Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO iyo khuburo dhinaca caafimaadka ka shaqeeya ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka shiray saamaynta uu cudurka Corona ku reebay dunida, waxayna warbixin ay soo saareen ku sheegeen in cudurka Corona noqday masiibado caafimaad midii ugu darnayd ama ugu xumayd ee caalamka soo martay.
Waxay sidoo kale intaa ku dartay WHO in cudurka Corona ama Covid-19 uu adduunka kusoo kordhiyay dhibaatooyin salka ku haya dhaqaale xumo iyo caafimaad darro isla markaana uu haleelay dad tiro ahaan gaaraya 16.5 milyan oo ku kala nool adduunka oo dhan.
Agaasimaha guud ee WHO Tedros Adhanom Gebresos ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Geneva ku sheegay arrimahan iyo kuwo kale oo la xiriira shaqooyinka ay WHO ka hayso caalamka.