Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo si rasmi ah xilka ul wareegay+Sawirro.

Date:

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Abuukar Cismaan Dubbe ayaa maanta si rasmi ah xilka kagala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye”.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa ka qeyb galay munaasabadda xil wareejinta oo ay goobjoog ka ahaayeen Xildhibaano, mas’uuliyiin ka socday maamulka gobolka Banaadir iyo howlwadeenada Wasaaradda.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa bogaadiyay shaqooyinkii hore uu u soo qabtay Wasiirkii hore ee warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, isagoona Wasiirka cusub ee Wasaaradda kula dardaarmay inuu sii wado qorshaha dib u habeynta Warbaahinta Qaranka iyo xoojinta isku xirka Warbaahinta iyo Dowladda.

   

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...