Home Blog Page 843

Masar oo dowr ku leh heshiis maxaabiis is-weydaarsi ah oo u dhexeeya Xamaas iyo Israel.

0

Madaxa Xafiiska siyaasadda ee dhaqdhaqaaqa wax iska caabinta Islaamka ee (Xamaas) Ismaaciil Haniya ayaa shaaca ka qaaday in Masar ay xilligan dhex-dhexaadin ka waddo Xamaas iyo Israa’iil si ay u gaaraan heshiis cusub oo ku saabsan is dhaafsi dhinaca maxaabiista ah.

Hadalkan ayaa yimid kaddib markii koox suxufiyiin ah ay Haniya wareysi kooban kula yeesheen magaalada Beyruut jimcihii shalay, waxuuna arrinkan ka dhawaajiyay mar uu ka jawaabayay su’aal ay weydiisay Wakaalladda Wararka ee Anatolia.

Haniya ayaa sheegay in Xamaas ay soo dhaweyneyso dadaallada Masar ay ku dooneyso in la gaaro heshiis cusub oo ku qotoma is-weydaarsi maxaabiis, waxayna muujiyeen in rajo wanaagsan ay ka qabaan dhankooda.

“Walaalaha Masar waxay daba gali donaan arrimo badan oo ay ka mid yihiin heshiis laga gaaro go’doominta saaran marinka Rafax, iyo isdhaafsiga maxaabiista u kala xeran Xamaas iyo Israa’iil” ayuu yiri Haniya.

Madaxa xafiiska siyaasadda ee Xamaas ma uusan caddeyn in wax horumar ah oo horay looga gaaray arrimaha isdhaafsiga maxaabiista ee u dhaxeeya dhaq dhaqaaqa Xamaas iyo Israa’iil.

Dhaq dhaqaaqa Xamaas ayaa xirtay afar askari oo ka tirsanaa ciidamada Yahuudda markii ciidamada Israa’iil ay qabsadeen marinka Qaza sanadkii 2014-kii.

Sida wararka ay sheegayaan Jimcihii shalay wafdi ka socday sirdoonka Masar ayaa ka amba baxay Qaza iyaga oo ku sii jeeday Talaabiib, socdaalkan ayaana qeyb ka ahaa sida la sheegay waan-waanta Masar ay hor kaceeysa ee  ku saabsan isdhaafsiga maxaabiista Xamaas iyo Israa’iil ay kala haystaan.

Tarjume: Cismaan Caqiil

Wada-hadallada nabadda Afgaanistaan ​​oo goor dhow ka furmay Dooxa.

0

Magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar waxaa goordhow ka furmay wada-hadallada nabadda ee Afgaanistaan, kaasi oo ay martigalisay Qatar, waxaana tani lagu tilmaamay wada-hadallo taariikhi ah iyo tallaabo muhiim ah oo loo qaaday sidii nabad waarta looga abuuri lahaa  dalkaasi Afghanistan.

Furitaanka Wada-xaajoodyada nabadda Afgaanistaan  ayaa waxaa goobjoog ka ah Abdulla Abdulla oo ah madaxa Hay’adda Dib-u-heshiisiinta Qaranka ee Afghanistan, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Mike Pompeo iyo ergeyga Mareykanka u qaabilsan dib-u-heshiisiinta Afghanistan Zalmay Khaliil zaad.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa kula kulmay magaalada Dooxa wakiilo ka socda dowladda Afghanistan maalintii ay billaabeen wada-hadallada.

Pompeo ayaa bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay in lagu wada dhanyahay Dooxa si looga hadlo nabadeynta Afqaanistaan, taasoo uu ku tilmaamay guul u soo hoyatay Afgaanistaan, wuxuuna intaas ku daray in dadka reer Afghanistan ay mudan yihiin in ay ka nastaan dagaaladii xanuunaka badnaa ee  muddada ka socday gudaha dalkooda, wuxuuna sheegay in Dooxa uu u yimid in uu taageero dejinta khariidada waddada nabadda Afgaanistaan.

Wadahadallo u dhexeeya Dowladda Afghanistan iyo Taliban oo maanta ka furmaya magaalada Dooxa.

0

Magaalada Dooxa ee dalka Qatar maanta oo sabti ah waxaa ka furmaya wadahadalo nabadeed oo u dhexeeya dowladda Afghanistan iyo Taliban kaas oo lagu soo afmeeri doono dagaalka 20 sano ka socday dalkaas oo ay ku dhinteen tobanaan kun oo ruux.

Xafladda furitaanka wadahadalka waxaa ka qeybgali doona xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo, waxaana ay kusoo aadaysaa sanad guuradii 19-aad ee ka soo wareegatay weerarkii daarihii mantaanaha ee New York oo loo yaqaano 9/11(9/11/2001).
Saraakiil, diplomaasiyiin iyo falanqeeyeyaasha ayaa sheegaya in labada dhinac miiska wadahadalka la isugu keeno ayaa ah arrin guul ah.

