Carona Virus oo si wayn u saameeyey waxbarashada carrurta barkacayaasha ah+(SAWIRRO).

Date:

Dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan xeryaha dadka soo barakacay ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay saameyn wayn kala kulmeen cudurka Corona-virus oo dunida fara ba’an ku haya.

Dadkan oo nolol ahaan aad uga liita dadka kale ee wax heysta ayaa cudurka kala kulmay dhibaatooyin ay ka mid yihiin shaqa la’aan, Waxbarasho la’aan, oo ay u sii dheertahay inaanay awoodin inay ka hortagaan cudurka maadaama uu si deg deg ah kufaafayo.

Booqasho dhawaan aan ku tagnay deegaanka Garasbaaleey kaas oo ay deganyihiin dad isugu jira danyar iyo barakacayaal xilli hore  ka soo barakacay gobolada dalka sababo la xiriira abaar baahsan oo ku dhufatay ayaan halkas kula soo kulanay dad badan oo sheegay inuu cududrka si wayn u saameeyey waxbarashadii  carruurtooda qaarkood haatan ay guryaha iska joogaan.

Xaliimo Xirsi oo ka mid ah haweenka barakacayaasha ee degan mid ka mid ah kaamamka ku yaala Garasbaaleey ayaa iyadoo ay ku hareereysanyihiin carruuur ay dhashay iyo kuwa dariskeeda ah waxay noo sheegtay in cudurka uu waxbarasho seejiyey carrrur badan oo danyar ah, haatanna qaarkood ay guryaha iska joogaan.

“Carruurteennu marki horeba  waxbarasho fiican ma aysa heysan, hadana waxaa na saameeyey cudurka coronavirus maadaama la yiri guryaha hala joogo, sidaas ayeyna kujoogaan oo meel ay udhaqaaqaan malaha” ayey tiri Xaliimo Xirsi oo uwarameysay Warbaahinta Qaranka.

Intii aan joognay kaamka waxaan sidoo kale ku soo aragnay qaar ka mid ah carruurta barakacayaasha ah oo dhexdooda isku faa’ideynaya si ay iskusoo  xasuusiyaan waxbarashadii ay hore uqaateen,

Maxamuud Bilow oo ka mid ah ardayda barakacayaasha ah ayaa noo sheegay inuu bilaabay olole waxbarasho oo uu ardayda kaamka ugu celinayo waxbarashadii ay hore uqaateen kadibna uu usii bilaabi doonno waxbarashada kale, arintaasna ay ardayda si wayn usoo dhaweeyeen.

“Waxay fikradan igu dhalatay markaan arkay arday badan oo guryaha iska joogta, marka maadaama uu waqtiga socdo waxaan jecleystay inaan casharada ugu celiyo ardayda si ay uga faa’ideystaan fursadan” ayuu yiri Bilow.

Qaar kamid ah ardayda oo aan wax ka  weydiinay hakadka ku yimid waxbarashadooda   waxay noo sheegeen in intii lagu guda jiray saameynta cudurka ay joogsatay waxbarashadoodiiiyagoo intaas kudaray in haatan ay rajeynayaan in waxbarashadoodii ay dib ubilaaban doonto.

Dhinaca kale waxaan kaamka Garisbaalleey ka bilowday ollole dadka barakacayaasha ay isaga wacyigalinayaan qattarka cudurka Carona-virus iyadoo ay indhaheennu qabanayeen dumarka ka shaqeynaya Nadaafada iyo fayadhowrka kuna wacyigalinaya bulshada inay ku dadaalaan kala fogaanshaha.

Cudurka Caronvirus ayaa dunida ka bilowday bartamaha sanadkii hore waxaana dalka Soomaaliya ugu geeriyooday dad kor udhaafayo 100 qof, iyadoo uu haleelay ku dhawaad 4000 oo qof.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...