Home Blog Page 842

Booliiska Galmudug oo beeniyay in koox Al-Shabaab ah laga daayey saldhigga Dhuusa-mareeb

0

Taliska Booliiska Galmudug ayaa Waxba kama jiraan ku tilmaamay Hadal Xalay ka soo yeeray Sarkaal Booliis ah oo ku saabsanaa in Saldhiga Booliiska Dhusamareb laga sii daayey Xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab.
Taliska Booliiska Galmudug ayaa Waxba kama jiraan ku tilmaamay Hadal Xalay ka soo yeeray Sarkaal Booliis ah oo ku saabsanaa in Saldhiga Booliiska Dhusamareb laga sii daayey Xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Galmudug Gaashaanle Sare C/kariin Xuseen Macalin ayaa Warbaahinta u sheegay in hadaladaasi ay yihiin wax aan Sal iyo Raad Toona lahayn,isagoo xusay in Salkaal kaasi looga baahan yahay caddeyn Maadaana Warkani uu dhaawacayo Sumcada Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Taliska Booliiska Galmudug ayaa Bilihii la soo dhaafay ku howlanaa Tayeynta Ciidamada Booliiska ah ee ka Howlgala Deegaanada Galmudug iyo Talisyadoona waxaana is badal weyn uu ku yimid Hababka ay u howlgalaan
Taliyaha Ciidanka Booliiska Galmudug Gaashaanle Sare C/kariin Xuseen Macalin ayaa Warbaahinta u sheegay in hadaladaasi ay yihiin wax aan Sal iyo Raad Toona lahayn,isagoo xusay in Salkaal kaasi looga baahan yahay caddeyn Maadaana Warkani uu dhaawacayo Sumcada Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Taliska Booliiska Galmudug ayaa Bilihii la soo dhaafay ku howlanaa Tayeynta Ciidamada Booliiska ah ee ka Howlgala Deegaanada Galmudug iyo Talisyadoona waxaana is badal weyn uu ku yimid Hababka ay u howlgalaan

R/wasaare Khayre oo guddoomiyey shir looga hadlay saameynta dhaqaale ee Covid-19

0

Muqdiaho:(SNTV)-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Xali Khayre ayaa guddoomiyey shirka joogtada guddiga qaran ee xakameynta cudurka faafa ee Coronavirus,

Ugu horreyn Ra’iisul wasaaraha ayaa warbixin ku aadan xaaladihii ugu dambeeyey ee Covid-19 ka dhageystay xubnaha guddiga, maadaama uu ka sii darayo xanuunka.

R/wasaare Khayre ayaa guddiga kula dardaarmay inay laba jibaaraan waajibaadka shaqo ee loo igmaday, si loo xakameeyo fidista Fayraska Corona.

Dhinaca kale waxaa intii uu shirka socday lagu soo qaaday saameynta dhaqaale ee uu bulshada ku yeeshay Covid-19 iyo sida loo wajahayo, xilli dalka uu ku jiro xaalad adag.

Dowladda federaalka oo kaashaneysa dalalka saaxibada la’ah ayaa wada dadaallo xoogan oo lagula dagaalamayo Covid-19 oo kiisaskiisu ay ku dhow yihiin illaa 1000 qof.

Dadka uu haleeyay COVID19 waxuu gaaray 4-milyan iyo 270 kun oo dhimasha ah

0

Fayraska Corona wuxuu diley ugu yaraan 271,780 qof tan iyo markii ugu horreysay oo uu ka soo ifbaxay dalka Shiinaha bishii  December ee sanadkii la soo dhaafay, sida lagu sheegay tirakoob ay sameysay wakaaladda wararka Faransiiska Jimcihii, sida ay xaqiijinayaan ilo rasmi ah tirada dadka dunida ee uu haleelay Corona Virus waxay gareen 4-milyan oo xaalad.

Jimcihii Mareykanka wuxuu diiwaan geliyay dhimashada 1,635 qof oo uu sababay Corona 24 saac gudahood.

Dhanka kale Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa ka walaacsan wararka dhiilada ah ee ka soo kordhaya Corona Virus maaddaama xogta la helay ay muujineyso in wadanka uu lumiyay in kabadan 20 milyan oo shaqooyin ah tan iyo markii gudaha dalkaasi uu ka dilaacay xanuunkan.

Sidi xaalada degdega ah loo giyay Mareykanka heerka shaqo la’aanta ayaa kor u kacday 14.7%, waxaana la sadaalinayaa haddii ay sii socota xaaladaha uu abuuray xanuunkan in shaqo la’aanta ay gaari karto 25%  bilaha soo socda.

Dhanka kale Midowga Yurub ayaa ku taliyay in la ilaaliyo dhamaan xuduudaha dalalka Yurub inta laga gaarayo 15 bisha June si loola dagaallamo cudurkan faafa ee Corona Virus.

Wasiirka Shaqada & Arrimaha Bulshada Oo Sheegay In Uu Bilowday Barnaamijka Baxnaano

0

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada ee Xukumadda Soomaaliya Sadiiq Xirsi Warfaa oo marti ku ahaa Barnaamijka Kulanka Todabaadka ee waraahin qaranka ayaa sheegay in barnaamijka Baxnaano uu bilaawday lixdii bishaan islamarkaana uu gaaray 17,666 qoys oo Soomaaliyeed ee Guud ahaan dalka oo lacagtooda loogu shubay teleefonadooda gacanta.

Marshuucaan waxaa ilaa iyo haatan laga fuliyay deegaano ka tirsan Maamulada Jubbaland,Koofur-galbeed iyo Galmudug.

Halka Maamulada Hirshabeelle iyo Puntland ay dhawaan gaari doonaan maadaama ay socdaan qorshahii lagu gaarsiin lahaa ama loo xulan lahaa in dadkii loogu talagalay la gaarssiyo .

Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa Wasiirka shaqada iyo Arrimaha bulshada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliland ay ka mid tahay goobaha la geyn doono hase ahaatee ay ka duwan tahay maamulada kala oo si gaar loo qiimeyn doono.

“Soomaaliland waa ka  mid tahay qorshaha in la gaarsiiyo Mashruuca Baxnaano hase ahaatee waa ka duwan tahay Maamul-goboleedyada kale ee dalka waxaana u qiimeyn doono si gaar ah “Sidaas ayuu yiri wasiirka Sadiiq Xirisi warfaa.

Ugu dambeyntii Wasiirka ayaa sheegay in mashruucaan uu yahay mid ay leedahay Dowladda Soomaaliyeed waxaana ka taageeray Bankiga aduunka waxaan bishii setember iyo sanadkii tagay ee 2019 lasoo marsiiyay golaha wasiirada ee Xukumadda Federaalka Soomaliya waxaana loogu talagalay in lagu taageero dadka saboolka ah eek u nool guud ahaan dalka.

Madaxweynaha Jamh.Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa daah-furay  18 bishii april Barnaamijka Baxnaano oo taakuleyn dhaqaale lagu siinayo qoysaskeenna danyarta ah, iyada oo wajigiisa 1-aad ay ka faa’iideysanayaan 1.3 Malyan oo ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee gudaha dalka.

Tartamayaasha Kaxda Oo U Soo Gudbay Wareegga 2-aad Ee Tartan Cilmiyeedka

0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii sagaalaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa Afar iyo Tobnaad oo ah wareegga koowaad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Heliwaa Vs Kaxda oo ka wada tirsan Gobolka Benaadir, waxaana barnaamijka sanadkii todobaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Heliwaa Vs Kaxda ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac.

Heliwaa

Tartameyaasha Degmada Heliwaa ee gobolka Benaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, waxaana ay iska qaldeen Afar su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Heliwaa ay heleen waxay noqotay lix (6) dhibcood.

Kaxda

Tartamayaasha Degmada Kaxda ee Gobolka Benaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, iyagoo iska qalday Afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Heliwaa, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Kaxda waxay noqotay toban (10) dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Kaxda ee Gobolka Benaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka shan iyo tobnaad ee tartanka, waxaa foodda is dari doono, tartamaayasha degmooyinka Garoowe Vs Warta Nabadda oo ka kala tirsan Gobolada Nugaal iyo Benaadir.

