Natiijada doorashada madaxtinimada Maraykanka oo goor dhaw la filayo.

Date:

Doorashada madaxtinimada Maraykanka ayaa lagu wadaa in dhawaan si rasmi ah loo shaaciyo, waxaana haatan soo baxday natiijada codadka ay shacabka iyo Ergada matalaysa gobollada dalkaasi ay ka dhiibteen doorashada 3-da November 2020.

Musharaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump oo ah madaxweynaha xilka haya wali iyo Joe Biden musharaxa xisbiga Demoqoraadiga oo madaxweyne ku xigeen u ahaa Obama ayaa mid walba sheegay saacaddii u dambaysay inuu ku horreeyo codadka ilaa hadda la tiriyey.

Codadka electoral college  oo ah 538, ayaa hadda waxaa Biden uu ka helay 238-cod, halka Trump uu helay 213-cod, taas oo muujinaysa inuu Biden horreeyo, waxaana guulaysanaya qofka hela 270-cod.

Trump oo goor dhaw hadlay ayaa xusay inuu guul wayn ka gaaray gobolka Pennsylvania oo leh ahmiyad wayn iyo gobollo kale, uuna gaaray guul wayn, balse ay doonayaan in doorashada la xado, waxaana uu xusay in maxkamadda sare joojin doonto dhammaan tirinta codadka, si looga digtoonaado qaladaad loo bareeray.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo la kulmay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdullahi...

WARSAXAAFADEED: Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka (GMDHD)

Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (GMDHD),...

Ciidamada amniga oo Khaarijiyay horjooge ka tirsan Khawaarijta

Taliska La-dagaalanka Argagixisada ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ka...

Xoghayaha cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo xilka la wareegay

Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xilka...