Home Blog Page 864

Saraakiil ka tirsan guutada 5aad qeybta 27aad oo tababar loo soo xiray

0

Tabarbarkaan oo socday mudo 6 maalmood ah ayaa loo soo xiray saraakiisha Ururada guutada 5aad qeybta 27 aad  ciidanka xooga dalka kuna sugan magalada Baledweyn.

Muhiimadda tababarankan ayaan waxa uu ahaa mid saraakiisha lagu barayay qaabka ugu wanaagsan oo ay ula dhaqmi lahaayeen bulshada xiliyada ay joogaan furumaha dagaalka iyo xiliyada dagaalka ay ku jiraan.

Cashrada lagu baranayay ayaa waxaa bixiniyey macalimiin ku xeel dheer arimaha ciidanka, kuwaasi oo si weyn uga hadlay hannaanka saraakiishu ay u wajahayaan la macaamilka shacabka.

Abaanduulaha qeybta 27aad ee ciidanka xoogga dalka Jeneral Ssalax Yacquub oo soo xiray tababarka ayaa saraakiisha kula dardaarmay in ay si fiican u gutaan waajibaadka saran, ayna ku dhaqmaan waxyaabihii labaray.

 

Ciidanka xoogga dalka oo gacanta ku dhigay carruur si qasab ah lagu askareeyay “SAWIRRO”

0

Ciidanka xoogga dalka oo howlgallo ka sameynayay deegaanno ka tiran gobolka Bakool ayaa gacanta ku soo dhigay carruur muddo sideed bilood ah (8) ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku heysteen deegaan lagu magacaabo Doodaali oo ka tirsan Gobolka Baay, halkaas oo Al-Shabaab ku tababarayaan carruur waaladiintooda si xoog ah ay uga soo wataan, kuwaasi oo inta badan laga qafaashey dhulka miyiga ah ee gobolka Bakool.

Carruurtaan oo tiradoodu tahay 9  iyo labo darawal oo u kaxaynaysay mooto seddex lugooleey oo ay saarnaayeen ayaa lasoo qabtay xilli ay marayeen inta u dhaxeysa deegaannada Abal iyo Labaatan-jirow ee ka tirsan Gobollada Baay iyo Bakool.

Carruurta ayaa la isugu keenay saldhigga booliska degmada Xudur, halkaasi oo su’aalo dheeraad ah lagu weydiinayo.

Xasan Salaad Ibraahim waa 12 sano jir sideed bilood ka hor Al-Shabaab ay ka kaxaysay deegaanka Dudumaale oo qiyaastii 30km dhanka bari ka xiga magaalada Xudur ee gobolka Bakool, waxaana uu xusay inay si qasab ah ku askareeyeen maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ay ka qafaasheen deegaankii uu ku noolaa.

Guddoomiyaha Amniga ee Degmada Xudur Ibraahim Isaak Ibraahim (Shaati) ayaa sheegay in carruurtan si qasab ah lagu askareeyey, ujeedkuna ahaa in loo adeegsado gumaadka shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu xusay in ciidamada xoogga ay ku guuleystaan inay soo qabtaan carruurtan la askareeyay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shirka Midowga Baarlamaanada Carabta uga qeyb galaya Jordan

0

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo shalay gaaray magaaladda Amman ee Caasimadda Dalka Jordan uga qeyb galaya shirka 30-aad ee Midowga Baarlamaanada Carabta.

Shirka Midowga Baarlamaanada Carabta ayaa looga hadlayaa heshiiska qarniga ee uu dhawaan ansaxiyay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Wafdiga oo shalay gaaray dalka Jordan waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Jordan oo uu ka mid yahay  Guddoomiye kuxigeenka 1-aad Baarlamaanka ee Dalka Jordan Ibrahim Al-Qur’an.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa la filayaa inay kulamo la qaataan Madaxda dalkaasi oo ay kaga hadlayaan xoojhinta xiriirka labada dal.

 

Madaxweyne Farmaajo oo Xafiiskiisa ku qaabbilay Ra’isulwasaare Ku Xigeenkii hore ee Dalka+Sawirro

Madaxweynaha JFS Mudane; Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  iyo Marwada Koowaad ; Saynab Cabdi Macallin ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabbilay Ra’isulwasaare Ku Xigeenkii hore ee Dalka Mudane; Cusmaan Jaamac Cali (Kalluun) iyo Marwadiisa; Laylo Maxamed Cali.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Mudane; Cusmaan Kalluun ka dhagaystay talooyin dhaxalgal ah wax ku oolna u ah Qarannimada Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha Dalka ayaa waxa uu Mudane; Kalluun uga  warramay halka uu Dalku marayo iyo tallaabooyinka ay illaa iyo haatan Dowladdu qaadday si loo soo celiyo haybaddii Qarannimo ee Soomaaliya.

Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Dalka Shiinaha oo walaac ka muujiyay Cudurka Coronavirus

0

Waxaa sii kordhaysa halista caabuqa ka dillaacay Dalka Shiinaha ee Coronavirus, kaas oo ka billowday Magaalada Wuhan oo ay ku nool yihiin Dad lagu qiyaasay 11 Milyan oo Qof.

Dadka ku nool Magaaladaas waxaa ka mid ah Arday Soomaali ah oo halkaas wax ka barta, kuwaas oo tiradooda ay gaareyso 50 Qof.

Ardayda waxa ay ku go’doosan yihiin qolalkooda jiifka, waxa ay cuntada kasoo iibsadaan Suuqa Toddobaadkiiba Hal mar.

Ardayda Soomaalida ah oo aan meel ku wada noolayn ayaa ku wada xiriira Qolal ama group Internetka ah, si ay ku kala qaataan macluumaadka iyo xogaha.

Cabdiqaadir Maxamed Cabdi , oo ah Arday Soomaali ah ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in waxa ugu badan ee ay ka cabsi qabaan ay tahay in uu saameeyo Cudurka haddii aysan helin gurmad deg-deg ah.

Waxa uu ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ka daad gureyso Shiinaha, iyada oo kaashaneysa Dowladaha saaxiibka la ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay si dhow ula socoto xaaladda Soomaalida ku nool Magaalada wuhan ee Dalka Shiinaha.

Hirshabeelle iyo QM oo ka wada hadlay wax ka qabashada barakaca iyo fatahaadaha

Wasiirka arrimaha Gudaha Maamul Goboleedka Hirshabelle, Maxamed Cali Caadle ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya , James Swan.

Labada mas’uul ayaa kulankooda waxa ay uga hadleen dhismaha Golaha degaannka, isku dubaridka howlaha barakacayaasha, Fatahaadaha iyo qodobo kale.

Ambassador; James Swan, ayaa ballan qaaday in Hirshabelle ay ka taageeri doonaan wax kasta oo horumar ah, ayna ka Gacan siin doonaan sidii wax looga qaban lahaa musiibooyinka dabiiciga ah iyo maamul wanaagga.

Maamulka Hirshabelle ayaa waday Bilihii la soo dhaafay qorshe loogu dhisayo Golayaal degaan qaar ka mid ah Degmooyinka hoos taga maamulkaas.

Saldhigga Booliska Degmada Matabaan oo dib loo dayactirayo+Sawirro

Taliska Booliska Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa billaabay howlo is-xilqaan ah oo dayactir iyo dhismo cusub loogu sameynayo Saldhigga Booliiska ee Degmada.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Degmada Matabaan, Dhamme; C/fitaax Maxamed Jaamac (Fooneeye), oo hoggaaminayay dib u dhiska Saldhigga ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in ay ka shaqeynayaan dib usoo celinta doorkii uu Boliisku ku lahaa Bulshada dhexdeeda.

Dhamme; Fooneeye, ayaa sidoo kale shrrgay in ay howl-geliyeen Ciidanka Booliska si loo adkeeyo ammaanka Degmada loona fuliyo adeegyada kala duwan ee ay Shacabku u baahan yihiin.

Taliska Boliiska Degmada Matabaan oo howsha lagu wareejiyay 5-tii Bishan ayaa durba hirgeliyay baro Koontarool oo amniga laga sugo laguna baaro Gaadiidka noocyadiisa kala duwan.

Taliye; C/fitaax Maxamed Jaamac (Fooneeye), ayaa sheegay in howlaha dib u dhiska iyo sugidda nabad gelyaduba ay kaalin mug leh ka qaateen Shacabka reer Matabaan, wuxuuna ugu baaqay in ay dedaalladooda sii Laba laabaan.

Maxamed Deeq

Wasiir Maareeye oo ka hadlay wax-qabadka Dowladda intii ay jirtay

Berri waxa ay ku beegan tahay 8-da February markii la doortay Madaxwenaha Dowladda Federaalka , mudane; Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo ay kasoo wareegatay muddo 3 Sano ah.

Haddaba maxaa u qabsoomay hay’adaha Dowladda waxaa ka jawaabay Wasiirka
Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Maxamed Cabdi Cayir Maareeye oo ka
qeybgalay Barnaamijka kulanka Toddobaadka ee Warbaahinta Qaranka.

Wasiirka waxa uu sheegay in Xukuumadda Nabad iyo Nolal  ay horumar
weyn ka sameysay Ammaanka, Dhaqaalaha, Adeegga bulshada iyo Xiriirka
Caalamiga ah, inkastoo uu qiray in aan la gaarin meeshii la rabay
daruufaha jira awgeed iyo burburkii Dalka gaaray.

