Hay’adda IOM oo xarun Hooyada iyo dhallaanka ka hirgelisay Degmada Doolow.

Date:

Hay’adda IOM ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay ka furtay xarun lagu xanaaneeyo Hooyada iyo dhallaanka oo dadku baahi weyn u qabeen magaalada Dooloow ee Gobalka Gedo

Xaruntan oo dhaqaalaha ku baxay ay ku deeqday dowladda Japan, islamarkaana farsamo ahaan ay fududeysay Wasaaradda Caafimaad Soomaaliya ayaa waxaa ka faa’iideysan doona dad badan oo dhibaato ku qabay xarumaha caafimaadka.

Xarunta ayaa xooga saari doonta daryeelka carruurta iyo dumarka uurka leh si loola socdo xaaladooda caafimaad.

Dadka barakacayaasha ee ku nool xerada Kasaba ee magaalada Dooloow ayey baahi tiri doontaa xaruntan sida ay sheegtay IOM.

Waxaa halkaasi horay ugu yaalay xarun yar oo aan dabooli karin baahida caafimaad, iyada oo ay sii kordhayaan dadka barakacayaasha ah ee ku sii qul qulaya Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo...

UNHCR oo walaac ka muujisay sharciga magangalyo-doonka Giriigga

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii...