Home Blog Page 820

Wasiirka Cadaaladda oo aaladda fogaan aragga ah kula shiray Sarkaal ka tirsan Hay’adda UNDP ee Soomaaliya+(SAWIRRO).

0

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta aaladda fogaan aragga kulan kula qaatay Mason Jocelyn oo ah sarkaal ka tirsan hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka horumarinta mashaariicda ee UNDP,

Kulanka ayaa waxa uu ahaa mid muhiim ah, waxayna ku heshiiyeen in si wada jir ah loo fuliyo dhammaan arrimaha muhiimka u ah helitaanka Caddaaladda ee Soomaaliya iyo sidii bulshada ay u heli lahayd xukunno calaadda ah.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda mudane Cabdulqaadir, ayaa la wadaagay in uu ku faraxsan yahay shaqada wanaagsan ee ay u hayaan dadka Soomaaliyeed, waxaana uu balan qaaday inay xoojin doona u adeegidda bulshada Soomaaliyeed.

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland oo abaalmarino guddoonsiiyay dhallinyaro tartan orod loo qabtay+(SAWIRRO).

0

Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa abaalmarin guddoonsiiyey orodyahanada kaalmaha hore ka galay tartanka Orodka 5km ee Puntland  oo galabta lagu qabtay Garoowe.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland  ayaa bogaadiyey orodyahanada tartanka ka qeybgalay oo ka kala yimid Gobolada Puntland iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha shaqada wanaagsan ee ay qabteen.

Tartanku markii uu dhammaaday waxaa uu Madaxweyne Ku-xigeen Dowlad Goboleedka Puntland  uu Abaalmarin isugu jirta lacag iyo bilado guddoonsiiyey saddexdii orodyahan ee kaalmaha hore galay, kuwaasi oo kala ah Maxamed Cabdinuur Jaamac oo kaalinta koowaad galay, Fu’aad Siciid Cali oo isna kaalinta labaad galay iyo Maxamed Muxiyadiin oo kaalinta saddexaad galay.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, xubno ka tirsan goleyaasha dowladda, Maamulka gobolka iyo kan degmada, dhallinyaro, haween iyo marti sharaf kale.

(DAAWO) BARNAAMIJKA WARGAYSYADA CAALAMKA ©SNTV // 18 -11 -2020.

0

Halkan ka Daawo Barnaamijka Wargaysyada Caalamka.

(DAAWO) BARNAAMIJKA DALJIR ©SNTV // 18-11-2020.

0

Halkaan ka Daawo Barnaamijka DALJIR.

(DAAWO) Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka tacsiyeeyey Geerida -Alle ha u naxariistee- Ra’iisul Wasaare Cumar Carte Qaalib.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, Qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee- Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Marxuum Cumar Carte Qaalib oo maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Halkan ka Daaw

https://fb.watch/1QXhSqs1FC/

(AKHRISO) Taariikh Nololeedkii Alaha u naxariitee Ra’iisul Wasaare Cumar Carte Qaalib.

0

Waa Kuma Cumar Carte Qaalib ?
(Taariikh kooban )

Cumar Carte Qaalib , waxa uu ku dhashay magaalada Hargeysa sannadkii 1930 , waxaana uu waxbarashada hoose/dhexe uu ku qaatay Hargeysa , waxa la sheegay in uu ka baxay dugsi sare oo ku yaalla magaalada Cadan ee dalka Yemen, markii dambe waxa uu wax ku bartay jaamacada Bristol ee dalka Ingiriiska .

Markii uu soo laabtay 1950-yadii waxa uu maamule ka noqday dugsi ku yaalla magaalooyinka Laascaanood , Hargeysa iyo Berbera , Ingiriiska ayuu ku noqday sannadkii 1956 isaga oo takhasus ku sameeyay waxbarashada sare , waxa uu soo laabtay sannadkii 1958 oo loo magacaabay maamule ku xigeenka dugsigii dhexe ee Sheekh , markaa dib waxa uu maamule ka noqday dugsi hoy ahaa oo ku yaalla magaalada Gabiley.

Waxa uu ka tirsanaa xisbi la odhan jiray United Somali Congress , markii ay Somaliland Ingiriiska madaxbanaanida ka heshay 26 June 1960 , waxa uu ka mid ahaa raggii siyaasada majaraha u hayey .

Markii kacaanku la wareegay talada Soomaaliya , waxa loo magacaabay wasiirka arrimaha dibeda 1969 , waxa uu noqday Madaxweynaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay 1972 , sannadkii 1974 waxa uu Soomaaliya ku daray ururka jaamacada Carabta . Waxa uu xilka wasiirka arrimaha hayey illaa 1977.

7 June 1982, Cumar Carte Qaalib iyo 16 siyaasi oo kale ayaa laga qaaday xilalkii ay ka hayeen dawladda iyo xisbigii hanti-wadaaiga kacaanka Soomaaliyeed , waxaana 7 Febuary ee sannadkaasi maxkmada la soo taagay Cumar Carte iyo Madaxweyne ku xigeenkii i oo ahaa Ismaaciil Cali Abokor . Cumar lagu xukumay dil 1989 ka dib toddobo sanno oo uu xidhnaa , laakiin dilkiisa waxa baajiyay cadaadis ka yimi beesha caalamka iyo ururada u dooda xuquuuqda aadamaha , waxaana loogu badelay xabsi.

Waxa lagu hayey xabsi guri uu ku jiray laba sanno , bishii January 1991 , ayaa Maxamed Siyaad Barre u macaabay Ra’iisalwsaare si uu u soo dhiso dawladd wada hadal la gasha mucaaradkii USC oo gudaha u soo galay magaalada Muqdisho. Maxamed Siyaad Barre , waxa xukunka laga tuuray 26 January 1991.

Markii ay dawladdu sii burburaysay , waxa uu ugu baaqay ciidamadu in ay hubkoodu ku wareejiyeen jabhadaha dagaalka kula jiray , waxaana uu arkayey taasi xal nabad horseedi kara oo colaadaha la isku afjaro.

Garabkii siyaasada ee jabhadii USC , ayaa Cali -Mahdi Maxamed u doortay Madaxweyne , waxaana uu isna Ra’iisalwsaare u magaacabay Cumar Carte Qaalib , oo jagadaasi hayey illaa bishii May 1993.

1993 , waxa uu ka qayb galay shirkii beelaha Somaliland ee magaalada Boorama, waxaana uu tartamay Madaxweynimo.

Somaliland ayuu ku soo laabtay sannadkii 2002, isaga oo madax ka noqday ururkii Hormood , oo ka qayb galay doorashadii dawladdaha hoose ee bishii December , ururkaasi ayaan ka mid noqon saddexdii xisbi ee ka soo baxay doorashadaasi .

Carte dadka yaqaanaa , waxa ku tilmaameen in uu ahaa siyaasi karti badan oo qunyar socod ah , waxaana uu ahaa nin isku kalsoon hankiisu sareeyo.

Fiiro-gaar ah : Wixii aan ka tagay waa lagu dari karaa , wixii khaldana waa la sixi karaa .

Xigasho: Maxamed Boosh

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ka tacsiyeeyay Geerida Allaha u Naxariistee Ra’iisul Wasaare Cumar Carte Qaalib.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay -Alle ha u naxariistee- Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Marxuum Cumar Carte Qaalib oo maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha ayaa xusay muddadii dheerayd ee Marxuumku uu u soo shaqeeyay dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isaga oo soo qabtay xilal diblumaasiyadeed oo door weyn ka qaatay sare u qaadidda maqaamka iyo magaca dalkeennu ku leeyahay caalamka.

“Alle ha u naxariistee Marxuum Cumar Carte Qaalib waxa uu door weyn kasoo qaatay bilowgii dowladnimadeena. Waxa uu soo noqday Ra’iisul Wasaare iyo Wasiir Arrimo dibadeed. Waxaan xasuusannahay sida uu dadaalka ugu bixiyay in Qaranka Soomaaliyeed uu si mugleh uga dhex muuqdo saaxada siyaasadeed ee caalamka”.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

DHAMMAAD

Dagaal culus oo ka socda magaalada Shire oo u dhaw xadka dalka Eritrea.

0

Dagaal culus ayaa ka soconaya magaalada Shire ee waqooyiga Itoobiya halkaas oo ay ku dagaalamayaan ciidanka dowlada iyo TPLF.

Wararka laga helayo shaqaalaha gar-gaarka ayaa sheegaya in ciidanka Itoobiya ay dhowr jaho ka weerareen magaalada Shire oo ay ku nool yihiin dad lagu qiyaasay 47,000 qof, waxay xigtaa dhanka Eritrea waxayna xuduuda u jirtaa 200Km

Deegaanka Shire ayaa waxa ku yaala xeryo ay ku noolyihiin dad qaxooti ah oo badankooda Eritrea ka yimid.

Dowladda Itoobiya wali wax war ah kama soo saarin dagaalka Shire   Ciidanka Itoobiya ayaa horay ula wareegay magaalooyin ay ka mid yihiin Humera iyo Alamata.

Guddoomiye ku-xigeennada cusub ee Gobolka Banaadir oo si rasmi ah xilalkooda ula wareegay+(SAWIRRO).

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magalaada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa maanta xilalka u kala wareejiyey Guddoomiye ku-xigeenada Cusub ee Gobolka Banaadir iyo Guddoomiye Ku-xigeenadii Hore iyo sidoo kale xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir kadib munaasabad lagu qabtay xarunta dowladda Hoose ee Xamar.

Xafladda waxaa kaloo ka qeyb galay xubno kale oo ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magalaada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa ku amaanay guddoomiyeyaasha xilka wareejiyay inay howlfiican qabteen, waxaana uu kula dar daarmay ku-xigeennada cusub inay shaqada dar dargeliyaan oo ay la yimaadaan hannaan shaqada lagu horumarinayo.

Guddoomiyaha ayaa xusay in Agaasimeyaasha guud dowladda Hoose ee Xamar looga fadhiyo inay idin kala baraan shaqaalaha gobolka, waxaana shaqaalaha la hadli doontaan marka aad xog ogaal noqotaan oo aad kala barataan.

Wasiirka Warfaafinta oo Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida ku timid Cumar Carte Qaalib.

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa uga tacsiyadeeyay Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum Cumar Carte Qaalib oo ku geeriyooday magaalada Hargaysa.

Marxuumka ayaa muddooyinkan dambe ku xanuunsanayay magaalada Hargeysa.

Allaha u naxariistee Marxuum Cuar Carte Qaalib waxa uu ku dhashay Gobollada Waqooyi ee dalka sanadka marka uu ahaa 1930-kii.

Dowladdii dhexe ee dalka intii  u dhexeysay 1969-77-kii waxa uu ka soo noqday Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

24-kii Janaayo sanadkii 1991-kii ka hor inta aan la ridin dowladdii dhexe ee dalka waxaa loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, laakiin inta uusan soo dhisan gole Wasiirada labo maalin kaddib waxaa la riday dowladdii dhexe 26-kii Janaayo 1991-kii.

Dowladdii Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed ayuu marxuum Cumar Carte Qaalib waxa uu ka noqday Ra’iisul Wasaare intii u dhexeysay 1991-kii ilaa iyo 1993-dii.

Xogta taariikhda: Cabdicasiis Cali Ibraahim (Xildhibaan)