Home Blog Page 823

Madaxweyne Farmaajo oo meel-mariyey sharciga Maareynta Maaliyadda Guud iyo sharciga Shirkadaha Ganacsiga

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay sharciga Maareynta Maaliyadda Guud iyo sharciga Shirkadaha Ganacsiga oo hagaya qorsheyaasha dowladda ee dib u habeynta dhaqaalaha iyo la dagaallanka musuq-maasuqa.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka dadaalka ay ku bixiyeen sidii loo turxaan bixin lahaa, loona dhammeystiri lahaa sharciyadan oo waxtar weyn u leh hannaanka hufnaanta Maamul iyo xaqiijinta doorka dowladda kaga aaddan qaabeynta ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay in sharciga Shirkadaha Dalku uu si gaar ah u dhiirri gelinayo ganacsiga, shaqo abuurka iyo fursadaha maalgashi ee dalkeenna, dhawrayana xuquuqda hantiyeed ee muwaadiniinta.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey khubarada Soomaaliyeed ee soo diyaarisay sharciyadan iyo mudnaanta ay siiyeen in lagu jaangooyey talo soojeedintii ganacsatada iyo dhaqaalayahannada Soomaaliyeed.

Sharciyada Maareynta Maaliyadda Guud ee dalka iyo Shirkadaha Ganacsiga ayaa ka tarjumaya dadaallada wax-ku oolka ah ee Dowladdu ay ku bixisay sanaddadii la soo dhaafay yareynta musuqmaasuqa, xal u helista caqabadaha haysta ganacsatada Soomaaliyeed iyo xaqiijinta kalsoonida maalgashadeyaasha Caalamiga ah.

Cumar Filish oo ku baaqay in lala shaqeeyo laamaha ammaanka

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka ugu baaqay in ay si hufan ugu adeegaan Shacabkooda, kana shaqeeyaan sugidda amniga.

Mudane; Cumar Filish, ayaa hadalkan ka sheegay kulan looga hadlayay ammaanka Caasimadda oo Xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, shiraas oo ay goob-joog  ka ahaayeen Guddoomiyeyaasha Gobolka Banaadir.

Shirkan oo Todobaadle ah ayaa sidoo kale looga hadlay soo celinta bilicda Caasimadda, nadaafadda iyo tirakoobka Guryaha.

Guddoomiyaha ayaa ugu dambayn ku baaqay in ay laamaha ammaanka iyo Shacabka ku nool Caasiamaddu yeeshaan wada shaqayn baaxad leh,  si looga guuleysto cadowga Ummadda Soomaaliyeed.

Dhaqaatiirtii ugu horeyaay oo u anba baxay degaannada ayaxu ku dagay ee gobolada dhexe

0

Wasaaradda Beeraha iyo waraabka JFS ayaa dhaqaatiir u dirtay degaannada gobolada dhexe ee Ayaxu ku dagay toodobadayaadii ina soo dhaafay.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Beeraha iyo  waraabka mudane Xaamud Cali Xasan oo la hadalay warbaahinta ayaa sheegay in ay u direen dhaqaatiir la tacaasha  dhibaatadda ayaxu u ugeeystay beeraha iyo dhul daqsiimeedka degaannada gobolada dhexe ee bartamaaha Soomaaliyaa.

Dhaqaatiirta ayaa waxay qaybta hore howlgalkooda ay ka bilaabi doonaan isticmaalka suunta lagu la dagaalamo cayeeyaanka xaalufiyaa degaannada dhuldaaqsimeedka ee kamid yihiin beeraha, siidoo kale waxay bixiindoonaan kooxda dhaqaatiirta ee maanta u anba baxay gobolada dhexe tababarro ku adaan qabka la iskagaa ilaalsho ayaxa iyo cayaayaanka sameyaya degaannka

Wasaaradda Awqaafta Soomaaliya oo sheegtay in ay dib usoo nooleynayso Masaajidda Taariikigiga ah ee Dalka

0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya, Cismaan Aadan Dhuuboow ayaa sheegay in Wasaaraddiisu ay xoogga ay saareyso dib usoo celinta Masaajidda Taariikhiga ah ee Dalka.

Wasiir ku xigeenka ayaa hadalkan sheegay mar uu Xalayto booqday Masjidka Faqrudiin oo ku yaalla Degmada Shingaani ee Gobolka Banaadir,  isagoo Bulshada Soomaaliyeed ku boorriyay ka qeyb qaadashada kheyrka.

