Home Blog Page 10

Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay Danjiraha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Jabuuti

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirkii Hore ee Dowladda Walaalahana nahay ee Jabuuti, Mudane Maxamed Ibraahim Yuusuf, oo ugu yimid booqasho iyo sagootin, taasoo ku aadan dhammaadka muddadiisii shaqo ee uu ka ahaa Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiyay Dalka Soomaaliya.

Wasiirka Cabdisalaam ayaa si weyn u ammaanay doorka iyo dadaalka Safiirka ee ku aaddanaa xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, iyo sidoo kale horumarinta iskaashiga heer gobol.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxay u muujinaysaa mahadcelin buuxda, iyadoo u rajaynaysa Safiirka mustaqbal wanaagsan iyo guulo badan.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta daahfuray barnaamijka maalgelinta Taleefannada casriga ah (smartphones)

0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta daahfuray barnaamijka maalgelinta Taleefannada casriga ah (smartphones) oo lagala kaashanayo Hormuud Telecom, munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho.

Barnaamijkan ayaa fududeynaya helitaanka Talleefanno casri ah oo loo marayo lacag-bixinno yar-yar oo ku saleysan lacagta dhijitaalka ah.  

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa sheegay in barnaamijkan uu sahlayo in adeegyada dowladda si fudud loo gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed, isla markaana uu door weyn ka qaadanayo dadaallada ay dowladdu ku casriyeynayso adeegyada, taas oo qeyb muhiim ah ka ah Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

Sidoo kale, waxaa la tilmaamay in barnaamijkan lagu hiigsanayo in lagu gaarsiiyo 2 milyan oo qof muddo 2 sano gudahood ah, si loo xoojiyo isku-xirka bulshada iyo fursadaha dhaqaale.

 

Wasaaradda arimaha dibadda JFS oo digniin ka soo saartay warar been abuur ah

0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn uga walaacsan tahay faafinta warar aan sal iyo raad toona lahayn iyo eedeymo been abuur ah oo lagu baahiyay qaar ka mid ah warbaahinta iyo baraha bulshada, kuwaas oo sheegaya in la gaaray go’aan lagu eryayo Safiirka Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya.

Wasaaraddu si adag ayay u beeninaysaa sheegashooyinkan, waxayna ugu baaqaysaa dhammaan hay’adaha warbaahinta iyo isticmaalayaasha baraha bulshada inay muujiyaan saxnaan, xirfadnimo, iyo mas’uuliyad, isla markaana ay ku tiirsanaadaan xogaha rasmiga ah marka ay faafinayaan wararka.

Sidoo kale, waxay ka digaysaa faafinta warar khaldan oo lagu wiiqayo xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya dalalka Carabta.

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

0

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa maanta xarunta Wasaaradda Maaliyadda kulan miro-dhal ah kula qaatay wafdi sare oo ka socday Qaramada Midoobay.

Wafdigan ayaa waxaa ka mid ahaa Shoko Noda oo ah Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay isla markaana ah Agaasimaha Qaybta Xasaradaha, iyo Lionel Laurens oo ah Wakiilka Soomaaliya ee Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP).

Intii uu socday kulanka, labada dhinac ayaa ka wada hadlay xaaladda isbeddellada dhaqaale, gaar ahaan saameynta ay ku leeyihiin arrimaha abaaraha, fatahaadaha iyo isbeddelka cimilada oo saameyn ballaaran ku yeeshay dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale, waxaa la falanqeeyay hababka ugu habboon ee lagu xoojin karo adkeysiga dhaqaalaha iyo horumarinta mashaariic waara oo dalka laga hirgeliyo. Wadahadallada ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo hay’adda UNDP, iyadoo la isla gartay muhiimadda ay leedahay dardargelinta barnaamijyada horumarineed iyo taageeridda dadaallada dib-u-soo kabashada iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo diray qalabkii doorashada qof iyo codka ah ee Koonfur Galbeed

0

Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ka diray qalabkii loogu talagalay qabashada doorashooyinka qof iyo cod ee ka dhici doona deegaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa sheegay in 10-ka bishan ay ka bilaaban doonto doorashada goleyaasha deegaanka iyo Golaha Wakiillada 13 degmo oo ka tirsan Koonfur Galbeed.

“Waxaan maanta magaalada Muqdisho ka sagootinay qalabkii loogu talagalay 13 degmo oo lagu qabanayo doorashooyinka isku sidkan ee Koonfur Galbeed.”ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Sidoo kale, Guddoomiyha Guddiga Doorashooyinka ayaa tilmaamay in ku dhawaad 400,000 (afar boqol oo kun) oo qof ay iska diiwaangeliyeen deegaannada Koonfur Galbeed, isla markaana ay diyaar u yihiin inay codkooda ku doortaan hoggaankooda.

 

 

Guddiga Doorashooyinka oo soo saaray liiska goobaha codbixinta doorashada Koonfur Galbeed

0

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha wuxuu halkaan ku wargelinayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool degmooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya goobaha loo asteeyay codbixinta maalinta doorashada ee degmooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulan looga hadlayay horumarinta nidaamka Gaadiidka, Badqabka Waddooyinka oo lagu qabtay Muqdisho

0

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS ayaa soo qaban qaabisay kulan wadatashi ku saabsan badbaadada waddooyinka iyo maareynta saxmada, waxaana lagu qabtay xarunta dhexe ee Wasaaradda ee degmada Shingaani, Kulankan muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray horumarinta nidaamka Gaadiidka, Badqabka Waddooyinka iyo Maareynta Saxmada.

