Home Blog Page 843

Wasiirka Boostada XFS Oo Soo Dhoweeyay Kaalinta Uu Dalkeenu Ka Galay Qiimaha Internet-Ka

0

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Mudane eng.Cabdi Cashuur Xasan, ayaa soo dhoweeyay kaalinta dalkeenu uu ka galay isbrabardhigga lagu sameeyay qiimaha internetka taleefoonka gacanta (mobile data), taas oo muujineysa in dalkeenu uu ka mid yahay 10-ka dal ee ugu qiima jaban adduunka oo dhan iyo dalka 1aad ee qaaradda Afrika.

Warbixin uu soo saartay Cable.co.uk – oo ah bar internet oo isbrabardhig ku sameysa qiimayaasha shirkadaha isgaarsiinta dalalka caalamka – ayaa muujineysa in Soomaaliya ay kaalinta 7aad kaga jirto adduunka, qaaradda Afrikana kaalinta 1aad dhinaca qiimaha 1GB ee internetka taleefoonka gacanta, kadib markii qiimeyn lagu sameeyay shirkadaha isgaarsiinta ee dalalka adduunka.

Warbixintu waxay muujineysaa in qiimaha mobile internet ee Soomaaliya uu aad hoos ugu dhacay 12kii bilood ee la soo dhaafay, iyadoo sanad ka hor ay Soomaaliya ku jirtay kaalinta 134aad ee adduunka ama kaalinta 37aad ee Qaaradda Afrika. Isbeddelkan ayaa ah mid xawli ah marka loo eego dalalka kale ee qiimeynta kula jira oo qaarkood aan wax isbeddel ah sameynin sanadkii la soo dhaafay.

Wasiir Cashuur, oo soo dhoweynayay natiijadan, ayaa sheegay in arrintani ay muujineyso in suuqa isgaarsiinta Soomaaliya uu horumar sameynayo, taasina ay gacan weyn ka geysan doonto sidii uu dalkeena uga hana-qaadi lahaa dhaqaalaha ku dhisan teknolojiyada (digital economy) oo ah halka adduunka maanta ku kala horumaray, waayo internetka jaban wuxuu dhiirrigeliyaa in adeegyo kala duwan bulshada loo marsiiyo dhinaca teknolojiyada.

“Natiijada sanadkan waxay marqaati u tahay dadaalka iyo hal-abuurka shirkadaheena isgaarsiinta iyo shaqaalaha ka hawl-gala. Sidoo kale waa arrin muujineysa in dadaalkooda iyo naf-huristooda ay miro-dhal noqonayaan, oo ay u tartami karaan heer caalami,” ayuu yiri wasiirku.

Isbeddelkan ayaa xaqiijiyay inay taabba-gal noqdeen dadaalladii kala duwanaa ee ay xukuumaddu sameysay 3dii sano ee ugu dambeysay ee ku saabsanaa in la nidaamiyo suuqa, lana dhiirri-geliyo tartanka xorta ah. Xilligan la joogo isgaarsiinta Soomaaliya waxay leedahay sharci iyo siyaasad lagu hago, waxaana gabagabo maraya barmaamijyo ballaaran oo nidaaminaya rukhsadaha, hirarka, lambarrada iyo isku-xirka shirkadaha.

Dowladda Oo Ballaarineysa Hannaaka Bulshada Looga Baarayo Xanuunka COVID-19 “SAWIRRO”

0

Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 55 xaalado cusub oo COVID-19 ah.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixita ku sheegtay in 5 bukaan ay u geeriyoodeen xaruunka 19 ruux oo kalana ay ka bogsoodeen.

Xaaladaha cusub ayaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (41) Puntiland, (13) iyo Hirshabeelle (hal) ruux. 37 kamid ah bukaannada cusub ayaa la xaqiijiyay inay rag yihiin 18 ayaa haween ah.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 928 guud ahaan 44 bukaan ayaa u geeriyooday cudurka, waxaana ka bogsatay 106 qof.