Agaasimaha Waaxda Diinta ee Wasaaradda Awqaafta, Sheekh Cali Sheekh Maxamuud (Sheekh Cali dheere), ayaa sheegay in Masjidkan uu kamid yahay goobaha Taariikhiga ah, isagoo Ummadda Soomaaliyeed iyo Dowladduba ugu baaqay in laga qeyb qaato dhismahiisa.

Sheekh Shaafici Sh Maxamed, oo ka mid ah maamulki hore ee Masjidka ayaa sheegay in  Masjidkani la dhisay 7 Qarni ka hor, isla markaana loo baahan yahay in dib u dhis weyn lagu sameeyo maaddaama uu bur-bur xooggan kasoo gaaray dagaalladii sokeeye ee Dalka ka dhacay.

Wasiir ku xigeenka Waxbarashada XFS oo gaaray Balad Xaawo

0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya, Feysal Cumar Guuleed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar Dhulka ah ku tagay Maanta Magaalada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo.

Wafdigan oo ay  ka mid ahaayeen Wasiir ku xugeenka Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, Pof; Cabdullaahi Sheekh Cali Qalloocoow iyo xubno kale oo ka tirsan Labada Wasaaradood ayaa waxaa soo dhoweeyay maamulka Degmada Balad Xaawo iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Wasiirrada iyo xubnaha kale ee ku wehliya socdaalkooda ayaa la filayaa in ay u kuur galaan xaaladda guud ee wax barshada magaalada Balad Xaawo iyo guud ahaan Gobolka Gedo.

Horjoogayaal Al-Shabaab ahaa oo ku geeriyootay qarax ay maleegayeen

0

Malleeyaal iyo Horjoogayaal ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday qarax ka dhacay degaanka Mililiqo oo ka tirsan Degmada Xarar-dheere ee Gobolka Mudug.

Dadka ku dhaqan degaanka Mililiqo ayaa warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed u sheegay in ay jug xooggan ka maqleen goob ay nabad-diidku ku diyaarinayeen Gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ay halkaasi ku naf waayeen Malleeyshiyaad ka tirsanaa Argagixisada iyo horjoogayaashooda, iyadoo ay u diideen Dadka Shacabka ah in ay goobtaasi tagaan.

Dadka ku nool Mililiqo ayaa sidoo kale sheegaya in ay Kooxda Al-Shabaab Maalmihii lasoo dhaafay halkaasi ka wadeen abaabul ay ku diyaarinayaan Gawaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, si ay Ummadda Soomaaliyeed ugu waxyeelleeyaan.

Ciidamada XD Ee Qeybta 43-aad Oo Howlgalo Ka Sameeyay Meelo Kamid Ah Wadada Kismaayo Iyo Jamaame ”Sawirro”

0

Ciidamada Xoogga dalka qeybta 43-aad ee deegaannada Jubaland ayaa labaddii maalmood ee la soo dhaafay howl galo qorsheysan ka waday deegaanada Muuse Xaaji, Araare iyo Kaban oo dhamaantood ka tirsan gobolka J/hoose.

Howl galka ayaa yimid ka dib markii ciidamadu shacabka ka heleen, qorshe kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab ay ku doonayeen in ay ku jabiyaan Kar karada webiga Jubba si uu ugu fataho shacabka, isla markaana ay weeraro dhuumaaleysi ah ugu qaadaan deegaannada xorta ah.

Korneyl Maxamed Badal Xasan oo ka mida saraakiisha howlgalkaan huggaamineysa ayaa Radio Muqdisho u sheegay, in howlgalku uu sii socon doono howlgalkani oo looga xoreynayo Kooxda Argagaxisada Al-shabaab.

Warka ayaa intaasi ku daraya in ciidaamada ay soo saareen tiro miinooyin ah oo ay hareeraha wadooyinka ku aaseen Al-shabaab.

