyeed oo ay Wasaaraddda Awqaafra iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya si joogto ah u qabato sanand kastauuna taageebliyi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa ka soo qeyb galay Culimaa’udiin iyo aqoonyahano Soomaaliyeed oo ka kala yimid gudaha dalka iyo dibaddiisa.

Shirweynaha waxaa lagu soo bandhigay cilmi baarisyo kala duwan oo lagu falanqeeyey cinwaanka guud ee shirika oo ahaa (Wadajirka Bulshada iyo Xasiloonideeda.. Tiirarka iyo Caqabadaha) isla markaana hal ku-dheggiisu ahaa qowlka Eebbe Subxaanahu Watacaalaa:

(لَا تَفَرَّقُوا فَتَفْشَلُوا وَتَذْهَبَ رِيحُكُمْ)

Shirku wuxuu xooga saaray sidii loo xoojin lahaa isku duubnaanta bulshada Soomaaliyeed iyo adkaynta xasilloonida dalka, iyadoo laga dooday arrimo la xiriira: ilaalinta qiyamka Islaamka, mideynta bulshada, dib u heshiisiinta iyo xalinta khilaafaadka, xoojinta dowlad-wanaagga iyo hay’adaha dowlada, ka hortagga xagjirnimada iyo xoojinta bedqabka fikirka suubban ee bulshada Soomaaliyeed, faridda wanaagga iyo iska reebidda xumaanta.

Gebagebadii Shirweynaha, Culimada Soomaaliyeed waxay soo saareen bayaan ka kooban qodobbada soo socda:

Midnimada iyo Wadajirka Ummadda

In ay lagama maarmaan tahay in Shareecada Islaamka qiyamkeeda iyo fahamkeeda toosan ay noqdaan tiirarka lagu hago nolosha bulshada si looga fogaado fikirradda iyo falalka xagjirnimada.

Shirweynuhu waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay u midoobaan xal u helidda caqabadaha khatarta ku ah midowga siyaasadeed iyo wadajirka bulsheed ee shacabka Soomaaliyeed sida colaadaha sokeeye, qabyaaladda, xagjirnimada, faragelinta shisheeye iwm.

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed waxa uu si aad ah uga xun yahay dagaal beeleedyada soo cusboonaaday meelo ka mid ah dalka iyo falalka argagixiso ee ka dhashay colaadahaasi sida, ku kala argudashada haweenka iyo carruuta, gubidda dad nool ama jarjarista xubnahooda, iyo u soo bandhigista bulshada falalkaas foosha xun, taas oo ah mid ka baxsan diinta islaamka iyo dhaqanka suubban ee ummadda Soomaaliyeed.

Shirweynuhu waxa uu ugu baaqayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya hirgelinta hannaan looga hortago laguna xakameeyo, xal waaraana looga gaaro colaadaha beelaha ee soo noqnoqday iyo xallinta khilaafaadka ka taagan meelo kala duwan oo dalka ka mid ah. Sidoo kale, Culimada waxa ay ku boorrinayaan waxgaradka Soomaaliyeed sida odayaasha dhaqanka, aqoonyahannada, bulshada rayidka iyo dhammaan qaybaha bulshada in ay kaalintooda ka qaataan isku haynta shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah, nabadeynta iyo horumarinta dalka.

Culimada Soomaaliyeed waxa ay ka digayaan ka ganacsiga maandooriyayaasha, sidoo kale waxay si adag ugu digayaan qolyaheeda sida xun u isticmaala baraha bulshada ayaga oo ugu baaqaya dhamaan kooxahaan in ay ka waantooban una towbad keenaan alle, sidoo kale Culimadu waxay ugu baaqayaan Dowlada iyo Maamulka dalka in ay ka hortagaan arrimahaas.

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed waxa uu madaxda iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ugu baaqayaa iyadoo la tixgelinayo duruufaha adag ee uu dalku ku jiro in danta guud ay ka hormariyaan waxa kasta,ayna miiska wada hadalka ku xalliyaan kala aragti duwanaanta dhexooda si uusan cadowga uga faaideysan.

La dagaalanka Khawaarijta

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed waxa uu mar kale ku celinayaa in Khawaarijta Al-Shabaab, Daacish iyo kuwa la midka ah ay ka mid yihiin cadowga iyo caqabadaha ugu waaweyn ee ku hor gudban nabadda, midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed ayna lagama maarmaan tahay in si wadajir loola dagaalamo kooxahaas xagjirka ah.