Wasiirka caafimaadka ayaa xaqiijisay in COVID-19 uusan xuduud laheyn, qof kasta, da’ kasta, lab iyo dhadig uu si isku mid ugu dhici karo, waxayna ku baaqday in qof kasta uu mas’uuliyad dheeraad ah iska saaro hannaanka xakameynta faafitaanka Feyruska Karoona.

Dowladda oo xoogga saareysa in la ballaariyo hannaanka bulshada looga baarayo cudurka ayaa maanta daah furtay hab cusub oo Mobile-ka lagu degsanayo kaas oo sahlaya in dadka isaga shakiya COVID-19 ay si dhaqsa ah ku helaan talo iyo gurmad caafimaad.

Diyaarad Siday Agab Looga Hortagayo Fatahaadda Webiga Shabeelle Oo Beledweyne Ka Degtay “Sawirro”

0

Dowladda Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee maanta Beledweyne geysay diyaarad siday agab looga hortagayo  in uu fataho wabiga Shabeelle ee Beledweyne, waxaana agabka ka mid ah jawaanno iyo biro loogu talagalay in  caratuur lagu sameeyo.

Agabkan ayaa ah mid loogu talagalay in loo adeegsado ka hortaga fatahaada wabiga Shabeelle magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana agabka la wareegay maamulka Gobolka Hiiraan.

Dhawaan ayay aheyd ka markii wafdi balaaran ee uu horkacayay Wasiirka Boostada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay kormeer qiimeyn ah oo lagu ogaanayo xaaladihii ugu dambeeyay ee fatahaada webiga Shabeele ay ku tageen magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana maanta dowladdu ay Beladweyne gaarsiisay agab biyaha looga hortegayo.

Dowladda Oo Xoojineyso Qorshaha Ka Hortaga Fatahaada Beledweyne +Sawirro

0

Wasiirka Boostada isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Eng. C/di Canshuur Xasan oo goor dhaw la hadlay hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliyeed ay wado dadaalo looga hortago fatahaad uu sameeyo wabiga shabeelle e Magaalada Beledweyne.

“Waxaa goordhaw  Garoonka diyaardaha aadan Cade  ee Magaalada Muqdisho ka amba baxay diyaarad siday jawaanada ciidda dhufeysyada cagaaran ooloogu talo galay in loo adeegsado ka hortaga fatahaada webiga shabeelle ee magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan” sidaas ayuu yiri Wasiir Boostada Eng.C/di Canshuur Xasan.

Labo maalmood ka hor ayay aheyd ka markii wafdi ballaaran ee uu horkacayay wasiirka Boostada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kormeer qiimeyn ah oo lagu ogaanayo xaaladihii ugu dambeeyay ee fatahaada webiga shabeele ay ku tageen Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Bulshada magaalada Beledweyne ayaa cabsi xooggan soo wajahday markii uu qeybo ka ka mid ah magaalada uu Fatahaad uu sameeyay wabiga shabeelle waxaan jira dadaalo ay iska kaashayaan maamulka Gobolka Hiiran iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ee ku aadan sidii looga hortagi lahaa khasaaro ka dhasha Fatahaad uu sameeyo webiga iyadoo la ogyahay khasaarihii uu geystay sanadkii tagay.

Madaxweyne Waare Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Wasiirka Hub Ka Dhigista Ee Hirshabeelle

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed C/di Waare ayaa tacsi u diray maamulka golayaasha iyo   qoyskii  uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Wasiirka  Hub ka dhigista iyo dhaqan Celinta Maleeshiyaadka Hirshabelle Marxuum Axmed Cumar Gaabow.

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed C/di Waare oo ku hadlayay Afka Golayaasha Dowladda, iyo Shacbiga Hirshabelle ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo.

“Innaa Lillaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun Aad baan ugu naxay marka aan maqlay geerida Wasiir Xildhibaan Sh Libbi waxa uu ahaa shaqsi karti iyo Wadaniyd ku sifoobay wax badan ka soo maray dhismaha Dowladda Hirshabelle. ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Marxuumka oo  sidoo kale ahaa mudane ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle ayaa Saakay Ku geeriyooday Magaalada Caasimada ah ee Jowhar oo uu maalmihii ugu dambeeyay ku xanuunsana

Madaxweyne Farmajo Oo Bogaadiyay Dadaalka Xukuumadda Ee Xakameynta Cudurka Covid-19

0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo oo khadka internetka kaga qeyb galay shirka joogtada ah ee Guddiga Qaran ee Xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa ku bogaadiyey Xukuumadda in la gaarsiiyey Dowlad Goballeedyada dalka qalabka caafimaad ee aas-aasiga u ah daryeelka caafimaad iyo badbaadinta bukaannada uu soo rito cudurka COVID-19.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay dadaalka xooggan ee lagu bixiyey sidii dalalka aan saaxiibada nahay ay inoogu taageeri lahaayeen qalabkan caafimaad, maadaama dalalkaasi laftigoodu ay baahi weyn u qabeen qalabka caafimaad ee ay inoogu deeqeen.

“Xaaladda dunida ka jirta ee uu sababay cudurka COVID-19 waa mid saameyn xooggan ku yeelatay dhinac kasta oo nolasha ah, sidaas darteed dalalka walaalaha ah ee inoo fidiyey gurmadka caafimaad -wakhtigan adag- waa mid aan u xasuusan doonno dowlado iyo hay’adaba.”

Madaxweynaha ayaa ku dhiirri geliyey Guddiga in la kaydiyo xogta iyo khibradda ku aaddan cudurkan si ay u noqoto hage dhaxal gal ah oo qeyb ka noqda hannaanka maareynta musiibooyinka iyo cudurrada faafa. Isagoo sheegay in la kordhiyo qablabka badqabka adeegayaasha caafimaadka kuwaasi oo u taagan samatabixinta dadka iyo xakameynta cudurka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, laamaha caafimaadka dalka iyo Guddiga Qaran ee Xakameynta Cudurka COVID-19 dadaalka mugga weyn ee ay ku bixinayaan badqabka caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed.

Dhankooda, Guddiga Qaran ee Xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa u soo bandhigay Madaxweynaha xogta ku saabsan badqabka caafimaad ee dalka, xaaladda bukaannada ku jira Goobaha Karantiilka iyo heerka ay gaarsiisan yihiin dadaallada wacyigelinta bulshada ee ku aaddan halista cudurka COVID-19.

Roobab Culus Oo Ay Ku Hafteen 194 Gudaha Dalka Kenya

0

Quusayaasha deegaanka webiga Kawalase ee  dhow wadada dheer ee Lodwar-Lokichoggio ayaa baadi goobaya gaari uu la tagay daadad biyo ah welina la la’yahay kadib roobab mahiigaan ahi ay ka curteen gudaha dalka Kenya, khuburada saadaasha hawada ku xeel-dheer ayaa ka digay in ay roobab kale oo wata biyo xajmi badan la filyo in ay yimaadaan. Daily Nation ayaa Qortay.

in ka badan nolosha 194 qof ayaa lagu la’yahay daadadka roobabka xilligan oo ka da’ay meelo kala duwan iyagoona fatahaado ka geystay gudaha dalkaasi.

Wargayska ayaa soo xigtay Dr Fred Matiang’i oo ah xoghayaha A/Gudaha Xukuumadda Kenya oo sheegayay in khatarta ay ku badan magaalada Garissa iyo tuulooyinka ka ag-dhow webiga Tana ay fatahaaduhu ku qasbeen in ay u hayaamaan meelaha dhulalaka qalalan ee aysan fatahaaduhu saameynin weli.

