Home Blog Page 87

Guddoomiyaha SODMA oo kulan la qaadatay hay’adaha gargaarka iyo Ururrada samafalka gudaha Dalka.

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Md. Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay hay’adaha gargaarka iyo ururrada samafalka ee ka hawlgala gudaha dalka (HCT). Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda abaarta oo guud ahaan si ba’an u saameysay dhammaan gobollada Soomaaliya, iyo sida loogu baahan yahay bixinta jawaab mideysan oo deg deg ah.

Guddoomiyaha ayaa xusay in Madaxweynaha dalka Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre muujiyeen walaac xooggan oo abaarta ku aaddan, islamarkaana ay fareen hay’adaha dowladda inay si buuxda ula shaqeeyaan SoDMA oo ah hay’adda rasmiga ah ee isku-dubbaridka arrimaha gargaarka iyo ka jawaabista musiibooyinka u qaabilsan dalka.

Guddoomiyuhu wuxuu ku boorriyay dhammaan la-hawlgalayaasha inay la jaanqaadaan habraacyada iyo nidaamka cusub ee SoDMA hoggaaminayso, si loo helo hannaan mideysan oo wax ku ool ah. Sidoo kale wuxuu caddeeyay in hoos u dhaca ku yimid maalgelinta deeq-bixiyeyaasha ay si weyn u curyaamisay dadaallada wax-ka-qabashada abaarta.

Ugu dambayn, Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa sheegay in loo baahan yahay, qorsheyn degdeg ah oo loo dhan yahay, dhaqaale la saadaalin karo gudaha iyo dibadda iyo dib-u-habeynta barnaamijyada taageerada lagu gaarsiinayo degmooyinka ugu nugul dalka.

Guddoomiye Kuxigeenka Golaha Shacabka oo Muqdisho Kusoo Dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Nabadda.

0

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo ay wehliyaan Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo Senatoro ka tirsan Golaha Aqalka sare ayaa Magaaladda Muqdisho kusoo dhoweeyey guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Caalamiga ah ee Nabadda iyo Iscafiska Axmed bin Maxamed Al-Jarwaan iyo wafdi uu hogaaminayo oo dalka soo gaaray.

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Caalamiga ah ee Nabadda iyo Iscafiska Axmed bin Maxamed Al-Jarwaan oo maanta dalka soo gaaray ayaa inta uu ku sugan yahay Magaaladda Muqdisho waxa uu kulammo gaar ah la qaadan doonaa guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana kulamadaasi looga hadli doonaa xoojinta nabadda, is-cafinta iyo wada-shaqaynta baarlamaanada caalamiga ah.

Dhinacyadu sidoo kale waxay kala saxiixan doonaan heshiis is-afgarad ah oo kor loogu qaadi doono doorka Soomaaliya, taas oo wax weyn ka qaban doonta sidii dalkeena uu uga soo muuqan lahaa fagaarayaasha caalamiga ah ee nabadda iyo is-cafinta, isla markaana uu xubin firfircoon uga noqon lahaa Baarlamaanka Caalamiga ah ee Nabadda iyo Is-cafiska.

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Shirweynaha 6-aad ee hal-abuurka Soomaaliyeed.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Shirweynaha 6-aad ee hoggaanka iyo hal abuurka Soomaaliya ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ay dowladdu ku awood siineyso dhalliyarada Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ka mid tahay dib u habeynta waxbarashada, dhiirri gelinta barnaamijyada dhallinyarada iyo hirgelinta doorashada dadweynaha taas oo suurt gelinaysa in ay door firfircoon ku yeeshaan talada dalka.

Madaxweynaha oo dhagaystay talooyinka iyo aragtida dhallinyarada Soomaaliyeed ee dowladnimada ayaa ku adkeeyey in ay mideeyaan maskaxdooda, hal abuurkooda, cududdooda iyo dadaalkooda, si dalkeenna uu ula tartamo dalalka horumary ee caalamka.

“Maanta waxaan u baahanahay in aan deg deg u dhaqaaqno oo aan horumarno. Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa laga rabaa in ay la yimaadaan hal abuur ku saleysan abaabul, wadajir, wacyi sarreeya iyo hoggaan mideysan. Isbeddel kasta oo dhaca dhallinyarada ayaa keenta”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogadiyey dhabar adaygga iyo kartida dhllinyarada Soomaaliyeed oo dhiiggood u huray gobanimada iyo difaaca dalka, waxa uuna ku boorriyey barashada xirfadaha casriga ah, gaar ahaan tiknoolijiyadda oo qeyb weyn ka qaadan karta kobcinta dhaqaalaha, maalgashiga, hal abuurka iyo isku filnaashaha dalka.

Shirka Golaha Wasiiradda oo lagu ansixiyay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyey shuruuc iyo heshiisyo muhiim u ah dalka.

