Home Blog Page 850

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS oo amartay in guryaha lagu dukado salaadaha cishaha iyo Taraawiixda+sawirro

0

Wasaaradda Awqaafka iyo Arrimaha diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay soo saartay amarro ku aadan sida bulshadu ay u oogayaan salaadaha Cishaha iyo Taraawiixda,inta lagu guda jirow xiliyada Bandowga.

Wasiirka wasaaradaasi Sheekh Nuur Maxamed Xasan,wasiir ku-xigeenka Cismaan Aadan Dhuubow iyo mas’uuliyiinta kale ee wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda Soomaaliya ayaa kulan arrimahaasi looga hadlayay la yeeshey Culimaa’udiinka Soomaaliya,kulankaasi oo laga soo saaray amaro cusub.

Wasaaradda ayaa soo saartay amar ah in dadku salaadaha Cishaha iyo Taraawiixda ay ku oogaan guryohooda,islamarkaana loo hoggaansamo awaamiirta dowladda ee bandowga habeenkii,si looga hortago fiditaanka cudurka Coronavirus.

“Waxaan culimada isla qaadanay in loo hoggansamo amarada bandowga ah oo ka bilaabanaya 7:00 fiidnimo kuna eg 5:00 subaxnimo,dadkuna ay guryohooda ku dukadaan inta bandowga uu jiro,waana uga mahadcelinayaan culimada aan go’aankaasi isla qaadanay,waxaan ka codsanaynaa ganacsatada in ay u turaan shacabka oo qiimaha miciishada hoos loo dhigo,waxaa la rabaa in dadka aan naftooda khatar gelinin,maadaama uu faafayo cudurka,hana la qaato talooyinka caafimaad ee dowladda ay soo saartay”. ayuu yiri wasiir Sheekh Nuur.

 

R/wasaare Khayre oo khadka telfoonka kula hadlay dhiggiisa Kuwait

0

Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo amiirka Dalka Kuwait ayaa ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka labada dowladood.

Mudane Xasan Cali Khayre raiisul wasaaraha Dalka iyo Sheekh Sabaax Khaled Al-Xamad Al-Sabaax amiirka wadanka Kuwait oo khadka telfoonka ku wada hadlay ayaa waxaa ay isla soo hadal qaadeen iskaashiga Labada dal,gaar ahaan dhinacyada amniga,dhaqaalaha,siyaasadda iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Intii uu socday wada hadalka labada dhinac qadka telfoonka ahaa ayaa waxaa ay sidoo kale ay ka wada hadleen sidii Dowladda Kuwait ay Dowladda Soomaaliya uga garab siin lahayd la dagaalanka cudurka safmarka ah ee Covid-19.

Dowladda Kuwait ayaa kamid ah wadamada Jaamacadda Carabta ee xiriirka iyo wax wada qabsiga uu kala dhexeeyo Soomaaliya,waxaana wada hadalkan uu imaanayaa iyadoo Dowladda Soomaaliya ay dadaal xoogan ay ku bixinayso sidii looga hortagi laha fiditaanka Covid-19.

Madaxweyne Farmaajo Oo Faray XKF In Ay Kor U Qaaddo Tayada C/fimaad & Xarumaha Karantiilka Covid-19 “Sawirro”

0

Madaxweynaha Jamh. Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kaga qeyb galay dhanka Internetka kulanka Guddiga Qaran ee Xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa ka xog-wareystay dadaallada lagu xakameynayo cudurkan, caqabadaha iyo baahida caafimaad ee ka jira dalka.

Guddiga ayaa u soo bandhigay Madaxweynaha xog ururin ay ka diyaariyeen goobaha karantiilka caafimaad, taas oo ay ka muuqatay in ay jirto baahi xooggan oo la xiriirta qalabka caafimaad, gaar ahaan neefsiiyaha bukaannada, waxa uuna Madaxweynuhu faray Xukuumadda in ay si deg-deg ah uga howl gasho keenista qalabkan.

“Masuuliyad adag ayaa inaga saaran daryeelka muwaadiniinteenna uu soo rito cudurkan safmarka ah ee dunida aafeeyey. Muhiimadda ugu weyn waa in aan dadaal kasta gelinnaa ka hortagga cudurkan innaga oo xoojineyna tayada iyo adeegyadeenna caafimaad.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay wada-shaqayn xooggan ee ka dhaxeysa Guddiga heer Federaal ee Xakameynta Cudurka COVID-19 iyo Guddiyada heer Dowlad Goboleed, arrinkaas oo muujinaya sida ay u garowsan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed halista caafimaad ee ku xeeran oo ay tahay in ay wadajir iyo midnimo u wajahaan.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah in ay labo-laabaan dadaalkooda ku aaddan samatabixinta dalkeenna, isaga oo ku bogaadiyey Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, laamaha caafimaadka dalka iyo Guddiga Qaran ee Xakameynta Cudurka COVID-19 dadaalka mugga weyn ee ay ku bixinayaan ilaalinta badqabka caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay dadaallada bulshada rayidka iyo ganacsatada Soomaaliyeed ay ka gaysanayaan kahortagga cudurka Coronavirus iyaga oo kaalin mug leh ka qaadanaya wacyigelinta iyo garab istaagga bahda caafimaadka dalka.

Madaxweyne Farmaajo Oo Umadda Soomaaliyeed Ugu Hambalyeeyay Bisha Ramadaan

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay dadka muslimiinta ah, gaar ahaan Umadda Soomaaliyeed bilashada bisha barakeysan ee Ramadan.

Madaxweynaha ayaa xusay fadliga bishan barakeysan iyo maalmahan xurmada badan, waxa uuna Alle ka baryey in uu naxariis iyo nimco ku manneysto dalkeenna iyo dadkeenna.

“Bisha Ramadaan waa bishii kheyrka, waa bishii towbadda, cafiska, waa bisha ay ku jirto habeenka kheyrka badan ee Leylatul Qadriga. Waa bisha sheydaanka la xiro, muslimiintana naarta laga xorreeyo iyo kheyr kale oo badan.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ku baraarujiyey halista caafimaad ee ku xeeran dalkeenna oo ah mid aan la dhayalsan karin, maadaama tirada dhimashada iyo bukaannada uu soo ritay cudurka COVID-19 ay aad u korortay.

“Dhammaanteen shacab iyo dowladba waa in aan ku baraarug-sannahay halista caafimaad ee dalkeenna ku xeeran ee uu sababay cudurka COVID-19. Waa in aynu u istaagnaa sidii aan ula shaqn lahayn laamaha caafimaadka, uguna hoggaansami lahayn talooyinka iyo awaamirta caafimaad ee lagu ilaalinayo badqabka iyo caafimaadka bulshadeenna.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku booriyey dadka Soomaaliyeed in ay is-cafiyaan oo ay kaalmeeyaan waalalahooda dan-yarta ah, maadaama ay jiraan walaalo badan oo Soomaaliyeed oo daruufeysan. Sidoo kale ka shaqeynta danta guud oo amnigu ugu horreeyo, kuwaas oo dhammaantood tiirar u ah waajibaadka diinteenna suuban ee Islaamka.

Deg Deg: Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Oo Ku Dhawaaqay Golaha Wasiiradda DGGM.

0

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Galmudug ayaa Caawa ku Dhawaaqay liiska Golaha Wasiiradda ee Dowlad Goboleedka Galmudug oo ka kooban 23 Wasiir.

Hoos Ka aqriso Liiska Golaha Wasiiradda DGGM.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Ummadda Soomaaliyeed Ugu Hambalyeeyay Bilashada Bisha Ramadaan.

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan ayaa Shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan muslimiinta Caalamka ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakeysan Ee Ramadaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka  ayaa xusay fadliga Bishan barakeysan iyo maalmahan xurmada badan, waxa uuna Alle SWT ka baryey in uu naxariis iyo nimco ku manneysto dalkeenna iyo dadkeenna.

“Bisha Ramadaan waa bishii kheyrka, waa bishii towbadda, cafiska, waa bisha ay ku jirto habeenka kheyrka badan ee Leylatul Qadriga. sidoo kalena waa  bisha sheydaanka la xiro, muslimiintana naarta laga xorreeyo” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Mudane Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan ayaa shacabka Soomaaliyeed ku baraarujiyey halista caafimaad ee ku xeeran dalkeenna oo ah mid aan la dhayalsan karin, maadaama tirada dhimashada iyo bukaannada uu soo ritay cudurka COVID-19 ay aad u korortay,waxa uuna dadka Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay taxadar muujiyaan islamarkaana iyagoo ka faa’ideysanaya kheyrka bishan hadana ay u hogaansamaan talooyinka Wasaaradda caafimaadka iyo hay’adaha kale ee Dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS  ayaa ku booriyey dadka Soomaaliyeed in ay is-cafiyaan oo ay kaalmeeyaan waalalahooda danta yar maadaama ay jiraan walaalo badan oo Soomaaliyeed kuwaas oo daruufeysan in la caawiyana u baahan.

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha XFS Oo Soo Saartay Warsaxaafadeed Kusaabsan Dhoofinta Xoolaha Soomaliya

0

Wasiirka Xanaanada Xoolaha dhirta iyo Daaqa XFS mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo shir jaraaid u qabtay Warbaahinta ayaa shaaciyay In xukuumadda Soomaaliya ay muddo Lix sano ah kadib ku guuleysatay In xayiraada laga qaado xoolihii loo dhoofin jiray Suuqyada dalka Boqortooyada Sacuudiga.

Wasiirku wuxuu intaa ku daray in dhawaan dalkaas loo dhoofin doono 600,000 oo neef oo ari ah iyo 100,00 kun neef oo geel ah.

War-Saxaafadeed

Maanta oo ay taariikhdu tahay 23 bisha Abriil 2020, waxaan shirkaan jaraa’id u qabanayaa in aan bulshada la wadaago furtinaaka Xoolaha Soomaaliya ee loo suuq geyn jiray dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kadib dadaal ay samaysay Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta & Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Iyadoo wadashaqayn wanaagsan iyo taageero ka helaysaa Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Biyaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Waxaan halkaan ugu mahad celinayaa Boqortooyaada Dalka Sacuudiga oo hormuudka u yahay Khaadimka labada Xaram ee Shariifka ah Malik Salman Bin Cabdul Casiis iyo Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Biyaha ee Sacuudiga Madaxdeedii oo runtii siniyadsami leh noola shaqaysay Mudadii lixda bilood ee howshani aan kawada shaqaynaynay ilaa ugu danbayntiina ay miro dhal noqotay. Waana Markii ugu horaysay muddo lix sanadood kadib Xoolaha Soomaaliya loo furo Suuqyada Gudaha ee Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo sanadaaahasi waqtiga Xajka ah o keliyah naloo furi jiray, waana guul usoo hoyatay Shacabka Soomaaliyeed.

Sidaan la wada socono Xoolaha waa laf dhabarta dhaqaalaha dalka, islamarkaana ay ku tiirsan yihiin qoysas badan oo Soomaaliyeed, haddaba Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ay dadaalo farabadan ugashay sidii suuqaqii horey ujiray loo soo celin lahaa suuqaaq cusub oo xoolaha loo iibgeeyo loo abuuri lahaa si loo daboolo baahida asaasiga ah ee xoolo-dhaqatadeena loona xoojiyo awoodda ganacsatada Soomaaliyeed.

Sidaa daraadeed; runtii waa arrin muhiimaddeeda u leh xoola dhaqatada iyo ganacsatada ka shaqeysata xoolaha iyo kuwa kaloo badan oo si toos iyo si dadbanba uga shaqeeya arrimaha xoolaha.

Ayadoo maanta uu ka jiro dunida hoos udhac dhaqaale oo ballaaran, culeys caalami ah oo ka yimid cudurka safmareenka ah ee COVID 19 awgeed, haddana waa Ilaah mabaddii in aan xoolo dhoofino taasoo dhaqaalaha Shacabka Soomaaliyeed kor usoo qaadaysa.

Waa arrin lagu farxo waxayna qayb weyn ka qaadanaysaa kor u qaadist dhoofka Waxsoosaarka gudaha GDP.

Waxaan xooga saareynaa in aan joogteyno suuqaasi iyo suuqyada kale islamarkaana aan sii raadino suuqyo kale oo lagu iibiyo Xoolaha iyo Uunta Xoolaha.