 

Wejiga 2-aad Ee Dib-uheshiisiinta Bariga Mudug Oo Ay Saraakiil Militari Ka Qeyb-Galeen

0

Taliyaha Qeybta 21-aad ee Xogga Dalka Soomaaliya Generaal, Cabdicasiis Cabdulaahi Qooje iyo saraakiil kale ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu dhammeystirayo heshiisyadii ay horey ugaareen beelaha walaalaha ah ee deeganada Towfiiq iyo Afbarwaaqo. bariga gobolka Mudug

Kulanka oo ay soo qaban qaabiyeen Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya waxaal agaaoo  saaray Qodobo lagu xoojinayo heshiiskii horey udhex maray odayaasha labada dhinac ee degaanada Towfiiq iyo Afbarwaaqo,waxaana ka mid ahaa,

  1. In la fulliyo dhammaan qodoba ku xusan heshiiska ay wadda Saxiixdeen Walalaha ay dhexmareen colaadda.
  2. Guddigu wuxuu doortay Shir-gudoon, waana inuu qaab-dhismeedkiisu dhameys tirmaa

4-ta bari ah ee uu shirku socdo

3- Dowladda Faderalka Soomaaliya waxaa laga rabaa inay tayeyso Gudiga isku dhafka ah si ay u dar dargaliyaan nabadeynta iyo dhab- u-heshiinta beelaha walaalaha ah.

4- In wadahadalada sii socdaan,

5- In wadahadal lagu dhameeyo, xal waara laga gaaro wixii dhib ah oo aan laga samri karin, laguna lafa guro Shirarka soo socoda.

6-In guddiga isku dhafka ah ee Odayaasha labada Beelood gacan siiyaan Ciidanka Xooga DS si ay u fuliyeen heshiisyadda Nabadeed,

7-in Odaygii uhogaansami waaya Heshiisyada Nabadda ay CXDS tilaabo adag ka qaadi doonaan,

8- in Gogosha xigta la dhigo magaalada Gaalkacyo 5-ta February/20120 ayna fududeyso Dowladda Somaliya.

Dab Xalay Ka Kacay Goobo Ganacsi Oo Ku Yaal Magaalada Jowhar

0

Goobo ganacsi oo ku yaal suuqa ugu wayn magaalada Jowhar ayaa gabi ahaanba gubtay, kadib markii xalay uu dab qabsaday.

Kusimaha guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Maxamed Cabdi Sheekh iyo duqa magaalada Jowhar Saalax Muudeey Cali iyo mas’uuliyiin kale ayaa tagay dhismaha uu dabku ka kacay oo ah guri ay leeyhiin qoys caan ka ah magaalada Jowhar.

Dabkan oo aan illaa iyo hadda si rasmi ah aan loo ogayn sababta keentay ayaa waxaa ku gubtay dhammaan hantidii tiil goobahaas ganacsi oo isugu jirtey baqaarro lagu iibiyo qalabka dhismaha,farmashiyaal jumlo iyo tafaariiq ah,dukaan lagu iibiyo dahabka iyo dukaan lagu iibiyo bagaashka.

Dadaal ay sameeyeen dadka ganacsatada iyo dadka deriska la ah dhismaha dabka qabsaday ayaa suuragelisay in laga soo badbaadiyo qoys degenaa dhismaha uu dabku qabsaday,hase yeeshee waxaa gubtay dhammaan wixii hanta ay lahaayeen qoyska oo yiil guriga.

Ugu dambayntii waxaa lagu guulaystay daminta dabka iyadoo mid ka mid ah dabdamisyada magaalada Jowhar uu qayb wayn ka qaatay daminta dabka.

R/Wasaare Xasan Cali Kheyre Oo Kormeeray Tirakoobka Shaqaalaha Oo La Soo Gabagabeeyay

0

Guddi u xilsaarnaa Tirakoobka Shaqaalaha dowladda FS ayaa  soo  gabagabeeyay howlo la xiriiray sameynta xogo iyo kayd dhexe oo laga maamullo shaqaalaha dowladda. kaddib muddo toddobaadyo ah oo ay socdeen barnaamij loogu talagalay tirakoobkaasi,

R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo booqday gabagabadii howsha tirakoobka, waxaa warbixin buuxda oo ku saabsan qaabkii loo maamulay iyo sida habsamida leh ee uu u dhamaaday tirakoobkaasi halkaasi  ku siiyay wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Ra’iisul wasaare , Xasan Cali Kheyre ayaa uga mahadceliyay howsha qaran ee ay qabteen guddigaasi tirakoobka shaqaalaha dowladda,wuxuuna  tallaabadaasi ku tilmaamayin ay qeyb ka tahay qorshaha lagu horumarinayo shaqaalaha hay’adaha dowladda.

Tirakoobka, wuxuu suragal ka dhigaya in la helo xog iyo kayd dhexe oo laga maamullo shaqaalaha dowladda.” ayuu yiri wasiir Sadiiq Warfaa.