Home Blog Page 848

Madaxweynaha Hirshabelle Oo Ku Baaqay In Loo Gurmado Dadka Waxyeelada Ka Soo Gaartay Daadadka Qardho

0

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Hirshabelle  Maxamed Cabdi Waare ayaa ka tacsiyadeeyey dadkii ay waxyeelada  ka soo gaartay  roobabka gu’ga ee ku soo rogmaday Magaalada Qardho saameynta Culus ku yeeshay dadkaasi.

Madaxweynaha ayaa muujiyay sida uu ugu murugooday dhibaatada Daadadkaasi ay ku yeesheen Dadka Qardho, waxaana uu ugu baaqay Cid kasta oo garab istaagi karta Walaalaha Puntland in ay garab istaagaan, waxaana guddiyada Fatahaada Hirshabelle oo ay hormuud u yihiin Guddoomiyeyaasha Labada Gobol ee Hiiraan Iyo Shabeelaha Dhexe uu faray in ay u istaagaan Abaabulka U gurmashada Dadka Reer Qardho

“Waxaan aad ula murugoonaynaa walaalaha Qardho saameynta Culus ay ku yeesheen Daadka ka dhashay Roobabka Gu’ga ee dalka ka curtay, gudoomiyeyaasha gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo Guddoomiyaha Gobalka shabellaha dhexe Axmed Mayre Makaraan waxaan farayaa in si deg deg ah ula shaqeeyaan gudiyada gurmadka Hirshabelle State ay shacabkeeda ugu talagaleen walaalahood reer Qardho arrintaan abaabulkeedana ay horseed u noqdaan ayuu yiri” Madaxweyne Waare.

Sidoo Kale Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo sii hadlay ayaa Hogaanka Puntland Ku amaanay dadaalada Gurmadka Deg dega ah ay ka geysanayaan Dhibaatada saameysay Dadka Reer Qardho, waxaana uu ku micheeyay isku duubnida Shacab, Dowlad, iyo Madaxweyne Deni in ay horseed u tahay Ka gudbitaanka dhibka kasta oo jira wuxuuna madaxweynuhu uu bogaadiyay isku duubnidaas.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Reer Puntland garab istaagoodii walaalnimo oo fatahaadii ugu dambeysay Bulshada Hirshabelle ay u muujiyaan waxaana taasi daliil u tahay sida shacbiga Hirshabelle iyo Puntland uu uga dhexeeyo xiriir Qoto dheer oo walaalnimo iyo Ganacsi ah.

Guddoomiye Ku Xigeenka Cusub Ee Maamulka Iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Oo Xilka La Wareegay+Sawirro

0

Munaasabad Kooban oo lagu qabtay aqalka dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa uu maanta xilkiisa kula wareegay Guddoomiye ku xigeenka cusub ee Maamulka iyo maaliyadda Gobolka Banaadir mudane Axmed Xasan iiman iyadoo uu goob joog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobolka Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim dheere)

Sidoo kale waxaa Munaasabada ka qeyb-galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir .

Madaxweynaha Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 24-kii  bishii may ee Sanadkii tagay 2019-kii u magacaabay ibraahim Dheere ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobalka Banaadir sidoo kale dhawaan wareegto ka soo baxday Madaxweynaha oo xilka looga qaaday Guddoomiye ku xigeenada Maamulka iyo Maaliyadda & Howlaha Guud ee Gobalka Banaadir.

Iyadoo Sidoo kale wareegtada lagu kala Magacaabay  Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobalka Banaadir Axmed Xasan iiman iyo Guddoomiye Ku xigeenka Hawlaha Guud Maamulka Gobalka Banaadir Cumar Cali Cabdi.

 

AUN: Agaasimihii Madbacadda Qaranka Axmed Faarax Gaatamoow Oo Lagu Aasay Muqdisho

0

Waxaa goor dhaw magaalada Muqdisho lagu aasay Allaha u naxariiste Agaasimihii Madbacadda Qaranka Axmed Faarax Gaatamow oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Aaska waxaa ka qeygalay masuuliyiin ka socday wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumada federaalka Soomaaliya, qaar ka mid ah bahda warbaahinta iyo ehelka marxuunka geeriyooday.

Madaxda iyo shaqaalaha wasaarada warfaafinta oo uu la soo shaqeeyay mudo dheer  Axmed Faarx Gaatamoow  Agaasimihi madbacada qaranka ayaa ku sifeeyay in uu ahaa shaqsi afgaaban oo laga nabad galo.