“Wada xaajoodka wuxuu ka jawaabi doonaa su’aalaha waa weyn oo ay kamid tahay wadan noocee ah ayuu noqon doonaa Afghanistan” sidaa waxaa sheegay ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Afghanistan, Deborah Lyons.

Bishii February ee sanadkan, Mareykanka iyo kooxda Taliban ayaa heshiis taariikhi ah ku kala saxiixday magaalada Dooxa kaas iyadoo qodobada heshiiskaas ay kamid aheyd in xukuumadda Kabul iyo Taliban wadahadal ku dhameeyaan dagaalka ka socda dalkaasi.
Talian iyo Mareykanka ayaa ku heshiisay in ciidanka ajnabiga ah ee dalkaas jooga laga saari doona marka ah heshiis wada galaan kooxda Taliban iyo Afghanistan.

Madaxweyne Trump ayaa doonaya in doorashada madaxtinimada Mareykanka ee bisha November ka hor uu soo gabagebeeyay dagaalka Mareykanka uu hormuudka ka yahay ee Afghanistan ka socda. Dagaalka Afghanistan waxaa lagu dilay 2,300 oo askari oo Amerikaan ah tan iyo 2001 iyadoo in ka badan 100,000 oo shacab ah lagu dilay colaadaas.

Turkiga oo cambaareeyay xiriirka Israel iyo Carabta.

0

Dowladda Turkiga ayaa cambaareysay heshiiska Baxreyn iyo Isreal wada gaaree, wasaaradda arrimaha dibadda sheegtay in heshiiskan uu dhibaato weyn ku yahay qadiyadda Falastiin.

“Waa talaabo kale oo Isreal ku dhiirigelinaysa in ay sii waddo ficilada sharci darada ah ee ka dhanka ah Falastiin, waa arrin ka dhigaysa dhulka Isreal gumeysiga ku heysato in ay sii joogaan,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga.

Turkiga ayaa si adag uga hor yimid xiriirka diblomaasiyadeed ee carabta iyo Isreal dhex maraya kaasi oo uu curitiisa uu lahaa Madaxweynaha Mareykanka Donal Trump, oo doonaya in ay si buuxda Isreal uga mid noqoto Gobolka bariga dhexe.

 

Qaban qaabada aaska marxuum Shaafi Raabi Kaahin oo ka socota Kismaayo.

0

Magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka dowlad goboleedka Jubbaland waxaa ka socda qaban qaabada aaska guddoomiyihii  rugta ganacsiga Jubbaland marxuum Shaafi Raabi Kaahim oo shalay u geeriyooday qarax argagaxisadu ay ku weerartay dad shacab ah iyo mas’uuliyiin xilli salaadda Jimco ay kasoo baxeen.

Aaska ayaa waxaa ka qeyb gelaya Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”iyo mas’uuliyiin kale oo shalay safar deg deg ah ugu baxay magaalada Kismaayo si ay uga qeyb galaan aaska Marxuumka.

Madaxweynaha Jubbaland oo hay’adaha ammaanka amray baarista qaraxii Kismaayo.

0

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la qaatay sarakiisha hey’adaha amniga, iyadoo uu Madaxweynahu faray inay keenaan baaritaannada dhacdooyinkii u danbeeyay ee dhinaca amniga ah oo ay ugu danbaysay qaraxii shalay Argagixisadu ay la beegsadeen Dad shacab ah iyo mas’uuliyiin kasoo baxay masaajidka Qadiim ee magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale  faray Ciidamada Nabad sugidda iyo Booliska inay dardar galiyaan howlgalada sugidda nabadgalyada muwaadiniinta, isagoo xusay in loo baahan yahay feejignaan dheeri ah.

Mudane Axmed Maxamed Islaam “Madoobe” ayaa dhanka kale  Sarakiisha ciidanka Darawiishta ka dhagaystay natiijada howlgalka ka socda wadada xiriirisa degmooyinka Kismaayo iyo Af-madow, isagoo ammaanay sida ciidamada geesiyada ah ay u naafeeyeen argagixisada.

        

 

Baxreyn oo si buuxda u aqoonsaneysa Israel.

0

Baxreyn ayaa noqtay dalkii ugu dambeeyay ee carbeed oo si buuxda u aqoonsanaya Israel kadib wada xaajood lagu hagaajiyay xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dhinac, arrintan ayaa qeyb ka ah cadaadis diblomaasiyadeed ee Madaxweyne Donald Trump uu maamulkiisu ay ku doonayaan in si buuxda Israel  ay qeyb uga noqoto bariga dhexe.

