Home Blog Page 850

Erdogan oo dadkiisa ugu baaqay inay qaadacaan badeecadaha Faransiiska.

0

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ugu baaqay shacabka Turkiga ugu baaqay inay qaadacaan badeecadaha Faransiiska xilli ay sare u kaceyso xiisadda ka dhalatay mowfiqka Faransiiska ee ku aadan islaamka.

Khudbad uu teleefishinka ka jeediyay, Erdogan wuxuu ugu baaqay hogaamiyeyaasha caalamka inay difaacaan muslimiinta waa haddii ‘Farasniiska ay ka dhacaan tacaddiyo ka dhan ah islaamka’

Erdogan wuxuu si caro leh u dhaleeceeyay hadalka kasoo baxay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ee ku aadan difaacidda fikradaha cilmaaniga.

Wuxuu hadalka Erdogan imaanayaa kaddib markii dhawaan la dilay macalin Faransiiska u dhashay oo ardeydiisa tusay sawir gacmeed laga sameeyay Nebi Maxamed.

Macron wuxuu horraantii toddobaaadkan sheegay in ‘ Faransiiska uusan is dhiibin doonin’

Muxuu ku saabsan yahay khilaafka?

Madaxweyne Erdogan wuxuu ugu baaqay shacabka dalkiisa in aanay iibsan badeecadaha ka yimaada Faransiiska.

“Ha gadanina badeecadaha Faransiiska, hana gadanina” ayuu yiri madaxweynaha Turkiga oo ka hadlayay magaalada caasimadda ah ee Ankara.

Wuxuu ka codsaday hogaamiyeyaasha Midowga Yurub in Macron ay u sheegaan in uu joojiyo ololaha naceybka ku saleysan.

Waxay arrintani imaaneysaa kaddib markii 16-kii bishan Oktoobar gudaha Faransiiska lagu dilay macalin la oran jiray Samuel Paty.

Ka hor dilka macalinkaas, Madaxweyne Macron wuxuu islaamka ku tilmaamay diin qalalaase ku jirta isla markaana wuxuu ku dhawaaqay qorshe uu ku sheegay in uu kaga hortagayo ‘Islaamiyiinta doonaya gooni u goosadka”

Faransiiska waxaa ku nool muslimiinta ugu badan ee ku sugan galbeedka Yurub, dadka qaar waxay ku eedeynayaan in uu adeegsanayaan tallaabooyin uu ku bartilmaameedsanayo islaamka.

Afahayeen u hadlay hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel wuxuu ku tilmaamay hadallada Erdogan wuxuu xanaf leh oo aan gebi ahaanba la aqbali karin.

Xiriirka Faransiiska iyo Turkiga

Hadalkan ayaa Erdogan ayaa imaanayaa bilooyin uun kaddibv markii ay sare u kacday xiisadda ka dhex taagan Faransiiska iyo Turkiga.

Labadan dal waxay ka wada tirsan yihiin Gaashaan Buurta Nato, waxay labadooda kala taageerayaan dagaalka u dhexeyaa Armenia iyo Azarbaijan iyo dagaallada ka taagan Libya.

Erdogan iyo Macron waxay ku aragti duwan yihiin shidaal baarista uu Turkiga ka wado xeebaha bariga badda Mediterranean-ka, Faransiiska wuxuu diyaaradihiisa dagaalka geeyay gobolka xilli ay taagan tahay xiisadda Turkiga iyo Giriigga.

Erdogan oo la hadlayay xubno ka tirsan xisbigiisa AK party ayaa dhawaan sheegay in Macron uu u baahan yahay baaritaan dhanka maskaxda ah, kadib markii uu hogaamiyaha Faransiiska sheegay inuu gacan bir ah ku qabanayo Islaamiyiinta xagjirka ah ee waddankiisa.

Waxay arrintaas horseeday in Faransiiska uu u yeeray safiirkiisa u fadhiyay Turkiga si wadatashi loo sameeyo.

Isha Bbc.

Dowladda Soomaaliya oo shaqaalaheeda khamiista u fasxeysa dhalashada Suubbanaheena.

0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Cabdullahi Maxamed Cali oo ugu hambalyeeyay Shaqaale weynaha iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed  Dhalasha Nabigeenna Muxamed (SCW) ayaa ku wargaliyay Hay’adaha Dowladda iyo Hay’adaha gaarka ah inay shaqaalaha fasax yihiin maalinta Khamiista oo ay taariikhdu tahay 12 Mowliid 1442 Hijriyadda oo ku aaddan dhalasha Nabiga NNKH.

