Home Blog Page 848

Dadka Mareykanka oo looga digay weeraro argagixiso oo ka dhici kara dalalka Khaliijka.

0

Safaaradda Mareykanka ee Imaaraadka Carabta  ayaa soo saartay digniin culus oo ku socota muwaadiniinta Maraykanka, taas oo  ku saabsan suurtagalnimada in kooxaha argagixisadu weeraro ka gaystaan dalalka Khaliijka Carabta.

Safaaradda ayaa sheegtay in dowladda Maraykanku wali ka walaacsantahay qatarta Kooxaha argagixisada iyo suurtagalnimada ah in ay geystaan weeraro ka dhan ah muwaadiniintiisa  iyo danaha uu ka leeyahay dalalka dhaca Jasiiradda Carabta.

Warka ay safaaraddu soo saartay ayaa lagu yiri “ ururada agagixisadu waxay wadaan qorsheynta weeraro kuwaas oo isagu jira is-miidaamin, dilal qorsheysan, afduub iyo qaraxyo”.

Safaaradda ayaa ugu baaaqaday muwaadiniinta Maraykanka ee  ku sugan wadamada Khaliijka inay feejignaadaan kana fogaadaan goobaha halista ah.

Mareykanka oo diiradda saaraya carqaladeynta dhaqaalaha ee kooxda Al-Shabaab.

0

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay si xoogan u taageerayaan dadaalada lagu carqaladeynayo hababka dhaqaale iyo maalgalinta sharci darada ah ee ay adeegsadaan kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab.

Hadaladaan ayaa yimid ka dib markii khabiirro ka tirsan Qaramada Midoobay ay xuseen in Kooxdaasi sanadkii hore ay soo ururiyeen lacago ka badan $ 21 milyan oo ay ku bixiyeen dagaalada, hubka iyo sirdoon .

Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay Kelly Craft ayaa Arbacadii u sheegtay Golaha Amniga in maamulka Trump ay ka go’an tahay la shaqeeyaan wadamada kale,isla markaana ay adeegsadaan cunaqabateynta Qaramada Midoobay si looga hortago “maalgalinta argagixisada” ee Al-Shabaab.

“Mareykanka wuxuu sidoo kale diiradda saarayaa burburinta awooda Al-Shabaab oo caadeysatay weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah”, ayeey tiri Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay .

Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay  ayaa lagu waramay in ay diiradda saarayaan warbixinadii ugu dambeeyay ee ay soo gudbiyeen guddiga khubarada iyo sida wax looga qaban karo saameynta dagaalada kooxaha argagxisada ee aan ku ekeyn Soomaaliya,balse u gudbay dalalka deriska ah .

 

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay aflagaadadii lagula kacay Suubanaheena CSW.

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ka xun tahay in lagu xadgudbo caqiidada iyo muqdasaadka dadka Muslimiinta ah oo uu ugu horreeyo Suubanaheenna Nabi Muxamed, nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, iyada oo marmarsiyo laga dhiganayo xorriyadda hadalka.

Waxay adduunydu isla ogoshahay in la dhawro Muqadasaadka diiniga ah, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u taabanaya diinteenna sharafta badan ee Islaamka.

Fal kasta oo dhaawacaya dareenka dadka Muslimiinta ah wuxuu u adeegayaa danaha kooxaha xagjirka ah, waxaana habboon in laga fogaado ficilladan oo kale maadaama ay abuurayaan nacayb bulsho oo ka dhex dhasha shucuubta caalamka ee kala aaminsan aragtiyada iyo diimaha kala duwan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku boorrinaysaa hoggaamiyeyaasha caalamka in ay si taxadar leh uga fiirsadaan hadallada xadgudubka ku ah dareenka dadka Muslimiinta ah iyaga oo kala saaraya xorriydda hadalka iyo ku xadgudubka muqadasaadka diiniga ah.

DHAMMAAD

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay aflagaadadii lagula kacay Suubanaheena CSW.

0

MUQDISHO, Oktoobar 29, 2020: Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ka xun tahay in lagu xadgudbo caqiidada iyo muqdasaadka dadka Muslimiinta ah oo uu ugu horreeyo Suubanaheenna Nabi Muxamed, nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, iyada oo marmarsiyo laga dhiganayo xorriyadda hadalka.