Shirka golaha oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sharciyada lagu meelmariyay waxaa ka mid ah Sharciga Ciqaabta Soomaaliyeed kadib markii uu kasoo gudbay la tashiyo balaaran oo lagala yeeshay culumada, bulshada rayidka ah iyo sharci yaqaano, lana waafajiyay Diinta Islaamka, Dastuurka dalka, iyo xeerarka caalamiga ah ee dhanka xuquuqda aadanaha.

Golaha ayaa si qotodheer uga dooday sharciga dhismaha Hay’adda Maaraynta Deegaanka oo markii ugu horeysay uu dalka yeelanayo, xilli doorsoonka cimiladda uu sii xoogeysanayo, dalkana uu ka jiro xaaluf ba’an.

Sharciyada iyo heshiisyada Golaha ansixiyay waxaa ka mid ah.

1.⁠ ⁠Heshiis Is-afgarad oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Aljeeriya , kaas oo ku saabsan iskaashiga batroolka, gaaska iyo macdanta.

2.⁠ ⁠Hindise Sharciyeedka dhismaha Hay’adda Qaran ee Maareynta Deegaanka.

3.⁠ ⁠Hindise Sharciyeedka Sharciga Ciqaabta Soomaaliya.

4. Axdiga Caalamiga ah Baadi-goobka iyo Samatabixinta Badda.{Axdiga Sar 1979}

5. Axdiyada Geneva 12 August 1949 [Additional Protocols ]

Golaha ayaa dhagaystay warbixino la xiriira horumarada laga sameeyay amniga iyo arrimaha doorashooyinka, iyada oo ugu dambeyntii uu Ra’iisulwasaare Xamse golaha faray in kaalin laga geysto hawlaha dhexdhexaadinta iyo nabadeynta colaadaha beelaha ee ka taagan qeybo ka mid ah dalka, iyada oo hawshan si gaar ah loogu xilsaaray wasaaradda Arrimaha Gudaha

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan kula yeeshay Zoomka deeq-bixiyaasha caalamka.

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta kulan muhiim ah dhanka aaladda Zoomka kula yeeshay deeq-bixiyayaal ka socday dalalka Midowga Yurub, Mareykanka iyo Qaramada Midoobay.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda abaarta dalka oo haatan maraysa heer khatar ah, iyadoo saameyn ballaaran ku yeelatay gobollada kala duwan ee Soomaaliya. Guddoomiyaha ayaa deeq-bixiyayaasha si faahfaahsan ugu warbixiyay sida abaartu u kala culus tahay gobollada dalka, isagoo xusay in gobollo badan ay ku jiraan xaalad degdeg ah oo u baahan gargaar bini’aadannimo oo degdeg ah.

Deeq-bixiyayaasha ayaa dhankooda muujiyay walaac iyo dareen ku aaddan halista abaarta, iyagoo ballan qaaday inay sii xoojin doonaan taageerada iyo iskaashiga ay la leeyihiin Soomaaliya si wax looga qabto xaaladda adag ee ka taagan dalka.

Golaha Shacabka oo ansixiyay Heshiiska Aas-aasida Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika.

0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha ku ansixiyay Heshiiska Aas-aasida Ciidanka Heeganka Bariga Afrika (East Africa Standby Force – EASF).

Kulanka maanta oo ahaa kalfadhiga 7-aad, kulankiisii 17-aad, waxaa shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Heshiiska waxaa oggolaaday 144 xildhibaan, halka 1 xildhibaan uu diiday, 2 kalena ay ka aamuseen.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xildhibaan Cumar Cali Cabdi oo khudbad ka jeediyay fadhiga, ayaa uga mahadceliyay xildhibaannada ansixinta heshiiska, isagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo muujinaysa go’aanka iyo himilada Dowladda Federaalka ee ku aaddan xoojinta amniga, nabadda, iyo iskaashiga gobolka.

Sidoo kale, Wasiiru Dowluhu wuxuu xusay in ansixinta heshiiska ay ku soo beegantay xilli Soomaaliya markii ugu horreysay martigelisay Shirka 34-aad ee Golaha Wasiirrada Gaashaandhigga dalalka EASF, taas oo muujinaysa kaalinta hoggaamineed ee Soomaaliya ku leedahay nabadda iyo amniga gobolka.

Wasiirka Hawlaha Guud oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub.

0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, DDib-u-Dhiska iyo Guriyeynta XFS, Mudane Xildhibaan Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Safiirka Midowga Yurub (EU) ee Soomaaliya, Danjire Franscisca Di Mauro.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin dib-u-dhiska kaabayaasha dalka, soo celinta xasilloonida, horumarinta dhismaha Wasaaradda Hawlaha Guud, iyo xoojinta iskaashiga guud ee labada dhinac.

