Home Blog Page 87

Dowladda iyo Shacabka Jabuuti oo u dabaal-deggay maalinta Xorriyadda Jabuuti ee 27-ka juun

Shacabka iyo Dowladda Jabuuti ayaa maanta si weyn ugu dabaal-degay maalinta xornimada Jamhuuriyadda Jabuuti ee 27-ka Juun oo ku beegan 47-sano ka hor markii ay ka xoroobeen gumeystihii Faransiiska.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, shacabka iyo dowladda Jabuuti, munaasabadda xuska 47-aad ee xorriyadda dalkooda.

Ummadda Soomaaliyeed ayaa toddobaadkaan u dabaal degaysa xornimadooda, 26-ka Juun, 27-ka Juun iyo 1-da Luulyo ayaa ku asteysan maalmo taariikhi ah oo Jamhuuriyadaha walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti ay ka xoroobeen gumeystihii reer Yurub.

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray dowladda iyo Shacabka Jabuuti 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, shacabka iyo dowladda Jabuuti, munaasabadda xuska 47-aad ee xorriyadda dalkooda.

Madaxweynaha ayaa xusay in halgankii gobanimada Jabuuti uu muujiyey awoodda iyo wax wada-qabsiga dadka Soomaaliyeed, isagoo bogaadiyey doorka muhiimka ah ee Jabuuti ay ka qaadatay taageerada shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan intii lagu jiray marxaladaha adag ee dalka soo maray.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si dhab ah uga go’an tahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee walaaltinimo, derisnimo iyo iskaashi ee kala dhexeeya Jabuuti, taasoo saldhig u ah nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shacabka iyo Dowladda Jabuuti u rajeeyay horumar, midnimo, iyo nabad waarta, waxa uuna muujiyey in Soomaaliya iyo Jabuuti ay yihiin laba dal oo walaalo ah oo wadaaga dano, dhaqan iyo himilooyin fog.

Howlgallo lagu naafeyay khawaarijta oo laga fuliyay deegaanka Mabaax

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka oo sii wada howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta ee saacadihii ugu dambeeyay ay ka wadeen HirShabeelle ayaa markale fuliyay howlgal lagu naafeeyay cadowga Khawaarijta.

Bartilmaameedka Howlgalkaan ahaa oo si guul leh u dhacay ayaa laga sameeyay deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu dilay 18 ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta, waxaana sidoo kale la burburiyay laba gaari oo ah nooca dagaalka oo ay doonayeen in ay ku baxsadaan maleeshiyada cadowga ah.

Madaxweynaha JFS oo Ubax dhigay taallada Dhagax-tuur

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xusaya halgameyaashii Soomaaliyeed ee naftooda iyo dhiiggooda u huray Xorriyadda Gobollada Waqooyi iyo guud ahaan halgankii gobannimo doonka ee dalka ayaa Ubax dhigay taallada Dhagax-tuur ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa xusay in Taallada Dhagax-tuur ay tahay astaan u taagan xusuusaha lama illaawaanka ah ee halgankii loosoo galay gobanimada dalkeenna, isaga oo shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyay ilaalinta midnimada, dal jacaylka, wadajirka iyo isku duubni sal adag leh, si loo xaqiijiyo himmilooyinkii Awooweyaasheen ee Soomaaliya xor ah, nabad ah oo horumarsan.

Munaasabadda Ubax-dhigga Taallada Dhagax-tuur waxaa ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xildhibaanno, masuuliyiin iyo qeybaha bulshada caasimadda Muqdisho.

Wasiiru Dowlaha Caafimaadka XFS oo ka qeyb gashay Shir caalami ah

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryam Maxamed Xuseen, iyo wafdi ay hoggaaminayso ayaa ka qeyb galay shir muhiim ah oo caalami ah, kaas oo looga hadlayay sidii kor loogu qaadi lahaa helitaanka daawooyin waxtar leh oo lagula tacaalo xanuunnada aan faafin (Non-Communicable Diseases – NCDs).

Shirkan ayaa diiradda saaray muhiimadda iskaashiga caalamiga ah si xal waara loogu helo caqabadaha ay wajahayaan dalalka saboolka ah iyo kuwa soo koraya marka ay timaado helitaanka daawooyin tayo leh, qiimo jaban oo la awoodi karo, gaar ahaan kuwa lagula dagaallamo cudurrada sida macaanka, dhiig-karka, wadne xanuunka, iyo kansarka.

Dr. Maryam ayaa madasha ka jeedisay khudbad ay ku iftiimisay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan la tacaalidda xanuunnada aan faafin iyo sida ay u baahan yihiin taageero farsamo iyo mid dhaqaale si loo xaqiijiyo helitaanka daawada oo gaarta qof kasta oo Soomaaliyeed.

Shirka ayaa fursad u noqday Soomaaliya si ay u xoojiso xiriirka ay la leedahay hey’adaha caafimaadka caalamiga ah, ugana faa’iidaysato fursadaha horumarineed ee la xiriira caafimaadka bulshada.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka mahadceliyay garab istaaga dhaqaale ee dalalka Midowga Yurub

Wasiirka Maaliyadda XFS, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay wafdi sare oo ka socday Midowga Yurub, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Madaxa EU ee Bariga Afrika, Wakiilka EU ee Soomaaliya iyo Madaxa Qorshaynta Istaraatiijiyadeysan ee Maaraynta Qataraha.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarka laga sameeyay hannaanka dib-u-habeynta maaliyadda, casriyeynta illaha dakhliga, iyo xoojinta xiriirka Dowladda iyo hay’adaha maaliyadeed ee caalamka.