Barakacayaasha Daadadkii Ku Dhuftay Bacaadweyne Oo Dalbanaya Gargaar “Sawirro”

0

Weli xaalad adag oo la xariirta dhanka Nolasha ayaa ka taagan deegaanka Bacadweyne ee Koonfurta, taasoo saamayn ku yeelatay qeybaha bulshada, waxaana Faadumo Axmed Maxamuud iyo Nuuro Yuusuf Cabdi oo ka mid ah bulshada Bacaadweyne iminkana ku hoyanaya baadiyaha ayaa dalbanaya Gurmad deg deg ah.

Siiyaha Wasiirka Maaliyadda Galmudug Saciid Siyaad ahna Wasiirka Ba’ada ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay inay Bacaadweyne ka dhalan karto qatar caafimaad iyo mid nolaleed, taasoo u baahan in laga jawaabo

Deegaanka Bacaadweyne oo ay saameeyeen daadad ka dhashay roob halkaas ka da’ay wali ma jiro wax gurmad ah oo gaaray.

Shixnaddii 2-aad Ee Agab C/fimaad Oo Shiinaha Ka Timid Muqdisho Soo Gaartay “Sawirro”

0

Soomaaliya waxa ay guddoontay shalay oo Khamiis ahayd (7 May) shixnaddii labaad oo ah kaalmo agab caafimaad oo ay ku deeqday Dowladda aanu saaxiibada nahay ee Jamh. Shacbiga Shiinaha si looga hortago xanuunka Koroona feyrus, iyadooo ka koobnayd maaskaro, galoofyo, dareeraha gacmaha lagu nadiifiyo, qalabka baaridda-caafimaad iyo dharka ilaalinta leh ee loogu talogalay in ay ku labistaan xirfadlayaasha caafimaadka.

Deeqda caafimaad ee dowladda Shiinaha waxa ay ka qeyb tahay xiriirka taariikhiga ah iyo midka saaxiibtinimo ee labada dal u dhexeeya, waxaana la filayaa in gegidda diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cabdulle ee Caasimadda Muqdisho ay soo caga dhigtaan duulimaadyo kale oo sida kaalmooyin caafimaad oo muhiim ah oo ka kala imaanaya Dowladda iyo Hey’adda Jack Ma.

Tan iyo 24 Maarso, Soomaaliya waxa ay deeqo agab caafimaad ah oo labo shixnadood ah ka heshay Hey’adaha Ma Yun iyo Alibaba, si la mid ah waxa ay labo shixnadood kale ka heshay Dowladda Shiinaha.

Soomaaliya waxa ay u mahadcelinaysaa Dowladda iyo dadka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, waxa ayna bogaadinaysaa hindisahani bani’aadannimo ee looga hortagayo cudurka safmarka ah ee Koroona feyrus, waxa ayna dadaal ballaaran ku bixinaysaa sidii agabkaasi caafimaad loo kala gaarsiin lahaa dhammaan gobollada si loogu adeego shacabka.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa diiwaangelisay tan iyo 16 Maarso 928 bukaan oo uu soo ritay xanuunka Koroona feyrus, oo ay ka mid yihiin 106 ruux oo bogsatay iyo 44 ruux oo u geeriyootay.

Hiiraan Oo Bilowday Caratuur Looga Hortago Fatahaadda Webiga “Sawirro”

0

Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa bilaabay in ay caratuur ka sameyaan tuulooyinka hoosyimada Beledweyne si fatahaadda looga badbaadiyo shacabka tuulooyinka ku dhaqan, maadaama ay tabcan jireen dhulbeereedyo aad u waaweyn oo  nuucyada kala duwan oo dalagyada ka soo go’i jireen  tuulooyinka Bacaad  iyo Qooqaani aya ka mid ah goobaha laga bilaabay biya xireenada.

Maamulka iyo Guddiga arrimahan qaabilsan ayaa ku howlan sidii biyo xireenno loogu sameyn lahaa webiga Shabeelle oo laga cabsi qabo in uu fatahaado ka geysto magaalada Beladweyne, waxaana jirta meelo uu hadda ka soo jabsaday biyaha Webiga, taasi oo sababtay in qaar ka mid ah dadka degan Beledweyne ay iminka bilaabeen inay guryahooda ka barakacaan.

Yar’adua, Wuxuu Ahaa Madaxweyne Uusan Jirin Madaxweyne La mid Ah, Goodluck Jonathan, Ayaa Yiri.

Madaxweynihii hore Goodluck Jonathan ayaa sheegay in Madaxweynihii isaga ka horeeyay, Umaru Musa Yar’Adua oo uu ku tilmaamay inaanu jirin Madaxweyne la mid ah oo soomara talada xukunka dalkaasi islamarkaana u dhinta dalkiisa.

Qaar badan waxaa aaminsan yihiin in Guddoomiyihii hore Gobalka Katsina uu ahaa hogaamiyaha ugu wanaagsan ee Soomara dalka Afrika ugu dadka badan taniyo markii uu dib ug laabtay dimuqraadiyadda xisbiyada badan sanadkii 1999-kii. Wuxuu ahaa madaxweynihii labaad ee Rayid ah ee ku yimaada isagoo waafaqsan dastuurka haatan ee dalka Nigeria.

Yar’Adua waxa uu qabtay xafiiska sanadkii 2007-dii wuxuuna hogaaminayay muddo 3-sanadood ah. wuxuu geeriyooday isagoo 58-sano jir ah.

Sababta la og-yahay dhimashadiisa ayaa ayaa la sheegay in ay xiriir lalahayd xanuun iyo jiro dhinaca wadnaha ah oo uu kama dambeeyntii u geeriyooday.

Yar’Adu waxaa bedelay madaxweyne ku xigeenkiisii Goodluck Ebele Jonathan.

Jonathan oo soo dhammeeystay xilligiisa ayaa ku guulleystay inuu talada sii joogo taniyo sanadkii 2011-kii waxaanauu kamid ahaa ninkii ugu horeeyay oo soo dhiga boggiisa facebook-ga waxyaabaha lagu xasuusto Madaxweynihii uu isagu ku xigeenka u ahaa isaoo soo dhigay bogga social-media-yaha, waxyaabo ku saabsan wanaaggii uu lahaa Umara Yar’adu. Wuxuu sheegay in Yar’Adua uu buundooyin xoog lihi oo rajooyin badan uu ka dhistay oo uu wehliyay jaceyl iyo is-faham oo uu ku noqday xoogga midnimada qaranka iyo isbedelkii ka dhacay guud ahaan gudaha dalka Nigeria.

Fariintan Jonathan ayaa soo dhigay boggiisa waxaana qeyb ka mid ah ay u dhignayd sidan: “Waxay ahayd toban sano taniyo markii uu mudanaha Madaxweyne Umar Musa Yar’Adua uu si dhaqsiyo badan ay ula tagtay geeri sidatay gacmo aad u qabow.

Maalinta, sanadkasta, muuqaalkiisa iyo sawirkiisa ayaa ka buuxa maskaxda dadka taasina astaan ama calaamad muujinaysa inuu sameeyay naf hurnimo iyo waxyaabo wanagsan oo illaa iyo maanta lagu xasuusto.“Isagu wuxuu ahaa Madaxweyne aanu jirin mid lamid ah oo nasoo mara isaga noloshiisa oo kale islamarkaana dalkiisa udhinta. wuxuu garab istaagay shacabka, isagoona waqti iyo dadaal badan geliyay sidii uu ku wanaajin lahaa nolosha dadka. “habab badan ayuu u istaagay. wuxuuna lahaa shucuur uu doonayay inuu wax ku qabto oo uu ku sameeyo rajo wanaagsan taasoo ahayd mid ka dahsoon ama ka qarsoon dhinacyada khaladka qaranka qaranka si loo xoojiyo calaamadda qarannimada howshaasi oo  uu uga tagay kuwii isaga bedelay si ay usii xoojiyaan astaantii uu ka tagay.

Maxay Muslimiintu,Waajib Ugu Tahay Xushmeynta Bisha Ramadhan? (Why Muslims Must Respect Ramadhan)

Waa Xilli la Daahiriyo Nafta, Wax ka bedelis lagu sameeyo dareenka Cibaadada, Naf Huris-na lagu sameeyo Nafta oo La xakameeyo, Ramadhan-ku Ma Ahan Cunto Ka Soomis Keliya, oo Waxaa jira Wax intaa ka sii badan oo La Sameeyo.

Qaar badan oo aanan ahayn Muslimiin waxay ogyihiin in keliya in Ramadha yahay Bisha cuno Ka Soomidda. Si kastaba ha ahaatee waxaa jira wax intaasi ka dheeri ah oo la sameeyo. waqtiga bishan oo ah bisha 9-aad ee kutaala taariikh sheegaha Muslimiinta, Muslimiinta waa in ay iska daayaan baahiyaha kale ee uu jirku dalbanayo in loo sameeyo.

Waqtiga la daahiriyo Nafta, cabsida illaahna xoogga la saaro oo dareenka la siiyo, Naf hurnimana la sameeyo sidii loo xakameeyn lahaa nafta, bisha Ramadhaan waa ay ka badan tahay in afka la xerto oo aanan wax la cunin keliya.

Muslimiinta waxa loogu baaqaa intalagu jiro bisha barakeysan sidii ay dib ugu qiimeyn lahaayeen noloshooda, iyagoo naftooda waafajinaya barashada diinta islaamka. islamarkaana waa ina ay nabad la yeeshaan xitaa kuwii iyaga xumaanta ku sameeyay, ayna adkeeyaan xiriirka qoyska iyo saaxiibada iaygoo ka fogaanaya dhammaan waxyaabaha xun xun.

10-Koowaad:- Ramadhan waa 29 ilaa 30 maalmood waxaana loo kala qeybiyaa 3-waaxyood oo kala ah mid 10-maalmood ah. Sida uu Nabigeenna Muxamed Sheegay 10-ka koowaad waa Naxariis Raxma. 10-ka 2-aadna waa Dembi dhaaf, muslimiinta waxaa lagu booriyaa in ay helaan cafiska alle maxaayeelay waa xilliga ay Naxariistiisu ugu sareyso. 9-ka illaa 10-ka maalmood ee ugu dambeeysa maalmaha bisha Ramadhan, muslimiinta waxaa lagu booriyaa in ay adkeeyaan oo badiyaan baryada Allah SWT waayo waa maalmaha ugu barakada ee bisha Ramadhan, ee ah xilliga lasoo dejiyaya Qur’aanka Kariim-ka ah waana xilliga uu alle nafafka addoomadiisa uu ka xoreeyo Naarta Allow Nagu dar Kuwa Aad Ka xoreeyso Naarta.

Dadka xilliga soonka waxa ay tahay inaan la sameynin:- Waxaa muhiim ah inuu sameeyo shuruudo Fardi ah ka hor inta uusan soonku xiran. Inuu cuno kahor Fajir-ka inuu qaato ama uu cuno Suxuurta waa mid Sunno ah.

Nabigeenna Muxamed ‘NNKH’ ayaa waxa uu yiri,”Cunno Suxuurta, Waa laydiin ogol yahay,” Sida Bukhaari uu wariyay. waxaana ay ku egtahay marka uu bilowdo aadaanka Salaadda Subax Fajr.

Dadka Sooman waa in ay san si xun u dhaqmin ama aysan dagaalamin, maxaayeelay soonku waa gabaad ama difaac hooy ah qofka sooman waa inuu sidoo kale qofku waa inuusan u tagin xaaskiisa oo uu ka fogaadaaxilliga maalinta haddiiuu qof kula dagalamo ama uu ku aflagaadeeyo ku dheh labo jeer “anigu waan soomanaha”

Qofka Sooman Waa inuusan sheegin Beenta ama ficilada xun xun uusan ku dhaqmin Nabigeena Muxamed “NNKH” wuxuu yiri qofka aanan iska dhaafin hadalada nabyada iyo ficilada xun xun, Allah SWT uma baahna cunno iyo biyo ka soomidda qofkaasi ( mana aqbali doono alle soonkiisa.)”