Waaxda La Socodka Jawiga & Saadaasha Cimilada Dalka Kenya ayaa ka digtay in ay xaaladdu suurtagal ahayn in wax laga qabto waqtiga dhow, xilli roobab kale oo culus la filayo in  dabayaaqadka todobaadka soo socda ay ka da’aan gaar ahaan bartamaha qeybo badan oo ka mid ah dalkaasi sida uu Wargayska Daily Nation uu qoray waxaa ka mid ah deegaannada Rift Valley, deegaannada Galbeedka iyo meelo badan oo ay ka mid yihiin magaalooyinka iyo tuulooyinka kuyaala dhinaca xeebta wadankaasi.

Kenyaatiga oo ku dhaqan meelaha daadadku ku badan yihiin ayaa loogu baaqay in ay u baro baxaan deegaannada aan daadad qabadka lahayn iyadoo xaalado laga war war qabo laga soo sheegayo in ay ku sugan yihiin meelaha biyo qabinta ee kuyaala Masinga & Turkwel halkaasi oo cabsi laga qabo in ay biyuhu fatahaado ba’an ay sameeyaan. Daily Nation Ayay ahayd Sheekadaasi Todobaadkani.

 

 

 

 

Magaalooyin Ka Mid Ah Dalka Kenya Oo La Geliyay Xaalad Bandow Ah

0

Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi iyo magaalada Mombasa, waxaa lagu soo rogay xayiraad 15 maalin ah oo ka billaabanaysa caawa oo Arbaco ah.

Wasiirka caafimaadka ee Kenya, Mutahi Kagwe ayaa sheegay in tallaabadaan looga gol leeyahay xakameynta cudurka safmareenka ah ee COVID19.

Dhankiisana, Xildhibaanka laga soo doorto degmada Kamakunji oo ay ku jirto xaafadda Islii, Yuusuf Xasan ayaa si adag uga soo horjeestay go’aanka oo uu ku sheegay mid aan laga fiirsanin.

Islii waa xaafad ay si weyn u degto Soomaalida ku nool magaalada Nairobi, waxaana ku yaalla suuq weyn oo ay maalinkii u soo shaqo tagaan dad ka badan 100-kun oo qof.

Tirada guud ee dadka laga helay cudurka Coronavirus guud ahaan wadanka Kenya ayaa lagu sheegay 500 oo qof, halka xaafadda Islii dadka laga helay ay tahay 65 qof.

Wasiirka Caafimaadka Oo Ka War Bixisay Xaaladda COVID-19 Ee Dalka

0

Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 38 xaalado cusub oo COVID-19 ah. 12 qofood ayaa ka bogsootay cudurka hal ruux ayaana u geeriyooday.

Wasiirka C/fimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (35) iyo Somaliland, (3). 30 kamid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag 8-nna waa haween.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 873 waxaa bogsootay 87 Ruux. 39 ruux oo kale ayaa u geeriyooday.

Dowladda oo dadaal xoogan ugu jirta xakameynta faafitaanka Feyruska Karoona ayaa ku howlan sare u qaadidda awoodda dowlad gobaleedyada ee la tacaalidda cudurka.

R/Wasaare Kheyre Oo Guddoomiyay Shirka Joogtada Ah Ee Xakameynta Covid-19

0

R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa guddoomiyay Shirka joogtada ah ee guddiga Qaran ee ka hortagga iyo xakameynta Cudurka COVID19.

Kulanka oo ahaa mid dhinaca Internet-ka ah ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirrada Caafimaadka ee dowlad gobaleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka, waxaana looga hadlay dardar gelinta wacyi gelinta bulshada iyo ballaarinta awoodda dowlad gobaleedyada ee xakameynta faafitaanka COVID-19.

Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ayaa dardar gelineysa wacyigelinta bulshada si looga hortago cudurka Covid-19 oo dhibaato ku haya dunida oo dhan.