Sidoo kale intii uu socday kulanka waxaa looga wada hadlay kaalinta Midowga Yurub ee taageeridda arrimaha Maaliyadda gaar ahaan kabka miisaaniyadda Dowladda oo ah taageero joogta ah, taas oo uu Wasiirka Maaliyadda kaga mahadceliyay dalalka midowga yurub taageerada ay had iyo jeer u fidiyaan Dowladda Soomaaliya.

Kulanka kadib, Xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in Dowladda Soomaaliya ay ugu deeqeen lacag dhan €10.5 Milan Yuuro oo ah kab miisaaniyadeed oo lagu horumarinayo arrimaha adeegga dad-weynaha iyo waxbarashada oo Dowladda Soomaaliya ay muddooyinkii la soo dhaafay mudnaan gaar ah siinaysay.

Wasiirka Maaliyadda ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub kaalintooda joogtada ah ee kabka miisaaniyadda, gaar ahaan taageerada wax ku oolka ah ee lagu horumarinayo adeegyada bulshada iyo waxbarashada.

Madaxweynaha JFS oo Shacabka ugu hambalyeeyay Xuska 65-aad ee Xorriyadda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxda Dowladda kala qeybgalay munaasabadda bilowga Todobaadka Xoriyadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska 65-aad ee miro-dhalka halgankii gobannimo-doonka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah u xusay halyeeyadii gobollada waqooyi ee horseeday xoreynta iyo midnimada, isagoo sheegay in bulshadaas ay door wanaagsan ka qaateen garashada in xorriyaddu aysan ahayn oo kaliya ka tagista gumeystaha, balse ay ka dhigan tahay xaqiijinta midnimada ummadda Soomaaliyeed.

“Halyeeyadaasi waxay na dhaxalsiiyeen xorriyad iyo midnimo isku sidkan oo ay wax badan ugu hureen si loo helo dowlad Soomaaliyeed oo taabbo gal ah. Taariikhda mar walba way xusi doontaa doorkooda”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dhaawacyo siyaasadeed ay soo gaareen dowladnimada Soomaaliya, kuwaas oo salka ku hayay kalitalisnimo, ku-tagrifal awoodeed iyo maamul-xumo, waxa uuna muujiyay garawsho la xiriirta wixii dhacay taariikh ahaan, isagoo adkeeyay sida ay lagama-maarmaan u tahay in mar kale la hello midnimo dhab ah.

“Waan aaminsanahay in xornimadeenna aysan kaamil noqon doonin ilaa aan mar kale mideyno qalbigeenna iyo qaddiyaddeenna. Jidka kaliya ee aan u marayno waa wada-hadal iyo walaaltinimo”.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bogaadiyay taageerada caalamiga ah ee ku aaddan ilaalinta madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, waxa ku baaqay in la sii xoojiyo dadaallada lagu gaari karo nabad, barwaaqo iyo is-afgarad waara.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo qaatay Kaarka codeynta

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee degmada Hodan, si uu ugu kuur galo habsami u socodka howlaha socda isla markaana uu uga qayb qaato isdiiwaangelinta.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in degmada Hodan ay tahay halka uu codkiisa ka dhiiban doono marka la gaaro doorashada. Wuxuuna xusay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah.

Mudane Jibriil ayaa ku bogaadiyey maamulka iyo howlwadeennada degmada dadaalka ay ugu jiraan adeegga bulshada, isagoo shacabka degmadaas ugu baaqay inay si firfircoon uga qayb qaataan diiwaangelinta codbixinta.

Guddiga qabanqaabada maalmaha xorriyadda oo wada diyaar garowgii ugu weynaa

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda, ahna Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada XFS, Xildhibaan Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa maanta guddoomiyay kulan muhiim ah oo lagu lafa-guray diyaar garowga munaasabadda 26-ka Juun, oo si weyn looga xusi doono gudaha iyo dibadda dalka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii xuska maalintaas uu noqon lahaa mid ammaan ah, habaysan, oo u qalma qiimaha taariikheed ee ay leedahay. Waxaa ka soo qeyb galay wasiirro ka tirsan guddiga qabanqaabada, saraakiil sare oo ka tirsan laamaha amniga, iyo mas’uuliyiin kale.

Intii uu socday kulanka, waxaa laga dooday arrimaha amniga, isku-dubbaridka hawlaha xuska, iyo wacyigelinta bulshada si ay si masuuliyad leh ugu dabaaldegaan maalinta xorriyadda.

Wasiir Bashiir ayaa sheegay in dhammaan hay’adaha dowladda ay diyaar u yihiin fulinta waajibaadkooda, si xuska 26-ka Juun uu u noqdo mid taariikhda baal dahab ah kaga qorma.

Munaasabadda 26-ka Juun waxay xasuus u tahay shacabka Soomaaliyeed maalintii ay gobollada Waqooyi xorriyadda ka heleen gumeystihii Ingiriiska 1960-kii. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dadaal ugu jirtaa in xuska sanadkan uu noqdo mid la jaan qaada muhiimadda maalintaas taariikhiga ah.

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Madax hore si loo dardargeliyo Wadatashiga Qaran

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo sii wada kulamada Gogosha Wadatashiga Qaran ee uu horay uga furay magaalada Muqdisho, ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay masuuliyiin isugu jira Madaxweyne hore, Ra’iisul Wasaareyaal hore, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka iyo masuuliyiin hore.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarayaa qodobbo ay ka mid yihiin dhammaystirka hannaanka dib-u-eegista dastuurka, hirgelinta hannaan doorashooyin oo toos ah iyo sidii la iskaga kaashan lahaa dadaalka wadajirka ah ee lagu ciribtirayo argagixisada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa si buuxda uga go’an sii wadista wadatashiyada qaran ee u gogol-xaaraya in dadka Soomaaliyeed ay gaaraan mustaqbal xasilloon oo horseeda Midnimo Qaran, dimuqraadiyad, nabad waarta iyo horumar.