Dadka Mareykanka oo looga digay weeraro argagixiso oo ka dhici kara dalalka Khaliijka.

Date:

Safaaradda Mareykanka ee Imaaraadka Carabta  ayaa soo saartay digniin culus oo ku socota muwaadiniinta Maraykanka, taas oo  ku saabsan suurtagalnimada in kooxaha argagixisadu weeraro ka gaystaan dalalka Khaliijka Carabta.

Safaaradda ayaa sheegtay in dowladda Maraykanku wali ka walaacsantahay qatarta Kooxaha argagixisada iyo suurtagalnimada ah in ay geystaan weeraro ka dhan ah muwaadiniintiisa  iyo danaha uu ka leeyahay dalalka dhaca Jasiiradda Carabta.

Warka ay safaaraddu soo saartay ayaa lagu yiri “ ururada agagixisadu waxay wadaan qorsheynta weeraro kuwaas oo isagu jira is-miidaamin, dilal qorsheysan, afduub iyo qaraxyo”.

Safaaradda ayaa ugu baaaqaday muwaadiniinta Maraykanka ee  ku sugan wadamada Khaliijka inay feejignaadaan kana fogaadaan goobaha halista ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Shacabka Muqdisho oo soo dhoweeyey qaybinta kaarka codbixinta

Shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir ayaa si weyn u...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dib u dayactirka iyo dhismaha 18 xarumo caafimaad

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Muqdisho oo saaka laga bilaabay qaybinta kaarka codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...