Allaha u naxariistee Axmed Faarax Gaataoow  ayaa ka soo shaqeeyay warbaahinta  gaarka loo leeyahay sidda idaacada shaballe, Idaacada Codka nabada oo uu Agaasime ka soo noqday, iyo warbaahinta qaranka uu xilal kala duwan ka soo qabtay, sidda Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed  (SONNA) Agaasimaha Radio Muqdisho, iyo Agaasimaha Madbacada qaranka,

 

 

 

 

 

Ciidanka Xoogga dalka oo ka wada howlgal lagu xaqiijinayo amniga wadada xiriirisa Shalaanbood iyo Afgooye

0

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa  Howlgalo Amni  lagu Xaqiijinayo  Kawda Wadada  udhexeeysa Shalaanbood iyo Afgooye ee gobolka shabeelaha hoose.

ujeedka howlgalkani ayaa ahaa xaqiijinta amaanka dhabaha xiriiriya degaanka shalaanbood iyo degmada afgooye ee gobolka shabeelaha hoose .

Ciidanka ayaa intii ay howlgalka kuguda jireen waxay kusoo qabteen rag lala xiriirinayo in ay katirsanyihiin maleeshiyaadka al-shabaab ku was oo qaarkood looga shakiyay in ay ku howlanaayeen falal amniga lid ku ah.

Taliyaha ururka 14aad guutada 14 october dhamme cisman Muuse Mohamed oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay wadeen howlgalo qorsheysan oo looga hortegaayo dhagarta kooxda la,shabaab.

Ciidanka xooga dalka soomaliyeed ayaa kordhiyeye howlada dalka looga sifeeynaayo kooxda al.shabab.

Wasiirka caafimaad XFS oo kulan qadka internet-ka la qaadatay Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya

0

Wasiirka Caafimaadka, Dr. Fawziya Abikar Nur ayaa maanta kulan toos ah ayaa qadka internet-ka la qaadatay Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, H.E. Donald Y. Yamamoto iyo madaxda Hay’adda Maraynkan u qaabilsan Dhanka Horumarka (USAID).

Wasiirka caafimaad XFS ayaa Dowladda Maraykan-ka uga mahadcelisay dalaadallada ay ka wadaan Soomaaliya ee ku aadan COVID-19, sidoo kalena kala hadashay sidii ay gacan buuxda uga geysan lahaayeen gurmadka wax looga qabanayo cudurka COVID-19.

Dowladda Maryakan-ka ayaa balan qaaday in ay Soomaaliya ka caawin doonaan xakamaynta iyo xal u helidda cudurka COVID-19.

Dowladda oo Muqdisho Ka qeybisay agab caafimaad oo Qeyb Ka qaadanaya qorshaha xakameynta cudurka COVID-19

0

Dowladda Oo Muqdisho Ka Qeybisay Agab Caafimaad Oo Qeyb Ka Qaadanaya Qorshaha Xakameynta Cudurka COVID-19
Muqdisho:(SONNA) Dowladda Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ka bilaawday Qeybinta Maaskarayaal (Facemasks) qaybta ah qorshaha kahor tagga iyo xakameynta faafitaanka cudurka COVID-19.

Qeybinta maaskaraha oo qorshuhu yahay in la gaarsiiyo dhammaan dadka Sooaamliyeed ayaa loo qeybiyay darawallada Bajaajta iyo gaadiidka dadweynaha iyo qeybo kale oo kamid ah dadweynaha magaalada Muqdisho.

Qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa soo dhaweeyay qroshaha bulshad loogu geybinayo maaskaraha iyo dadaallada kale ee dowladdu ku xakameyneyso faafitaanka iyo saameynta kale ee bulshada uu ku yeelanayo COVID-19.

Dowladda oo si wanaagsan isaga xil saartay xakameynta faafitaanka cudurka ayaa horay u qaaday tillaabooyin lagu yareynayo saameynta uu COVID-19 ku yeelanayo bulshada Soomaaliyeed.

Doowladda Soomaaliya oo ku howlan dalka in ay ku soo celiso muwaadiniin Soomaaliyeed ku xayiran Sacuudiga

0

Wasiirka caafimaadka ayaa  sheegay in dowladda ay ku howlantahay inay dalka kusoo celiso mawaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayiran Sucuudiga iyo dalal kale,

sidookale Doowladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa  xaqiijisay in la soconeyso xaaladda mawaadiniin ku xayirnaa dalka Turkiga oo dalka dib loogu soo celiyay.

Dowladda ayaa qaaday tillaaboyin lagu xakameynayo cudurkaan COVID-19 ee dunida dhibaatada badan ku haya, waxay mawaadiniinta Soomaaliyeed ugu baaqeysa inay wadajir u qaataan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah dadaallada lagu xakameynayo cudurka COVID-19.

 

Olole Shacabka Looga Wacyi-Gelinayo Halista Cudurka Corono Virus Oo Ka Socda Balad-Xaawo

0

Dhalinyarada Degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo ayaa Bilaabay wacyi- gelin ku aadan halista Cudurka Corona Virus.