Shirweynaha Culimadu waxa uu shacabka Soomaaliyeed si gaar ah ugu adkeynayaa in ay waajib tahay inay u midoobaan la dagaalanka Khawaarijta oo banneystay dhiiggooda, sharaftooda iyo xoolahooda.

Culimada waxa ay shacabka Soomaaliyeed u caddeynayaan inay xaaran tahay in xoog, dhaqaale iyo fikirba lagu taageero khawaarijta, waxa ayna kooxaha khawaarijta ugu baaqayaan in ay Alle u towbad keenaanayna joojiyaan daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Xoojinta Dowlad-wanaagga

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed waxa uu ku baaqayaa xoojinta dowlad-wanaagga, tayeynta hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo hufnaantooda, la dagaallanka musuqmaasuqa, horumarinta dhaqaalaha, abuurista fursado shaqo, la dagaallanka saboolnimda iyo tahriibka, maadaama ay yihiin arrimo saamayn ku leh nolosha iyo xasilloonida bulshada.

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed waxa uu si buuxda u taageersan yahay dadaallada Wasaaradda Awqaafra iyo Arrimaha Islaamka ugu jirto taageeridda diiwaanka Zakada iyo horumarinta nidaamka awqaafra.

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed waxa uu ka codsanayaa Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay meelmariyaan xeerarka kala ah: Xeerka Dhismaha Golaha Sare ee Culimada Soomaaliyeed iyo Xeerka Abuurista Diiwaanka Zakada oo ay horay u soo ansixiyeen Golaha Wasiirrada XFS, haatana hor yaalla Baarlamaanka kuwaas oo ka mid ah dadaalada dib loogu dhisayo hay’adaha dowladnimada Soomaaliyeed.

Shirweynuhu waxa uu si buuxda u taageerayaa mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan garab istaagga dowladaha aan walaalaha nahay ee Sudan iyo Falastiin, gaar ahaan difaaca gobannimadooda dhuleed, siyaasadeed, iyo ilaalinta xuquuqdooda sharci ee ay ku leeyihiin nidaamka caalamiga ah.

Culimada Soomaaliyeed iyagoo ka duulaya abaariha iyo roob yarida ka jirta gobollada dalka,waxa ay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaan in Alle (sw) loo laabto, isla markaana la tukado salaada roobdoonka ah, si Eebbe (sw) noogu furo ilaha raxmadiisa. Sidoo kale culimadu waxa ay ugu baaqayaan Shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibadba in ay is taakuleeyaan isuna gurmadaan.

Ugu dambayn, Shirweynuhu waxa uu u mahadcelinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, oo sanad kasta taagebgeliyaga martigelinta Shirweynaha ay Wasaaraddfa Awqaafra iyo Arrimaha Islaamka u qabato Culimada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Waxaan Eebbe ka baryeynaa inuu nabad, midnimo iyo barwaaqo ku galado dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha XFS oo ka qeybgalay Madasha Wasiiradda Beeraha adduunka.

0

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga uga qeyb galay Madasha Wasiirrada Beeraha Adduunka ee sanadkan, kaasi oo hal ku dhiggiisu ahaa “Ka hortagga luminta cuntada iyo biyaha iyo ilaalinta mustaqbalkeenna”.

Wasiirka waxa uu madasha ka jeediyay khudbad ujeedkeedu ahaa in la qaado tallaabo degdeg ah oo caalami ah si wax looga qabto khataraha isa soo taraya ee amni-darrada cuntada iyo biyo yarida.

Wasiirku waxa uu madasha ka sheegay saameynta sii kordhaysa ee isbeddelka cimilada, wuxuuna tilmaamay in Soomaaliya ay durba la tacaalayso abaaro soo noqnoqda, hoos u dhaca wax-soosaarka beeraha, iyo yaraanta biyaha.

Wuxuu ku adkeeyay in yareynta khasaaraha cuntada iyo biyaha ay maanta tahay waajibaad deegaan, dhaqaale, iyo bini’aadannimo, iyadoo ay Soomaaliya ka go’an tahay hirgelinta Qaraarka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay A/RES/74/209, kaas oo ku baaqaya in dunida oo dhan ay xoojiso dadaallada lagu dhimayo khasaaraha cuntada iyo biyaha si loo gaaro horumar waara.