Labada mas’uul waxay isla garteen in qorshayaasha Midowga Yurub ee dhanka horumarka lagu waafajiyo hawlaha istiraatiijiyadeed ee Wasaaradda Hawlaha Guud, waxaana lagu ballamay in kulamo farsamo oo dheeri ah ay xigi doonaan kulankan, si loo xaqiijiyo hirgelinta qorshayaasha muhiimka ah ee sannadka soo socda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daud Aweys Jama ayaa maanta kulan miro-dhal ah kula qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Francesca Di Mauro xarunta safaaradda, waxaana ay kaga wada hadleen xoojinta iskaashiga Warbaahinta , Wacyihalinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub kaalinta muuqata ee uu ku leeyahay so kabashada iyo horumarinta Soomaaliya, gaar ahaan barnaamijyada lagu taageerayo warbaahinta, Dhaqanka iyo hal-abuurka Dhalinyarada, ka hortaga tahriibka iyo la dagaalanka been abuurka iyo xagjirnimada

Labada dhinac ayaa si gaar ah diiradda u saaray horumarinta iskaashiga dhinaca wacyigelinta bulshada ee la xiriira amniga, doorashooyinka, xasilinta, iyo la dagaalanka xagjirnimada, iyadoo la isla gartay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta warbaahinta si loo gaaro wacyi bulsho oo mideysan.

Danjire Francesca Di Mauro Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa dhinaceeda hoosta ka xariiqday ahmiyadda ay leedahay xoojinta iskaashiga labada dhinac ee Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska maadaama Midowga Yurub uu yahay mid ka mid ah saaxiibadsa ugu xooggam ee taageera dib u dhiska iyo soo kabashada Soomaaliya.

Wasiir Daa’uud ayaa muujiyay ka go’naanta Wasaaradda ee ku aaddan ballaarinta iskaashiga Midowga Yurub, gaar ahaan barnaamijyada lagu kobcinayo xirfadaha suxufiyiinta, ilaalinta xorriyadda saxaafadda, iyo kor u qaadidda dhaqanka iyada oo loo marayo dhiiragalinta dhalinyarada, horumarinta dalxiiska Soomaaliya oo ay door fiican ka qaadan karaan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Nuqullo ka Guddoomay Waraaqaha Aqoonsiga Danjirenimo ee Safiirrada Dalal kala Duwan.

0

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo iskaashiga Caalamiga XFS Mudane Cabdisalam Cabdi Cali ayaa maanta ka guddoomay nuqullo kamid ah waraaqaha aqoonsiga danjiranimo safiirrada cusub ee dalalka Canada, Finland, Norway ,
Cuba , Spain.

Wasiirku waxa uu safiirradan ugu hambalyeeyey ku soo biirista safka diblomaasiyiinta ka howlgala Soomaaliya, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya la leedahay dalalka ay matalayaan.

Sidoo kale, waxaa uu ku boorriyey safiirrada in ay ka shaqeeyaan horumarinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee dalalkan la leeyihiin soomaaliya, isagoo la wadaagay sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay u soo dhaweynayaan, ulana shaqeynayaan.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qeyb-galay Shir lagu horumarinayo dhaqaalaha Soomaaliya.

0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa ka qeyb-galay shir heer caalami ah oo laba maalmood ka socday magaalada Nairobi. Shirkaas waxaa soo qabanqaabiyay Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya, iyadoo diiradda la saaray horumarinta dhaqaalaha dalka iyo xoojinta iskaashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah.

Shirkan muhiimka ah waxaa goobjoog ka ahaa hay’ado iyo dowlado taageera Soomaaliya, sida Bangiga Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB), Midowga Yurub (EU), iyo safaarado dhowr ah oo la shaqeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Intii uu shirka socday, waxaa diiradda lagu saaray dardargelinta kobaca dhaqaalaha dalka iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta dowladda iyo hay’adaha maaliyadeed ee caalamka, si loo gaaro horumar waara oo taageera adeegyada bulshada iyo dib-u-dhiska dalka.

Wasiirka Maaliyadda iyo guddoomiyeyaasha Bangiga Horumarinta iyo Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa caddeeyay in dalka uu ka gudbay caqabado badan oo la xiriira dib-u-habeynta dhaqaalaha, ayna hadda mareyso marxalad laga faa’iideysan karo dadaalladii hore. Wasiirku wuxuu sidoo kale xusay in Guddiga Sare ee Bangiga Horumarinta, oo dhowaan la dhisay, lagu soo xulay si hufan, caddaalad ah, kuna saleysan xirfad iyo karti.

Ugu dambeyn, Wasiirka Maaliyadda ayaa u mahadceliyay hay’adaha caalamiga ah taageerada ay siiyaan Soomaaliya, isagoo sheegay in doorkooda uu muhiim u yahay xasilloonida iyo horumarka dalka.