AMMAANKA

Wasiirka waxa uu sheegay in maanta ay leedahay Soomaaliya Ciidan
diiwaan gashan oo la siiyay tababar iyo mushaar kuwaas oo  awood u leh
la dagaalanka argagixisada iyo xaqiijinta ammaanka, isaga oo aan
meesha ka saarin dhagarta argagixisada oo uu sheegay in aysan laheyn
awood ay kaga hortagaan Ciidanka

DHAQAALAHA

“Waxaan wax ka qabanahay dhaqaalaha, waxaa sanad kasta sare u kaca
dhaqaalaha Dalka taas oo sabab u ah sida aan u ilaalineyno amaanada,
waxaan si joogta ah u bixinay mushaaraadka, waxaa wax lagu faano ah
deyn cafinta oo waqti badan la galiyay haddana mareysa meel wanaagsan”
ayuu yiri Wasiir Maareeye.

ARRIMAHA BULSHADA

Maxamed Cabdi Maareeye oo ka hadlayay waxa laga qabtay arrimaha
bulshada ayaa sheegay in Xukuumadda ay Isxilqaan ku dhistay Xarumaha
danta guud, sida Maktabada Qaranka, Matxafka iyo Tiyaaterka, sidoo
kale waxa uu xusay Dhismaha Waddooyinka iyo ageega Waxbaradhada oo
gaaray gobolada Dalka.

XIRIIRKA CAALAMIGA AH

“Waxaan xoojinay xiriirka Caalamiga ah, waxaan dib usoo ceshanay
kuraastii Soomaaliya ay ku lahayd Ururada Caalamiga ah, maanta waxaa
loo baahan yahay Codka Soomaaliya, waxaan ku guuleysanay in aan soo
deyno Soomaali badan oo ku xirneed Xabsiyada Caalamka”  sidaas waxaa
yiri Wasiir Maareeye

Taliska Booliska Gobolka Mudug oo Bulshada ugu baaqay in ay kala shaqeeyaan nabadda

Taliyaha qeybta Booliiska Fadaraalka Gobalka Mudug,G/sare; Maxamed Nuur Cali Gadaar, ayaa faah-faahin ka bixiyay xaaladda amni iyo halka ay marayaan dedaallo ku aaddan xallinta xiisado colaadeed oo kasoo cusboonaaday Gobolka.

G/sare; Maxamed Nuur Cali oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay meel wanaagsan marayaan dedaallo fara badan oo ay ku bixiyeen qaboojinta dagaalladii halkaasi ka dhacay iyo sidii looga kala Dab qaadi lahaa Beelaha ay xurguftu dhex martay.

Taliyaha ayaa Bulshada reer Mudug ugu baaqay in ay Booliska iyo laamaha ammaanka kala shaqeeyaan amniga iyo nabad gelyada Gobolka, isagoo usoo jeediyay in ay joojiyaan waxyaabaha xiisadda kicin kara.

Hadalka kasoo baxay Taliska qeybta Boliiska Gobalka Mudug ayaa imanaya xilli ay Maalmihii u danbeeyay dilal ku saleysan aanooyin Qabiil ka dhacayeen degaanno ka tirsan Gobolka Mudug inkastoo ay jiraan dedaallo lagu xakamaynayo waxyaabaha dhaliya Gacan ka hadalka.

Guddoomiyaha Maxaas oo booqday degaanno dhowaan laga xoreeyay Al-Shabaab

Guddoomiyaha Degmada Maxaas, Cabdi Muumin Xiish iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Maanta kormeer dhiirri gelin iyo dar-daaran ah ugu tagay degaanno ay ku sugan yihiin Jabhadda Macawisley oo dhowaan laga xoreeyay Argagixisada Al-Shabaab.

Jabhadda degaanka ee Macawisleyda oo kaashanaya Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kooxda Argagixisada ka saaray Tuulooyin ay ka mi dyihiin Waab weyn, Cali ganeey , Afar irdood, Miir caddeiyo Dhul daaqsimeed fara badan.

Cabdi Muumin, Guddoomiyaha Maxaas oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Dadka ku dhaqan degaannada ay booqdeen ay si weyn ugu riyaaqeen booqashadooda diyaarna ay u yihiin in ay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah kooxda nabad-diidka ah.

Dadka degaanka oo Hubkooda qaatay ee la baxay Macawisley ayaa Laba jibbaaray howl-galladooda ka dhanka ah Al-Shabaab, markii ay Kooxda nabad-diidku kordhiyeen dhibaatada ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Xoola dhaqatada Soomaaliyeed iyo Dadka deggen Tuulooyinka ay xoogga ku maamulayeen Al-Shabaab ayaa go’aansaday in ay ka gadoodaan dhaca joogtada ah ee ay ku hayaan maalkooda iyo xoolahooda intuba.