Wasaaradda Tamarta XFS Oo Cisbitaalka Martiini Gaarsiisay Adeeg Koronto Oo Tayo Sare leh ‘Sawirro’

0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Dowladda Soomaaliya Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh oo ka jawaabeysa Cabasho koronta uga timid Maamulka Cisbitaalka Martiine iyo Wasaaradda Caafimaadka iyo dareeylka Bulshada ayaa maanta Cisbitaalka Martiini gaarsiiyay adeeg Koronto iyagoo halkaasi kulan kula qaatay maamulka shirkada Beco si wax looga qabto baahiyaha korontada.

Cali Maxamed Kaariye Madaxa howl-galinta shirkada Beco ayaa sheegay in shirkadu ay diyaar utahay ka qeyb-qaadashada talacaalida Cudurkaan Covid-19.

“Waxaan diyaar unahay inaan qeyb teyda ka qaadano dagaalka lagula jiro Cudurka Covid-19 si dadkeyna aan u badbaadino”

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa uga mahadcelisay wasaaradda Tamarta iyo shirkada sida deg deg ah ay uga soo jawaabeen inay wax nagala qabtaan xaaladaha culus ee taagan.

“Wasaaradda iyo Shirkada waa ku mahadsanyihiin sida dhaqsida leh ay uga soo jawaabeen baahiyaha Cisbitaalka maaamada xaalada Cisbitaalka ay tahay mid culus”

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyha ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Fowsiyo Maxamed Sheekh ayaa sheegtay inay shirkada kala hadleen in la keeno matooro iyo koronto awood uleh in cisbitaalka uu qaabilo culuska ka jira dalka ee ku aadan xaaladaha soo kordhaya ee cudurka karoona feyrus.

“Waxaan kala hadalnay inay keenaan Matooro iyo Koronto awood leh si loo xoojiyo adeegyada Cisbitaalka maadaama uu yahay xarunta lagu daweeynayo dadka qabo Cudurka Covid-19”

Sidoo kale Wasiirka tamarta Fowysiyo Maxamed Sheekh ayaa waxay shirkadaha biyaha ka codsatay in ay keenaan biyo ku filan cisbitaalka maadaama  shaqada u taala ay tahay mid ka duwan xaaladahii hore.

“Sidoo kale shirkadaha biyaha waxaa ka codsaneynaa in ay noo keenaan biyo si la mid aqbalaada shirkaha korontada waxaana mudnaanta kowaad aan sii neynaa ka hortaga Cudurka Karoona Feyruska”

Dowladda Soomaaliya ayaa Cisbtaalka Martiina ka dhigtay gooba lagu baxnaaniyo dadka uu soo rito Cudkurka Covid-19.

Wasaaradda Caafimaadka Oo Shaacisay 41 Xaaladood Oo Ku Soo Korortay Covid-19

0

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo baxay oo nuqul kamid ah ay hehsey Wakaaladda Wararka SONNA ayaa waxaa ay ku faah faahisay xaalado cusub oo ku soo kordhay Covid-19.

Wasaaraddu waxaa ay shaacisay 41 xaaladood cusub ee Covid-19,taasi oo tirada guud ka dhigaysaa 328 oo kiis dadka uu soo ritay xanuunka Corona Virus.

Sidoo kale waxaa jirta ,2 qof oo u geeriyootay xanuunkaasi,waxaana tirada guud ay ka dhigaysaa 16 qof,sidoo kale  labo kale ayaa bogsootay,waxaana guud ahaan tirada bogsoshada noqonaysaa ilaa 8 ruux.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii loo xakameyn lahaa faafidda xanuunkaasi,iyadoo ay socdaan dadaalo badan oo bulshada lagu bad-baadinayo.

Madaxweyne Farmaajo & Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyib Oo Ka Wadahadlay Iskaashiga Xakameynta Karoona Fayras.

0

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo oo khadka telefoonka ay ku wada xiriireen dhiggiisa Dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogaan ayaa ka wada hadlay hannaanka iskaashiga labada dal ee xakameynta iyo ka hortagga cudurka COVID-19 oo ah aafo caalami ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad-celiyey shacabka iyo dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliya, gaar ahaan xilligan oo Cabsi dhinaca caafimaadka ay bulshada ka qabto siiba cudurka Karoona Fayrus oo dhibaato ba’an ku haya dunida.