Halkan hoose ka akhriso

Hay’adda IOM oo xarun Hooyada iyo dhallaanka ka hirgelisay Degmada Doolow.

0

Hay’adda IOM ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay ka furtay xarun lagu xanaaneeyo Hooyada iyo dhallaanka oo dadku baahi weyn u qabeen magaalada Dooloow ee Gobalka Gedo

Xaruntan oo dhaqaalaha ku baxay ay ku deeqday dowladda Japan, islamarkaana farsamo ahaan ay fududeysay Wasaaradda Caafimaad Soomaaliya ayaa waxaa ka faa’iideysan doona dad badan oo dhibaato ku qabay xarumaha caafimaadka.

Xarunta ayaa xooga saari doonta daryeelka carruurta iyo dumarka uurka leh si loola socdo xaaladooda caafimaad.

Dadka barakacayaasha ee ku nool xerada Kasaba ee magaalada Dooloow ayey baahi tiri doontaa xaruntan sida ay sheegtay IOM.

Waxaa halkaasi horay ugu yaalay xarun yar oo aan dabooli karin baahida caafimaad, iyada oo ay sii kordhayaan dadka barakacayaasha ah ee ku sii qul qulaya Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo qaabilay Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya “SAWIRRO”

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan.

R’iisul Wasaare Rooble iyo Danjire James Swan waxa ay ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka, Nabadgalyada iyo Iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka ee ku aaddan arrimaha horumarinta dalka.

Danjire James Swan ayaa sheegay inay Qaramada Midoobay taageeri doonto geedi socodka doorashada Soomaaliya, si ay Soomaaliya ugu caawiyaan inay ka dhacdo doorasho xasiloon oo hufan.

  

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo shir guddoomiyay kulan lagu soo bandhigayay miisaaniyadda dowladda ee 2020/21 “SAWIRRO.

0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa shir guddoomiyay kulan Wasaarada Maaliyaddu ay Wasiirrada cusub ee Xukuumadda ugu soo bandhigeysay miisaaniyadda dowladda ee 2020/21.

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo mas’uuliyiinta kale ee Wasaaradda ayaa waxa ay maanta golaha Wasiirada cusub uga warbixiyeen miisaaniyadda dowladda ee 2020/21.

“Maanta waxa aan Wasiirada cusub ee Xukumadda la wadaagnay faahfaahinta Miisaaniyadda Dowladda ee 2021-ka oo hada diyaarinteedu ay gabo-gabo tahay, muhiimadda kulankeenuna waxa uu ahaa sidii aan isaga kaashan laheyn dar-dargalinta iyo sare u qaadidda Dakhliga Gudaha Dalka”.ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Wasiir Beyle ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukumadda mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar)  oo kulanka shir guddoominayay iyo Wasiiradii fikir iyo talaba la wadaagay Madaxda Wasaaradda.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa Madaxda Wasaradda ku booriyay inay dar dargeliyaan sare u qaadidda dakhliga gudaha.

 

   

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo si rasmi ah xilka ul wareegay+Sawirro.

0

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Abuukar Cismaan Dubbe ayaa maanta si rasmi ah xilka kagala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye”.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa ka qeyb galay munaasabadda xil wareejinta oo ay goobjoog ka ahaayeen Xildhibaano, mas’uuliyiin ka socday maamulka gobolka Banaadir iyo howlwadeenada Wasaaradda.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa bogaadiyay shaqooyinkii hore uu u soo qabtay Wasiirkii hore ee warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, isagoona Wasiirka cusub ee Wasaaradda kula dardaarmay inuu sii wado qorshaha dib u habeynta Warbaahinta Qaranka iyo xoojinta isku xirka Warbaahinta iyo Dowladda.

   

Madaxweynaha maamulka Puntland oo maanta safar ugu ambabaxay dalka Itoobiya+Sawirro.

0

Madaxweynaha maamulka Puntand Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar ugu ambabaxay dalka Itoobiya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha kusii sagootiyey Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad goboleedka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, xubno ka tirsan goleyaasha, Saraakiil Madaxtooyo iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Deni oo Shacabka Puntland la hadlay ayaa ugu baaqay in ay mar walbo door muhim ah ka qaataan dhismaha dowladdnimada Soomaaliyeed.