Kulanka waxaa si rasmi ah u daah-furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cumar Cali Afrax, iyadoo ay ka qeybgaleen agaasime waaxeedyada iyo lataliyayaasha Wasaaradda iyo xubno ka kala socday Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Howlaha Guud, Wasaaradda Amniga Gudaha, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Taraafikada, iyo shirkadda Hornvista oo ka shaqeysa arrimaha gaadiidka iyo badbaadada waddooyinka.

Intii uu kulanku socday, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray soo bandhigista wax ka beddelka lagu sameynayo sharciga waddo marista (Traffic Law amendement), si loo helo nidaam casri ah oo la jaanqaadaya baahiyaha maanta jira, Wasaaradda Gaadiidka ayaa soo bandhigtay aragti istaraatiiji ah oo ku dhisan saddex qodob oo muhiim ah:

1. In la helo sharci iyo nidaam cad si dhakhsana dhaqan geliyo,

2. In la xoojiyo isku-duwidda hay’adaha kala duwan ee ku shaqada leh arrimaha badqabka shacabka,

3. In la kordhiyo wacyigelinta bulshada si loo abuuro mas’uuliyad guud oo ku saabsan isticmaalka waddooyinka.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu iftiimiyay xiriirka tooska ah ee u dhexeeya badbaadada waddooyinka iyo horumarka guud wadanka, iyadoo la xusay in yareynta shilalka iyo hagaajinta nidaamka gaadiidka iyo wadooyinka ay door weyn ka ciyaaraan kobaca dhaqaalaha iyo badbaadada bulshada.

Ugu dambeyn, kulankan wadatashiga ah ayaa ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca helida nidaam guud ee badqabka wadooyinka iyo yareynta saxmada, isla markaana waxtar u leh Guud ahaan wadanka.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee QM

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Isku-duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Isku-duwaha Arrimaha Bani’aadannimada ee Soomaaliya, Mudane George Conway.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Warfaafinta iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan dhinacyada warbaahinta, wacyigelinta bulshada, gurmadka bani’aadannimo, iyo doorka warbaahinta ee xaaladaha degdegga ah.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda farriimaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay, si loo hubiyo in bulshada Soomaaliyeed ay helaan xog sax ah, waqtigeeda ku habboon, kana caawisa ka jawaabidda xaaladaha degdegga ah iyo baahiyaha bani’aadannimo.

Wasiirka ayaa adkeeyay in Wasaaradda Warfaafintu ay diyaar u tahay xoojinta wada-shaqeynta, gaar ahaan sidii farriimaha muhiimka ah loo gaarsiin lahaa dadka ku nool miyiga iyo deegaannada fog-fog, si loo kordhiyo xog-helista dadweynaha, loona kobciyo wacyiga bulshooyinka nugul.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu lafa-guray horumarinta awoodda warbaahinta, tababarrada suxufiyiinta ee la xiriira tebinta xaaladaha degdegga ah, iyo muhiimadda ay leedahay isku xirka mashaariicda iyo Barnaamijyada wacyigelinta iyo Warfaafinta ee hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo shaaciyay Jadwalka Doorashooyinka D/Gobolleedyada

0

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ( GMDQS), isagoo gudanaya waajibaadkiis sharci ee ku xusan Qod, 56-aad ee Dastuurka JFS iyo Qod, 10-aad ee sharciga dhisidda ( GMDQS), fulinayana qod, 18-aad ee sharciga Doorashooyinka Qaranka ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka dhammeystiran ee Doorashooyinka Dowlad Gobolleedyada oo qeyb ka mid ah uu horay u shaaciyay Guddiga.

Wasiirka Warfaafinta oo hambalyo u diraybahda warbaahinta munaasabadda 3-da May

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa hambalyo u diray dhammaan bahda warbaahinta Soomaaliyeed munaasabadda Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka – 3-da May, isaga oo ku bogaadiyey doorka muhiimka ah ee ay saxaafaddu ku leedahay dhismaha nabadda, dowladnimada iyo dimuqraadiyadda dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in maalintani ay tahay fursad lagu xuso kaalinta qiimaha leh ee saxafiyiintu ka qaataan wacyigelinta bulshada, Nabad dhiska, ilaalinta hufnaanta macluumaadka iyo xoojinta kalsoonida dadweynaha.

Sanadkan, xuska maalintan caalamiga ah waxaa si gaar ah diiradda loo saarayaa saameynta casriyaynta warbaahinta iyo la qabsiga garaad-gacmeedka (AI), iyo sida warbaahintu kaalin mug leh uga qaadan karto nabadda, xal u helista colaadaha iyo xasilloonida dunida maanta.

Wasiirka ayaa xusay in saxaafadda Soomaaliyeed, sida warbaahinta caalamka oo kale, ay maanta saaran tahay masuuliyad weyn oo ku aaddan, u qareemidda nabadda, , xoojinta caddaaladda, iyo taageeridda dowladnimada.

Wasiirku waxa uu tilmaamay in munaasabaddan ay ku soo beegantay xilli dalku ku jiro marxalad doorasho, loona baahan yahay in tabinta Warbaahinta u hiiliso doorashasho nabdoon oo kor u qaadaysa wadajirka bulshada..

Wasiirka Warfaafinta ayaa adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay: xoojinta xorriyadda saxaafadda, ilaalinta badbaadada saxafiyiinta, iyo horumarinta jawi warbaahineed oo u sahlaya shaqo gudasha xirfad iyo mas’uuliyad ku dhisan.

Wasiir Daa’uud ayaa ugu dambeyn sheegay in Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ay sii wadi doonto, tababarrada xirfadeed ee lagu xoojinayo saxafiyiinta, kor u wada-shaqeynta warbaahinta, iyo hay’adaha kale ee dowladda.