Xili Lagu guda jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaan,islamarkaana ay jirto cabsi ku aadan halista Cudurka coronvirus ayaa maanta Dhalinyarada daryeelka Bulshada ee Degmada Balad-xaawo waxay sameeyeen wacyi-gelin la xiriirta Sidii looga hortagi lahaa Cudurka Covid-19, iyagoo socod ku soo maray xadka u dhaxeeya degmoyinka Mandheera iyo Balad-xaawo maadama degmada Baladxaawa ay kutaalo Xuduudda dalalka Itoobiya iyo Kenya.

Sida ay warbaahinta Kenya ku warantay,ku dhawaad 8-kiis oo Cudurka Corono Virus ayaa laga sheegay magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya,taas oo kaabiga ku heyso Degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo

Qaar kamid ah Dhalinyarada Daryeelka Bulsho ee Degmada Balad-xaawo oo ah dhalinayaro iskood isku xilqaamay ayaa bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Degmada Balad-xaawo iyo nawaaxigeeda waxay Kaga digeen halista uu leeyahay cudurka Covid-19, waxana ay bulshada kula dardaarmeen in ay ku dadaalaan nadaafadda.

Qeybaha Bulshada Gaalkacyo Oo Soo Dhaweeyay Golaha Wasiirada Cusub Ee Galmudug

0

Kadib markii Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Abdi Kaariye uu magacaabay xubnaha Golaha Wasiirada Maamulkiis ayaa qaybaha bulshada magaalada Gaalkacyo waxa ay soo dhaweeyeen sida ay u arkaan dhismaha golahha Wasiirada Galmudug

Nabadoon Cabdikariin Maxamuud oo ka mid ah waxgaradka magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in Madaxweynaha Galmudug uu ka soo baxay hawlihii loo igmaday, isaga oo aad u soo dhaweeyey xubnaha golaha Wasiirada oo uu sheegay in ay yihiin kuwo wax ka badali kara hawlaha Galmudug.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa si wadajir u qiray inay soo dhaweynaaan Golaha Wasiirada Galmudug, iyagoo sheegay in wax weyn Galmudug laga qabtay, Madaxweynahana looga baahanyahay in uu dhamaystiro waxyaabaha u dhiman.

Golaha Wasiirada cusub ee Galmudug ee dhawaan uu soo magacaabay Madaxweynuhu ayaa looga fadhiyaa in ay la yimadaan wax qabad muuqda, iyada oo meela kamid ah gobolka aad looga taageeray dhismaha golaha wasiirada galmudug oo laga filayo in ay kasoo baxaan shaqada hortaala

 

Xiliga Uu Boris Johnson, R/Wasaaraha Ingiriiska Uu Shaqada Dib Ugu Laabanayo Oo Daaha Laga Rogay.

0

Xafiiska R/Wasaaraha Britain ee Downing Street ayaa shaaciyay in Boris Johnson uu maalinta berito ee Isniinta ah ay taariikhdu ku beegan tahay 27-ka bisha April 2020-ka uu  shaqada ku soo laaban doono.

Muddo laba todobaad laga joogo ayay ahayd markii uu ra’iisal wasaaraha ka soo baxay cisbitaal ku yaal London, halkaasi oo uu mar cudurka Covid-19 u galay qeybta xaaladda degdega ah.

Waxa uu saameynta xanuunka uga soo reysanayay hoygiisa rasmiga ah, halkaasi oo uu telefoonka kula hadlay Boqorad Elizabeth, golihiisa wasiiradda iyo Madaxweyne Trump.

Mr. Johnson ayaa xafiiska kusoo laabanaya xilli uu wajahayo dhaleeceyn ku aaddan qaabka uu ula tacaalay cudurka safmarka ah ee Covid-19.

Ilo wareedyo ka tirsan dowladdiisa ayaa sheegay inuu aad uga taxadari doono goorta iyo qaabka loo qaadayo xayiraadda saaran Britain ee uu keenay cudurka.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha, Priti Patel, ayaa meesha ka saartay khafiifinta tallaaboyinka ay qaaday dowladda, kadib markii uu xoghayihii hore ee maaliyadda, Philip Hammond ku biiray dadka ku baaqaya in xukuumadda ay la timaado qorshe ay dib ugu hawlgelinayso dhaqaalaha dalka.

R/Wasaare Boris Johnson ayaa noqday hogaamiyihii ugu horreeyay ee dalalka awoodda leh ee uu ku dhacay cudurka karoona fayras.

In ka badan 20,000 oo qof ayaa Britain oo keliya cudurka ugu dhimatay, waxaana dalkaasi uu kamid yahay shanta dal ee ugu dhimashada badan caalamka.