     

Taliye Xijaar oo kormeeray saldhigyada Booliiska magaalada Dhuusamareeb.

0

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya S/gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa maanta kormeer ku tagay saldhigayada iyo baraha koontaroolada ciidamada Booliiska ah ay ka howlgalaan ee magaalada Dhusamareb goobahaasi ayaa waxaa ku sugnaa ciidamada oo waajibaadkooda gudanaya.

Taliyaha ayaa Warbixin ka dhagaystay Saraakiisha Ciidamada Booliiska waxa ayna xuseen in ciidamadu mar walba Heegan ugu jiraan Sugidda Amniga caasimada Galmudug iyo Hareeriheeda.Shalay ayaa taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya wuxuu gaaray magaalada Dhusamareb wuxuuna kulammo Mira-dhal ah la qaatay saraakiisha Milarariga ciidamada Booliiska ah iyo madaxda dowlad goboleeyada Galmudug, ammaanka magaalada ayaana aad loo adkeeyey maadaama dhowaan ka bilaaban doonaan doorashooyinka xubnaha Galmudug ku yeelan doonto labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiirka cusub ee Cadaaladda XFS oo soo dhaweyn loo sameeyey+sawirro.

0

Maamulka Wasaaradda Caddaaladda XFS ayaa munaasabad soo dhaweyn iyo isbarasho isugu jirta ugu sameeyey Muqdisho Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Caddaaladda XFS, Mudane Mudane C/qaadir Maxamed Nuur(Jaamac)

iyadoo uu casha sharafta goobjoog ka ahaa Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caddaaladda, haatanna ah Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Avv. Xasan Xuseen Xaaji.

Waxaa sidoo kale, goobta joogay Agaasimaha guud, Agaasima Waaxeedyada iyo dhammaan la-taliyayaasha Wasaaradda Caddaaladda iyagoo u ballan-qaaday Wasiirka wada-shaqeyn wacan.

Soo dhaweyn iyo isbarasho kadib, Wasiirkii hore ee Wasaaradda ayaa hadal warbixin kooban iyo hambalyeyn isugu jira goobta ka jeediyey isaga oo sheegay in ay weli xil-wareejintu dhiman tahay oo ay u dhici doonto si rasmi ah xilliyada ugu dhaw, balse tan ay tahay casho sharaf isbarasho.

Waxaa sidoo kale, goobta ka jeediyey khudbad kooban Wasiirka cusub ee Wasaaradda Caddaaladda XFS Mudane, Abdulqaadir Maxamed Nuur isaga oo uga mahadceliyey dhammaan agaasinka sida wacan oo ay ku dheehan tahay niyad wanaagga ugu agaasimeen casho sharafeed, soo dhaweyn iyo isbarasho.

     

Wasiiru dawlaha cusub ee Madaxtooyada Qaranka oo xilka la wareegay +Sawirro.

0

Wasiiru dawlaha cusub ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Xasan Macallin Khaliif oo dhawaan Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay xilkaas ayaa kala wareegay xilka Wasiir dawlihii hore Mudane Cabduqaadir Sheekh Cali Baqdaadi, waxaana munaasabadda xil wareejinta goob-joog ka ahaa Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Mudane Xasan Macallin Khaliif Wasiir dawlaha cusub ee Madaxtooyada oo ka hadlay munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday Xafiiska Wasiir dawlaha ayaa si kooban uga hadlay qorshihiisa ku aaddan howlaha hortebinta leh ee Madaxtooyada Qaranka.

Dhankiisa, Wasiir dawlihii hore ee Madaxtooyada Mudane Cabduqaadir Sheekh Cali Baqdaadi ayaa ka warbixiyay shaqooyinkii muhiimka ahaa ee uu soo qabtay intii uu xilka hayey iyo kuwa horyaalla Wasiir dawlaha cusub. Waxa uuna ku booriyay sii amba-qaadidda howlaha culus ee harsan.

Ra’iisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa bogaadiyay shaqooyinka uu soo qabtay Wasiir dawlihii hore, waxa uuna kula dardaarmay Wasiir dawlaha cusub dardargelinta howlaha dhiman.

Munasaabadda xil wareejinta waxaa ka qeyb galay wasiirka arrimaha Diinta iyo Awqaafta Mudane Cumar Cali Rooble, Wasiir Ku xigeenka Amniga Gudaha Mudane Caadil Sheegow Sagaar, Wasiir kuxigeenka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Marwo Xiis Xasan Aadan.