Saameynta uu Ayaxa ku yeeshay gobolka #Geeska_Afrika ayaa ah tii ugu darneyd muddo 25-sanno ah.
Halkan ka Daawo.
Saameynta uu Ayaxa ku yeeshay gobolka #Geeska_Afrika ayaa ah tii ugu darneyd muddo 25-sanno ah.
Halkan ka Daawo.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa maanta xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar kula kulmay Wasiirka wasaarada dhalinyarada iyo isboortiga xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Saciid Xamsa.
Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka wada shaqeyneed ee wasaarada iyo Maamulka gobolka banaadir iyo u diyaar-garowga tartanka ciyaaraha ee gobolada Dalka .
Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish iyo wasiirka wasaarada dhallinyarada iyo ciyaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya waxaa kaloo ay kulankaasi kaga hadleen sidii garoomo cusub loogu dhisi lahaa Dhallinyarada ku dhaqan gobolka banaadir iyo gobolada kale.
Wasaaradda caafimaadka ayaa maanta qabatay kulan ay ku soo dhaweynaysay saxiixidda sharciga golaha mihnadlayaasha caafimaadka qaranka oo uu saxiixay Madaxweynaha dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
Masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka, Xildhibaano ka tirsaan aqalka sare, la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha sharciga iyo masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galay kulanka oo loogu mahadcelinayey madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo saxiixay sharciga golaha xirfadlayaasha caafimaadka oo ay horey u meel mariyeyn xildhibaanada labada gole.
La taliyaha madaxweynaha ee arrimaha sharciga Abuukaate Keyse Saciid Cartan oo wasiirka Caafimaadka ku wareejiyay Dukumentiga sharciga Ayaa si kooban uga hadlay muhiimada sharcigan.
Senator Cismaan Maxamuud Dufle ayaa sharaxay marxaladihi uu soo maray Sharciga golaha mihnadlayaaaha caafimaadka oo soo biloowday 2014.
Wasiirkii ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya Axmed Xuuseen Macallin Ayaa xusay In sharcigan uu muhiim u yahay dhamaan Umada Soomaaliyeed.
Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulsahada Fowsiyo Abiikar Nuur Ayaa si faah faahsan uga hadashay muhiimadaha waaweyn ee uu xambaarsanyahay sharcigan.
“Waa sharci loo baahnaa waqtigiisa ayuuna ku yimid waana sharcigii ugu horeeyay waxaana sharcigaan uu kala saari doonaan yaa awood uleh dhaqtar yaase noqon karo ayay tiri wasiirka caafimaadka Fowsiyo Abiikar Nuur.
Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa dhaqan gelinta Sharciga golaha xirfadlayaasha caafimaadka oo wax badan kusoo kordhin doono Hanaanka Caafimaad ee dalka.
Ku-simaha madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, ahna madaxweyne ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee dowladda federaalka ah mudane Duraan Axmed Faarax iyo Wefti uu hoggaaminayo.
Wafdiga wasiirka oo shalay gaaray magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayna qayb ka ahaayeen masuuliyin ka tirsan bangiga aduunka iyo Mashruuca Baxnaano iyo ayaxa ayaa saakay kormeeray deegaanka jibba galle oo ah deegaan beeralay iyo dhul daaqsimeed isugu jira uuna saamayn ku reebay ayaxii inta badan ku habsaday dhul daaqsimeedka Soomaalida.
Wafdigan wasiirka ayaa si doo kale kulan gaar ah oo saxaafadu banaan joog ka ahayd kula qaatay aqalka Madaxtooyada Puntland Madaxwayne ku xigeenka Puntland Axmed Cismaan Cilmi Karaash iyo masuuliyin ka tirsan madaxtooyada Puntland.
Wasiirka ayaa lagu wadaa in kulama kala duwan la qaato madaxda wasaarada Shaqada,shaqaalaha,Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland ayna ka wada hadlaan islaashiga labada dhinac,mashruuca Baxnaano iyo barnaamijka lagu taageero shaqaalaha rayidka ah ee Soomaaliya ee uu taageero Bangiga aduunku.
Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka ayaa qaabilay Wafdi ka socda Koonfur Galbeed oo Garoowe kaga qeybgalay Shirka Iskaashiga Puntland iyo Koonfur Galbeed.
Afhayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Jama Deperani ayaa ka warbixiyey.

Wadadaan Oo Ay Si Isxilqaan Ah U Dhisayaan Ardayda Waxbarashada Koowaad Ee Heerka Jaamacada Ku Dhameystay Jaamacada Galkacyo Mudadii Ay Jirtay Ayaa Waxaa Maanta Si Rasmi Ah U Dhagax Dhigay Duqa Dagmada Galkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale Oo Ay Wehliyeen Gudoomiye Ku Xigeenka Dagmada Maxamed Cabdi Cilmi Iyo Qaar Ka Mid ah Xubnaha Golaha Deegaanka Dagmada Galkacyo.
Munaasabada Dhagax Dhiga Wadada Oo Ay Goob Joog Ka Ahaayeen Masuuliyiin Kala Duwan Ayaa Waxaa Ugu Horeyn Ka Hadlay Cabdulaahi Macalin Xasan oo ah Gudoomiyaha Ardayda Ka Baxday Jaamacada Galkacyo Waxaana uu Sheegay In Wadadaan Ay Tahay 1km Iyo Bar Iskuna Xiri Doonta Xarunta Cusub Ee Maama Khadiija Ee Jaamacada Galkacyo Iyo Dugsiga Sare Ee C/Laahi Ciise Isla Markaana Si Tabarucaad Ah Ay Ku Dhisayaan Ardaydii Ka Baxday Jaamacada 10kii Sano Ee U Danbeysay
Gudoomiyaha Jaamacada Galkacyo Injineer Muxyadiin Cabdullaahi Cabdi Iyo Cabdulqaadir Cali Jamac Qalabxoor Oo Ka Mida Shaqsiyaadkii Aas Aaska U Ahaa Hirgalinta Jaamacad Galkacyo Ayaa Wax Lagu Farxo Ku Tilmaamay Qorshaha Dhismaha Wadadaan Iyagoona U Mahad Celiyay Arday Jaamacada Ka Baxday Ee Dalkooda U Adeegaya
Duqa Dagmada Galkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale Ayaa Isna Dhankiisa Sheegay In Maamulka Cusub Ee Dagmadu Ay Ku Faraxsan Yihiin Talaabooyinka Horumarka Ay Uga Qeyb Qaadanayaan Ardayda Jaamacada Galkacyo Ayna Tahay Tusaale Ku Dayasho Mudan.

Wasiirada Warfaafinta iyo Maaliyadda xukuumada federaalka soomaaliya ayaa manta Kormeer shaqo ku tagay xarunta golaha murtida iyo madadaalada ee magaalada Muqdisho.
Madaxdaasi waxaa xaruntaasi ku soo dhoweeyay maamulka golaha murtida iyo madadaalada,iyagoo Kormeer ku sameeyay xafiisyada , masraxa tiyaatarka iyo qaybo kale.
Wasiirka warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Cismaan Abuukar Dubbe Ayaa dhankiisa sheegay in hobolada waaberi ay sameeyeen xiliyadii dambe isbadal ayna soo bandhigeen suugaan aad u qiima badan.
Wasiirka Maaliyada Xukuumada federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo kormeerkaasi ka dib hadal gaaban halkaasi ka jeediyay ayaa sheegay in suugaanta ay wax badan ka qaban karto wacyi galinta bulshada .
Kormeerkaan oo uu sidoo kale ka qeybgalay agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta C/Naasir xuseen,waxaa hoboladii waabari ay halkaasi ku soo bandhigeen heeso wacyi galin ah.

Waxaa dunida ku soo laba kacleeyay Xanuunka COVID19, Somalia waxay ka mid tahay dalalka uu dib ugu soo laaba kacleeyay Cudurka COVID19, Waxaa sare u kac ku yimid Number ka dadka laga helaayo xanuunka iyo sidoo kale warbixinnada ka imaanayo xarumaha Caafimaadka Guud iyo kuwa gaarka loo leeyahay ka helaynaa sare u kac ku yimid bukaanada la il daran calaamadaha xanuunka taas oo muujinayso .
Wasaarada Caafimaadka waxay dib u howl galisay gudiyada iyo tiirarka la tacaalida iyo xakameynta Caabuqa COVID19, waxay sidoo kale wasaarada caafimaadka dib u qaabayn ku sameesay hanaanka gurmadka iyo la tacaalida COVID19.
Waxaa si wanaagsan u shaqaynayaa xarunta wicitaanka dadwaynahay iyo Numberka Free ga a 449 oo ay dadwayanahay soo wici karaan xilli walba oo ay ka helayaan talo iyo ku xiriraan isbitaallada lagu dabiibayo COVID19.
Wasaarada Caafimaadka waxay dadaal dheeri ah ku bixinaysaa sare u qaadida baarita , Xoojinta wacyigalinta iyo tayaynta tabinta Qataraha.
Tirada guud xogta COVID-19 dalka, laga soo billaabo bisha March illaa November 2020
1 Tirada Guud ee labaaray Dalka 53,372
2 Tirada Guud laga helay dalka 4,382
3 Bogsashda guud ee dalka: 3,384
4 Dhimashada guud dadka u dhintay xanuunka 108
Xogta COVID-19 ee labaaray laga soo bilaabo 1st ilaa 17th November 2020:
Waxaa Labaray 5,509
Waxaa laga Lagahelay: 153
Waxaa Bogsootay 50
Waxaa u dhintay xanuuka: 1
Xogta oo Faahfaahsan
Banadir Somliland Puntland Koofur Galbeed Jubbaland Galmudug: Hirshabelle Wadarta Guud
Labaaray 2989 1,635 796 30 40 11 8 5509
Lagahelay 19 59 75 0 0 0 0 153
Bogsotay 14 0 25 0 9 2 0 50
Dhimash 1 0 0 0 0 0 0 1
Fiiri Gaara:
Sida muuqata xaalddaha gobalka Banadir waxaa kor u qaaday xaaladaha noogala soo gudbiyay gudaha Xalane (Aden cade International Airport) – UNSOS medical Facility oo soo gudbisay in ay baaritaan u sameeyeen 443 qofood,waxayna xaqiijiyeen 257 kamid ah dadkaas la baaray in laga helay cudurka, taaso noqonaysa in 58% xaladaha uu baaray UNSOS medical Facility laga helay Covid19.
War qoraal ah oo ka soo baxay Gudiga xaalada deg dega ee dowlada itoobiya u xilsaartay gobalka tigreega ayaa lagu sheegay in muuqaal ay baahiyeen qaar ka mid ah saxaafada caalamka oo muujinayay duqeyn ka dhacday Mekelle uu yahay war aan sax ahayn islamarkaana ku saleysan xog TPLF bixisay iyadoo aan laga xaqiijin ciidanka gaar ah ee xaalada deg dega .
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu beeniyay wararka sheegaya in dad rayid ah lagu laayay howlgalka.
Ciidanka difaaca qaranka itoobiya waxay qaadeen weerar howlgalo xaga cirka oo la hubo ka fuliyeen banaanka Mekelle iyadoo laga duulayo xog la helay oo ku saabsan bartimaameed cayiman oo TPLF muhiim u ah ayaa lagu yiri qoraalka
Howlgalka meel marinta sharciga ee ciidanka itoobiya tan markii uu bilowday waxaa ciidanku ka fogaanayeen magaalooyinka si looga dhowrsado qasaare shacabka soo gaara ayaa qoraalka lagu sheegay.

Ra’isulwasaaraha itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in sadax cisho oo loo qabtay in ciidanka TPLF ay isku dhiibaan ciidamada Qaranka ay maanta dhamaatay.
Fariin ka soo baxday xafiiska Ra’isulwasaaraha oo lagu gudbiyay luuqada tigreega ayaa ahayd in 72 saac ay isku dhiibaan ciidanka la qalday ee TPLF oo ay naftooda badbaadiyaan
Abiy ahmed ayaa sheegay saakay in inkastoo waqtigu ka dhacay hadana ay wali fursad heystaan dagaalyahanada TPLF in ay ciidanka isku dhiibaan
Ra’isulwasaaraha wuxuu tilmaamay in ciidanka dowladu ay qaadayaan talaabooyin kale oo sharciga lagu meel marinayo.