Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya, Dr. Cabdullaahi Bin Saalim Al Nucaymi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xariirka iyo Iskaashiga walaalnimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar.

Kulanka ayaa diiradda looga hadlay dadaallada lagu wajahayo xaaladda abaaraha saameeyey 4.4 Milyan oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah iyo sidii loosie ambo-qaadi lahaa mashaariicda horumarineed ee Qatar ka taageerto Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Qatar kaalinta muuqata ee ay ku leedahay dhismaha dowladnimada Soomaaliya iyo si gaar ah arrimaha bani aadanimada oo ay ku jirto gurmadka abaaraha soo laab laabtay ee dadkeena saameeyey , isaga oo xusay in Qatar ay weligeed u ahayd Soomaaliya saaxiib dhow oo ka jawaaba xaaladaha adag.

Danjiraha dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Dr. Cabdullaahi Bin Saalim Al Nucaymi ayaa xusay in dowladda Qatar ay sii wadeyso taageerada iyo garab istaagga Shacabka Soomaaliyeed iyada oo ka qeyb qaadaneysa ka jawaabidda xaaladaha bani aadanimo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sii wadaysaa wada shaqeynta ballaaran ee ay la leedahay dalalka saaxiibka ah iyo hay’adaha caalamiga ah si loo hubiyo in gurmadka iyo taageerada joogtada ah ay gaaraan bulshada ay abaartu saameysay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...