Waxay adduunydu isla ogoshahay in la dhawro Muqadasaadka diiniga ah, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u taabanaya diinteenna sharafta badan ee Islaamka.

Fal kasta oo dhaawacaya dareenka dadka Muslimiinta ah wuxuu u adeegayaa danaha kooxaha xagjirka ah, waxaana habboon in laga fogaado ficilladan oo kale maadaama ay abuurayaan nacayb bulsho oo ka dhex dhasha shucuubta caalamka ee kala aaminsan aragtiyada iyo diimaha kala duwan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku boorrinaysaa hoggaamiyeyaasha caalamka in ay si taxadar leh uga fiirsadaan hadallada xadgudubka ku ah dareenka dadka Muslimiinta ah iyaga oo kala saaraya xorriydda hadalka iyo ku xadgudubka muqadasaadka diiniga ah.

DHAMMAAD

Madaxweynaha Galmudug oo qaabilay Mas’uuliyiinta Maamulka cusub ee Gaalkacyo.

0

Sama-reeb (SONNA)-Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa xafiiskiisa maantay ku qaabilay Duqa cusub ee magaalada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sh Xasan iyo ku xigeenkiisa, ayadoo ay goobjoog ka ahaayeen Madaxweyne ku-xigeenka, Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa tilmaan ka bixiyey aragtida Galmudugta cusub ee degmooyinka Galmudug iyo waajibaadka horyaalla maamulka cusub ee degmada Gaalkacyo, ayadoo dhanka kale guddoomiye C/raxmaan uu ballanqaaday inuu ku shaqayn doono tilmaamaha iyo siyaasaadka Galmudug, kana shaqayn doono horumarka iyo danaha dadka reer Gaalkacyood.

Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ku booriyay Maamulka cusub ee degmada Gaalkacyo inay bulshada ugu adeegaan si cadaalad ah.

 

Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo gaaray Cadaado.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdi Maxamed Xasan “Xijaar” iyo wafdi saraakiil sare ah oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa dhawaanahaan waday u kuurgelidda, qiimeynta xaaladaha amniga iyo kormeerka xarumaha boolisa Dowlad Goboleedka Galmudug.

Sareeyo Gaas Cabdi Maxamed Xasan “Xijaar” ayaa booqday goobo ay ka mid yihiin madaaxtooyada Cadaado iyo Saldhiga booliska magaalada Cadaado halkaasi oo uu dalacsiin ciidan uu ka sameeyay taliyaha.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Maxamed Xasan ayaa maalmaha uu joogo magaalada Cadaado waxa uu kormeer ku tagi donaa goobaha ciidanka magaalada Cadaado iyo deegannada hoosyimaada.

  

Wasiirka iyo Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Ganacsiga oo xilka la wareegay “SAWIRRO”

0

Munaasabadan oo ay xilka kula wareegayeen Wasirka Cusub ee Wasaaradda Ganacsiga Mudane Khaliif Cabdi Cumar iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda mudane Cali Maxamed Bagadi ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Mudane Mahad Maxamed Guuleed (Khadar), Wasiirkii hore ee Ganacsiga Eng Cabdullaahi Cali Xasan, Wasiirudaha Wasaaradda ganacsiga oo markale dib xilkan loogu magacaabay , shaqaalaha Wasaaradda, Ganacsato iyo marti sharaf kale, kaasi oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda.

Wasiirkii hore ee Ganacsiga Soomaaliya Eng, Cabdullaahi Cali Xasan ayaa ka sheekeeyay waxyaabaha u qabsoomaday Wasaaradda mudada uu joogay, oo ay ka mid ahayd hirgelinta sharciyo muhiim u ah ganacsiga iyo heshiis caalami ah, isagoo ganacsatada ku booriyay inay la shaqeeyaan madaxda cusub ee Wasaaradda,

Wasirka Cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Somaaliya Mudane Khaliif Cabdi Cumar ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono sidii sare loogu qaadi lahaa koboca dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ku booriyay ganacsatada Soomaaliyeed sida ay markasta uga shaqeeyaan kobaca dhaqaalaha dalka iyo garab istaaga dowladnimada Soomaaliya.

Ugu dambeyn Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga ayaa la guddoonsiiyay Shahaado sharaf oo ay u garteen shaqaalaha Wasaaradda, waxaana sidoo kale abaalmarino la guddoonsiiyay qaar ka mid ah howlwadeenada iyo Lataliyeyaasha Wasaaradda Ganacsiga.