Trump ayaa Jimcihii ku dhawaaqay heshiiskan, kadib wadahadal saddex geesood ah oo uu la yeeshay Ra’iisul-wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo Boqorka Baxreyn Hamad bin Ciisa Al Khalifa. Saddaxda hoggaamiye ayaa sidoo kale si wadajir ah u soo saaray bayaan  kooban oo caddeynaya heshiiskaasi.

Tallaabadan xriirka Israel iyo dalalka carbeed ayaan kusoo beeggantay sanad-guuradii 19-aad ee weeraradii Argagaxiso ee 11 September 2001 ayaa timid wax ka yar toddobaad marka uu Trump martigelin doono xaflad ka dhaceysa Aqalka Cad taasi oo lagu saxiixi doono heshiiska lagu aas-aasayo xiriirka buuxa ee Israel iyo Imaaraatka Carabta. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Baxreyn ayaa isna ka qeybgali doona munaasabadda.

Al-shabaab oo khasaare dhimasho iyo dhaawac uu ka soo gaaray qarax ay ku aasayeen Gaarisa.

0

Wararka ka imaanaya magaalada Garissa ee xarunta gobolka Waqooyi Bari ayaa sheegay in 3 qof oo looga shakisan yahay Al-shabaab ay ku geeriyoodeen 4 kalena ay ku dhaawacmeen,kadib qarax ay dhulka ku aasayeen oo iyaga ku qarxay.

Laamaha ammaanka Kenya oo war ka soo saaray dhacdadan ayaa xaqiijiyay geerida 3 qof xili ay qarax aasayeen,waxaana intaasi ay ku dareen in 4 qof oo dhaawacyo ay soo gaareen.

Police ayaa heley xog ku saabsan in 4 qof ee dhaawacantahay durba lagu qaaday gaari nuuca Toyota Hilux ah,islamarkaana ay qaadeen dad kale aan boolisku ahayn,ayan la baxsadeen.

Hay’adaha ammaanka dalka Kenya ayaa sheegay in maleeshiyada Alshabaab ay kordhiyeen mudooyinkii ugu dambeeyay miinooyinka ay dhulka ku aasayaan,gaar ahaan hareeraha waddooyinka,taasi oo ciidamadu ay feejignaan ka muujinayaan.

Kenya ayaa sheegtay in Ilaa 20 qof ay ku geeriyootay weeraro kala duwan oo Alshababa ay ka geysteen qeybo kamid ah gobolka Waqooyi Bari, inta u dhexeysay bilihii Janury iyo February

Madaxweynayaasha Puntland iyo Koonfur-galbeed oo kulmay.

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo howla shaqo ujooga magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka ayaa hoyga uu ka degganyahay muqdisho kusoo dhoweeyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Dani oo Booqasho iyo Salaan ugu yimid.

Mas’uuliyiinta ayaa qaatay kulan ku saabsanaa isxog wareysi iyo kala warqaadasho arrimaha siyaasadda dalka doorka labada Dowlad goboleed ay ka qaadanayaan Geedi socodka Dowladnimada dalkeena, ka shaqeynta amniga, horumarinta dhaqaalaha, la dagaalanka argigixisada iyo horumarinta Bulshada.

Kulanka ayaa sido kale labada Madaxweyne Siciid Cabdulaahi Dani iyo Cabdicasiis Xasan Maxamed lafta gareen kaga hadlay Wanaajinta iyo iskaashiga labada Dowladood Puntland iyo Koonfur Galbeed iyo dadaalada lagu dardargelinta hannaanka dowladeed.

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta gareen ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Puntland siciid Cabdullaahi Dani booqashada uu’ ugu yimid kulanka ayaa sido kale waxaa qeyb ka ahaa Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliyeed Sareeye guud Mahad Abdiraxmaan Aadan Taliyaha Ciidanka Booliska Siihayaha Wasaaradda Cadaalada iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Dr ali saciid fiqi.

AMISOM oo sheegtay in ay dardargalineyso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

0

Abaanduulaha Ciidamada AMISOM ee ka howlgalla Soomaaliya Gen Diomede Ndegeya oo booqasho ku tegay Taliska qeybta 1-aad ee Ciidamada Uganda ayaa sheegay in booqashadan ay tahay kormeer barasho ah oo uu ku tagayo dhammaan Xerooyinka AMISOM ee Soomaaliya.

Gen Diomede Ndegeya waxaa uu ku ammaanay Ciidamada Uganda ee AMISOM tallaabooyinkii ay Al-Shabaab ugala wareegeen degaannada Sabiid-Caanoole, Bariire, Awdheegle, Ceel Salini iyo Jannaale, oo katirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxaan kordhineynaa howlgalada lagu sugayo amniga, waana dagaalami doonnaa illaa inta Shabaab laga sifeynayo gudaha Dalka Soomaaliya ”ayuu yiri Gen.Ndegeya.

Ciidamada Uganda waa Ciidamada ugu badan ee ka tirsan AMISOM ee ka howlgalla Soomaaliya,waxaana ay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab.